Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Aragti

Khaarajintii Madaxweyne Cabdirashiid

13 May, 2024
Image
Madaxweyne Sharmaarke
Mudane Sharmaarke oo Aqalka Cad kula kulmaya mudane Kennedy, 1962. Labadoodaba muddo ka dib waa la dilay, ilaa haddana waa halxidhaale aan la furfurin (Sawirka: Robert Knudsen/Kaydka Magtabadda Kennedy).
Share

Sida la rumaysan yahay, madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke waxaa aano qabiil Laascaanood ugu toogtay nin askari ahaa oo la oran jiray Saciid Ismaaciil Yuusuf (Saciid-Oorfane), Oktoobar 15, 1969. Sida dadka badankooda ama dadweynaha Soomaaliyeed ee caadiga ahi aamminsan yihiin, Saciid-Oorfane waxa uu ka mid ahaa ilaaladii madaxweynaha. Dhanka kale, dadka Soomaalida wax ka qora badankoodu khaarajintii madaxweyne Cabdirashiid si dulkaxaadis ah bay ku dulmaraan iyaga oo warkooda ku gororiya in uu sababsaday aano qabiil oo doorashado lagu shubtay ka dhalatay uuna toogtay askari ilaalo u ahaa. Ilaa maanta oo khaarajintii Cabdirashiid ay 54 sano ka soo wareegtay ma jiro qoraa Soomaaliyeed ama mid shisheeye oo si buuxda wax uga qoray sababtii Cabdirashiid loo khaarajiyay. Yeelkeede, sida xogo door ahi xaqiijiyeen, Saciid-Oofane marnaba ka ma mid ahayn ilaaladii madaxweyne Cabdirashiid, sidaa oo kalena xubin ka ma uusan ahayn ciidanka boliiska dhabta ah. Sidaa daraaddeed, khaarajintii madaxweyne Cabdirashiid waxaa raad ku leh afgambii xukuumaddiisii lagu inqilaabay shan (5) maalmood geeridiisi ka dib, siyaasadihii dagaalkii qaboobaa ee dunida iyo arrimo kale. Qormadan waxa aan ku soo koobi doonaa xogaha la xiriira khaarajintii madaxweyne Cabdirashiid ee ay soo bandhigeen labada qoraa ee Maxamed Xaaji Ingiriis iyo Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib. 

Maxamed Xaaji Ingiriis oo si wayn uga hor yimid "Cabdirashiid aano qabiil baa loo dilay" waxa maqaal uu qoray oo uu ku magacaabay “Who Assassinated the Somali President in October 1969? The Cold War, the Clan Connection, or the Coup d’État” (2017) uu ku soo bandhigay xogo muhiim ah oo farta ku fiiqaya in dilkii madaxweyne Cabdirashiid ka waynaa aano qabiil, uuna salka la galayo dagaalkii qaboobaa (cold war) iyo afgambii Maxamed Siyaad Barre xukunka dalka ku qabsaday shan maalmood ka dib dilkii madaxweynaha. Waxa kale oo Ingiriis uu arrintan ku soo qaaday buuggiisa “The Suicidal State in Somalia: The Rise and Fall of the Siad Barre Regime, 1969-1991”.

Ingiriis waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in ninkii madaxweynaha dilay uu ka diiwaangashanaa ciidanka Daraawiishta balse saraakiil ciidanka boliiska ka mid ahaa ay tababar siiyeen. Waxa kale oo Ingiriis uu sheegay in taliyihii boliiska Jeneraal Maxamed Abshir Muuse uu ninkaas dilka gaystay ciidanka Daraawiishta ku daray. 

Waxa kale oo layaabka leh ee Ingiriis maqaalkiisa ku sheegay ayaa ah, in ninkaas dilka gaystay magaca diiwaanka ciidanka ugu qornaa uusan ahayn Saciid Ismaaciil Yuusuf balse uu ahaa Cabdulqaadir Cabdi Maxamed dirayska boliiskana loo galiyay wax yar ka hor toogashadii madaxweynaha. Waxa se Ingiriis uusan kala caddayn labada magac ee ninkaas midka saxda ah.

