Thursday 14 November 2024
Weydiin E-mail lagu soo diray:
Da’daydu waa toddobaataneeyo. Waxa aan la kulmay gabadh iga yar labaatan sanno, waxaanay ii muujisay firfircooni aragtiwadaag oo aan la iska dhegomarin karin ama aan laga warwareegi karin. Waxa ay la da’ tahay inantayda, aniguna waxa aan aaminsanahay in da’dayda sii koraysaa hoos u dhigtay ka fikirka jidhkeeda iyo danaynta dumarka ee ka dhalan karra xidhiidh kan oo kale ah. Waxa aannu isu ballansannaa in aannu casho u wada baxno, waxaannanu isu raacnaa safarrada dhammaadka isbuuca. Waxa ay dardargelisaa habfikirkayga iyo doodaha aan qabo. Anigu wax ayaan qoraa, aragtiyaha aannu gabadhan is weydaarsannaana waxa ay sameeyaan hal-abuur dhinaca aragtiyahayga ah. Haddaba dhibaatadu waxa ay ka taagantahay weydiintayda ah: ma igu waajibbaa in aan gabadhan dhallinyarada ah ka tago, oo aan joojiyo xidhiidhkayagan ah dhinaca aragtiyaha?
Mike, Maraykanka
Waxa aan aaminsanahay in weydiintani tahay mid soo jiidasho leh, soo jiidashaduna keliya kuma jirto weydiintan ina hortaalla ee qayaxan, se waa mid ku jirta weydiimo kale oo sooyaalka aragtiyaha ku dhex abaaday. Qacda hore, weydiintani waa mid u muuqata mid caadi ah oo aanu halxidhaale furfur u baahani ku dahsoonayn. Waxa aynnu farriinta ka aragnaa saaxiibtinnimo laba qof oo kala da’ ah ka dhexaysa, kaalmaha ay bulshada kaga jiraanna kala duwan tahay, haddana kala duwanaantaas oo jirta saaxiibtinnimo dhexmari karto. Xitaa marka la joogo falsafadda, oo ah waxa aan daneeyo ee takhasuskaygu yahay, wax dhib ah oo furdaamin u baahani kuma jirto arrinkan; umana malaynayo in uu jiro falsafadyahan dhab ah oo diidi kara muhiimadda xidhiidhada saaxiibtinnimo ee hagaagsan, marka laga reebo qof ku nool nolol si dhammaystiran u xidhxidhan, kuna nool geeri-go’an aanan filayn inay ku taallo dhulkan aynnu naqaan.
Iyada oo uu jiro qiraalkan cad ee ku saabsan saaxiibtinnimadu, haddana wax qarsoon ayaan kala soo dhexbaxayaa hadalka iyo isku aaddinta ereyada ee Mike, waxaas oo ay suurogal tahay in uu maskaxdayda isweydiin iyo xalxidhaale hor dhigo. Waxa ugu horraysa tilmaanta soo noqnoqotay ee da’da, gaar ahaan marka uu leeyahay “waxa ay la da’ tahay inantayda” iyo hadalka uu farriinta kusoo xidhay ee ah: “Ma igu waajibbaa in aan gabadhan dhallinyarada ah ka tago”. Arrinka labaad tilmaanta xidhiidhka la leh jidhka qofka ee dareennada abuurta ahi kicin karaan. Waxa cad in labada arrin xidhiidh weyni ka dhaxeeyo, mana aha wax aan badnayn in nimanka da’da weyni helaan hablo da’ yar oo dareenkooda soo jiita; hase ahaatee, is weydiinta Mike waxa ay la mid tahay is weydiin dunida oo dhan ka caanbaxday, ka dib weydiintaas lagu soo daray filimkii ‘When Harry Met Sally’. Sida filimka ku jirta, Harry waxa uu si mala’awaal ah oo aan maangalnimada is weydiinta ku dhisan ku jirin isku qancinayaa in aanay suurogal ahayn in nin saaxiib la noqdo gabadh uu quruxdeeda la dhacsanyahay oo soo jiidatay. Harry waxa uu ku qanacsanyahay in qofka gabadh sidaas ah saaxiib la noqdaa gabadhaas jidhkeeda doonayo, rabitaan kalena uga dan leeyahay. Weydiinta aynnu si kale u dhigno: rabitaanka ninku gabadha rabaa ma ku caqabad baa in uu saaxiibtinimo aan wax kale ka hoosayn la sameeyo?
Is weydiintani ma aha in ninkan Mike ee farriinka soo diray sumcaddiisa meel looga dhacayo. Keliya waxa aan xoogga saarayaa hadalkiisa ah “waxa aan aaminsanahay in da’dayda sii koraysaa hoos u dhigtay ka fikirka jidhkeeda iyo danaynta dumarka”, waxaanan furfuri doonaa hadalkan, anigoo ka soo qaadaya in Mike iyo bulshadiisuba aaminsanyihiin muhiimadda mawduuca galmada iyo ka fikirka jidhka qofka kale ee ay ku leeyihiin nolosha qofka ee guud. Haddaba, si aan uga jawaabo weydiinta Mike, waa inaan dhinacayga is weydiiyaa: ma aaminsanahay in qofka xidhiidh aragti is dhaafsi ah lala samayn karo (nin iyo gabadhba) iyada oo qofkaas kale qofka rabitaankiisa kiciyo?
