Skip to main content

Geeska Website

Thursday 2 May 2024

Siyaasad
Heshiisyada Qarsoon ee Soomaaliya
Aragti
Qoyskayaga iyo Qaxii Taleex (1920)
Buug
Jaadadka Kelitaliyaha Afrika
Waraysi
Sida socodku siyaasad u yahay

SIYAASAD

Siyaasad
Heshiisyada Qarsoon ee Soomaaliya

Heshiisyada Soomaaliya la gasho dawladaha qalaad ee badda ku saabsani waa kuwo qarsoodi lagu hirgaliyo. Taasi sidee bay u saamayn kartaa waayahan lagu jiro iyo loollanka cusub ee gobolka?

Siyaasad
Sida Qarashka Argagaxisa-la-dirirka Soomaaliyi u Shidaaliyo Dhiillada

Maraykanku wuxuu sheegaa in ujeeddada uu Soomaaliya u joogaa ay tahay in uu soo afjaro al-Shabaab, nabaddana horumariyo. Warbixintani waxay diiwaangelinaysaa sida siyaasadaha argagaxisa-la-dirirka ee Maraykanku ay uga tegayaan eel lid ku ah raadkii loo dan lahaa, ee ay dabka khilaafka u sii hurinayaan. Sookoobis

Siyaasad
Soodaan: Faragelinta Imaaraadka & Ismoogaysiinta Galbeedka

Soodaan waxa jarjaraya gedgeddoonka khilaaf isticmaarka cusubi dhalay oo wiiqaya yididdiiladii reer Soodaan ee nabadda, xaqsoorka iyo gobannimada Hordhac

Siyaasad
Is’afgarad mise is’afgaranwaa: Heshiiskii Itoobbiya & Soomaalilaan halkee ku danbeeyay?

Geeska Afrika waa gobol muhiimad siyaasad-degeleed oo weyn leh, waana marin ganacsiyeed Bariga iyo Galbeedka isku xidha. Waa gobol istraatiijinimadiisu soo jiidato loollanka awoodaha qalaad. Waa gobol goljilicyo siyaasadeed oo badan leh. Goljilicyadiisa waxa ka mid ah kalaqaybsanaanta qawmiyadeed iyo qabiil ee dalalka gobolka gudahooda ka jirta. Dalalka gobolka bulshooyin badan baa ku dulman oo muquunin dalweynaha qayb uga sii ah, taas oo ka dhigaysa iin ay awoodaha qalaadi adeegsan karaan si ay u gaadhaan danahooda siyaasadeed.

Siyaasad
Weerar & Weerarcelis: Badda Cas, Xuutiyiinta iyo Saamayntooda

Weerarrada ay Xuutiyiinta Yemeni ku qaadeen shixnadaha ganacsiga ee badda isaga gooshaa waxay raad weyn kaga tageen meel kasta, ha u darnaato kuwa u kala gooshaya Aasiya iyo Yurub e. Weerarradan oo inta badan gaadiidka badda ku beegsada dalka ay ka yimaaddeen ama ka laga leeyahay dartii, waxa culays dheeraad ahi ku sii koray shixnadaha si uun ula xidhiidha Israa’iil. Ololahan ballaadhan ee kala-naqaysiga ku salaysanina wuxuu ka askunmayaa dagaalka Israa’iil ay Falasdiin ka waddo iyo loollankii soo bilawday Oktoobartii kal hore.

Aragti

Qoyskayaga iyo Qaxii Taleex (1920)

Xasuusta dhibbanayaashii ku waxyeelloobay duqaymihii Ingiriisku ka geystay saldhigyadii Daraawiishta, siiba Taleex. Waxa werinaya Maxamuud "Xaaji" oo ka mid ah ubadka ka tafiirmay dadkii koobnaa ee masiibadaa ka badbaaday. 

Sannad ka dib colaadda Soodaan ka huraysa

Xamiid Khalafalla oo ah qoraa, cilmi-baadhe Soodaani ahi wuxuu dib u milicsanayaa dagaalkii Soodaan, barakacii ka dhashay iyo saamaynta guud ee uu bulshada dalkaas iyo qof ahaanba ku yeeshay. 

Waan ku khaldanaa Soomaaliweyn

Aayaha Soomaalida waxaa si yaab loogu maray fikradda Soomaaliweyn. Aragti dhalanteed ah oo aan ilaa hadda nuxurkeeda la aqoon. Kolkii la xoroobay waxaa yar iyo weyn hal mar loo wada guntaday raadinta Soomaaliweyn, iyada oo si dhab ah aan la isu wayddiin, loogana doodin, waxa ay tahay, dhibteeda iyo dheefteeda, halka ay inaga jirto iyo dhabbada loo marayo. Waa aragti lagaga kaaftoomay ka hadlidda waaqaca ina horyaalla oo daroogo ahaan loo liqo kolka la xasuusto gabaahiirta la dhex yuururo iyo xaaladda rajabbeelka ah ee lagu sugan yahay.

