Skip to main content

Monday 16 September 2024

Buug

Raacdaynta Tagto Dhaandabaggaale

6 September, 2024
Image
Tower
Share
Buugga Hiwot Teffera ee "Tower in the Sky" kaliya maaha mid soo gudbinaya mid ka mid dhacdooyinka taariikheed ee ugu muhiimsan taariikhda Itoobbiya ee sidoo kale waa mid ka mid ah qisooyinka ugu quruxda badan, taas oo ku saabsan, Jacayl, guuldarro iyo Kacdoon.  

 

Mid ka mid ah saraakiisha dawladda oo sifaynaya xubnihii Xisbiga Kacaanka ee Shacabka Itoobbiya ayaa waxa uu sheegay “Waxa aad ka heli doontaa Boosteejooyinka basaska iyaga oo iska yeelyeelaya in ay akhrinayaan wargeysyada, fiirinayaan saacadahoodda ama sanka xoqonayaan. Kolka ay maqaaxida yimaaddaana, waxa ay dalbanayaan bun ama shaah, dabadeed waa ay is xantaan, halka muuqaalkooda xishoodka leh uu yahay sidan: habluhu waxa ay wataan shaalka Afro iyo kabaha ciyaaraha, halka wiilashu ay xidhan yihiin surwaal jeemis ah iyo kabo duug ah.” 

1974-kii waxa kacdoon talada laga ga tuuray, nidaamkii uu hor kacayey boqor Xayle Salaase, kacdoonkaas waxa qayb laxaad leh ka qaatay dhaqdhaqaaqii ardayda garabka bidix oo gacan ka helayey Xisbigii kacaanka ee Shacabka Itoobbiya (EPRP), balse, kacdoonkii ka dib waxa taladii la wareegay gole (Dergi) ay hoggaaminayaan ciidamadu. Isla jeerkii Xisbigu damcay in wax lagu xukumo jidka dimoqraadiyaddana Dargigu waxa ay kaga falceliyeen iska horimaad dhiig ku daatay. Dabadeed, kolkii uu fashilmay isku day dil oo EPRP ay ku doonayeen khaarijinta hoggaamiyihii Dergiga Mengistu Xayle Meryam sannadkii 1976-kii, taliska ciidanku waxa uu qaaday - olole ballaadhan oo ka dhan ah xisbigii EPRP, waxaana xabsiga loo taxaabay boqollaal qof, sidoo kale waxa jidh dil iyo qudh gooyo loo gaystay kumannaan kale, halka qaar kale na la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, ololahan waxa uu ku caanbaxay “Argagaxii Casaa.”  

Hiwot Tefeera, waxa ay ahayd gashaanti 18 jira oo ardayada kolkii ay ku biirtay safafka Xisbiga EPRP. Buuggeeda “Tower in the Sky “waxa ay ku ururisay xusuusihii waagaas, akhristaha waxa ay toos u dhex gaynaysaa - Addis Ababadii 1974-kii oo ahayd xaruntii siyaasadda, farxaddii la socotay ka takhalusiddii Xayle Selaase iyo  riyaddii Xisbiga ee dhisidda bulsho xor ah oo siman, (ciwaanka buugguna waxa uu u taaganyahay riyadaas.) cunfiga ka dhanka ah xisbiga markuu Dergigu geysto, xisbigu waxa uu u guranayaa aydhiyoolajiyad dhogmaatik ah oo Maarkisi-Lininiisam ku fadhida, iyadoo caddaadis ba’an kaga imanayo Dergiga ayaa haddana waxa ay sii joogteynayaan hawlahooda kacaannimo. Marka danbena akhristaha waxaa la dul keenayaa golaha milatariga oo qabanaya qoraaga, way jidh dilayaan oo xabisayaan muddo sagaal sannadood ah ilaa ay marka danbe ka baxsanayso. Akhriska buuggani waxa uu dib ii xasuusiyey Ibraahim Cabdi Majiid iyo sheekadiisa “Daruuraha dul hoganaya al-iskandariya” taas oo ah sheeko faneed ku saabsan dhaqdhaqaaqii ardayda Masar ee 1973-kii iyaga oo mutay dhib la mid ah tii ardayda Itoobbiya, laakiin kala duwanaanshuhu wuxu yahay qisada “Tower in the Sky” waa dhab.  