Ingiriis waxa uu khaarajintii madaxweyne Cabdirashiid la xiriiriyay Maxamed Siyaad Barre iyo afgambigii uu xukunka ku qabsaday dhimashadii madaxweynaha ka dib. Ingiriis waxa uu xusay in Maxamed Siyaad Barre dallacsiin u sameeyay, wax yar afgambiga ka hor, labo askari oo khaarajintii Cabdirashiid lagu eedeeyay. Labadaa askari oo kala ahaa Beddal Xirsi Faarax iyo Cabdi Raabbi Raage waxa ay ka mid ahaayeen shan qof oo dilka madaxweynaha loo xiray. Saddexda kale waxa ay ahaayeen Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Sheekh Nuuradiin Cali Colow iyo Caynab Faarax Maraf. Sida uu Ingiriis weriyay, dhammaan raggaan waa la sii daayay ka dib markii eedaysane Saciid-Oorfane ka laabtay war uu markii hore ku sheegay in ay dilka madaxweynaha ku kaalmeeyeen. Sida uu Ingiriis sheegay, qof markhaati ahaa oo lagu magacaabi jiray Faarax Warsame Cali ayaa maxkamadda u sheegay in Caynab uu Saciid-Oorfane u ballanqaaday lacag badan bishii Sebteembar 1969. Lacagtaa 40,000 (Soomaali Shilin) oo ka mid ah dilaaga (Saciid-Oorfane) walaalkii ayaa loo hormariyay halka 50,000 loo ballanqaaday. Waxa kale oo Ingiriis uu buuggiisa “The Suicidal State in Somalia” ku qoray in qorshaha dilka madaxweyne Cabdirashiid uu ahaa mid ka yimid Sheekh Nuuardiin Cali Colow iyo ragga kale ee kor ku xusan, iyada oo Sheekhu Saciid-Oorfane u ballanqaaday in uu maxkamadda ka difaaci doono marka uu madaxweynaha dilo, qorshaha dilkuna waxa uu ahaa in uu Muqdisho ka dhaco. (Eeg bogga 53 ee buugga The Suicidal State in Somalia). 

Waxaa uu Ingiriis intaa ku daray in Cabdi Raabbi Raage oo taliyaha boliiska Burco ahaa uu ahaa ninkii Saciid-Oorfane Laascaanood u diray si uu dilka u fuliyo halka Beddal Xirsi Faaraxna uu gacansiinayay. 

Waxa kale oo xusid mudan in Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo ahaa ninka Saciid-Oorfane boliiska ku daray uu ka mid ahaa siyaasiyiin dhawr ah oo lagu eedeeyay dilkii madaxweyne Cabdirashiid. Waxaa siyaasiyiintaa ka mid ahaa ra'isul wasaare hore Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo xukuumaddii Cabdirashiid mucaarad adag ku ahaa, sidaa oo kalana saaxiib dhow la ahaa Jeneraal Maxamed Abshir. Sida Ingiriis buuggiisa ku xusay, Cabdirasaaq Xaaji dhawr bilood ka hor khaarajintii madaxweyne Cabdirashiid waxa uu ku hanjabay in la qarxin doono gaariga koowaad (car no. 1). Gaariga koowaad waa gaariga madaxweynaha. Laakiin Cabdirasaaq waraysiyo uu bixiyay geeridiisi ka hor waa uu beeniyay eedayntaa loo jeediyay waxa uuna sheegay in eedayntaasi la xiriirtay keliya in uu mucaarad ku ahaa xukunkii Cabdirashiid iyo Cigaal. 

Yeelkeede, Jaamac Maxamed Qaalib oo markii dilku dhacayay madax ka ahaa qaybtii boliiska ee goballadii waqooyi (Somaliland) ayaa buuggiisa u dambeeyay "Taariikhda Soomaaliya: Xogogaalnimo U Badan" (2019) ku soo bandhigay xogo cusub oo lala xiriirin karo khaarajintii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke kuwaas oo aan horay loo ogayn. 