Burjuwaasiyadda iyo Busaaradda

Burjuwaasiyiintu waa dabaqadda ladan ee hantida iyo waxsoosaarka gacanta ku dhigta. Waa dabaqad aan ka daalin xoolo urursiga, dadka kalena aan u oggolaan in ay noolaadaan.

Muqdishaynta Dhiillada Qasa

Xaalad siyaasad-degeleed in ay ka dartay waxaad ku garan kartaa marka dadku bilaabo in uu barbardhigo xaaladda Soomaaliya. 

Dhaqan

Buug
Jaadadka Kelitaliyaha Afrika

Saddexlayda (trilogy) Jaadadka Kelitaliyaha Afrika waa hawl ballaadhan oo Nuuradiin Faarax uu saddex buug ku koobay hirdanka dhexyaalla kelitaliyaha iyo bulshada uu u taliyo. Saddexdaas buug oo mid kastaa ka hadlayo sida ay isula falgaleen kelitaliyaha iyo qoysaska ama shaqsiyado cayimani isla markaana isugu soohmeen halganka ay ugu jiraan in ay difaacaan ama dumiyaan nidaamka kelitalisnimo, qaarkood iyagoo ka war haya waxay samaynayaan iyo ujeeddooyinkooda qaarna aanay kaba war hayn. Waa dhigaal dhaxalgal ah.

Masrax
Shaneemo ku dhex nool baabuurka

Horraantii 1970kii ayuu ku soo biiray filim samaynta Cabbaas Kiyorastaami, isaga oo noqon doona filim sameeye Iiraani ah oo mar-la-arag ah. Waxa uu soo gudbiyey filimo waaqica xidhiidh adag la leh. Awood buuxda ayuu siiyey dhab ahaanta dhacdooyinka, sahlanaantana mudnaanta koobaad buu ka dhigtay. Wuu iska ilaaliyey wax walba oo ka mashquullinaya daawadaha in uu dhab ahaanta xidhiidh la sameeyo. Nolosha maalinlaha ah ayuu duubay. Waxa uu ku dhex duubay baabuur uu aad u jeclaa.

Fan
Hibotep: Muusig Reer-guuraannimo

Haddii inta aad yuutuubka gasho, “Hibotep” ku qorto kadibna natiijooyinka kuu soo baxa mid ka mid ah ku dhufato, wax yar kadib waxa aad is arki doontaa adigoo ku dhex lunsan codadka iyo muuqaalka hortaada ka daaran. Muuqalladu waxay u badan yihiin meelo magaalada ka baxsan, ama meelo u eg warshad laga guuray oo cidlo ah. Dad ayaa isku urrursan dadkaas bartankooda waxa taagan gabadh aad wajigeeda markiiba ka garanayso inay Afrikada Bari, gaar ahaan Soomaaliya, ka soo jeeddo.

Buug
Noofalkii Abaaday ee Gabriel Garcia Marquez

Ana Magdalena Bach waa gabadh da’ dhexaad ah. Sannad kasta, bisha Ogost, waxay u socdaashaa jasiiradaha Kareebiyaanka, si ay u soo siyaarato xawaalkii hooyadeed oo halkaas ku yaalla. Siddeed sannadood ayay siyaaradaasi xidhiidh tahay si ay xusuusteeda ugu waariso geerida habartii dashay. Sannadka siddeedaad ee siyaaradaas, habeen habeennada ka mid ah, hudheelka ay deggan tahay baar yar oo ku yaalla ayay ku arkaysaa nin keligii fadhiya. Si aan qorshaysnayn oo faduulinimo ku jirto ayay ninkii qolkeeda ugu martiqaadaysaa dabadeedna la seexanaysaa.

Sheeko
Unuunkii Daqaqamay

Coobbo karsan, gaaddo caro la higaagan iyo indho gadaashoodu maran tahay ayay saddexduba ka sinnaayeen. Gararka waxa sida sayaxa uga saarsaarnaa abur yaryar ah, qawlallada xumbo ayey ku lahaayeen, noloshana col bey la ahaayeen. 'cadowga Ilaahay gawrac!' ayuu midi ku yiri mid kale.