Hiwot kaligeed ma aha shaqsiyaadka udub dhexaadka u ah buugga, ee isna waxa si weyn uga dhex muuqda Getajowe Meru, oo ahaa hoggaamiyihii garabka ardayda ee Xisbigii EPRP, Getajowe oo mar danbe noqon doona gacalliyaheeda waxa uu wax ku lahaa ku soo biiristeedii Xisbiga, iyaga oo ku kulmay xalqad akhris wadareed ah oo Maarkisiyada daarneyd. Dhan kolka laga eego Tower in the Sky, waa sheekada Getajowe Meru, sheekada Getajowe Meru na waa isla sheekada kacaankii guul darraystay iyo idil ahaan garabkii bidix. Hiwot, billawgii, Getajowe wuxu ula muuqday qof maskax furan oo doonis xor ah leh, tayadaas oo ahayd wax aad u weyn maalmihii hore ee kacdoonka, laakiin, kolkii uu sii xoogeystay loollankii u dhaxeeyey Xisbiga iyo golaha militariga, sifooyinkaasi waxa ay noqdeen qaar aan laga daneyn Xafiiska xisbiga oo caqabbad joogto ah ku ah, sidaas awgeed, Getajowe markii uu si cad uga horyimid siyaasaddii xisbiga ee magaalada lagula dagaallamo Dargiga, waxa ay ahayd kala furashadii isaga iyo xisbiga, dabadeed waa la xidhay, jidh dil baana loo gaystay ilaa ugu danbeyntii dil toogasho ayaa lagu dilay, dhacdadaasi waa mid aan xog badan laga hayn si la mid ah dhacdadii qabsatay  gabyaagii iyo twarigii weynaa ee reer Salfadoor, Roque Dalton. Meru, kuma bixin gacmaha kelitaliskii ay is hayeen ee wuxu  ku baxay gacanta jaalayaashiis. 

Qisadani waa mid aad u xanuun badan, waa qiso ku saabsan xisbi horkacay kacdoon aan caadi ahayn, dabadeed ay kelitisnimo qurub qurub u googoosatay, ku na riixday in uu ku dhaco gefaf tiro badan iyo kalitalisnimo kale, heer uu isagu dib isu cunay. Laakiin, ta buuggan ka dhigtay, mid saamayn gaar ah lehi, waa in waxaas oo ayaan darro ahi isu kulansadeen si ay u burburiyaan jacayl dhab ah oo ka dhexeeyey labo qof oo dhab ah, waa Hiwot iyo Meru, tan iyo waagaas na dareenadda Hiwot kolna ma ay damin, waxaana taas caddayn u ah xulashadeeda magaca buuggan, waa ciwaan lagu sifeyn karo erayadii Jibraan Khaliil Jibraan ee ahaa: 

“Haddii ay mar kale ina kulmiso fiid cawlsha xusuustu  
waxa aynu u wada sheekaysan doonnaa si wada jir ah,  
waxaanad iigu heesi doontaa si qoto dheer,  
haddii labadeenna gacmood ku kulmaan riyo kale na, 
waxa aynu daar ka dhisan doonnaa badhtamaha cirka. “ 

