Skip to main content

Friday 20 September 2024

Buug

Xusuusqor Halgamaa

7 February, 2024
Image
book
Share

Gorfaynta Buugga: Istaahil: Halgankii Nololeed ee Bashiir Cali Biixi

Qoraaga buugga: Dr Bashiir Cali Biixi

Gorfaynta: Cabdullaahi Sanco

Tirada bogagga: 387 

Daabacaaddda: 1aad, 2023 

Buuggani waa xusuusqorka halgamaa Dr Bashiir Cali Biixi oo ka mid ah indheergaradka Soomaaliyeed iyo waayeelka ummadeed ee waayo-soo-jooggooda wax badan da’yartu ka kororsan karto. Magaca buugga uu qoraagu ugu wanqalay waa Istaahil: Halgankii Nololeed ee Dr Bashiir Cali Biixi, wuxuuna kaga warramayaa sooyaalkiisa nololeed, balse intaas kaliya kuma koobna ee wuxuu kale oo si xog-ogaalnimo iyo xilkasnimo ku jirto uga sheekaynayaa marxaladihii dalku soo maray, si gaar ah wixii dalka ka oognaa muddadii ay talada dalku gacanta ugu jirtay kacaankii Maxamed Siyaad horjoogaha ka ahaa, halgankii hubeysnaa ee kacaanka lala galay, iyo burburkii ka danbeeyay.

 

Bilowgiisii nolosha, waxbarashadiisii iyo khibraddiisa caafimaad

Dr Bashiir Cali Biixi waxa uu ku dhashay degmada Gaalkacyo 11kii Nov, 1954. Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay dugsiga Bardacad Gaalkacyo, dugsigiisii sarena waxa uu ku dhammeystay dugsiga Cumar Samatar ee isla Gaalkacyo. Kadibna, waxa uu ku biiray kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Intii u dhexeysay qalinjabintiisii jaamacadda 1980 ilaa sannadkii uu ku biiray Jaamacaddii Caano-Xarigle (Jabhaddii SSDF) oo ahaa 1983, waxa uu qabtay shaqooyin caafimaad oo muhiim ah. Feb, 1981 waxa uu qeybta qalliinka ee Isbitaalka Digfeer la furay gardaadihiyiisii mihnadda caafimaadka, Dr Maxamed Jaamac Salaad AUN, sida uu xusayana la shaqeynta Dr Maxamed waxa uu ka helay aqoon iyo khibrad ay naadir ahaan laheyd inuu meel kale ka helo. 

Dr-ku waxa uu shaqooyin caafimaadka oo kala duwan ka soo qabtay Muqdisho, Xudur iyo Beledweyne oo uu ka soo noqday kuxigeenka madaxa caafimaadka xeryihii qaxootiga Gobolka Hiiraan. Ka hor, intaan Beledweyne loo beddelin sida uu xusayo waxaa si eex ah loo dhaafiyay fursad deeq waxbarasho oo Neurosurgery ah, xiriir toos ahna la leh qeybtii uu ka soo shaqeeyay. Ka shaqeyntiisii gobolka Hiiraan iyana waxay aheyd mid dhib badan, taas oo gaarsiisnayd inuu handadaad joogto ah kala kulmo maamulkii gobolka waqtigaas. 

Isaga oo weli jooga Beledweyne ayaa waxaa la soo gaarsiiyay farriin ka timi Jabhaddii SSDF, oo sheegaysay in baahi dakhaatiir ay ka jirto fariisimaha jabhadda aadna loogu baahanyahay isaga iyo ragga kale ee dhakhaatiirta ah. Sidaas ayuuna jabhadda ugu biiray.

Burburkii kadib, qoraagu waxa uu qabtay shaqooyin caafimaad oo muhiim ah, isaga oo ka soo shaqeeyay Ibitaalka Burtinle, qaybta qalliinka Isbitaalka Garoowe, iyo qaybta qalliinka Isbitaalka Gaalkacyo. Dhammaan shaqooyinkaas wuxuu ku lahaa kaalin hoggaamineed. Sannadkii 2015 ayuu qoraagu sheegay inuu sababo dhabar xanuun la xiriira uga fariistay qalliimadii, isla sannadkaas ayuu siyaasaddiina ka fariistay. 