Tix
Marti cidi marti u tahay

MAANSOWaxaan dunida maansadaMadxafkeeda dhigayaa Maahmaahyo laga qorayMaalmahan filkayga ah Waxan magacyadoodiyo Macluumaadyadoodiyo Martabkiyo xilkoodiyo Mawaadiic u gaariyo Midhahooda qorayaa Malyuumaadka basharka ahWaxa madashan dunida ahMayeedhaan ku nool kowBashar maamulaan ahay Balse ka ma macaashinoMaba madax bannaaniye Waxan ahay miskiin iyo Masuul laga masuul yahay

Feker
Kasmanafeeddu kaalin ma ka qaadan kartaa dibudhiska?

Waxa aynu u baahannahay kasmanafeed dheeraad ah; waxa aynu u baahannahay fahan dheeraad ah oo la xidhiidha dabeecadda insaanka. Halista keli ah ee jirtaa waa insaanka. Waa halis weyn, oo aynu moognahay. Waxba ka garan maynno insaanka, waa in aynu derisno nafsaddiisa, sababta oo ah—waxa aynu nahay seeska shar oo idil.  —Carl Jung (1875 – 1961)                      

Maltimiidhiya

🎬 Kaalintii Reer Galbeedka ee Shirqoolkii Lamuumba

Muuqaalkani waxa uu soo gudbinayaa qoraal waraysi ah oo uu Faysal Cali oo ka tirsan bahda Geesku uu la yeeshay Stuard Reid, qoraaga buugga The Lumumba Plot, kaas oo qoraagu dib ugu eegayo dilkii shirqoolka ahaa ee Lamuumba, isagoo si gaar ah diiradda ugu saaraya doorkii uu Maraykanku ku lahaa shirqoolka Lamuumba iyo u jilba dhigista xukuumadda mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ugu haldoorsan.

🎬 Yaa Dekad ka Maarma?

Hoggaamiyayaasha Geeska Afriki waxa ay aad u hadal hayaan faa’idooyinka badan ee ay leedahay in ay bulshooyinkooda u dhisaan dekado, taas oo saldhig u ah mashaariicaha ay ku hormarinayaan degaannadooda.

🎬 Dunta Koonfur Afrika ku Xidha Falasdiin

Ibraahin Rasool oo danjire u noqday Koonfur Afrika, taliskii midabtakoorkana la dagaallamay, wuxuu Geeska uga warramayaa sababta uu dalkiisu u dacweeyay Israa'iil, waxa ay taasi uga dhigan tahay, iyo sida qadiyadda Falasdiin ay ugu dhowdahay qalbiyada reer Koonfur Afrika.

🎬 Geeska - Hir Cusub

Geeska - Hir cusub: Mareeg ku hawlan qaabaynta warbaahinta dhaqameed ee Geeska Afrika. 

Waraysi

Waraysi
Sida socodku siyaasad u yahay

Matthew Beaumont, oo ah aqoonyahan suugaanta Ingiriisiga ka dhiga Jaamacadda UCL, ayaa waraysi qoto dheer Geeska ka siiyay buuggiisa cusub ee ku saabsan Faanon, cunsuriyadda iyo sida socodku siyaasad u yahay. 

Waraysi
Leyla Abul Calaa’: Taariikhdeenna aynu dib u qoranno

Waraysi laga qaaday Leyla Abul Calaa’ oo ku saabsan noofalkeedii u danbeeyay (River Spirit) oo ay dib ugu eegayso go’doomintii Khartuum ee 1884-tii, ayna ugu kuurgalayso yagleelidda taariikhayn ka geddisan ta gumeystaha. Ugu horrayn waxaan kuugu hambalyaynaynaa waxsoosaarkaaga suugaaneed ee cusub. Waxaan jeclaan lahayn in aan wax ka ogaanno waxa kugu riixay in aad buuggan qorto. Waxaad nooga warrantaa siday fikraddiisu ku bilaabantay?

Waraysi
“Sheekadu waxay i bartay in aan runta qayaxan tixgeliyo”

“Waxa la inagu soo ababiyay in aynu ka feejignaano wax kastoo sooyaalkeenna ka baxsan,” ayay Nadiifa Maxamed oo ah qoraa Biritish-Soomaali ahi ku tidhi waraysi ay Geeska siisay.. Waxay sheegtay in ay akhrinta noofallada ka baratay qaddarinta runta qayaxan.

Waraysi
“Qof wixii tegay aan ogayni waxa soo socdana ka ma tabaabushaysto”

Barofeesar Mustafe Minaawi ayaa Geeska uga warramay cilmibaadhista uu ku sameeyay taariikhdii Cismaaniyada iyo qodobbo la xidhiidha. 

Waraysi
Dastuurka Cusubi waa Tallaabo Dibusocod ah: Cabdi I. Samatar

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa waraysigan Geeska ku sheegaya in dastuurka cusubi uu dalka dib u dhigayo