Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Maana-Faay: Daraasaynta Dabaqadaha Bulshada Soomaaliyeed

26 October, 2024
Image
Afrax
Share

Gorfaynta, falkinta iyo faaqidaadduba waxay suugaanta u yeelaan macne, waana hab lagu gaaro aragtiyaha qoddadadheer ee suugaanta ku duugan. Sida oo kale in suugaanta lagu aqriyo aragtiyo bulsheed, dhaqaale iyo kuwa caalami ah ba waxay abuurtaa in laga salgaaro miidda iyo mucda suugaanta. Suugaanta Soomaaliyeedna laanteeda tiraabta waa ta ka maqan gaar ahaan sheekafaneedda—oo sida tixda loo taxliiliyo, loogu aqriyo aragtiyo bulsheed, looga dhex baaro tuducyo nololsha miisaankeeda iyo jiraalkeedaba tilmaamaya—looma taxliiliyo tiraabta oo suugaanta tiraabaysan aragtiyo laguma aqriyo. Maqnaanta fiirasuugaaneedduna waxay keentay in sheekafaneedda Soomaaliyeed looga gaabsado aqris ama faallo ka qoris—oo aan loo kuurgalin farriimaheeda, shareeraha shakhsiyadaha iyo codka sheekotebiyaha. 

Qoraalkanni waxa uu xoogga saarayaa aragti ku aqrinta sheekafaneedda Maana-Faay gaar ahaan sida ay sheekadu u darsayso kalasarraynta iyo dabaqadaha bulshada Soomaaliyeed. Sheekafaneeddaan caanbaxday ee uu adiibka weyn ee Ibraahin Hawd, ku tilmaamay inay tahay: ‘Muraayad bulshadu iskadhex aragto’. Sida oo kale barafisoor Cali Jimcaale Axmed, ku tilmaamay in ay tahay sheeko “inta Soomaali ay jirto ka hadli doonta.”—Oo dabcan ka dhigan in noofaalkaani yahay mid mar kasta darsaya Soomaaliga deegaankiisa, habnololeedkiisa, dhaqandhaqaalihiisa iyo waliba dhaqantaliska bulshada. Noofaal caynkaas ahna loogama kaaftoomi karo aqris iyo faallo in laga qoro kaliya e, waxaa lamahuraan ah in aragtiyo lagu aqriyo, mucda noofaalka loo kuurgalo oo bulshada lagu taxliiliyo. Aan u ka la dhambalno qormada saddex qaybood: ta hore aynnu isdultaagno dabaqadda sare, ta xigtana waxaynnu isdultaagaynaa dabaqadda hoose, marka danbana waxaynnu u kuurgali shakhsiyadda codka sheekotebiyaha iyo isbarbardhigga ay ku samaynayso dabaqadaha bulsheed. 

Maanafaay: Muraayad Bulshadeennu Iska Dhex Aragto -. Ibraahin Yuusuf "Hawd
 

Dabaqaddda sare: dabaqadda sare waxaa sheekadaa ku soo galaayo injineer Axmed oo marka u horrayso ee uu qoraagu shakhsiyadda Axmed hummaagaynayo waxa uu tilmaamayaa ladnaanta dhabankiisa ka muuqato. Qoyska Axmed uu ka dhashay ee reer Jaamac-dhagey waxay shareero iyo tilmaam u yihiin dabaqadda sare. waxaa sida oo kale jiro Kulmiye, oo ay saaxiib yihiin Axmed, kaas oo ka mid ah shakhsiyadaha ka macaasho baahida dabaqadda hoose–wallow badi shakhsiyadaha dabaqadda sare ku matalaayo sheekada ay la wadaagan arrinkaas.