Ka warrankiisa shaqada caafimaadka wuxuu xusayaa dhowr dhacdo oo qalliimada la xiriira oo uu si cajiib ah u sameeyay. Dhowr dhacdo ayaan ka xusi karnaa. Dhacdada koowaad waa siduu u maareeyay wiil bohol ku dhacay oo madaxu isku dumay, xuubkii maskaxduna uu firdhay. Qoraagu wuxuu sheegayaa inuu bawdada ka soo jeexay xuub la yiraahdo Fascia, saasna uu dhacdadaas ku maareeyay. Dhacdada labaad waa sida uu u maareeyay gabar 12jir ah oo uu 5 sano malawadku ka soo dhacayay, wuxuuna sheegayaa inuu dhacdadaas ku ogaaday sabab aan horay loo ogeyn oo malawadku la soo dhici karo. Dhacdada saddexaad waa qalliin madaxa ah oo uu Muqdisho ku sameeyay bishii May 1990; shaqaale hay’ad caalami ah oo dhaawacmay ayuu qalliinkaasi ku sameeyay, wuuna ku guuleystay. Qalliinkaas inuu sameeyo waxay uga dhignayd inuu saaxadda ku soo laabtay, kadib muddo uu jabhad ku maqnaa.  

Dr-ku waxa uu sheegayaa in nooca qalliinka uu ugu jeclaa uu ahaa kan uu hooyada ilmaha ku qalo, isaga oo ku sababaynaya inuu is tusayo labo qof oo ilbiriqsi kasta wadajooga, aanse is arkin. Isaga oo xusuusta qalliimadaas ka sheekaynayaa buu xusayaa in muusikada uu ugu jeclaa ay aheyd oohinta ilmaha marka uu ifka yimaaddo, taasoo illowsiin jirtay howshii qalliinka iyo daalkeedii maskaxeed. Waxaa se jirtay marmar uu caloolxumo kala kulmi jiray qalliinkaas uu jeclaa, waa marka uu waayo oohinta ilmaha, hooyadiina ay suuxsantahay oo markay soo naaxdo loo sheegi doono inay ilmo meyd ah dhashay!

 

Sooyaalkiisii siyaasadeed

Qoraagu waxa uu leeyahay sooyaal siyaasadeed oo jabhadnimo iyo dawladnimoba leh. Intii uu ku jiray halgankii hubeysnaa waxa uu jabhadda ka soo qabtay xilal kala duwan. Bilowga ku biiritaankiisii jabhadda 1983 ilaa 1986 waxa uu ahaa madaxa caafimaadka aagga hore ee qaybta 9aad, mar kale waxa uu noqday xoghayaha arrimaha bulshada intii u dhexaysay 1986-1989, kadibna wuxuu noqday xoghayaha maaliyadda intii u dhexaysay 1988-1990. 

Waqtiyadii burburka, qoraagu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray asaaskii Puntland iyo abaabulka shirkii Carta ee dowladnimada Soomaaliya dib loogu unkayay. Qoraagu July, 2001 waxa uu isu sharraxay madaxtinnimada Puntland, nasiibxumo muddo kororsi xukuumaddii xilligaas jirtay ay sameysay doorashadaasi ma hirgelin waxaana ka dhashay dagaal sokeeye oo khasaare badan geystay.