Si aan jawaab mudan uga bixiyo weydiintan, waa inaan sooyaalka ku gaarka ah saaxiibtinnimada aragti is dhaafsiga dib ugu laabtaa. Shakhsiyadda ugu muhiimsan sooyaalkan, uguna horraysay, waa Diotima. Waxa aan weydiinta Mike kaga jawaabayaa anigoo kaashanaya khibradda ay ka tagtay Diotima, waxaanan leeyahay Mike waa in uu sii wado saaxiibtinnamadaas, sababtoo ah waa wax ammaan iyo bogaadin mudan. Si aan fikirka Diotima u caddeeyo waa in aan kaashadaa sooyaalka aragtiyaha, si gaar ahna waxa aan ula jeedaa Plato iyo saahidnimada [diinta].
Diotima: qofka oo xaqiiqada laga dhex akhristo
Ma hubno in Diotima qof jira oo sooyaalka dunida soo martay ahayd, marka laga reebo in ay ku xusantahay wadasheekaysigii Plato. Sidaas oo ay tahay, kama dhigna in ay tahay qof uu samaystay oo mala’awaal ah, sababtoo ah dhammaan shakhsiyaadka ku jira wadasheekaysiga Plato waxa ay u taagnaayeen dad dhab ah oo uu la kulmay. Haddiiba ay jirto Diotima (waana sida xaqiiqada u dhow caddaymaha jira awgood), waxa ay ka dhigantahay in gabadhani ahayd dumarkii u horreeyey falsafadda bartay, dhinaca kalena wadaadad ahayd. Waxa la sheegaa in Diotima tahay gabadhii jacaylka bartay Socrates, casharradeeduna waa kuwa uu ku diwaangeliyey Plato wadasheekaysigiisa, qaybaha casharradaas ee jacaylka la xidhiidhana ka dhigay kuwo heersarreeya.
Diotima waxa ay aaminsanayd in jacaylku heerar maro. Bilawga waxa aynnu jeclaannaa waxyaabaha qurxoon, sida jidh qurux badan, markaas qof ayaa aynnu sidiisa u jeclaannay. Marka aynnu xaaladda Mike eegno, waxa ay noqon kartaa in uu bilawgiiba la dhacay “gabadhaas dhallinyarada ah”, firfircoonideeda iyo quruxdeeda awgood. Heerkan ka dib, sida Diotima aaminsantahay, waxa dhaca arrin la yaab leh: jacaylka dhabta ah ayaa la falgala qaabka aragtiga guud ah. Qofka wax jeceli waxa uu bilaabaa in uu arko qaababka iyo waxyaabaha guud isaga oo ka duulaya waxyaabo cayiman. Heerkan waxa bilaabma jacaylka dhibirsanaanta qofka, wanaaggiisa, gobannimadiisa, nafhurnimadiisa, kaalmadiisa iyo wadaaggiisa. Waxa kala soocaya jacaylka ka hor iyo ka dib, waa in marka qofku dhadhamiyo tijaabada jacaylka uu tilmaamahan gaarka ah qofka ku jeclaanayo xilli kasta, oo aan ahayn wakhti gaar ah oo xaddidan. …….. Sida Diotima aaminsantahay, xidhiidhka labada qof ee ku bilaabma wax la taaban karo ama la arki karo (sida jacaylka Mike iyo gabadhan dhallinyarada ah u dhexeeya) waxa uu ku dambeeyaa xidhiidh maanka iyo ruuxda labada qof ka dhexeeya. Jidhku muhiim maaha xidhiidhka sidan ah. Waxa keliya ee muhiimka ahi waa ku dedaalidda aragtida iyo horumarinta hal-abuurnimada labada qof ee is jecel.
Nolosha saahidnimada: ka fogaanshaha waxa rabitaanka galmo kicinaya
Dhibaatada ka taagan hindisaha jacayl ee Diotima keentay waa in dad badani wax adag u arkaan marka ay isku dayaan in ay gaadhaan heerkan qaadhgaadhnimo iyo dhawrsanaan, una arkaan wax aan suurogal ahayn oo aan la awoodin in laga soo baxo shuruudaha jacaylkan. Haddiiba innagoo hayna niyad wanaagsan oo dhawrsan isku dayno in aynnu saaxiibtinnimo aragti is dhaafsi ah samaynno, waxa aynaan ka fakanayn jidhkeenna iyo dareennada gudeed oo ina xasuusinaya rabitaankeenna. Waxa aynnu aragnaa dad badan oo ay duufsatay shahwaddoodu, waxa keliya ee ay ka fikiraanna tahay rabitaankooda galmo, dunidana waxyaabaha shahwadda baraarujinaya ayaa ka buuxa. Plato waxa uu aaminsanyahay in dadku inta badan u hoggaansamaan rabitaankooda u baaqaya, oo inta badan doonista naftu ka xoog badato.
