Taariikhda Dr. Xaawa oo Kooban
Xaawa Cabdi waxa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho, 17kii May, 1947, waxa ay ka mid ahayd ardaydii fursadda waxbarasho u helay dalka dibaddiisa, waxa ayna kulliyadda Caafimaadka ka diyaarisay jaamacad ku taalla caasimadda Yukray, ee Kiyeef (Hore USSR) waxa ayna si gaar ah ugu takhasustay arrimaha Taranka Dumarka (Gynecologist). In ay barato caafimaadka waxa uu salka ku hayay geerida hooyadeed oo u dhimatay daryeel caafimaad la’aaneed. Xaawo, waxa ay ku barbaartay oo ku kortay magaalada Muqdisho. Markii ay ka soo noqotay safarkeeda waxbarashona waxa ay ka hawlgashay cisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Nolosha Dr. Xaawo waxaa saamayn gaar ah ku lahayd ayeeydeed oo reer Afgooye ah, waxa ay u ahayd cidda la miisaanta go’aanno badan oo ay qaadanayso, waxa ayna hadallada ayeeydeed ka dhex heshay, jawaabo ay ku diirsato.
Kolka laga yimaado guur khasab ahaa oo ay Xaawo yaraanteedii soo martay, waxa ay markeedii labaad is guursadeen Aadan Maxammed oo ah aabbaha carruurta Xaawo (Deeqo, Aamina iyo Axmed), marka laga reebo gabadheeda Faadumo oo ay u dhashay ninkeedii hore oo iyadu yaraan ku saqiirtay. Xaawo iyo Aaden waxa ay isku soo baranayaan safarkoodii waxbarasho, isla halkaas ayayna ku soo galayaan ballankooda guur, markii ay labadooduba dalka ku soo noqdeen waa ay kaga dhabbeeyeen ballankoodii, waxa ay Xamar, Afgooye iyo inta u dhaxaysa ku qaadanayaan nolol ay mahadiyeen, inkastoo ay saamayn doonto burburka iyo kala yaaca ku yimi dalka.
Sida ay buugga kaga warramayso, 1970-kii ayay dawladda Soomaaliya iibsatay dhul gaaraya 2,000 oo hektar, kuna dhow safaaradda Maraykanka, halkaa waxaa deganaa mid ka mida qaraabada aabbeheed, dawladduna waxa ay u soo bandhigtay in uu iibsado 100 hektar, nasiibdarro, isagu ma uusan awoodin waxa uu se fursaddaas siiyey Dr. Xaawo Cabdi oo dhulkaa ku gadatay 450 doollar. Muddo ka dib, markii ay dhalatay gabadheeda Aamino oo ay ugu magac dartay walaasheed oo geeryootay, waxaa u yimi nin ganacsade ah oo doonayay in uu gato dhulkeeda, waxa ay kaga iibisay dhulka oo saarnaa janbiga badda, lacag gaaraysa 75,000 oo dollar, lacagta ay Xaawo ku iibisay dhulkan ayaa noqonaysa midda ay ku iibsanayso dhulka baaxadda leh ee ku yaalla waddada loo maro Afgooye, sida ay tilmaamayso, muddadaas waxaa Soomaaliya ku soo badanayay magaalowga, badanaana dadku waxa ay shaqo iyo nolol u soo raadsanayeen Caasimadda Muqdisho, taas ayaana ah middii keentay in ay qaaliyowdo nolosha magaaladu ayna jabnaato tan miyigu. Sannadku markuu ahaa 1983-dii ayay Dr. Xaawa xarunteedii caafimaad ee ugu horreysay ka furaysaa meesha ay degtay oo loo bixin doono Tuulada Xaawo Cabdi. Ka hor, iibsiga dhulkeeda waxa ay ka soo wareegaysaa wasaaradda Cafimaadka oo ay cisbitaal ugu qornayd, waxaana loo wareejinayaa wasaaradda Waxbarashada oo ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uga hawlgali doonto kaaliye Bare Sare. Muddada ay shaqooyinkan waddo, waxa ay Xaawo dhanka kale ka diyaarinaysaa Kulliyadda Qaanuunka, waxa ayna sidaa ku noqonaysaa Dhakhtar iyo Garyaqaan.