Qoraagu isaga oo ka sheekaynaya xil wasiir oo loo soo bandhigay dawladdii Carta ee uu Ra’iisulwasaaraha ka ahaa mudane Cali Khaliif Galleyr AUN, ayuu sheegayaa in xilkaas isaga la siiyo ay talo ku soo jeediyeen rag odayaal oo ay ka mid yihiin Cabbaas Gacmo-Gaab, Boqor Cabadullaahi King-Kong, iyo Xasan Abshir Faarax. Markii xukuumaddii Muqdisho u soo wareegtay ayay qoraaga iyo Ra’iisulwasaaruhu wada hadleen balse kuma aysan heshiin inuu xilkaas qabto. Taasoo taagan, baa waxaa dhacday in Gallayr uu booqdo Dubai oo uu wareysi siiyo Jariidadda Sharqul-Awsad una sheego in Wasaaradda Waxbarashada uu ku magacaabanyahay nin la dhaho Maxamuud Cali Biixi, aan se wali magacaabiddaasi rasmi noqon. Maxamuudka uu Ra’iisulwasaaruhu sheegay wuxuu ula jeedaa Maxamed (Bashiir) Cali Biixi, oo qoraaga ah. Intaas wuxuu ku darayaa qoraagu inay Ra’iisulwasaaraha wada hadleen markuu Muqdisho ku soo laabtay uuna u sheegay inuu raalligelin ka bixiyo magacowgaas aysan ku heshiin. 

Qoraagu wuxuu muddo kooban ahaa wasiirka Caafimaadka Puntland (2009-2010). Marka la fiiriyo khibraddiisa ballaaran ee dhanka caafimaadka waxaa la maleyn karaa inay aheyd magacaabis la haleelay, balse waxaa muuqatay in muddadiisii xilhayntu ay aad u cimri gaabatay, qoraaguna buugga kuma xusin waxa keenay inuu muddo yar xafiiska joogo iyo wixii uu qabtay muddadii gaabnayd ee uu xafiiska joogay. 

 

Dhibaatadii Kacaanku Geystay

Kacaanku wuxuu dhib badan u geystay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dhibka ugu weyni waa inuu dawladdii ay doorteen uu inqilaabay, kadibna xaqoodii ahaa inay wax dooran karaan uu ka laalay. Qoraagu wuxuu xusayaa tillaabooyin uu u bixiyay kufsi-siyaasadeed oo kacaanku qaaday, tillaabooyinkaas oo ahaa laaliddii dastuurka, abuuritaankii NSS (Haya’adda nabadsugidda qaranka), iyo maxkamaddii badbaadada qaranka. Intaas waxaa dheerayd xadgudubka loo geysanayay muwaadiniinta. 

Xorriyad ka qaadka ayaa isagu xargaha goostay. Qoraagu wuxuu werinayaa sida odayaashii Gaalkacyo berigaas loogu khasbi jiray inay tagaan xarumaha hanuuninta kacaanka, balse ay aad uga gows-adeygi jireen kuwa tagana ay daadafayn jireen dacaayadihii kacaanka ee bulshada lagu marinhabaabinayay. Dhibaatada uu kacaanku ku hayay odayaasha kuma koobnayn xorriyad ka qaad, ee shirqoollo isku dayo dil iyo weerar ahba waa jireen. Waxa uu qoraagu werinayaa qiso murugo badan oo uu ku sheegayo weerar uu taliskii Siyaad ku qaaday Islaan Cabdulle Islaan Faarax. Weerarkaas islaanku waa uu ka badbaaday, waxaana ka dhashay kacdoon bulsho iyo in dhallinyaro badan ay ku biirto halgankii hubeysnaa. 

Hagardaamooyinka uu kacaankii geystay oo qoraagu werinayo waxaa ka mid ah tacaddiyo Maxamed Siyaad iyo saraakiishii reer Waqooyiga u badnayd ee la shaqeynaysay ay ka geysteen Mudug iyo Nugaal. Falalkaasi waxay isugu jireen gumaad bulsho, isku dir beelo, dumin iyo sumeyn baraago, kufsi iyo dil. Si gaar ah baa qoraagu u xusaya gabar Istaahil la yiraahdo oo ka soo waaqsan weyday dhaawacyadii ka soo gaaray kufsi-wadareedkii ay u geysteen ciidankii taliska Siyaad, gabadhaas oo da’deedu ahayd 16 ilaa 18! Gabar kale oo Qumman uu ugu yeeray qoraagu ayuu iyadana ugu duceynayaa in Alle u soo celiyo nuurkii indhaha; iyaduna waxay dhibbane u tahay taliskii Siyaad.