dabaqaddaan sare waxaa saldhig ah sida laga dhadhansan karo maldahaada ay sheekadu bixinayso laba qodob: ka hore, waa dabaqad awood talis leh. Ta xigtana, waa awoodda dhaqaale. Labadaan qodob waxay u saamaxeen inay ku tagrifalaan oo ay ku tuntaan dabaqadda hoose. Habnololeedka shakhsiyadda oday Jaamac-dhagey, marka loo kuurgalo waxaa soo baxayso shakhsiyad macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalla ah–oo shakhsiyaddaani waxay ka timid dabaqadda hoose, in kasta oo aanay sheekadu soo bandhigaynin horumarka shakhsiyadda Jaamac-dhagey (Character develoment)-ga ku dhacaayo, balse oday Jaamac-dhagey markii uu taliska ka shaqa bilaabo ayuu ka soo dallacayaa dabaqadda hoose. Isbaddelkaan waxa uu qoraagu u adeegsaday si kooban: “...Sida dhaqaalihiisu isu baddelay ayuu dhaqankiisuna isu baddelay…” Erayadaan qoraagu u adeegsaday isbeddelka oday Jaamac-dhagey ku dhacay waxaa laga dhadhansanayaa sida qofku dhaqandhaqaalihiisu isu baddelaayo kolka uu ku biiro talis hantida dadwaynaha ku tagrifala. Mitafoorkaanni waxa uu sawirayaa siddeetamaadkii mashruuca lagu hodmayay dhaqaale ahaan in uu ahaa u shaqo tagidda taliskii eexda iyo kalitalisnimada ku dhisnaa.

shakhsiyadaha aristokraatigga ah ee sheekada doorka weyn kaga jro waxay u shaqa tagaan taliska, waxaynna waqtiooda ugu badan ku qaataan tumashada iyo la baashaalka gaashaantimaha dabaqadda hoose. Sawirka ay bixinayaan shakhsiyadahaasina waa sawir muujinaayo tabta ay nolosha bulshadu ahayd siddeetamaadkii iyo sida ay dadyowga taliska u shaqeeyo ay u ahaayeen dabaqad sare oo jaqda dabaqadda hoose misana ku tagrifasha. Habnololeedka qoysaska iyo shakhsiyadaha dabaqaddaan u shaqo taga waxay sheekadu u sawiraysaa si heer sare ah, iyada oo soo bandhigayso sida dabaqaddaani u nool yihiin, baararka qaaliga ah ee ay kafeega ka cabbaan, guryaha quruxda badan ee ay deggaan, hoteelada ay ku baashaalaan iyo waliba marfishka Baydan Shabeel ee ay ku tuntaan. 

Dabaqadda hoose: Dabaqaddaan waxaa tilmaam u ah qoyska Maana-Faay, iyo qoysaska kale ee ay la wadaagaan saraha duugga ah, iyo nolosha ku kooban soo dhacsiga nolol-maalmeedka. Dabaqaddaan hoose waa dabaqadda tacaddiga ugu badan loo gaysanaayo, caruurtooda lagu tagrifalo misana looma’ooyaanka ah. Noofaalku waxa uu dabaqaddaan saldhig uga dhigayaa kuwa ku tiirsan sharaf-dhaqameed. Qoyska Maana, ayaa laga dhex arkayaa shareere tilmaamaya ku tiirsanaanta sharaf-dhaqameedda ‘makhbiyaynta’. shakhsiyadduna haddii ay lumiso sharaf-dhaqameedda dabaqaddaani ku dhisan tahay waxay ka soocmaysaa dabaqaddii hoose, waxaanna gacanta ku dhigayso Baydan Shabeel, oo ka ganacsato baahiyaha dabaqadda hoose iyo danaha dabaqadda sare.

Dabaqaddaani waa dabaqadda danyarta iyo looma’ooyaanka, waxaynna la daalladhacayaan culayska dabaqadda sare, iyo gacantaqooqan ee kalitaliska ah. Carruurta dabaqaddaani waxbarasho dibadda ah ma helaan sida carruurta kale ee baayacmushtarrada iyo shaqaalaha dawladeed se iyagu waxay nasiib lee yihiin haddii ay carruurtoodu waxbarasho ka helaan dugsiyada kacaanka. Sida shakhsiyadaha dabaqadda sare ee oday Jaama-dhagey oo kale ma aha aabbaha Maana-Faay, waxa kala sarraysiinaayo waa awoodda talis iyo dhaqandhaqaalaha muufaysiga ku dhisan. Noofaalku waxa uu si murugsan u sawirayaa sida carruurta dabaqaddaan u raafadsan yihiin, nolol la’aantooda, cunta xumida iyo habnololeedka diifta badan ee ay dabaqaddaani ku nool yihiin. Si gaar ah noofaalku waxa uu soo bandhigayaa kadeedka gabdhaha dabaqadda hoose haysto, siday odoyaasha dabaqadda sare ugu tagrifalaan iyo sida ay sharaf-dhaqameeddu u baab’iso dadnimadooda. 