Jaamac waxa uu buuggiisa ku sheegay in berigii uu madaxda ka ahaa, waa Jaamace, hay'addii Sirdoonka Qaranka iyo Nabadsugidda (Somali National Intelligence and Security) oo markaa boliiska ka mid ahayd uu ogaaday in dharcad sirdoonka ka mid ah la dabadhigay Cabdirashiid Cali Sharma'arke si ay u basaasaan. In kasta oo uusan Jaamac sheegin taariikhda iyo sannadka haddana kolleyba waa Juun 1964 ka dib (kolkii Cabdirashiid ra’isul wasaaranimada wareejiyay) waayo marka Jaamac warkaan ogaanayo waa mar uu Cabdirashiid mucaarad ahaa.

Jaamac waxa uu sheegay in berigaa hay'adda sirdoonku jaajuusiin ku lahayd goobaha fadhikudirirrada siyaasadda lagu hayo. Waxa uuna intaas ku daray in nin jaajuusiinta hay'adda ka mid ahaa uu habeen Jaamac ku yiri "adduunyoy ba', mootooyinkii boliiska maantaba Cabdirashiid bay dabasocdeen." 

Sida uu Jaamac buugga ku sheegay, mootooyinka ninku ka hadlayo waxa ay ahaayeen mootooyin sirdoonka Soomaalidu ku dabagali jireen hawlwadeennadii safaaraddii Itoobiya. Jaamac waxa uu yiri: markii subaxdii aan xafiiskaygi tagey baan u wacay ninkii mootooyinkaas iyo dabagalkaba madaxda ka ahaa, waxa aanan waydiiyey in arrintaasi run tahay iyo in kale, waxa uuna ii sheegay in ay run tahay. Markii aan waydiiyay cidda ku amartayna calaacal iyo raalligelin buu ka bixiyay falkaas. 

Waxa kale oo Jaamac sheegay in uu qabay shaki ah in dabagalka Cabdirashiid ay ninkaas ku amreen madax sare oo isagana, waa Jaamace, arrinta laga qarsaday. Xusuuso waxaa markaas ra'isul wasaare ahaa Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. 

Jaamac waxa uu qoray in Cabdirashiid lahaa qorshe-maalmeed (daily routine) joogto ah kaas oo amnigiisa halis ku ahaa. Waxa uu yiri, “Cabdirashiid barqadii ayuu tagi jiray Baar Liido oo uu buug ku akhrisan jiray, ilaa salaadda duhur, dabadeedna salaadda maqrib ka dib ayuu shaleemada aadi jiray, shaleemada ka dibna waxa uu fariisan jiray maqaayad ku taallay Hoteel Shabeelle ilaa sagaalka iyo barka (9:30) ayuuna halkaas fadhin jiray.” Jaamac waxa uu intaas ku daray in markaas ka dib uu dhawr goor maqaayadda ugu tagay Cabdirashiid ka dibna inta uu salaamo ayuu meel ka durugsan fariisan jiray, si buu yiri “kuwa dabagalka ku hayay uga cararaan marka ay aniga i arkaan. Balse dhawr habeen ka dib waxa aan ka baqay in Cabdirashiid u maleeyo in aan isaga dabasocdo, ka dibna waan joojiyay hawshii”.  

Jaamac sida uu qoray, arrinta u ma uusan sheegin ama lama uusan wadaagin Cabdirashiid. Waxa kale oo Jaamac sheegay in markii Cabdirashiid madaxweynaha noqday uu hay'addii sirdoonka madax uga dhigay isla ninkii mootooyinka dabadhigay. Taasina ay caddaysay in Cabdirashiid uusan ogayn mootooyinka la dabadhigay.