Muddo kolkii ay ku shaqaynaysay xarunteeda caafimaad (Clinic) oo ahayd mid aad u kooban, taas oo aan u suuragalinayn in ay ku samayso wax qalliimo ah, ayay isku dayaysaa in ay dawladda ka codsato in loo ogolaado in ay furato Cisbitaal. Waxa ay la kulmaysaa Madaxweynaha dalka, Maxammed Siyaad Barre, horraanta fadhigooda waa uu ka diidayaa, waxa uuna tusinayaa in ay tahay masuuliyad weyn oo aanay ka soo bixi karin, balse, marka ay ka soo tagto Xaawo ayuu u soo dirayaa dhambaal uu ugu ogaalanayo in ay furato cisbitaal ka madax bannaan dawladda. Halkaas ayay, Dr. Xaawo ugu adeegaysaa dadka, welibana waxaa dhinac socota shaqadeeda Xamar.
Cisbitaalka oo muddo shaqaynaya ayuu dalka ka dhacayaa dagaalladii jabhadaha iyo dawladdii dhexe, goobta ay deggantahayna waxa uu noqday meel ay dadku u soo qaxaan, waxaa loo soo raadsan jiray caafimaad iyo nolol, dadkuna waxa ay u imaan jireen kooxo, qoysas iyo qof qofba. Markii dawladdii dhexe dhacdayna waxaa si aad ah u sii ballaartay firxadkii iyo kala yaacii shacabkii Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii degganaa Muqdisho. Beertii, Cisbitaalkii iyo Gurrigii Xaawo, waxa ay isu beddeleen Kaam ay ku soo qaxaan dadku, qaar ku suga inta ay dalka iskaga baxayaan iyo qaar ku negaada oo aan haysan meel kale oo ay u baxaan. Beerta iyo Kaydka kaamku kuma uusan filnayn in uu quudiyo dadkan tirabeelka ah ee ku soo qaxay, dhibta kale ee taagan ayaa iyana ahayd in aanu jirin meel caalamku wax u soo mariyo maaddaama ay meel walba isbaaro dhigteen dagaal oogayaashu. Waxa ay dhexda u gashay xaalad adag, waxa ayna masuul ka noqotay kumannaan qof oo aanay garanayn meel ay wax uga keento.
Xaaladda oo saa u cakiran ayay Xaawo xidiidh la samaynaysaa hay’adda Bisha Cas (ICRC) oo iyadu xerada ugu timi, wixii intaa ka danbeeya marxalado kala duwan ayuu kaamku marayaa, maalin kastana waxa uu qaabilayaa dad hor leh, waxa ay noqonaysaa duni kale oo ku dhextaala Soomaaliyada koofureed ee dagaallada waaweyn ka socdaan. Waxa ay la kulmaysaa caqabado tirobadan oo qaarkood uga imaaya dadka ay magangalisay iyo kuwa ay shaqaalaysiisay. Disembar, 1992, ayuu madaxweynaha Maraykanka George J.W Bush soo booqanayaa xerada Dr. Xaawo Cabdi, waa marka ay si gaar ah u helayso aqoonsi caalami ah, badi hay’adaha deeqbixiyayaashuna ay soo gaarsiinayaan gargaar bini’aadantinimo, waxaa marar badanna ku soo noqonaya wariyayaal iyo dad fariimaheeda dunida gaarsiiya, inkastoo ay saamayn weyn ku yeelatay markii Maraykanku la diriray Caydiid (si gaar ah) ayna uga dhinteen ciidamadu, kuna fashilmay hawlgalkoodii Rajo Soo Celinta (Operation Restore Hope). Laga soo bilaabo shirarkii ka dhacayay Jabuuti, Xaawo waxa ay ka mid ahayd dadka wax laga waydiiyo arrimaha Soomaaliya, waxay ka qaybgashay kulamo badan oo Soomaalidu lahaayeen, laakiin, ay iyadu kala soo noqotay niyadjab. Markii Carta lagu doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa Xaawo loo magcaabay wasiir ku xigeenka Shaqaalaha iyo Ciyaaraha, dhab ahaan dadku way la yaabeen in dhakhtarad weyn oo in badan dalka u soo shaqaynaysay laga leexiyo wasaaradda caafimaadka loona wareejiyo mid kale. Wiilkeed Axmed oo la kaftamaya, qoslayana, ayaa ku yidhi; “Hooyo, malaha waxaad ka shaqayn doontaa arrimaha shaqaalaha uun, illayn waxba ka garanmaysid ciyaaraha e.”, marka booskan loo magcaabayo iyadu ma oga, waxa ay ka maqlaysaa raadiyaha, muddo kadibna waxaa u yeedhaya wasiirkeeda, sababta booskan loogu magcaabayna waxaa lagu sababeeyay in saami qaybsiga beeluhu sidaa