Murugaddan uur ku taallada leh waxa aad ugu tagaysaa bog kasta oo ka mid ah baalasha “The tower in the sky” Iyada oo dhacdooyinka, tirooyinka iyo tirokoobyadu isu rogayaan laxannada farxadda iyo xanuunka. Waxa aynu la qoslaynaa kolka ay ka warramayso sida ardaydii kacaanku roomaansiyada ugu arkayeen raadgur macno darro ah (Getajowe, intii ayna is baran ka mid ayuu ahaa) taas oo lamaanaha jaamacada ee isu jeellan ku riixday in ay raadsadaan rug qarsoodi ah oo ay ku kulmaan, halkaas oo lagu magacaabi jiray “Darka dhunkashada”. Sidoo kale waxa aynu la qaybsanaynaa xamaasaddeedii ku biiristii Xisbigii EPRP iyo ku millankeedii ajandayaasha xisbiga ee qarsoonaa. Oo waxa aynu si shirqool leh u dhoolla caddaynaynaa kolka ay inoo muujiso in ayna ula dhacsanayn Lenin, sida ay Maarkis ula dhacsan tahay, laakiin kula ma ay dhiiran karin Getajowe ( Kaas oo naftiisa u huray mandiqa Linin ee dimuqraadiyada markasiga ah), waxa aynu u garaabaynaa kolka ay qorto Getajowe “waxa uu soofeeyey dareenkayga”, naqaska ayaynu isku celinaynaa inta aynu dhuganayno, shamaca qunyarka muddada dheer gubanaya, ee u taagan jacaylkooda, kaas oo uu marka danbe qulbayo xisbigii EPRP, marka ay laba meelood oo kala fog ugu diraan hawlo kacaanimo iyo indha ku haynta cabudhintii Dergiga ee dalka ka taagnayd (“…Jacaylkayagu waxa uu ahaa mid qarsoodiya si la mid ah ururkii aanu ka tirsaneyn “, arxan darrada iyo aminta aan habbooneyn ee la qulbay xidhiidhkooda, iyo dilkii Getajowe waa mid kugu noqonaysa filanwaa, aanad ka takhalusi Karin xataa kolka aad dhammayso buugga. Qofnimada Getajowe ee buuggu na waa qofnimo cad, dhab ah oo fiiqan taas oo khasaarihiisa ka dhigaysa mid aad qof ahaan u dareento.  

Culayska “Tower in the sky” waxa cirka ku shareeray wacyiga iyo ka war qabka ay Hiwot u lahayd toobbiyaha fikirkeeda iyo caadifaddeedu hayaan. Dhaqdhaqaaqii kacaanku, kolkii uu marayey meeshii ugu sarraysay, waxa ay wax ka qortay sidii “Nafteedii ahayd haad geed waayey ay ugu danbeyn u heshay rug” iyo sida uu halganku ugu ahaa “taaganteeda, mustaqbalkeeda iyo nolosheedaba” waxaas oo dhanna waxa udub dhexaad  u ahaa u daacad ahaanshaha xisbiga – in ka badan hal munaasibadna waxa ay is barbar dhigtay jacaylka ay u qabto Getajowe iyo ka ay u hayso Xisbiga. Midda xiisaha leh ayaa ah kolkii la caydhiyey Getajowe iyo xitaa kolkii la dilay in kasta oo ay ka gilgilatay in ay weli sii daacad u sii ahad xisbiga, xidhiidhkooduna ahaa mid sugan. In ka badan hal mar, Hiwot waxa ay nafteeda weydiinaysaa xitaa haddii ay suuragel tahay In Xisbigu ku kacay qalad; waxa ay si mudh ah u soo hor dhigaysaa akhristaha caqliyeynteeda iyada oo leh (Dhibtu ma ahayn Xisbiga, ee waxa ay ahayd koox ku dhex jirtay) iyo diidisteeda in ay qirato xaqiiqooqinka kuwaas oo beddeli kara sida ay u arkaan inta ku xeeran.  

