Thursday 21 November 2024
Maanta, gobolka Geeska Afriki waa mid kala qaybsan siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba, kala qaybsanaantani waxa ay keentay colaado baahsan iyo aaminaada bulshooyinka ka dhex abuurantay; xataa kuwooda isku qawmiyada ah, ee ah in kala tagsanaanta bulshooyinka gobolku tahay mid aan wax laga qaban karin. Waxaa taa ka dhashay, in dadku xaaladaha hadda taagan dib ugu celiyaan tagtada, oo ay hindisaan sheekooyin soo tebinaya colaadda qarniyada soo taxnayd ee kala dhaxaysay kooxda ay hadda is hayaan. Haddaba, buugga Sacda Mirre waxa uu soo tebinayaa dood adag oo burinaysa sheekada colaadda taariikhda dheer ee bulshada gobolka ka dhex oogan, iyadoo daaha ka qaadaysa dunta midaysa dhaqannada gobolka Geeska Afrika. Waxa ay ka tidhi arrintan, “Soohdimaha juquraafiga ahi, nolosha caadiga ah ma aha kuwo kala xidha ummadaha,” oo tusaale ahaan waxa ay ku doodday in bulshooyinka Kushitiga ahi “ay ku saleeyaan abtirsigooda hoggaamiye diineed.” Waxa kale oo ay ku doodday in Eebbe samaawi ah oo keli ah oo la odhan jiray Waaq uu bulshooyinkan ahaa Eebbaha ay caabudi jireen ka hor intaan diimaha Islaamka iyo Kiristanku soo gaadhin. “Waxa ay aaminsanaayeen ilaah wax walba oge ah, iyo in awliyada iyo sullanka barakada iyo xurmada leh ay yihiin wakiiladiisa dhulka. Abtirsiinyadu waa habka ay u marayeen in ay kula xidhiidhaan rususha Eebbe,” ayay ku warbixisay Sacdi.
Buugga Sacda Mire ee Divine Fertility: The Continuity in Transformation of an Ideology of Sacred Kinship in Northeast Africa, waa mid lafaguraya saamaynta ay aydhiyoolajiyadaha ab ka soo gaadhka ahi ku leeyihiin nolosha maalinlaha ah ee bulshooyinka Waqooyi-Bari Afrika. Iyadoo u kuurgalaysa aaminaadaha iyo caaddooyinka gobolka ee ab ka soo gaadhka ah, kuwaas oo ka horreeyay imaatinkii diimaha Islaamka iyo Kiristanka, qoraagu waxa ay deedafaynaysaa sheekada siyaasadeed ee abaabullan ee hadda jirta, taas oo sahasha heer qaloocin ah kakanaanta dhaqan ee gobolka ka jirta. Sacda Mirre, waxa ay soo bandhigaysaa, sida qarniyo badan mu’sasooyinka dhallanka ah ee gobolku u ahaayeen awood midayneed, oo dhaafsiisan soohidmaha Kiristanka iyo Islaamka.
Buuggu, waxa uu soo xiganayaa cilmibaadhisihii ugu danbeeyay ee degelbaadhisaha (archaeology) iyo daraasaadka ummadaha (Ethnography), si uu u lafaguro fahanbixinnada, degellada, agabka iyo caaddooyinka la la xidhiidhiyo nidaamka aaminaadeed ee Eebbaha Samada jira (Waaq), oo ah hidde dhaqan oo bulshooyinka gobolku wadaagaan. Waxa uu tooshka ku ifinayaa xidhiidhka ka dhexeeya dihnaanta rabaanniga ah (sacred fertility) iyo qaybo ka mid ah agab degelleedka gobolka, iyo sidoo kale caaddooyinka guunka ah ee ilaa hadda la sameeyo sida gudniinka gabdhaha, jinka dadka gala, iyo caaddooyinka jidheed, oo ay qayb ka yihiin caaddooyinka ugaadhsigu.