Jaamac waxa uu hay'addaas madax ka ahaa sannadihii 1962 ilaa 1966. Fiiri buugga Jaamac (bogagga 137-147). 

Haddaba, waxaa is waydiin mudan, maxaa ka dhaxeeya xogaha cusub ee Jaamac Maxamed Qaalib soo bandhigay iyo xogaha Maxamed Xaaji Ingiriis? Si aynnu taas wax badan uga ogaanno aan dib ugu laabanno qoraalkii Maxamed Xaaji Ingiriis.

Sida Ingiriis qoray, ninkii madaxweynaha dilay waxa maxkamadayn degdeg ahayd uu ka hor sheegay in uusan madaxweynaha u dilin aano qabiil balse uu u dilay khiyaano qaran oo isaga iyo ra'isul wasaarihiisu ku kaceen (is’afgaradkii Cigaal la galay Kenya, 1967).

Waxa kale oo Ingiriis uu sheegay in qareenkii Saciid-Oorfane oo magaciisu ahaa Cabdicasiis Nuur Xirsi uu maxkamadda ka hor sheegay in Saciid-Oorfane mudan yahay in billad lagu abaalmariyo. Qareenkaasna uu ahaa nin Shuucinimadiisa (Marxist) la wada ogaa, isla markaana uu saaxiib dhow la ahaa Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Isla jeerkaasna Cabdicasiis Nuur Xirsi (qareenkii dilaaga) uu ka mid noqday golihii wasiirrada ee Maxamed Siyaad Barre magacaabay maalmo yar ka dib afgambigii. Sidaa oo kalana taliskii Maxamed Siyaad markii uu xukunka qabsaday uusan Cabdirasaaq jeelka ku ridin laakiin uu xabsi-guri geliyay sannado yar ka dibna uu u magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay. 

Waxaa xusid mudan in Cabdirasaaq Xaaji ka mid ahaa madax badan oo askartii xukunka qabsatay xidhay muddana uu Afgooye ku xirnaa inta aan danjire loo magacaabin.

Waxaa iyaduna xusid mudan xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Maxamed Siyaad Barre iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Sida uu Jaamac Maxamed Qaalib buuggiisa ku qoray, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa qoraaga (Jaamac Maxamed Qaalib) u sheegay in 1964 markii Baarlamaanku diideen magacaabistii Cabdirasaaq iyo xukuumaddiisii uu Maxamed Siyaad Barre oo markaas ahaa taliyexigeenka Xoogga Dalku uu Cigaal iyo xildhibaanno kale ugu hanjabay in haddii mar labaad Baarlamaanku diido Cabdirasaaq ay ciidanku shaqadooda qabsan doonaan.

Jaamac waxa uu buuggiisa ku weriyay in sannadkii 1966 markii hay’adda Sirddoonka laga beddalay oo qaybta waqooyi ee boliiska loo wareejiyay, intii uusan Hargeysa aadin, taliyihii Ciidanka Asluubta, Ismaaciil Axmed Ismaaciil uu Jaamac u keenay farriin ka socota Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal taas oo Cigaal ku dalbanayay kulan uu Jaamac la yeesho. Dabadeed Jaamac iyo Cigaal waxa ay ku kulmeen casho ka dhacday guriga Anthony Mariano (Michael Mariano walaalkii) kulankaasina waa kan Cigaal ugu sheegayo Jaamac hanjabaaddii Maxamed Siyaad u jeediyay xildhibaanno Cigaal ka mid ahaa sannadkii 1964. Waxa Jaamac intaa ku daray in Cigaal yiri: “haddii aan la helin dawlad ku dhiirrata oo kaas oo kale hawlgab ka gelisa, maalin maalmaha ka mid ah ayuu qas samayn doonaa.” (Eeg buugga Jaamac Maxamed Qaalib, bogagga 187-188).

Ha yeeshee, arrinta ugu mudan ee xiriirinaysa xogaha cusub ee Jaamac Maxamed Qaalib iyo xogaha Ingiriis waa isku dayo dil oo Cabdirashiid loo maleegay sannadkii 1968. 