Iyadoo ku dhex jirta cidlanimada iyo go’doonsanka xabsiga – ayaa ay si maalin leh u soo gaadhayaan wararka ku saabsan deldalaadda iyo gawricista jaalayaasheedii, taas oo ay sabab u tahay gefafka xisbiga. Tani waxa ay keentay in iimaanka Hiwot ee Xisbiga iyo ka Lenin maarkisiyadu labaduba uu burburo, dabadeed waxa ay baalasha buugga ku qoraysaa mid ka mid ah hadallada ugu saameynta badan “Caqligaygu wuxu igu shirqoolayaa lid ku noqoshada xisbigayga…oo waxa aan si gaabis ah isaga jeex jeexayaa xijaabka muqaddaska ah ee ku daboolnaa ishayda: Iyada oo ayna jirin is moodsiis, khuraafaad iyo loo ma dhawaadaan igu hareeraysan, la yaabkayga waxa ay noqdeen (EPRP) dad caadi ah oo dawgooda ka dhex raadinaya gudcur” waxa xusid mudan, tani in ayna ku hoggaamin saluugista iyo canbaareynta tagtadeedii: waa se ay weynaysay oo ilaalisay tagtadaa, buuggana waxa laga la baxayaa sida ay u kor yeelayso una majeeranayso tagtadeedaas, hadda se waxa ay awooddaa dib u eegista xisbiga iyada oo aan dareemeyn “Boholyow iyo qoomamo”, dhab ahaantiina, waa sooyaal qofeed oo yaab leh. 

Waxa jira qaybo ka mid ah buugga oo kuu soo hor maraya si googoos ah. intaan la xidhin ka hor, Hiwot waxa ay dhawr mar ka badbaadday dil iyo xadhig, taas oo ay sabab u ahayd baraarugsanaanteeda (mar waxa ay isu dhigtay gabadh carmal si ay uga bedbaado xadhig), mararka qaarna waxa shinbir u noqdey nasiibka. Buuggu, waxa uu meel isugu keenayaa oo kulminayaa: Isirro buga, waraaqo been abuura, isqarin, sirdoon booliis, jacayl iyo daacadnimo xilli aad u adag iyo nolol xabsi. Waxa aynu ugu tagaynnaa xilliyo aad u murugsan iyo qaar faakihaysiya (sawirka aan madaxayga abid ka baxayna waa; islaanta maxbuusada ah, taas oo hoos fadhida shabaga kubadda laliska ee maxaabiistu ku dheesho, taas oo kolna diidaysaa in ay dhaqaaqdo, kolka ay kubaddu dhankeeda u soo dagtana gacan ku lalinaysa) 

Laakiin, dhammaadka, taariikhdu sida uu hore u yidhi Auden in ay kaa naxdo ma ahaane laga ma yaabo in ay wax ku tarto ama ku cafido.  Facii 1970-kii waxa loogu yeedhaa facii dahabiga ahaa iyo haddana facii guul darraystay, sidaas awgeed baalasha buuggan waxa aad ugu tagi doontaa sababta taas keentay. Jilaayasha soo fuulaya masraxa ee ku dhex wareegaya (Qaarkood ka degayaan) waa shaqsiyaad ashqaraar leh - maskax badan, naxariis iyo daryeel leh, kuwaas oo intooda badan ay hureen wax kasta (oo ay ka mid tahay naftoodu) iyaga oo ku raadjooga gaadhista Taawarkaa sammada ku shareeran “Tower in the sky.” 

Dhammaadka buuggan, waxa aad kala huleelaysaa madhnaan iyo dareemidda sida liidata ee nafahaasi ku baxeen. Hiwot ayaa iyana dareenkeeda musaafuris ku cabbirtay “Meel kasta oo ay dunida kaga noolyihiin iyo nafahoodaba badankoodu waxa ay ku dareemeen qalo badi ah, waa kuwo aan lahayn riyo iyo han toona, oo macne ka waayay joogtada iyo timaaddadaba, waxay raacdaynayaan tagto dhaandabaggaale ah.” 

Tower in the Sky keliya kuma saabsana uun xilliyadii muhiimka ahaa ee Taariikhda Casriga ah ee Itoobbiya, ee sidoo kale waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah qisooyinka ugu quruxda badan ee aad akhrido kuna saabsan, Jacayl, guuldarro iyo Kacdoon.  

 

waxa laga soo turjumay halkan.

Qoraallada kale ee qoraaga