Waxa ay buuggan si gaar ah ugu eegaysaa degelka barakaysan ee Aw-Barkhadlihii awliyada ahaa, waa deegaan suufidu siyaartaan ilaa hadda oo badhtamaha Soomaalilaan dhaca, kaas oo la aaminsan yahay in la asaasay qarnigii 12-aad ee miilaadiga. Waxaa la aaminsan yahay; in deegaankani yahay meesha ay ku aasan yihiin hogaamiyayaashii hore ee boqortooyooyinkii Ifat iyo Awdal (1285–1402), waxaa laga yaabaa xataa in ay ahayd caasimaddii koowaad ee la halmaamay ee boqortooyadii Awdal (Adal) intaanay Harar u wareegin, buuggu waxa uu soo tebinayaa qayb yar oo ka wada turjumaysa taariikhda guunka ah ee gobolka Geeska Afrika, gobolku waa mid leh hidde diimeed iyo mid dhaqameed oo noocyo badan.
Hannaanka koobsanaysa laamaha cilmibaadhis ee isku dhafan ee ay Sacdi buuggeeda u adeegsatay waa mid hanweyni iyo halabuurba isku darsaday. Waxa ay ka gudbaysaa deegaanka ay baadhisteedu daarranayd ee Aw-Barkhadle, waxa ayna ku doodaysaa, iyadoo doodeeda ku salaynaysa natiijooyinka cilmibaadhisaha degellada (archeological), in caaddooyin badan oo ka mid ah caaddooyinka Kushitiga bari ay yihiin kuwo daarran dihanaanta (fertility). Sida ay doonto ha ahaatee, buuggu waa mid diiraddiisa ballaadhan tahay taas oo keenaysa caqabbada isku miisaamidda, dhisidda sheekada abaabullan ee guud iyo baahida loo qabo in la keeno xogo asaasi ah oo taageeraya. Iyagoo caqabbadahani ay jiraan, haddana, buugga Sacda Mirre waa mid ina siinaya aragti cusub oo qiima badan, gaar ahaan meelaha aan looga maarmayn aqoonteeda afeed iyo fahankeeda qotodadheer ee dhaqan. Faalladani waxa ay soo gudbin doontaa naqdi ku saabsan qaybaha qaar ee buugga, iyadoo isla mar ahaantaana qiraysa qaadhaanka weyn ee buuggu ku darsaday laanta aqooneed ee uu la xidhiidho.
Qaybta hordhaca, Sacdi waxa ay bixinaysaa sababayn maangal ah oo u gogol xaadhaysa muhiimadda cilmibaadhisteeda, waxa taa raacaya, soo koobid laba bog ah oo ku saabsan ujeedada buuggu daarran yahay. Cutubka 1-aad waxa uu gogol xaadh u yahay cilmibaadhista, oo waxa uu tibaaxayaa yoolka, ujeeddada, tiirarka aragtiyeed iyo habka baadhiseed (methodology) ee cilmibaadhista, cutubkani waxa uu sidoo kale iftiiminayaa kaalinta diinta. Aragtida naqdiga ah ee lagu soo gudbiyay buuggani waa mid muhiim ah, gaar ahaan kolka ay iftiiminayso sida ay u maqan tahay aqoonta xerudhalanka ah, iyo sida ay majaalka u qabsadeen cilmibaadhisaha raggu wadaan iyo joogtaysanka dhaxalka gumeysiga. Sacdi, waxa ay tilmaantay in “cilmibaadhisaha degelbaadhista ee Afrikaanku yihiin kuwo hadda u muuqda, kuwo aan uga faa’ideysan cilmibaadhisaha antaraboolajiga (anthropology), arrimaha la xidhiidha caaddooyinkii tagtada, sidoo kalena cilmibaadhis antaraboolaji kuma sameeyaan mawaadiicda la xidhiidha bulshada casriga ah.” Haddaba, xagasha qawmiyeed ee uu tagtada ka eegayo buuggu waa mid mushkilad abuuri karta. Magaca Kushitig in kastoo si guud cilmibaadhista loogu adeegsaday, haddana, waa adeegsi dhalin kara loollano, sida mid dhul ku saabsan ama hidde, siiba deegaannada ay xurguf qawmiyadeed ka jirto, sida Itoobbiya oo qawmiyado kala duwan isku hayaan.