Dhibaatooyinka talisku geystay intaas kuma eka. Waxa uu qoraagu werinayaa mar Axmed Saleebaan Dafle oo xilligaa ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee kacaankii Maxamed Siyaad uu Gaalkacyo soo booqday, kadibna meel fagaare ah ayuu dadka kula hadlay oo sheegay in beesha Majeerteen ay tahay cadowga kacaanka, sidaa darteed xoolahooda, hantidooda, dumarkooda, dhiiggooda, iyo sharaftooduba ay xalaal yihiin oo la bannaysto. Farriintaas oo ah mid lagu bannaysanayay dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed, dhanka kalena waxay ahayd in beeshaas lagu diro beelaha ay ood wadaagta yihiin. 

Dhanka kale, qoraagu wuxuu wax ka xusay waxyaabihii laga dheefay kacaanka, waxyaabuhuu xusayna waxaa ka mid ah dhismaha waddada isku xidha dalka, qoriddii afka, yagleeliddii jaamacadda ummadda, waxbarashadii lacagta la’aanta ahayd, iyo dhismaha warshadihii dalka.

 

Halgankii SSDF 

Fashilkii inqilaabka 09/04/1978 kadib, waxa uu kacaanku qabqabtay saraakiil lagu eedeeyay inay maleegeen inqilaabka, halka kuwo kale oo eeddaas loo tirinayayna ay fakadeen. Xirxiriddaas kadib, kacaankii wuxuu guddoonsaday inuu laayo saraakiishii uu xabsiga dhigay. Saraakiishu waxay u badnaayeen beel gaar ah, taasaa keentay in kacaanka talo lagu siiyo intuusan ragga layn inuu booqdo Gaalkacyo. Maxamed Siyaad AUN ayaa tagay Gaalkacyo si uu ula soo kulmo odayaashii Mudug, waana la isku soo fahmi waayay kulankaas. Haddii la is mari waayayna Maxamuud Gurey oo ka mid ahaa saddex nin oo si gaar ah loogu xilsaaray inay la xaajoodaan Maxamed Siyaad, ayaa ku yiri madaxweynaha, “Waayahee toogo, waxaad ka heshaad leedahaye.” 

26kii Oct 1978 ayaa la toogtay saraakiishii, Alle ha u naxariistee. Musiibadaas kadib, 29kii isla bishaas ayaa qoraaga iyo nin kale loo diray Gaalkacyo si ay talo uga keenaan Xaaji Warsame Cali Yey iyo Cali Biixi oo ka mid ahaa odayaasha deegaanka. Odayaashii waxay dhallinyaradii soo siiyeen dhowr talo oo waxgal ah. 

Talooyinkaas haddaan soo koobo waxaa ugu mudnaa, in halganku uu labo heer yahay, kan dagaalka oo markaas taagnaa in ninkii bilowgiisa ku habboonaa oo ah wiil reer miyi ah oo harraadka iyo gaajadu aysan karin loo hayo, kan danbe oo ah maalintii dawladnimo hagaagsan oo loo tartamo la helo in iyaga loo baahan doono oo ninkii aqoon leh uu saami fiican helayo. Sidaa darteed ay waxbarashada sii wataan oo jaamacadaha dhammeeyaan, markay gaaraan rag aqoontooda wax ku tari karana la soo wargelin doono haddii loo baahdo.

Qoraagu isaga oo ka shaqeynaya Beledweyne ayaa lagu wargeliyay in furimaha dagaalka looga baahanyahay. Hadday farriintu soo gaartayba kama labalabeyn inuu jabhadda u goosto oo uu xooggiisa iyo xirfaddiisaba ku biiriyo. Safar ka bilowday Muqdisho oo uu ku sii maray Burco, Berbera iyo meelo kaleba waxa uu tagay xarumihii jabhadda. Halkaas ayuuna uga bilowday hayaan noloshiisa si weyn u saameeyay.

