Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Qoyskayaga iyo Qaxii Taleex (1920)

26 April, 2024
Image
Taleex
Qalcadihii Daraawiish ugu muhiimsanaa ee Taleex
Share

Xasuusta dhibbanayaashii ku waxyeelloobay duqaymihii Ingiriisku ka geystay saldhigyadii Daraawiishta, siiba Taleex. Waxa werinaya Maxamuud "Xaaji" oo ka mid ah ubadka ka tafiirmay dadkii koobnaa ee masiibadaa ka badbaaday.

 

Waa ammin duhur ah. Waa 27kii Juun 2023. Waxa gurigayga London igu soo booqday Barnaamij-sameeye ka hawlgala telefishanka Al Jazeera, qaybta Carabiga. Booqashadani ma aanay ahayn lamafilaan, ballan baase noo horreysey. Waxa uu duubayey barnaamij ku saabsan sooyaalkii Daraawiishta. Waxa uu i weydiiyey, “maaddaama aad reer Taleex tahay, maxaad nooga sheegi kartaa taariikhdii Daraawiishta?” Wax badan baa maankayga ku soo dhacay. Waxa aanse go’aansaday (intii aan ka gaadhi karo) in aan diiradda saaro duqayntii diyaaradda iyo saamayntii ka dhalatay. Ammin daqiiqad ah baan haystay. Wixii aan dhihi karayey baan idhi.  

 Qoraalkani waxa uu daba socdaa dareenkii igu dhashay dharaartaas:  

  “Xadantadii Jasiiraa 
Xusuuso igu qaadhiyo 
Xiisiyo ladh kiciyaye 
Bal xisaabtan iga qora.” 

Waxa lagu jiraa dabayaaqadii sannadkii 1919, iyo horraantii 1920. Tan iyo bilowgii qarnigaas waxa dhulka ay Soomaalidu degto ka socdey halgankii Daraawiishta. Halgankaas oo ujeeddadiisu ay ahayd in gumeystihii caddaa ee reer Yurub oo Afrika qaybsaday la iska kiciyo. Waa halgan gobannimodoon ah. Waxa hormuud u ahaa Sayid Maxammed Cabdulle Xasan. Goobo badan baa cadowga iyo Daraawiishtu isku faro saareen. Jab iyo guulaba waa lala kala carraabay. Daraawiishise dagaal kasta oo ay gasho waxa ay ka sii qaadayeen kalsooni, iyo in aan la muquunin karayn. Tirada daraawiishta iyo xarumahooduba waa ay sii badanayeen – sannadba sannadka ka sii danbeeya. In kasta oo ay cadow ka hub, dhaqaale iyo farsamaba badan la dagaallamayeen, kaas oo caddaan iyo madowba lahaa, haddana, waa laga lib heli waayey. Mar baaba gumeystihii soo jeediyey in ay dhulkan omoska ah ee ciidankooduna ku dhimanayo, calafka faraha badanina uu kaga baxayo, ka laalaabtaan. Eebbe se ma qaddarin. 

Daraawiish markii la loodin waayey, Ingiriisku waxa uu aakhirkii go’aansaday in duqayn dhanka cirka ah lala beegsado. Waxa ay duqayntii ugu horreysey ka dhacday Midhasho, 21kii Jannaayo 1920. Isla bishaas 27keediina waxa la duqeeyey Jiidali. Taleex oo ahayd xaruntii Daraawiishta ee ugu weyneydna waxa duqayntii ugu cuslayd lala beegsaday bilowgii bishii Febraayo 1920. Duullaan dhulka ah oo rag foodda is darayo bay Daraawiishi taqaannaye, jeerkan hawada sare ayay belaayo dab daacaysa oo aan waxba bixinayni kaga timid. Dad iyo duunyaba waa ay xaaqday – wixii xarunta iyo agagaarkeedaba joogey. Intii halhaleelka kaga baxdayna, ciidammo ku hubaysan madaafiic, hubka darandoorriga u dhaca, iyo miinooyin wax gummaada ayaa hareereeyey.  