Sida Ingiriis qoraalkiisa ku sheegay, nin askari ahaa oo la oran jiray Saadaq Maxamed Faarax oo dhamme (Captain) ahaa ayaa labo goor isku dayey in uu madaxweyne Cabdirashiid khaarajiyo. Markii koowaad waa uu fashilmay oo bomkii uu gaariga Cabdirashiid u dhigay ma qarxin. Markii labaad Kabtan Saadaq oo bombaano tijaabinaya rag kalena tababaraya ayaa bomkii ku qarxay, halkaas ayuuna dhintay. 

Shilkaas ka dib waxaa la soo qabqabtay raggii Saadaq tababarayay oo sirtii sheegay balse falkaas baaritaan iyo dabagal dambe lagu ma samayn. Sidaa oo kale, Ingiriis waxa uu qoray, Kabtan Saadaq waxa uu qabay gabar Cabdirasaaq Xaaji Xuseen abti u yahay. Waxa kale oo Ingiriis sheegay in Maxamed Siyaad Barre oo dhawr bilood oo keliya xukunka hayaa uu digreeto ku amray in magdhow la siiyo qoyskii Kabtan Saadaq Maxamed Faarax. Waxaa Ingiriis intaas ku daray in Kabtan Saadaq uu saaxiib dhow la ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaa hammile arxanlaawe ah (ambitious and brutal) kaa oo boqollaal mayl ka horreeya siyaasiyiintii iyo askartii ay isku xilliga ahaayeen, kaa oo waddo walba u maraya qabsashada awoodda. Sida Jaamac Maxamed Qaalib ku qoray buuggiisa “The Cost of Dictatorship,” sannadkii 1958 markii ciidanka boliiska la Soomaaliyeynayay ra’isul wasaarihii xilligaa, Cabdullaahi Ciise Maxamuud, waxa uu taliyaha boliiska u magacaabay Maxamed Abshir Muuse halka uu kuxigeenka ka dhigay Daa’uud Cabdulle Xirsi, laakiin Maxamed Siyaad Barre oo ay labada nin Talyaaniga tababar ku soo wada qaateen ayaa arrintaa ka carooday. Maxamed Siyaad waxa uu ku dooday in imtixaankii tababarka uu Maxamed Abshir kaalinta koowaad galay halka isaguna (Maxamed Siyaad Barre) uu kaalintaa labaad galay, sidaa daraaddeed ay caddaaladdu tahay in isaga kuxigeenka taliyaha laga dhigo. Arrintaa daraaddeed waxaa Cabdullaahi Ciise u yimid ergo Marreexaan ah oo Maxamed Siyaad ka socda kuwaas oo ra’isul wasaaraha ka dalbanaya in uu wiilkooda u caddaalad falo. Yeelkeede, Cabdullaahi Ciise waxa uu faylashii imtixaanka u dhiibay Aadan Shire Jaamac (Aadan-Low) si uu u tuso odayaasha Marreexaan sida runtu tahay (in Maxamed Abshir iyo Daa’uud Cabdulle kaalimaha koowaad iyo labaad ee imtixaanka galeen). 

Qodob kale oo muujinaya hammigii waynaa ee Maxamed Siyaad Barre waa xogo ay bixiyeen saraakiishii reer waqooyiga ahaa ee 1961 inqilaabka isku dayey kuwaas oo isku daygii inqilaabka ka hor taliska ciidanka kula kulmay Maxamed Siyaad Barre oo markaa ahaa taliyexigeenka Xoogga Dalka. Waxa ay saraakiishaasi sheegeen in Maxamed Siyaad u sheegay in kursiga taliyaha xoogga uu isagu xaq u lahaa balse qabyaalad darteed loogu diiday. 

Waxaa iyaduna xusid mudan in sannadkii 1965 taliyihii Xoogga Dalka, Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi uu si degdeg ah u geeriyooday. Geeridaa degdegga ahayd ee Jeneraal Daa’uud waa mid shaki ku gedaaman yahay balse aan cidina baaritaan ku samayn.