Qoraagu wuxuu si qiimo leh uga sheekaynayaa hanaqaadkii SSDF oo gudo iyo dibadba si weyn looga qaybqaatay dhismaheedii. Waxa uu werinayaa sheekooyin badan oo ku saabsan sida bulshadii gudaha dalka joogtay ay qayb weyn uga qaateen in jabhaddu cagaheeda isku taagto. Taageerada guduhu xoog, xoolo iyo xeeladba waa laheyd. Cudud ciidan iyo saadba waa lagu taageeray jabhadda. Waxaan iyana meesha ka marnayn xeelado lagu gudbinayo dadka goosanaya, lagu qarinayo siraha jabhadda ku saabsan, dhanka kalena lagu fashilayo xog kasta oo ku saabsan taliskii kacaanka. 

Qoraagu wuxuu si gaar ah uga sheekaynayaa halgamayaashii awrayaal oo ahaa cududdii koowaad oo jabhaddu heshay, qayb weynna ka qaatay dhab-u-yagleeliddii jabhadda. Wuxuu kaloo ka warramayaa saraakiishii iyo haldoorkii isugu tagay jabhadda. Guulihii ay jabhaddu gaartay ayuu iyana tooshka ku ifinayaa. Waxaa se dhaliil aan indhaha laga qarsan karin ah in qoraaga oo jabhadda madax ka soo noqday uusan xuseyn inta badan hawlgalladii jabhadda ee caanka baxay. Xuska hawlgalladii jabhadda wuxuu kaga maarmay labo halgamaa oo uu wareystay. Maadaama uu xarumaha caafimaadka joogayna ma sheegayo khasaaraha nafeed iyo kan maskaxeed ee ka dhashay dagaalladii dhacay intii uu jabhadda joogay.

Qoraagu waxa uu kaloo xusayaa sida SSDF ay dedaal u gelisay in la mideeyo xoogaggii mucaaradka, si awood mideysan loogu wajaho keligii-taliskii dalka heystay. Iyadoo taas ka duulaysa, bilowgiiba waxaa hoggaanka iyo golaha dhexe ee jabhadda si fiican uga dhexmuuqday guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, taasoo burinaysay dacaayadda taliskii Siyaad ee halganka ka dhigaysay mid reer gaar ahi leeyahay. Intaas waxaa dheer, in SSDF ay bilowgii gardaadisay SNM oo ay taageero dhinac walba ah u fidisay, dhankoodana ay aad u rabeen in xoogagga mucaaradka la mideeyo, balse arrintaasi ka socon weyday dhanka SNM oo aan doonayn in jabhadaha la mideeyo. 

Dhanka kale, qoraagu wuxuu diiradda saarayaa waxyaabihii fadhiidka ka dhigay jabhadda. Jabhadda oo bilowgii ku dhaqdhaaqaysay xoolo qaaraan ah oo la ururshay iyo taageero aan badnayn oo ay Itoobiya ka helaysay, ayaa taageero baaxad leh ka heshay Liibiya. In kastoo taageeradaasi jabhadda wax badan tartay haddana waxay keentay in jabhaddii ay yeelato naanaysta “Jabhaddii Huteellada”, oo madaxdii hoggaanka jabhadda in badan oo ka mid ah ay tamashle galeen, dhaqaaluhuna uusan soo dhaafin Dirirdhabe, Addis Ababa iyo Nairobi oo fariisin u ahayd odayaal majaraha siyaasadda jabhadda saameyn xooggan ku leh.

Qoraagu waxa uu ka sheekaynayaa sheegashadii gardarrada ahayd ee ay Itoobiya ku sheegatay Galdogob iyo Balanballe, falcelintii adkayd ee madaxdii jabhaddu ka sameeyeen, iyo sida arrintaasi ay jabhadda u saameysay. 

