Friday 15 November 2024
Soodaan waxa jarjaraya gedgeddoonka khilaaf isticmaarka cusubi dhalay oo wiiqaya yididdiiladii reer Soodaan ee nabadda, xaqsoorka iyo gobannimada
Hordhac
Khilaafka Soodaan wuxuu leeyahay xididdo taariikheed oo qoto aroorsan, laakiin muuqaalladiisii u danbeeyay ee aynu arki karno waxa qaabeeyay quwado isticmaarka cusub ah oo debadeed oo u hanqaltaagaya in ay ka faa’idaystaan khayraadka qaranka, siyaasaddiisana ay qorqoraan. Cidahaas waxa ka mid ah Isutagga Imaaraadka Carabta, oo taakuladiisa ciidammada Birmadka (RSF) uu u fidiyaa ay uga sii dartay xiisadda, aadna u labajibbaartay kadeedka ay reer Soodaan marayaan. Mooqifka ay dawladaha Galbeedku ku qaateen in aanay dan ka gelin waxa Soodaan ka socdaa waa qodob kale oo isaguna hoogga sii hurinaya, maaddaama aanay tallaabana u qaadin in ay bahdooda Khaliijka taako u dhigaan ama ay awooddooda u adeegsadaan in dhinacyada diriraya la wada hadashiiyo.
Maaddaama quwadaha reer Galbeedka qaarkood ay u dhurtaan in ay simaan maleeshiyada Birmadka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee Soodaan—oo ah labada dhinac ee is haya—waxay taasi sababaysaa cakirnaan ku timaadda sida wax loo werinayo, taas oo iyaduna wiiqaysa dedaal kasta oo lagaga hadli lahaa xadgudubyada xuquuqda insaanka ee la geysto, iyo sidii ciddii ku lug lehba loola xisaabtami lahaa. Maqaalkani wuxuu is dul taagayaa gedgeddoonka isticmaarka cusub ku abtirsada ee qaybta ka ah khilaafka Soodaan ka oogan, isaga oo diiradda saaraya kaalinta waxduminta ah ee Imaaraadka, kuna doodaya in nabad iyo xasillooni dhab ah oo la helaa ay si aad u dhow ugu xidhan tahay in Soodaan ay hesho gobannimo ummadeed oo dhab ah.
Raadka isticmaarka cusub ee Soodaan
Aan ku bilaabee, waxa kala jira madaxbannaanida calanka iyo madaxbannaanida dhabta ah. Madaxbannaanida calanku waa kolka gumaystuhu uu baxo, ee lagu qasbo ama uu iskii u tago, dabadeed uu dadkii uu gumaysan jiray u oggolaado in ay dhulkoodu yeesho dawlad-qarameed. Waxay yeeshaan calan u gaar ah, madaxbannaani in ay gaadheenna way ku dhawaaqaan. Hasayeeshee mufakiriin badan, oo uu ka mid yahay madaxweynihii kowaad ee Gaana, Kawaame Nakruuma, ayaa ku baraarugay in madaxbannaanida calanku aanay ahayn ujeeddadii laga lahaa geeddiga gumaysi-ka-bixista oo aanay ahayn xaqiijinta hadafkii laga lahaa, ee ay yahay uun bilaabista halgan hor leh.
Kolkaas ayuu bixiyay erayga “isticmaarka cusub/neocolonialism,” oo uu ku fasiray sida quwadihii gumaysigu ay lug ugu sii yeeshaan waddamadii ay ka tageen, taas oo u saamaxda in ay khayraadka kala baxaan, ku beertaan madax ay isku wacan yihiin, si guudna ay u labadibleeyaan gobannimada iyo madaxbannaanida dadweynaha. Wuxuu rumaysnaa in mushkiladdan lagaga hortegi karo uun haddii karti loo yeesho iskacaabbinta jujuubka isticmaarka cusub ee weji dhaqaale iyo mid siyaasadeedba leh. “Sida ugu habboon ee loo baran karo in la noqdo dal madax bannaan oo gob ahi,” ayuu 1956dii ka hor yimi Golaha Shacabka ee Gaana, “waa in la noqdo dal madax bannaan oo gob ah.”
