Friday 22 November 2024
Cabdalle Axmed Muumin waa xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed; wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga hawl galo sidii loo ilaalin lahaa saxafiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda.
Xorriyadda saxaafaddu waxay mar kale dhibbane u noqotay khilaafaadka dhawaanahan ka soo cusboonaaday Soomaaliya iyo Soomaalilaan. Ka dib is'afgaradkii (MOU) dhawaanta dhex maray Hargeysa iyo Addiis Ababa, saxaafiyiinta ka hawlgala labada gobol waxay la kulmeen hanjabaado yaab leh, xadhig sharci darro ah iyo faafreeb. Heshiisku haatan waa mid madmadow badan ku gadaaman yahay oo wax uu daaran yahay aan la isla qirsanayn; sida uu dublamaasi reer galbeed ahi ku tilmaamayna, “waa heshiis isafgaranwaa ah.”
Xadhiggii Febraayo lixdeedii, Hargeysa gudaheeda lagula kacay saddexda saxafi ee telefeeshank MMTV – Maxamed Cabdi Ilig, Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar), iyo muuqaal duubaha Ilyaas Cabdinaasir – oo daba socday dood ay barta Twitter-ka( X) ku soo agaasimeen; iyo dhibaataynta lagula kaco saxafiyiinta jidadka Muqdisho waraysiyada ku qabanaya ayaa horjoogsatay in xogtu bulshada gaadho, si ay ugu suurogasho dadku in ay helaan xogaha dabadeed ka baaraan degaan waxa dhacaya iyo dhankay iska taagi lahaayeen.
In kastoo uu dastuurka Soomaaliya iyo Soomaalilaanba dammaanad qaadayo xorriyadda hadalka, haddana waa xaq mar walba lagu xadgudbo, oo saxafiyiintu waxay si joogto ah ula kulmaan hanjabaado, xadhig, in la xidho xarumahooda warbaahineed iyo waa mid masiibo ah e, in ay la kulmaan dil beegsasho ah. Waxaan u baroordiiqaynaa afar saxafi oo sannadkan la dilay: Cabdikariim Axmed Bulxan, oo lagu toogtay magaalada Caabudwaaq, bartamaha Soomaaliya, Maarso 14-keedii. Sidoo kale, 11 kale oo saxafi ayaa lala beegsaday xadhig sharcidarro ah, oo la waxyeeleeyay, sidoo kalena laga hor joogsaday in ay gutaan hawlahooda saxafinimo, guud ahaan Soomaalilaan, Buntilaan, Galmudug iyo Muqdisho, sida ay diiwaangaliyeen Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS). Saxafiga caanka ah ee Xuseen Cabdulle Maxamed oo warbixin dhiirran ka sameeyay haayadda nabadsugidda Soomaaliya (NISA), ayaa xadhig qarsoodi ah lagu hayay muddo 24 saacadood ah Abriil 16 – 17, Muqdisho gudaheeda. Nasiib darradu waxay tahay in weerarrada ka dhanka ah saxaafadda kuwo badan oo ka mid ah ay ku lug leeyihiin laamaha amnigu.
Ururkayaga saxaafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waa la beegsaday. 13 Abriil waxa la xayiray akoonkaan bangiga ku lahayn, saddex gal dacwadeed oo dambi oo naga dhan ah ayaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku maxkamadda u gudbiyay, isagoo ka falcelinaya u dhaqdhaqaaqayaga xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqal insaanka. Mid ka mid ah gal dacwadeedyadani waxay ahayd eed fal-dambiyeed oo sumcad dil ahayd oo aniga iga dhan ahayd. Iyadoon wax caddayn ah la bixin, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu ku andacooday in uu baadhis samaynayo, baadhistaas oo wixii ka soo baxa loo gudbin doono maxkamadda. Nasiib darradu waxay tahay in aanay ahayn markii koowaad oo aan cadaadis caynkaas ah la kulmo, 2022 iyo 2023 waxaan wajaha hanjabaado joogto ah, dhibaatayn iyo xadhig. Tan iyo intaan bilaabay mihnadayda saxafinimo 20 sanno ka hor, waxaan u xidhxidhay halgankayga xaqiiqo soo tebinta, la dagaalanka caddaalad darrada iyo ka feejignaanta u adeegista danaha siyaasiyiinta. Ka go’naanshaha aan qiyamkan dhabarka ugu ridanay ayaa aniga iyo hawlwadeenada mihnadu na midayso naga dhigay bartilmaameed.