Sida kastaba, doodda in deegaannada sida Askum ay ahaayeen kuwo ka ballaadhan sida caadi ahaan looga warramo, oo ay ahaayeen kuwo fidsan ilaa bariga shishe, waa dood qumman oo ay taageerayaan cilmibaadhisaha dhawaan laga sameeyay bariga Itoobbiya. Cilmibaadhisahani waxa ay sheegayaan in xidhiidh soo jireen ah uu kala dhexeeyay buuraleyda kore ee Waqooyiga oo ahayd xarunta boqortooyadii Askum.
Cutubka 2-aad waxa uu lafagurayaa xarunta suufida ee Aw-Barkhadle iyo deegaannada ku hareeraysan, halkaas oo ah xaruntii Soomaalida Waqooyigu diinta Islaamka ku baahisay qarnigii 12-aad. Halkan waxa ay Sacda Mirre ku soo bandhigaysaa xog cusub oo iftiiminaysa xidhiidhka ka dhexeeya dhaqannada kala duwan ee gobolka. Waxaa xusid mudan, summadaha Kiristanka iyo Yuhuudda ee lagu helay cimilbaadhisaha degalbaadhistu waxa ay tilmaamayaan in Kiristanka iyo Yuhuudduba ku dhaqnaayeen deegaanka Aw-Barkhadle. Caddaymo dheeraad ah oo tan muujinaysa ayay qoraagu xusaysaa, sida dhagax sallax ah oo ay ku xardhan yihiin xiddigta Dayfidh, Menorah iyo summado kale.
Cutubka 3-aad waxa uu sii wadayaa lafagurka deegaanka barakaysan ee Aw-Barkhadle, waxaana uu cutubkani diiradda saarayaa; agabka dhaqanka, dihnaanta iyo allebariga. In kastoo buuggu soo bandhigayo xogo muhiim ah, haddana qaybaha qaar in la sii faahfaahiyo way qurux badnaan lahayd. Tusaal ahaan, is barbardhiga lagu sameeyay xabaalaha muslimiinta ee Aw-Barkhadle iyo looxaanta dhaadheer ee summaduhu ku xardhan yihiin ee Askum, ee ku saabsan qaabkooda afar geesoodka ah iyo darafyada debacsan waxa aad mooddaa in ay tahay mid si ka wanaagsan loo tibaaxi lahaa. Sidoo kale, falanqaynta ku saabsan durbaannada iyo muhiimadoodu waxaa sii xoojin lahayd in la soo xigto oo si waafi ah looga sii warramo xidhiidhka ay la leeyihiin sooyaalka dhaqan ee durbaannada Afrikaanka. Qayb kale oo soo jiidasho leh ayaa jirta oo ka warramaysa agabka dihnaanta iyo adeegsigooda, in kastoo aad mooddo qaabka loo soo bandhigay in ay tahay mid si u kala dhantaallan, oo mararka qaar agab ayaa la xusayaa iyada oo aan la iftiimin xaaladihii loo adeegsan jiray. Tusaale ahaan, mar baa waxa buugga lagu soo qaadanayaa guryaha saqafkooda laga sameeyo looxa loo ekaysiiyay xubinta taranka ee ragga, ee ay adeegsan jireen bulshada Konso oo ah bulsho Koonfurta Itoobbiya ku nool, qodobkan oo laga soo xigtay cilmibaadhis uu sameeyay Christopher Hallpike, oo ah cilmibaadhe reer Kanada ah, waa mid sida loo soo xigtay loo qaadan karo in ay tahay mid Itoobbiya oo dhan caam ka ah.
Cutubka 4-aad isna waxa uu tolnimada rabbaaniga ah ka soo eegayaa dhanka dihnaanta, waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay qaybta ugu ugu muhiimsan buugga. Sacdi waxa ay soo bandhigaysaa xogo cusub, oo si wanaagsan loo faahfaahiyay oo ku saabsan caaddooyinka dihnaanta ee dumarka Soomaalida, waxaa xusid mudan qaybta ay kaga warramayso wagarka, waxa ay xusaysaa xidhiidhka gaarka ah ee ay la leedahay wagarka, waxa ay sheegaysaa in ay wagar ka dhaxashay ayeydeed.