Kolka xaaladda Soodaan la fiirsho, dhaxalkii gumaystuhu wuxuu dalka u nugleeyay faragelinta iyo gacantogaalaynta shisheeyaha, sida ku dhacday waddamada kale ee gumaysigii ka dib ka dhismay Afrikaba. Kolkii ay Soodaan ka xorawday xukunkii gumaysi ee Ingiriiska iyo Masar, sannaddii 1956, waddanku wuxuu u halgamay in uu gobannimadiisa sugo, iyadoo ay ku socdaan khilaafyo gudeed iyo cadaadisyo debadeedba. Dhaxalka gumaysigu wuxuu boogo ka qotay oo dildillaaciyay jasadkii bulsheed, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soodaan; dhaxalkaas oo ilaa maanta ka muuqda, oo ay cido shisheeye iyo sokeeyaba isugu jiraa ka faa’idaysteen.
Kolka xaaladda Soodaan la fiirsho, dhaxalkii gumaystuhu wuxuu dalka u nugleeyay faragelinta iyo gacantogaalaynta shisheeyaha, sida ku dhacday waddamada kale ee gumaysigii ka dib ka dhismay Afrikaba. Kolkii ay Soodaan ka xorawday xukunkii gumaysi ee Ingiriiska iyo Masar, sannaddii 1956, waddanku wuxuu u halgamay in uu gobannimadiisa sugo, iyadoo ay ku socdaan khilaafyo gudeed iyo cadaadisyo debadeedba. Dhaxalka gumaysigu wuxuu boogo ka qotay oo dildillaaciyay jasadkii bulsheed, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soodaan; dhaxalkaas oo ilaa maanta ka muuqda, oo ay cido shisheeye iyo sokeeyaba isugu jiraa ka faa’idaysteen.
Kaalinta Imaaraadka
Warbixinaha ku saabsan sida Imaaraadku ugu lug leeyahay Soodaan waxay warbaahinta Galbeedka ka soo muuqdeen xagaagii hore. Jariiradda Wall Street Journal waxay ku warrantay in bishii Ogos uu Imaaraadku hub u tahriibinay maleeshiyada Birmadka isaga oo u sii dhex marinaya Yugaandha. Aqoonyahanka reer Soodaan ee Khaalid Mustafe Medaani ayaa barta X/Twitter isku wayddiiyay: “Su’aashu waxay tahay: diiwaangelintan rasmiga ah ee lagu sameeyay arrimahan sugan ee laga warhayaa ma saamayn doonaan siyaasadaha la dejinayo?” Warbixintaa waxa ku xigtay mid kale oo ay Sibteembartii hore ku warrantay jariiradda New York Times, oo lagu ogaaday in Imaaraadku uu cisbitaal dalka Jaad ku yaalla u adeegsanayay in uu saanadda uga soo daabbulo ciidammada Birmadka. “Gorfeeyayaasha Soodaan waxay faragelinta Imaaraadku uga dhigan tahay labo daran: dal afka ka sheegaya nabad, haddana dagaal hurinaya; sheeganaya in uu qaxootiga reer Soodaan caawinayo, isaga oo isla markaa taageeraya dagaallamayaashii dadkan soo qixiyay.”
Halkaa marka arrin marayo, wax qarsooni ma jirin, dad badan ayaana si furan ugu soo jeestay tuhmada ah in Imaaraadku si toos ah ugu lug leeyahay xaaladda taagan. Yaasir al-Cada, oo ah sarkaal sare oo ciidanka ka tirsan, ayaa is hayn kari waayay oo Imaaraadka ku qeexay “dawlad maafiya ah,” isaga oo ku eedeeyay in ay diyaarado gurmad ah u dirayaan “Janjawiidka.” Xukuumadda Soodaan waxay dalka ka eriday 15 diblomaasi oo Imaaraati ah. Tuhmadaa waxa ayidday warbixin ay Qarammada Midoobay ka soo saartay, taas oo Imaaraadku uu beeniyay. Hiba Morgan, oo ah weriyaha Al Jazeera u joogta Soodaan, ayaa majaladda Columbia Journalism Review ugu warrantay: “Waxaan hubaa, tusaale ahaan, in Birmadka uu Imaaraadku taageero, haddana inta badan arrintaas maqli maysid.” Madaxweynihii hore ee Laybeeriya, marwo Ellen Johnson Sirleaf, ayaa iyaduna Imaaraadka ugu baaqday “in uu iska fogeeyo, xidhiidh kasta oo ka dhexeeya uu u jaro, ciidammada denbiilayaasha ah ee Birmadka.”