Haddii aynnu iska qaadanno aragtida sheegaysa in rabitaankeenna shahwadeed hoggaamiyo awooddeena garaad, maxaa aynnu samayn karnaa haddii aynnu ka dhab sheegayno muhiimadda fikirka falsadaysan ee nolosheenna? Jawaabtu waa dhawrsanaanta. Dhaxalka diiniga ah sida ku jirta, dadka si dhab ah ugu dhaqmaya diintooda, ee aan rabin inay ku xadgudbaan soohdimaha diintu dhigtay, waa in ay saahidaan. Marka Kiristaanka la joogo, wadaaddadu waxa ay leeyihiin sooyaal dheer oo ka fogaanshaha inay xidhiidh la sameeyaan jinsiga kale. Dhaxalka diiniga ah ee laga dhaxlay Saint Benedict, awaamirtu waa kuwo waajib ay tahay in la raaco marka xerta la dhex joogo. Awaamirtaas mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsanina waa dhawrsanaanta. Waa in aan xerowda xerta ka tirsan, rag iyo dumarba, ka fikirin galmo, dadka meeshaas wada joogana aanu qofku xidhiidh rabitaan galmo la xidhiidha la samaynin.
Benedict waxa uu ku doodayaa in marka aynnu nafaheenna ka xorayno rabitaanka shahwadeed, keliya si dhab ah uga fikiri karno Eebbe iyo wanaaggiisa. Dhaqankeenna suubbani ma hirgali karo inta aynnu u hoggaansamayno rabitaankeenna, jidhkana ka fikiraynno. Garaadkeennana si toosan uma adeegsan karno xilliga hoormoonnada galmo jidhkeenna si dhab ah uga shaqaynayaan.
Waxa laga yaabaa in wadaaddo badani farriinta Mike ka maadsan lahaayeen, isna weydiin lahaayen: ilaa goorma ayaa ay sheegashaada ah in rabitaankaagii shahwadeed yaraaday sii wadi kartaa xidhiidhka aad la leedahay gabadhaas dhallinyarada ah ee xidhiidhka aragtiwadaagta ahi idinka dhexeeyo, oo aanu xidhiidhkaasi isku beddelayn mid rabitaankaaga jinsiga kale soo kaco oo dano kale yeesha?
Gunaanadka faalladayda farriintan Mike waa mid ku qotonta loollanka ka dhex taagan doonistiisa in uu sameeyo saaxiibtinnimo fikir ku dhisan iyo filashada bulshada iyo qofka ee la xidhiidha da’da, shahwadda iyo xidhiidhada dadka kala jinsiga ah. Dhab ahaan, xidhiidhadu wejiyo kala duwan ayay yeelan karaan. Diotima waxa ay ku doodaysaa in jacaylka dhabta ahi ka korranyahay xidhiidhada jidheed; hase ahaatee, Plato iyo Benedict waxa ay kaa rabaan in aad naftaada ku imtixaantid dhabaynta korronaantaas iyo kala soocidda jacaylka dhabta ah iyo jacaylka ku dhisan ka helidda jidhka qofka kale iyo dhabaynta rabitaankaas.
Waa dhif in noloshu si dhab ah ugu hoggaansanto mid ka mid ah dugsiyada ama aragtiyaha falsafadeed. Mike waxa uu farxad ka helayaa saaxiibtinnamada gabadhaas da’da yare e hal-abuurka u samaysa noloshiisa iyo aragtiyihiisa, sida farriintiisa ka muuqatana, midiba waxa uu hodmiyey nolosha kale fikir ahaan. Waxa aan aaminsanahay in haddii xidhiidhkoodu xushmad ku dhisnaado, labadoodubana oggolyihiin, aanu wax khalad ahi ku jirin. Waa suurogal in aynnu yeelanno saaxiibtinnimo aragti is weydaarsiga ku salaysan, xitaa haddii labada dhinac midi ka kale soo jiitay.
Tilmaanta ugu dambaysa, haddii qofku farxad ka helayo saaxiibtinnimo sida tan Mike oo kale ah, shardiguna yahay in aanu qofina dhib kala kulmayn, ma habboona in dhinaca kale xidhiidhkaas ka tago. Waa wax wanaagsan in aynnu dhinaca wanaagsan ka eegno saaxiibtinnimadaas. Shardigu waa in xidhiidhkaasi yahay mid dadnimo leh, oo dhinacba ka kale fikir ahaan dhiirrigelinayo.
Waxa maqaalkan turjumay Maxamuud Bulxan.