Cutubka 5-aad wuxuu sii lafagurayaa dihnaanta, isagoo u kuurgalaya Suufinimada iyo mu’asasooyinka xerdhallanka ah ama Kushitiga ah. Lafagurka degelbaadhiseed ee qaybtan waa mid u baahan in la sii ballaadhiyo. Tusaale ahaan, dekadda Saylac waxa degelbaadhis ku sameeyay cilmibaadhayaal Faransiis iyo Isbaanish ah (sida, Fauvelle-Aymar et al.; González-Ruibal et al.), haddana, cilmibaadhisahan lama xusin, iyagoo ah kuwo kobcin karayay doodda.
Cutubka 6-aad, dooddu way ballaadhanaysaa waxaana ay ka warramaysaa “aydhiyoolajiyada dihnaanta sida ay ugu soo aroortay degelbaadhisaha Geeska Afrika”, halkaas oo ay Sacdi ku soo bandhigtay fahan bixinteeda “wadarta duquusta”, tan oo lagu qeexay in ay tahay “agab iyo falal dhaqan oo lagu muujinayo tusaalayaa gaar ah, kuwaas oo loo adeegsanayo in tooshka lagu ifiyo oo dibna loogu macneeyo agab degeleedka iyo goobaha arkiyoolaji ee gobolka.” sida ay doonto ha noqotee, waxa caqabad ah adeegsiga qiyaasta qawmiyad baadhiseed (Ethnography) ee asaaska looga dhigay “wadarta duquusta”, waayo habkani waa mid aan si joogta ah loo dabaqi karin. Waxaa taa dheer oo iyana caqabad ah kala duwanaanshaha goobaha Itoobbiyaanka ee la soo qaatay - Tiya, Aksum, Laalibeella iyo qabriga Sheekh Xuseen. Goobahani, in kastoo ay yihiin kuwo dhaca Geeska Afrika, haddana, waxa ay ku kala duwan yihiin; qaabka ay ku billawdeen iyo amminta taariikheedba, taas oo caqabad ku noqonaysa in la wada hoos galiyo hal fasiraad oo Kushitigaysan, iyada oon la garowsan xaaladaha gaarka ah ee ay ku yimaadeen. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa in dhagaxaanta goobahan ee isku macnaha la saaray ay lahaayeen macnayaal tirobadan.
Cutubka 7-aad, in kastoo uu laba bog oo keli ah ka yahay buug tiradiisa guud tahay 329 bog, waxaa laga yaabaa in uu u muuqdo mid kooban, balse, waxa uu ku guuleystay in uu bixiyay soo koobid gaaban, waxa uuna ku soo gunaanadmayaa faallo yar oo millicsi ah, taas oo soo jeedinaysa in aaminaadii xerudhallanka ahayd ee bulshooyinka Kushitigu haysteen “Waaq”, ay ahayd mid ay isla jaanqaadi karayeen diimaha kiristanka iyo islaamka,waxaaba lagu doodi karaa in ay dhammaystirayso diimahan, oo ay u saamaxayso dadku “in ay Eebbe caabudaan oo ay allebari u loogaan si loo helo nabad, barwaaqo iyo dihnaan.”
Dr Sacda Mirre, waxa ay ku caanbaxday cilmibaadhista arkiyoolaji/degelbaadhiseed iyo hidde ee Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda u saaraysa Soomaalilaan. Cilmibaadhistan furaha ahi ee daaran degellada barakaysan, agabka hiddaha iyo xarumaha qadiimka ah ee diimaha Kiristanka iyo Islaamka ee Waqooyi-Bari Afrika waa mid u taagan asaaska halabuurka qaab aragtiyeed/tiyari iyo mid gorfeyneed oo ku saabsan hiddaha gobolku wadaago iyo degelbaadhista xerudhallanka ah. Cilmibaadhistan waxa ay tixraac aan laga maarmayn u noqon doontaa cilmibaadhisaha degelbaadhista, antaraboolajiga, taariikhda iyo cilmibaadhisaha kale ee khuseeya Geeska Afrika.