noqday. Muddo kadib, Madaxweynaha ayaa u yeedhaya, waxa uu u sheegayaa in laga dhigayo wasiir ku xigeenka Caafimaadka, sababta looga dhigayona ay tahay in ay dib u furto Cisbitaalka Banaadir. Isku daygii koowaad ee furitaanka cisbitaalka way ku guulaysanaysaa, laakiin, waxaa caqabad weyn ku noqonaysa hoggaamiyayaasha jabhadaha ama dagaal oogayaasha dalka. Marka ay caqabaddaas la kulanto, waxa ay iskaga baxaysaa arrimaha siyaasadda, iyada oo u go’aysa shaqada kaamkeeda. Waxa uu waqtigu jiitamo xaaladuhuna kala duwanaadaan, waxaa marar kala duwan soo weeraraya ururka Xisbul Islaam oo uu hogg aaminayay Xasan Daahir Aweys oo ay markii shaqada kaamku isku xirtay weerarradooda ay raaligalin ka bixiyeen, heshiisna wada galeen Xaawo oo ay weheliyaan odayaasha xerada. Markii ay Xisbul Islaam iyo al-Shabaab midoobeenna, waxa ay caqabad ku noqdeen shaqadii xerada ee socotay, way soo weerari jireen, sidoo kale, dunidii caawin jirtay ayaa ka joojisay deeqihii iyagoo u sababaynaya in ay ka baqayaan in dhaqaalaha ay bixinayaan uu gacanta u galo ururka al-Shabaab.
Muddadaas ku siman dhawr iyo labaatanka sanno waxa ay Xaawo gurigeeda ama kaamkeeda ku qaabishay oo adeegyo kala duwan ugu fidisay dad ka badan 90 kun oo qof, shaqada quruxda badan ee ay qabatayna waxa ay ku heshay abaalmarino kala duwan oo ay ka mid tahay; Nobel Peace Prize–iyadoo loo magcaabay u dhaqdhaqaaqaha xuquuqda bini’aadantinimo ee Soomaalida. 2010-kii, Glamour Magazine ayaa Xaawo iyo labadeeda gabdhood – Deeqo iyo Aamino – u aqoonsaday haweenka sannadka (Women of the Year), 2013-kii waxa ay ku guulaysatay abaalmarinta Vital Voices’ Global Leadership Award, waxa ay ku guulaysatay abaalmarino kale oo kala duwan, sidoo kale, waxaa lagu daabacay majallado waaweyn iyadoo la xusayo waxqabadkeeda qiimaha sarreeya.
Dr. Xaawa Cabdi, waxa ay wada ahayd Dhakhtarad, Garyaqaan iyo ruux u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada. Asaasaha xerada Dr. Xaawo Cabdi iyo Hay’adda Samafalka ee Dr, Xaawo Cabdi (Dr. Hawa Abdi Foundation). Waxa ay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Ogoosto 5, 2020. Alle ha u naxariisto, abaalka ay gashatay ummadana wanaageeda haku abaaliyo.
Dulmarka Buugga
Buugga, Keeping Hope Alive; How One Somali Women Changed 90,000 lives, waxa uu ku qoran yahay luuqadda Ingiliishka, waxaana qortay Dr. Xaawa Cabdi oo ay weheliso Sarah J. Robbins. Daabacaadiisa koowaad waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa 2013, waxaana lagu daabacay dalka Maraykanka. Buuggu, waxa uu u qaybsan yahay 27 cutub oo ay dheer tahay; hordhac, erey bixin, mahadcelin iyo magacyada qoyska Xaawo. Waxa uuna ka kooban yahay 246 bog oo waraaqihiisu yihiin midabka dhoobada (waa suuragal in daabacado kale laga sameeyay, ayna kala duwanaadaan midabka waraaqaha iyo cadadka bogagga). Qaabka uu buuggu u qoran yahay waa qaab sheeko oo dhacdooyinka laysugu xidhxidhayo si daadsan, dhacdooyinka qaar oo sannado danbe dhacay ayaa la soo hormarinayaa waxaana lagu xidhayaa kuwo sannado hore dhacay. Qofka akhriya waxa uu dareemayaa in buugga ay dhextaal u tahay geerida soo wajahaysa dad Xaawa ka ag dhawaa, waxa ay muujinaysaa sida ay u saameeyeen nolosheeda, dhawr dhimasho oo qaraabadeeda haleelay. Sidoo kale, hab tebinta buuggu waxa uu u dhigan yahay in qofka akhrinaya loo bidhaamiyo dhacdooyinkii ka dhacay dalka Soomaaliya iyo xaaladdii siyaasadeed ee dalka. Waxa uu ku qoran yahay luuqad sheeko oo aan ka marnayn fan iyo farshaxan u sahlaya qofka in uu dhammeeyo buugga.