Dhinaca kale noofaalku waxa uu soo bandhigayaa oo si heer sare ah u darsayaa kadeedka dabaqadda hoose, ku tumashada ay shakhsiyadaha dabaqadda sare ka soo jeedo u geystaan dabaqadan, gaar ahaan gaashaantimaha dabaqadda hoose. Shakhsiyadda Injineer Axmed, oo uu dhalay Jaamac-dhagey waxa ay shakhsiyaddaasi marar badan u muuqanaysaa inay tahay codka qoraaga (Maxamed Daahir), gaar ahaan kolka loo kuurgalo sida shakhsiyaddu wax isaga waydiinayso arrimaha masiiriga ah: siyaasadda, dhaqandhaqaalaha, bulshada iyo waliba falsafadda fikir—taasina waxaa laga dhex arkayaa sida qoraagu shakhsiyaddaan aannu ugu adeegsan jilista koowaad oo uu u doortay jilaaga koowaad Maana, si uu ugaga dhuunto (waa sida ay i la tahay e) taliskii askarta, balse, bulshadu waxay la falgashay shakhsiyadda shaacsanaha ah (Maana) oo iyada ayay la dareen noqdeen balse, waa dhif cid wax iska waydiisay shakhsiyadda Axmed iyo sida ay u matasho codka qoraaga. Isaga oo adeegsanaayo shakhsiyaddaan ayuu qoraagu noofaalka dhexdiisa isku barbardhigayaa nolosha dabaqadda sare ka jirto iyo ta dabaqadda hoose—isaga oo ka eegaayo habnololeedka, dhaqandhaqaalaha iyo waliba duruuftooda gaarka ah. Injineer Axmed, isaga oo ku soo kafee cabbay baarka Jubba, ayuu soo dhex qaadayaa xaafado ay deggan yihiin dabaqadda hoose, waxa uu billaabayaa in uu isbarbardhigo baarkii uu ka yimid iyo xaafadahaan wasaqda badan, carruurta aan kabaha sidan iyo cuntooyinka jidka lagu iibiyo ee duqsigu dul heehaabayo. Isbarbardhiggaas habnololeed kolka uu ka soo weecdo ayuu iswarsanayaa in dabaqaddaan caddiban iyo dabaqadda uu ka midka yahayba ay isu magaalo yihiin oo ay isu talis yihiin. Dabcan, mitafoorka isbarbardhiggaan waxa uu muujinayaa oo laga dhadhansanayaa sawirka uu noofaalku sawirayo noloshii siddeetamaadkii, dhaqandhaqaaluhu siduu ahaa iyo sida dabaqadda taliska u shaqo tagtaa ay awood dhaqaale iyo mid awoodeedba u hantiyeen—taas oo keentay in ay bulshadu noqoto bulsho kalasarrayso oo aannay jirin muwaaddiniin siman oo ay dawladdi ka dhaxayso. 

Sawirka ay sheekadu sawirayso waxaa laga dhex arkayaa shareero ah in taliskii kacaanka oo ahaa talis sheegan jiray nidaaam hantiwadaag ah, uu abuurayay dabaqado iyo sida oo kale naasnujinta shakhsiyaad tagrifal u gaysto bulshada dabaqaddeeda hoose. Waxaa sida oo kale laga dhex arkayaa noofaalka maqnaanshaha dabaqadda dhexe, balse, bulshada Soomaaliyeed qayb dabaqadda dhexe cayaarto bulsho ahaan ma lihin, taasinna waxaa laga dhex arkayaa sida bulshadu ugu ka la qaybsan tahay laba dabaqad: dabaqad hanti xooggan haysata iyo dabaqad xoogsiga quutuyawmka la rafaadsan—oo aan kacdoon iyo baraarrug toonna u diyaarsanayn. Jidkaan daraasaynta dabaqadaha bulsheed iyo soo bandhigidda ku tagrifalka talis iyo naasnuujinta shakhsiyaadka u shaqa tago taliska waa jid uu jeexay suugaan yahan Maxamed Daahir Afrax, oo taasina waxay keentay in waxqabadyadii noofaallo ee ka danbeeyay waxqabadka Maana-faay, ay iyaguna darsaan oo u kuurgalaan xaaladdii dhaqandhaqaalo ee taliskii kacaanka, dabaqadda bulsho iyo tagrifalka dabaqadda hoose loo geysto.

Qoraallada kale ee qoraaga