Qoraagu wuxuu kaloo xusayaa afgembi uu Mengistu ku sameeyay SSDF kadib markii uu xiray hoggaankeedii, furimaha ciidankana uu askar badan ku laayay, hubkii iyo isgaarsiintiina uu ka xareystay. Si gaar ah, wuxuu isu dultaagayaa dhacdooyin waxashnimo ahaa oo Itoobiyaanku ku weerareen Galdogob iyo Qorrof, kuna laayeen rag tiro badan, hubkii ka furteen, ragga intii soo hadhayna si kumeelgaar ah u xareysteen. Xanuunka waxay Itoobiya ka sameysay Galdogob iyo Qorrof si uu qoraagu inoo dareensiiyo wuxuu ku mataalay wixii ka dhacay Hiroshima iyo Nagasaki.

 

Qiimeynta buugga 

Buuggaan oo soo gudbinaya taariikh qiimo leh oo xog-ogaalnimo ku dhisan wuxuu waxtar qiimo leh ku darsanayaa daraasadda Soomaalida. Qof kasta oo xiiseeya sooyaalka dawladnimadeenna wuxuu ugu tagayaa falanqeyn qaangaar ah oo wax weyn ku kordhisa.

Intaas kadib buuggu ma dhaliil la’a, waxaa ku lammaanan dhaliilo dhowr ah oo tifaftirku kow ka yahay iyo kuwo kale oo dhaawac ku ah in buug sidaan u qiimo badan laga helo.

Dhaliisha koowaad waa in buuggu uusan helin wax tifaftir ah, hadduu helayna waa tifaftir aan loo hagar bixin. Habqoraalka buugga waxaa ku jira khaladaad aan tiro lahayn, habka cutubyadu u habeysanyihiin, taxnaanta iyo isku-xirka xogta ayaa aad u liita. Meesha jumladdu ku dhammaanayso, halka tan kale ka bilaabanayso, halka ay tahay inuu cutub cusub ka bilowdo, iyo habka ay u bilaabanayaan qaybaha uu buuggu ka koobanyahay ayaa u muuqda kuwo aan la tifaftirin. Waxaa kaloo buugga ku jira xogo isku mid ah oo aad u soo laalaabanaya, lagana maarmi karay in la soo celceliyo.

Dhanka kale, xogaha jabhadda ku saabsan si gaar ah qaybaha howlgalladii Jabhaddu sameysay iyo dagaalladii dhacay ayaa ballaarin baahsan iyo cilmibaaris dheeri ah u baahan. Waxaa iyana ay tahay in daabacadda labaad laga saaro cutubyada aan buugga micnaha ku soo kordhinayn sida qaybta lagu sheegay dagaalkii labaad ee dunida. 

Sidii qoraagu ku noqday Wasiirka Caafimaadka Puntland, wixii uu ka qabtay, iyo sidii uu uga tagay ama looga qaaday oo siyaabo kala duwan loo weriyo oo uusan qoraagu waxba ka sheegin ayaa iyana ah qayb ay tahay in daabacaadda labaad lagu soo daro.

Dhaliilahaas waxaan saarayaa cidda buugga daabacday, cidda tifaftiray iyo qoraaga laftigiisa. Buuggaan oo waayo-warran qiimo badan gudbinayaa in daabacaddiisa, sixiddiisa iyo tifaftirkiisa sidaas loo dayaco waa foolxumo laga baaqsan karayey. Waxaanan rejaynayaa in daabacadda labaad la saxo dhammaan dhaliilahaas iyo kuwa kale ee jiri kara, oo buuggu uu helo daabacaad iyo tifaftir u dhigma xogta miidda ah ee uu gudbinayo. 

 

Gebagebo 

Ugu danbeyn, waxaan buuggaan siinayaa qiimeyn u dhiganta xogta uu soo gudbinayo, falanqeynta uu soo bandhigayo iyo waxtarka qiimaha leh ee uu ku darsanayo suugaanta qoran ee Soomaalida. Qoraaga oo buuggaani yahay kiisii koowaad waxaan u dirayaa dhiirrigelin iyo bogaadin, waana uga mahadcelin waxqabadkiisa qiimaha badan. Qof kasta oo xiiseeya taariikhdana waan kula talinayaa inuu akhriyo buuggaan.