Qaybtan hoose, waxa aan idinkula wadaagayaa soo koobid aan ku sameeyay, 27ka cutub ee uu buuggu ka kooban yahay iyo nuxurka guud ee uu ka hadlayo ayaan isku dayayaa in aan soo ururiyo:
- A Stanger in My Homeland: Qaybtan waxaa lagaga warramayaa sidii ay Xaawo ku billowday shaqadeeda dakhtarnimo ee Muqdisho, isla sheekadaas ayay ku xiraysaa nolosha waalidkeed iyo sida ay isku calmadeen, dhallashadeedii, dhalashada qayb ka mid ah walaaleheed, noloshii ay ku noolaayeen qoyskeedu iyo qaabkii ay ku heshay waxbarashada Midowga Soofiyeeti ee ay ku timi Ukrain.
- Gold Is Made Beautiful by Fire: Qaybtan waxa ay Xaawo isku barbardhigaysaa laba dhacdo oo iyada soo maray oo ka kala dhacaya Soomaaliya iyo Ukrain; kan hore waa gabadh Soomaali ah oo uu qabo nin masuul ah, uuna ka xanuusanayo ilmeheedu, balse, marka ay cisbitaalka keento ilmeheeda aanu ka muuqan dareenkii waalidnimo ee ahaa in uu ilme ka xanuunsanayo, waxa ay tilmaamaysaa in cunuga oo sakaraad ah ay hooyadiina u soo labisatay qaab aad u qurux badan, make up-na u soo marsatay si ay cisbitaalka u keento, waxa ay is weydiinaysaa sida ay hooyadani u haleeshay is qurxinteeda, ilmeheeda oo sakaraad ah. Dhanka kale, waxa ay ka warramaysaa waalid jooga Ukrain oo iyaguna sidaas oo kale u keenaya, cisbitaal ay ka hawlgasho, ilme ka xanuunsanaya, balse, si ka duwan tii hore uu ka muuqdo dareenkii waalidnimo. Waxa ayna leedahay, kee mudan in loo adeego? Waxaana laga baranayaa muhiimadda doorka waalidku leeyahay xilliyada ay carruurtu xanuunsato.
- To Stop the Bleeding: Qaybtan waxa ay Xaawo kaga warramaysaa qaabkii ay hooyadeed u geeriyootay. Hooyadeed waxa ay aad ugu xanuunsatay dhalmada ilmeheedii toddobaad, aad ayay u dhiig baxday, daryeel caafimaad oo wanaagsanna ma helin, markii ay dhimatay hooyadeed waxa ay billowday in ay baaritaan ku samayso waxa dilay hooyadeed, waana midda keentay in ay barato caafimaadka. Qaybta hore ee cutubkan waxa ay kaga hadlaysaa khibraddeeda ku aadan dhiig baxa haweenka iyo sida aan mar walba laysugu hallayn karin dawaynta sayniska ama aanu saynisku mar walba kuu caawinayn.
- Paradise in the World: Qaybtan waxa ay Xaawo kaga warramaysaa meesha uu ka soo bilowday xidhiidhka iyada iyo Aadan Maxammed. Waxa ay ka sheekaynaysaa sidii ay isugu barteen dhulkii ay jaamacadda u aadeen, qofnimadii Aadan iyo ballamihii ay halkaa ku soo wada galeen. Waxa ay tilmaamaysaa in Aaden ka codsaday guur iyaga oo jooga Ukrain, laakiin ay ka diiday sabab ay ku tilmaamtay in ay doonaysay in ay xaqiijiso hadafkeeda ah dakhtanimada, balse, ay ku ballameen in ay dalka isku aroostaan.