Dadkii Taleex ka qaxay 1920kii duqaynta dabadeed, hortaa-bannaan bay u yaaceen. Meel u astaysan oo ay u jihaysteen ma aanay jirin. Walaalihii wada dhashay baa midiba meel afka saaray. Hooyooyinku ilmahooda wixii socon waaya cidla ayay kaga dhaqaaqayeen — si ay inta socon karaysa u badbaadiyaan. Dhaawaca cid dan u gelaysaa ma aanay jirin. Haddiiba uu jiri lahaa qof u damqanayaa, wax uu ku biirin kari lahaa ma aanay jirin. Qof walba tiisa ayaa cuslaysay. "I bixiyoow i bixi" ama “nin walboowba naftaa, Nabiyoow ummaddaa!” baa xaal ku soo ururay. 

Burco iyo Laascaanood cid u dhexeysaa ma aanay jirin. Colaad baa dhulka looga kala qaxay. Dadka qaarna Daraawiish bay ka qaxeen, qaar kalena Ingiriiska. Dugaag aflahaar ah baa meel walba wareegaya. Dhaawaca iyo inta gaajada la tiicaysa baa dugaaggaasi iyaga oo nool kala goosanayaa. Haaddu, iyana cidna naxariis uma ay gelayn. Meydka keliya kuma ay ekayne, carruuraha yaryar nolol bay ku dafayeen. Baqalye ilmo yar lalansanaya, oo galaydh iyo gorgorna ay daba haadayaan – si ay uga ritaan – baa indhaha dadkii qaxayey ay qabanayeen! Kaaga sii darane, ilmahaasi ma aha ilmo qalaad oo aanad garanayne, waa ehelkaaga dhow oo aad magaciisa iyo muuqiisaba kas iyo maan u garanaysid! Bal maxaad ka qaban karaysaa? Ubadkan hareerahaaga tiicaya baaba mar dhow lagu soo maqan yahay — oo indhahaaga oo shan ah samada loola bixi doonaa. Waxa aad jeclaanaysaa in uu shaacu madoobaado, si aad haadda ku dul heehaabaysa uga badbaaddo! 

Ka daroo dibi dhal! Qorraxdii oo aan si qummaati ah godkeedii ugu xeroonba waa kuwan dugaaggii! Waxa aadba mooddaa in ay saacaduhu u kala qorshaysan yihiin (haadda, iyo dugaagga!) Waraabaha maquustaha ah baa ugu daran. Shabeelka iyo libaaxu waxa ay kuula muuqanayaan in ay yara xishoonayaan. Qofka ay qabsadaan inta ay booca ku dhegaan bay sugayaan inta ay naftu ka baxayso. Dhurwaaguse, qofkii oo nool buu marba meel goosanayaa. Waxa aad kala jeclaysanaysaa bahalkii ku cuni lahaa! Halka uu waraabuhu ka qawdhamayo inta aad ka leexato, baad naf bidaysaa dhanka uu libaaxu ka hiinraagayo, ama shabeelku ka gurxamayo. Dugaaggan dadqaadka ahi kuma uu koobnayn habeennimada oo keliya e, duhurka cad buu kuu soo badheedhayaa.  

Lagama sheekayn karo dadkaai uu colku galay waxa ay mareen, ama la marsiiyey. Waxa laga yaabaa in aad is weyddiiso, intii aan qixin ee halkeeda geerida ku sugtay waxa ay muteen. Duqayntii diyaaradda waxa barbar socday ciidan lugta ah oo hub casri ah ku qalabaysan. Ciidankaas laba arrimood baa shaqadoodu ahayd: 

1) In ay diyaaradda sahan u noqdaan oo soo ilaaleeyaan saldhigyada ciidamada iyo xarumaha Daraawiishta. 

2) Iyo in, dad iyo duunyaba, wixii diyaaradda ka badbaada ay dabargooyaan.  