Arrin kale oo fariidnimadii iyo tabihii layaabka lahaa ee Maxamed Siyaad Barre caddaynayaa waa sidii uu uga badbaaday isku day la rabay in xilka taliska ciidanka lagaga qaado. Jaamac Maxamed Qaalib oo arrintan wax ka qoray waxa uu sheegay in ra’isul wasaare Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal damcay in uu Maxamed Siyaad xilka ka qaado dabadeedna tababar Ruushka ugu diro laakiin Maxamed Siyaad oo odayaal qabiil iyo rag saamayn leh adeegsanayaa waxa uu ku guulaystay in Cigaal go’aankiisii uu ka noqdo. Jaamac waxa uu sheegay in Maxamed ay badbaadiyeen wasiirkii arrimaha gudaha, Yaasiin Nuur Xasan oo ahaa nin awood badan ku leh xukuumaddii Cabdirashiid iyo Cigaal, iyo Daahir Xaaji Cismaan Sharma’arke oo madaxweyne Cabdirashiid inadeerkii ahaa. 

Jaamac waxa kale oo buuggiisa “Taariikhda Soomaalida: Xogogaalnimo U Badan” ku xusay in geeridii Jeneraal Daa’uud ka dib saraakiisha ciidanku labo garab u qaybsameen: qayb Maxamed Faarax Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayaan oo rabtay in aan Maxamed Siyaad taliye laga dhigin maadaama uusan tababar millateri qabin; iyo qayb Maxamed Siyaad iyo Salaad Gabayre hoggaaninayeen. Maxamed Siyaad iyo kooxdiisii ayaa guulaystay oo xukuumaddii Aadan-Cadde iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen waxa ay taliyaha xoogga ka dhigeen Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Siyaadna markaa ka dib waxa uu kala furfuray oo kala daadiyay garabkii ka soo horjeeday ee Caydiid iyo Cabdullaahi hoggaaminayeen. 

Jaamac Maxamed Qaalib waxa kale oo uu xusay in Cigaal haddii uu Maxamed Siyaad xilka ka qaadi lahaa uu taliyaha xoogga ka dhigi lahaa Jeneraal Maxamed Caynaanshe. Sida Jaamac qabana Maxamed Siyaad waxa uu markii dambe Caynaanshe u dilay cuqdad uu arrintaa ka qaaday.

Ugu dambayn, in kasta oo Jaamac Maxamed Qaalib uusan marnaba soo qaadin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyay Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, mootooyinkii Cabdirashiid la dabadhigay iyo dilkii Cabdirashiid, sidaas oo kalana uusan soo hadalqaadin iskudayadii dil ee Kabtan Saadaq ku fashilmay, haddana waxaa cad in labada xogood ee Jaamac iyo Ingiriis ay xiriir leeyihiin una baahan yihiin in dabagal iyo cilmibaaris dheeri ah oo lagu sameeyo.   

 

Tixraac

Jaamac Maxamed Qaalib, The Cost of Dictatorship: The Somali Experience, (1995), Lilian Barber Press, INC. New York.

Jaamac Maxamed Qaalib, Taariikhda Soomaaliya: Xogogaalnimo U Badan, (2019). Hud'Hud Books, Muqdisho.

Maxamed Xaaji Ingiriis, The Suicidal State in Somalia: The Rise and Fall of the Siad Barre regime, 169-1991, (2016), American University Press.

Maxamed Xaaji Ingiriis, “Who Assassinated the Somali President in October 1969? The Cold War, the Clan Connection, or the Coup d’État”, (2017), African Security, DOI: 10.1080/19392206.2017.1305861 http://dx.doi.org/10.1080/19392206.2017.1305861.

Waraysiyo ay bixiyeen Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, iyo Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo YouTube laga heli karo.

 

Qoraallada kale ee qoraaga