- Freinds and Enemies: Qaybtan waxa ay kaga warramaysaa guurka iyada iyo Aadan, sida ay noloshooda noqotay, qayb ka mid ah arrimo ku saabsan walaaleheed iyo safar waxbarasho oo cusub oo ay billowday. Waxbarashada cusub waxa ay ahayd barashada Sharciga ama Qaanuunka, sababta ay u billowday barashada qaanuunkana waxa ay ku tilmaantay in ay doonaysay helitaanka awood ay ku difaacdo qoyskeeda, aanayna marti uga noqon cid kale. Waxa ayna ka warramaysaa geerida aabbaheed.
- Awaiting a Life, Awaiting a Death: Waxa ay cutubkan kaga warramaysaa dhalashada gabadheeda Deeqa, oo noqonaysa curadda caruurta Aadan, xaaladdii ay ku sugnayd, dhicitaankii dagaalkii la la galay Itoobiya ee 1977-kii iyo saamaynta uu ku yeeshay. Sidoo kale, waxa ay ka warramaysaa dhimashada walaasheed Aamino oo iyada saamayn weyn ku yeelatay, oo galisay murugo weyn, oo aakhirka sababtay in ay ugu magacdarto mid ka mid ah carruurteeda.
- Filling the Hole in My Heart: iyada oo weli ku jirta murugadii ay ka dhaxashay geerida walaasheed Aamina ayay qaybtan uga warramaysaa sidii ay u raadisay dawada murugada haleeshay. Waxa ay isbarbardhigaysaa miyiga iyo magaalada, iyada oo ka warramaysa sida dadyowgu ugu qulqulayaan magaalada loogana soo yaacayo miyiga, xaaladdaa oo taagan ayayna dhul ka iibsanaysaa bogcado saaran jidka Afgooye, Xaawo, halkaas ayay guri ka dhisanaysaa, sidoo kalena ka samaysanaysaa beero iyo aag xoolo lagu dhaqan karo, marka ay sidan falayso waxa xusuusteeda ku jira yaraanteedii iyo noloshii ay kula noolayd ayeeyadeed.
- Losing My Past and My Future: qaybtan waxa ay kaga sheekaynaysaa guurkii carruurnimo ee lagu jujuubay, nin lagu khasbay iyada oo aad u yar, ayna u dhashay gabadh ay u bixisay Faadumo. Waxa ay ka warramaysaa gudniinkii ay soo martay, dhibaatadii ay kala kulantay guurkaas, dhimashadii gabadheedii curad oo aan in badanba dunida joogin iyo sidii ay ku kala tageen iyada iyo ninkaa lagu khasbay oo la odhan jiray Maxammed Xuseen. Waxa kale oo ay Xaawo ka warramaysaa geerida ayeeyadeedii ay aadka u jeclayd, cinwaanka cutubkana waxa uu ka hadlayaa waayitaanka curaddeedii oo waqti hore ah iyo waayitaankii ayeeyadeed.
- Building My Practice: qaybtan waxa ay kaga hadlaysaa kobcinteedii xirfaddeeda caafimaad iyo sida ay ugu suurogashay hirgalinta xarun caafimaad (Clinic) oo ay ka furtay meeshii ay degtay ee saarnayd waddada Afgooye, waxa ayna ka sheekaynaysaa damaceedii ahaa in ay dhisto cisbitaal, maaddaama aan loo ogolayn in si gaar ah loo furtana ay arrinkan kala hadashay Madaxweyne Maxammed Siyaad Barre oo aakhirka u ogolaanaya.
- My Sisters Return: qaybtan waxa ay kaga warramaysaa soo noqoshada walaalaheed Caasha iyo Khadiija oo sababo kala duwan ku soo noqday (oo furiin ka mid yahay), iyada oo wax badan tabanaysa (Khadiijo) ayay dib ugu soo noqotay xerada Xaawo Cabdi. Waxa ay Xaawo kaga sheekaynaysaa qaybtan sida ay Soomaalidu u aaminsan yihiin wadaaddada, wadaaddaduna (qaarkood) ay danahooda uga faa’idaystaan fursaddan ay heleen. Waxa ay ka sheekaynaysaa sida ay isaga dhigaan dad wax walba awooda, Alle iyo dadkana iyagu u kala dab qaada. Sidoo kale, qaybtan waxa ay kaga sheekaynaysaa dhismihii Cisbitaalka ee laga dhisay xerada iyo qaabkii uu u hirgalay.