Saxafinimadu Soomaaliya waa mihnad halis badan, tan iyo 1992 waxaa la dilay 86 saxafi, sida ku xusan diiwaan ay soosaareen Guddida caalamiga ah ee ilaalinta Saxafiyiinta (Committee to Protect Journalists). Waxa wax laga naxo ah in Soomaaliya wali qayb ka tahay saddexda dal ee ugu horeeya ee dalalka danbiilayaasha saxafiyiinta dila aan cadaaladda la hor keenin. Waxaa taa dheer Qareenadda difaaca saxafiyiinta oo iyagu laftoodu halis ku jira, shan qareen oo Soomaalilaan ka soo jeeda ayaa lagu soo oogay dacwad fal-dambiyeed, kaas oo ay ku oogtay Hay’ada Sirdoonka Qaranka (NIA) iyadoo u maraysa Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud. Qareenadani dhawaan ayay soo saareen soo jeedin sharci oo ay ku guubaabinayaan Hay’adda Sirdoonku in ay ka waantowdo xadhiga sharci darrada ah ee saxafiyiinta. Marka saxafiyiinta iyo qareenadoodaba la beegsado waxay arrintaasi fariin u diraysaa ururadda rayidka ah, fariin ah in aan xorriyadda hadalka la ogoleyn – tani waa xaqiiqo la caaddaystay.
Dhawaan ayaa xafiiska raysal wasaaruhu ku dhawaaqay magacaabida Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo sagaal xubnood ahaa, golaha ayaa loo xilsaaray nidaaminta saxaafadda, goluhu waxa uu shaqo ka joojin ku sameeyay Maarso sannadkan Sugaal Mucallim oo ah saxafi ka hawlgala warbaahinta qaranka, kaas oo lagu eedeeyay in uu baraha bulshada kaga dhaleeceeyay hogaanka ciidanka maamul xumo iyo musuqmaasuq, tan oo caddayn u ah nidaamka cabudhinta, amarkutaaglanimada, iyo isku daygaa lagu asqaynayo ee lagu af qabanyo saxafiyiinta. Talaabooyinkan lagu cabudhinayo saxafiyiinta si adag ayaan uga soo horjeednaa, waxaanan ku baaqaynaa in la sameeyo gole warbaahineed oo madax bannaan.
Soomaaliya waxa ay la’dahay rabitaankii ay ku samayn lahayd komishanka xuquuqul insaanka, kaas oo door weyn ka qaadan lahaa u doodia iyo difaaca xuquuqda iinsaanka, oo xorriyadda hadalku qayb ka yahay. Iyadoo ay saxafiyiintu wajahyaan xadgudubyadan iyo weeraro joogto ah, waxaa iyaduna caqabad joogto ah ah, maxkamadayn la’aanta dambiilayaasha ku lugta leh fal-dembiyeedyada ka dhanka ah saxaafadda. Markaan dambiilayaasha caddaalada la hor keenin, waxa wiiqmaysay kalsoonida shacabku ku qabaan sharci fulinta iyo nidaamka garsoorka, waxa sidoo kale Meesha ka baxaysay kalsoonida lagu qabo kartida laamaha amniga ee ilaalinta saxafiyiinta iyo ilaalinta ku dhaqanka sharciga. Jiritaan la’aanta ku dhaqanka sharcigu waxay sii waarinaysaa cunfiga joogtada ah ee ka dhanka ah saxafiyiinta, taas oo qaar badan ku khasbaysay in ay isfaafreebaan iyagoo u cabsi qaba bedqabkooda ama in ay isaga tagaan dalka gabi ahaanba. Kuwo badan oo ka mid ah saxafiyiinta ugu waaweyn Soomaaliya waxay kasoo warramaan dalka debadiisa.
Iyadoo doorashooyinkii Soomaalilaan loo qoondeeyay in ay qabsoomaan 13 Noofember ee sannadkan, waxaa loo baahan yahay in ay laamaha dawladu xaqiiqsadaan in doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi udub dhexaad u yihiin dimuqraadiyadda miyirka qabta, taas oo warbaahinta xorta ah ee madaxbanaan, ee xilkas ahi lama huraan u tahay. Waa in ay sidoo kale xaqiiqadan garowsataa xukuumadda federaalka iyo maamuladda qaybta ka ahiba. Saxaafadda madaxabanaani waxay door muhim ah ka qaadataa in ay bulshada ka wargaliso falalka xukuumadda, siyaasadaheeda iyo arrimaha bulshadaba. Haddii aan la sugin amniga saxafiyiinta oo aan la dhawrin xuquuqahooda, oo aan loo furin xogaha sugan ee jaadadka kala duwan ah, shacabka uma suurogalayso in ay qaataan go’aano toolmoon, kuwaas oo lama huraan u ah dimuqraadiyaddu si ay u hirgasho.