Dad wixii dhulka ku hadhay, waxa haleelay cudurro ku cusub oo aan hore degaannada loogu aqoon. Waxa dadkii badbaaday laga weriyaa in ceelashii la sumeeyey, dooxooyinkiina dab la qabadsiiyey, xoolihiina laga meersaday. Suntii ka dhalatay qumbuladaha ay diyaaraduhu tuurayeen ciidda iyo biyahaba waa ay ku milmeen. Sannado dhawr ah ayaa dadka, duunyada, ugaadha iyo dugaagguba ay u le'anayeen cudurradii laga dhaxlay duqaynta diyaaradda, iyo gumucyadii madaafiicda iyo miinooyinkii dhulka lagu aasay. 

Warkani ma aha sheeko-xariir iyo mala’awaal.  Ayeeyaday Xasna Dhahar oo ka mid ah carruurtii xarunta Taleex ka qaxday baa nooga sheekaysay. Xasna da’deedu waxa ay ahayd sagaal jir. Waxa ay ka mid ahayd qoys ka kooban 11 ruux: Sagaal carruur ah iyo labadoodii waalid. Dhahar Bilaal, oo ahaa aabbihii qoyska, iyo Ugaaso, oo hooyada ahayd, iyagu geeridooda waa la caddeeyey. Qacdii horeba naf laguma soo rogin. Sagaalkii carruurta ahaa afar uun baa muddo danbe noloshooda lagu war helay. Shantii kale wax raq iyo ruux toona sheegaya — ilaa maantadaa aynu joogno — lama hayo. Waxa layaab leh, afartii soo hadhay oo kan ugu weyni uu ahaa 14 jir, midiba meel gaar ah buu u hadfay. Cali Dhahar oo ahaa kan ugu weyni waxa uu ka dhacay Dirirdhabe. Waa meel Taleex u jirta qiyaastii 1000km. Lug buu halkaa ku tegey. Ilaa iyo maanta durriyaddiisii halkaas ayay ku nool yihiin. Jaamac Dhahar, oo aabbahay dhalay, waxa uu ku nastay Bullaxaar (oo 530km u jirta.) Halkaas baa aabbahay iyo adeerraday iyo eeddooyinkayba ay ku dhasheen. Xasna Dhahar waxa ay gaadhay Hargeysa (680km), Qummanna waxa ay sii dhigatay Laasqoray (500km)!  

Marka laga hadlayo dadkii ka soo doogey duqayntii diyaaradda, waxa qoyskani ka mid ahaa kuwa ugu nasiibka badan. Maxaa yeelay, afar qof baaba u soo doogey! Guud ahaan dadkii Soomaaliyeed ee Daraawiishta taabacsanaa ee xarumaha la duqeeyey joogey, gaar ahaan reerka Dhulbahante oo lafdhabar u ahaa, waxa ka soo doogey qoyskiiba hal ama laba qof. Qoysaska qaarna waaba ay cidhibtirmeen. Tani waa sababta keentay, raacii kowaad ee ka farcamay duqaynta dabadeed in ay adag tahay in aad aragto qof leh ilmaadeer kowaad. Raacii labaad oo aan ka mid ahayna, waa ay adag tahay in aad aragto qof leh ilmaadeer labaad.  

Qof kasta oo facayga ah, oo ka soo jeeda dadkii uu ehelkood ka soo badbaaday duqayntii gumeystaha Ingiriiska, nololna ku soo gaadhay awoowayaashiis ama ayeeyooyinkiis, waa hubaal in uu hayo sheekadan oo kale, ama mid ka sii dareen-taabad badan.  

Dawladdii Ingiriiska ee waxaas oo dhib ah geysatay, weli xaal iyo xoolo toona kama ay bixin wixii ay xumaan iyo xasuuq geysatay. Dadkii dhibku gaadhayse ma ay illaawin, mana illaawi doonnaan. Goor ay noqotoba mar uun baa laga xisaabtami doonaa.  

Qoraallada kale ee qoraaga

Buug

Guudmar Buug “Hayaankii Hilowga Arwaaxda"

Sheeko

Filanwaa jacayl