- Necessity is The Mother of Invension: cutubkan waxaa lagu soo gudbinayaa bilowgii dagaallada jabhadaha ee ka bilowday Waqooyigalbeed Soomaaliya. Maaddaama, Xaawo ninkeedu ka soo jeeday qabiilka SNM, waxa ay kaga sheekaynaysaa sida uu u saameeyay kala shakigii bilowday, waxa kale oo ay kaga warramaysaa bilowgii isbaarooyinka iyo is ugaarsiga qabiilaysan. Isla qaybtan waxaa lagu xusayaa sida ay dadku ugu soo qulqulayeen xerada Xaawo Cabdi oo billowgii ahayd guriga Xaawo.
- Collapse: burburkii dalka iyo dhicistii dawladdii dhexe ee Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelatay Xaawo iyo kaamkeeda ayaa qaybtan looga warramayaa. Xaalku sida uu noqday markii jabhaduhu la wareegeen magaalada Xamar iyo dhaqdhaqaaq ka bilowday xarunteeda caafimaad ee saaran waddada Afgooye.
- Why Do You Want To Do This? Cutubkan waxa uu ka hadlayaa sida ay Xaawo deeqaha uga heshay caalamka, u qareemiddii xerada Xaawa oo ay ku soo qaxeen kumannaan Soomaali ah. Billowgii xidhiidhka ay la samaysay hay’adda Bisha Cas (ICRC) ayay kaga sheekaynaysaa. Waxa ugu weyn ee cutubkani ka warramayo waa caqabadaha hortaagnaa in xerada uu soo gaaro waxyaabaha uu caalamku ugu deeqay taas oo ay jidka u galeen ama xannibeen dagaal oogayaashii dalku. Waxa kale oo ay kaga warbixinaysaa damaca waallida ah ee ragga Soomaaliyeed, heer qayb ka mid ah shaqaalaha ama dadka loogu adeego xerada ay damaaciyaan cunnada iyo adeegga caafimaad ee maatada loogu deeqay. Ciwaanka cutubkanna waxa uu ku baxay su’aal ay Xaawo ku tilmaamtay in ay adag tahay ka jawaabiddeedu uuna waydiiyay mid ka mid ah shaqaalaha ICRC oo Soomaali ahaa, laguna magcaabo Xuseen Salaad.
- Danger from Within: qaybtan waxa ay uga warramaysaa dhacdo layaab leh oo xerada ka dhacday, waa in xerada ay xilli habeennimo ah dablay soo weerarayaan, markii la gaaray maalinnimadiina ay isla kuwii xalay soo weeraray ay u imanayaan Xaawo, iyaga oo isaga dhigaya kuwo difaacaya. Waxa ay ka warramaysaa caqabadaha ka taagnaa gudaha xerada. Sidoo kale, Sheekh la soo degay xerada oo ay dadku aad u aaminsanaayeen, ahaana mid khuraafaad badan oo damaaci ah, dadkuna ay aaminsanaayeen haddii aan la siin wuxuu rabo in uu habaarayo, ayay kaga sheekaynaysaa qaybtan.
- Today We Are Happy: qaybtan waxa ay Xaawo kaga waramaysaa, ninkeeda Aadan oo xerada ka tagaya, waxa uu raacayaa Sheekha ay ku xustay cutubka afar iyo tobnaad, sababta keentay in uu raaco ayaa ah markii Sheekhu isku dayay in uu Xaawo kala wareego dhul weyn oo uu ka taliyo qaybna ka ah dhulkeeda, balse, ay Xaawo ka diiday. Aadan wuxuu aaminay in haddii Sheekha wax loo diido la halaagsamayo. Kolkii hore Muqdisho ayuu ku negaa, gadaal ayayse u wada guureen –Aadan iyo Sheekha– dalka Sucuudiga. Waxa kale oo ay ka warramaysaa; xanuun iyada soo foodsaaray, qaabka gargaar kala duwan ku soo gaareen iyo qaabkii ay carruurteeda ugu dirtay Nayroobi. Ciwaanka cutubkan waxa uu ku baxay, marka nin weriye ah ugu yimaaddo xerada, uuna weydiiyo xaalkeeda, waxa ay ugu jawaabaysaa; “ Today we are happy, nobody died—maanta waan faraxsannahay oo cidna nagama dhiman.” jawaabtan ayaa ka soo muuqatay wargaysyada iyadoo bogga horana uu ku qoran yahay far waa weyn.
- Operation Restore Hope: qaybtan waxaa looga sheekaynayaa, gayntii ay Xaawo gaysay carruurteeda Yugaandha, iyo in ay ku soo reebtay walaasheed oo halkaa ku nool. Imaatinkii uu Maraykanku yimi Soomaaliya, si gaar ahna, booqashadii uu Madaxweynaha Maraykanka ee Bush uu ku tagay xerada Xaawo Cabdi, waxa ay ka warramaysaa, qaabka ay u soo dhaweeyeen, sidii looga falceliyay iyo faa’iidadii ay ka dhaxleen. Waxay kale oo ay xusaysaa caawimaadihii ay soo gaarsiiyeen Qaramada Midoobay iyo Maraykanku. Aakhirka, waxa ay ka sheekayn weerarkii lagu qaaday Caydiid iyo say u aragtay.
- One Wrong Decision: cutubkan waxa uu ka hadlayaa safarkii waxbarasho ee ay qayb carruurteeda ka mid ah aadeen, sidii Maraykanku uga baxay Soomaaliya iyo markaa ka dib sida uu u caadiyoobay bahallowga Soomaalidu. Sidoo kale, markii uu ka go’ay gargaarkii badnaa waxa ay bilaabeen in ay beerahooda dib u tabcadaan, ganacsi hawl badan ka marayna ay ka sameeyaan.
- The Fourth Container: cutubkan waxaa uu ka wada hadlayaa dhawrkan qodob; diritaankii Deeqo (gabadha Xaawo) loogu diray Moosko safar waxbarasho, shaqo cusub oo dhakhtarnimo oo ay Xaawo ka billowday Nayroobi, ka qaybgalka shirkii Jabuuti ee Soomaalida, safarkeedii ay ku tagtay Moosko si ay uga qaybgasho qalinjabinta gabadheeda iyo ninkeeda Aadan oo gabadh kale ku guursaday Hargaysa isagoon u sheegin Xaawo, isla Hargaysana u guuray taas oo ah khiyaano uu ku sameeyay marka la eego wacadkii uu Yukrayn ugu maray Xaawo, taas oo ahayd in aanu la guursan doonin.
- Vice Minister of Labor and Sports: cutubkan waxa ay kaga warbixin qaabkii ay ugu biirtay dawladdii Carta iyo sida loogu magcaabay wasiir ku xigeenka Shaqaalaha iyo Ciyaaraha. Waxa ay ka warramaysaa, isku daygii furitaanka Cisbitaalka Banaadir iyo xilkeedii labaad ee ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
- We Can Remember: qaybtan waxa ay uga warrami safar fasax ah oo ay Axmed iyo Aamino (carruurta Xaawo) ku yimaadeen xerada, Axmed oo Ruushka ku soo xanuustay ayay isku dayaysaa in ay u guuriso, wuuse ka diidayaa. Labadeeda carruur ayaa qabanqaabinaya xafladda sannadguuradii 20aad ee xerada iyo xarunta caafimaad. Hadaljeedinta Xaawo ayuuna cinwaanku ku salaysan yahay, kaas oo ah; in ay sheegtay in ay xasuusanayaan dadkii ka dhintay, kuwaas oo naftooda ku waayay gaajo iyo wixii la mid ah. Aamino, marka ay waxabarashada caafimaad soo dhammayso ayaa iyana ka hawlgalaysa xerada hooyadeed.
- Ahmed: qaybtani waa qaybta ugu murugada badan dhanka Xaawo, waxa ay uga sheekaynaysaa jacaylka dheeriga ah ee ay u qabto wiilkeeda Axmed. Isaga oo waxbarasho ku maqan ayuu hooyadii u soo sheegayaa in uu u safrayo Hargaysa, halkaas oo uu aabbihii joogo, hooyadii way ka diidaysaa maadaama ay qabto in uu khiyaamay Aadan, wuuse ku adkaysanayaa. Nasiib xumo, shil gaari ayuu Axmed ugu geeriyoonaya Waqooyigalbeed, Xaawona waxa ay galaysaa xaalad murugo oo aad u daran, waxa ayna isdiidsiinaysaa geerida wiilkeeda, marna waxa ay ka shakinaysaa in la dilay.
- “A Doctor Bound by Humanity”: cutubkan waxa uu ka hadlayaa dhawrkan qodob; xaaladda sii xumaanaysa ee dalka, billowgii ama asaaskii maxaakiimta, dagaalkii Maxaakiimta iyo Itoobiyaanka, soo noqoshadii gabadheeda Deeqo iyo qiritaanka hawlkarnimadeeda iyo kulanno ay Xaawo la yeelatay wariyayaal soo booqday oo uu ka mid yahay wariye ka socday Los Angeles Times, kaas oo weydiiyay “maxaad u joogtaa halkan” ayna ugu jawaabayso “waad aragtaa dadkan? Sidee baan uga tagi karaa?” markaa ka dib ayuu wargaysKu daabacayaa “Dhakhtar arrimo bini’aadannimo darteed u xaniban”.
- An Ocean of Need: qaybtan waxa ay kaga sheekaynaysaa dhaqankii Maxaakiimta, xidhiidhka iyada iyo hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF), safarkii ay Jiniifa ku tageen iyada iyo gabadheeda Deeqo, baaritaankii caafimaad ee madaxa oo lagaga helay buro iyo sidii ay deeq caaafimaad uga heshay saaxiibadeeda Hay’adda MSF.
- The New Generation: mawaadiicdan isbarkan ayaa cutubkan looga warramayaa; qalliin dhanka madaxa ah oo ay Xaawo ku galayso Jiniifa, xanuun la soo darsaya Aamino (gabadha Xaawo) kaas oo la xidhiidhay uurkeeda, qaadistii Aamino oo xanuunsan loo qaaday Jabuuti, dhisiddii dawladda Sh. Shariif, kala go’ii Maxaakiimta u kala jabeen al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, safarkii ay Deeqo ku tagtay Maraykanka iyo u guuristii ay Nayroobi u guurtay Aamino.
- The Attack: waxaa cutubkan lagaga warramayaa weerarkii uu Xisbul Islaam ku soo qaaday Xerada Xaawo Cabdi, waxaana ururkan madax u ahaa Xasan Daahir Aweys.
- Women of the Year: cutubkan waxaa looga warramayaa aqoonsiga loo aqoonsaday Xaawo iyo labadeeda gabdhood (Deeqo iyo Aamino) in ay yihiin Haweenka Sannadka. Maqaal ay ka qortay gabadh weriyad ah ayaa sababtay in Gloumer Magazine u aqoonsato saddexdooda in ay yihiin haweenka sannadka. Xaawo ayaa ka sheekaynaysa safarkeedan Maraykanka, kulamadii ay la yeelatay Soomaalida iyo ajaaniibta. Waxay kaloo ka warramaysaa kaalmooyinkii ay xerada u raadiyeen iyo dhawr safar oo danbe oo ay Maraykanka ku noqotay.
- Forgiveness: Xaawo waxa ay cutubkan kaga hadlaysaa iskubiiristii al-Shabaab iyo Xisbul Islaam iyo saamaynta uu ku yeeshay xerada, waxa ay tilmaamaysaa in arrintaasi saamaysay kaalmadii ay caalamka ka heli jireen maaddaama ay ka cabsadeen in deequhu gacanta u galaan al-Shabaab. Waxa kale oo ay cutubkan kaga hadlaysaa xanuunka haleelay caruurteeda aabbahood, waa Aadan e, safarkii loogu qaaday Malaysiya ilaa dhimashadiisa, waxa ay xusaysaa safarkii ay ku tagtay Hargaysa si ay uga qaybgasho aaska Aadan iyo sida uu ugu weynaa geerida aanay hilmaamin ee wiilkeeda Axmed. Markii la aasay ayay cafisay Aadan, waana meesha uu ku baxay cinwaanka cutubkan. Waxa ay Xaawa ku gunaanadaysaa in ay rajaynayso in uu gacanteeda ku soo noqdo dhulkeedii uu ka dhisnaa cisbitaalka iyo xerada, kaas oo uu ku qabsaday nin ganacsade ah oo ay ku tilmaamtay in uu ka socday dhanka al-shabaab, waxa ayna muujisay rajadeeda nabadraadinta.
Gunaanadkii waxa aan kula talinayaa qof walba oo jecel akhriska ama darsidda taariikhda Soomaalida in uu akhriyo buuggan. Waa buug ku qoran luuqad fudud oo macaan, waana taariikh nololeed ay ku kaydsan tahay qayb ka mid ah taariikhda guud ee Soomaaliya.