Birmadka, oo markii kowaad ay xukuumadda Soodaan u asaastay in uu noqdo ciidan boolis-militaariya ah, waxa lagu eedeeyay in uu ku kacay xadgudubyo waaweyn oo xuquuqda insaanka ka dhan ah iyo gumaad uu dad rayid ah ugu geystay iThe RSF, established initially as a paramilitary force by the Sudanese government, has been accused of committing gross human rights abuses and atrocities against civilians in degaannada colaaddu ka jirto, sida Daarfuur, taas darteed ayaana aad looga walaacsan yahay taageerada Imaaraadku uu u hidiyay. Imaaraadku hubka uu siiyo iyo lacagta uu ku kabo Birmadku keliya hawlgalladooda dulmiga ah ma sii joogtaynayaan e, sidoo kale waxay wiiqayaan dedaallada lagu doonayo nabad iyo dibuheshiisiin ka hirgasha Soodaan.
Faragelinta Imaaraadka ee Soodaan way dhinacyo badan tahay. Dano badan ayaa riixaya, oo isugu jira tartan siyaasad-degeleed oo uu cido kale kula jiro iyo damac ku aaddan in uu gobolka tiisu ka fusho oo lagaga haybaysto, ilaa qodobbo la taaban karo oo ay ka mid tahay in uu u socdo helidda iyo gacan-ku-haynta khayraadka macdanta, birta iyo beeraha. Khayraadka dabiiciga ah ee Soodaan, sida saliidda, dahabka iyo dhul-beereedka, waxa laga dhex arkaa fursado maalgasho iyo ka-faa’idaysi oo xooggan. Dahabka ayaa xiise gaar ah leh. Warbixinta ay Reuters ku warrantay ayaa lagu ogaaday in Imaaraadku yahay “suuqa ugu weyn” ee la geeyo dahabka Afrika, iyo in Soodaan—oo ah dalka saddexaad ee Afrika ugu weyn ee dahabka soo saara—ay ugu sarrayso dalalka dahabkaa laga keeno; waxana soo raaca Maali iyo Liibiya. Maxamed Xamdaan Dagaalo (oo loo yaqaan Xameeti), oo ah horjoogaha dhagarta badan ee Birmadka oo lagu sheego “ciidan gaar ah kan ugu weyn Afrika”, ayaa iska leh goobaha macdanta laga qodo qaar badan oo ka mid ah, oo uu isa siiyay kolkii uu Daarfuur qabsaday. Warbixin ay baadhayaasha QM sameeyaan ayaa lagu ogaaday in macaashka dahabkaa ka soo xerooda lagu shidaaliyo dagaalka.
Sida aqoonyahan Imaaraati ahi u dhigay, taliska Abu Dubay “cidaha kale u ma arko in ay siman yihiin, ee isaga uun baa isu arka in uu guutada hor kacayo.” Taa darteed, Imaaraadku wuxuu Soodaan u arkaa masrax muhiim ah oo mandiqadda ku yaalla oo uu isku soo bandhigi karo, wuxuuna isku taxallujinayaa in uu saamayskiisa xididdada u arooriyo taasna uu ku xaqiijiyo siyaabo kala duwan oo taageerada Birmadku ka mid tahay. Ku-lugyeelashada Imaaraadka ee hubaynta Birmadku waxay u sii xoojinaysaa xidhiidhkiisa faagashada ee uu Soodaan la leeyahay, isla markaana waxay xididdada u aroorinaysaa sida uu dalka u saamayn karo isaga oo adeegsanaya mid ka mid ah dhinacyada waaweyn ee waaqica wax ka gooya. Michelle D. Gavin, oo hore danjire ugu soo noqotay Maraykanka, ka dardaarwerisay “in Imaaraadku, sida uu isu leeyahay aad gacansarrayn iyo sugnaan heshid, uu aakhirka gobolka oo dhan fawdo geliyo.” Gavin waxay maqaalkeeda ku muujisay walaaca ah in aamusnaanta reer Galbeedku ay uga sii dari doonto qodobbada isticmaarka cusub ee mandiqadda ku lugta leh.
Hawlaha Imaaraadku ku shuqlan yahay, halkii ay ka xaqiijin lahaayeen horumar iyo badhaadhe waara oo reer Soodaan helaan, waxay inta badan sii ballaadhiyaan sinnaan-la’aantii jirtay waxayna ka qaybqaataan hagrashada loo geysto bulshada.
Dhiigmiirashada quwadaha shisheeye ee Imaaraadku ka mid yahay ay ku hayaan khayraadka Soodaan waxay sii joogtaysaa meertada saboolnimada, khilaafka iyo xasilloonidarrada. In kasta oo hodannimada Soodaan dhex taallaa ay ku fillaan karto in hore u mariso dadweynaha oo horumar dhaqaale ay horseeddo, waaqicu sida caadiga ah wuu ka fog yahay sidaas. Taas beddelkeeda, la-soobixista khayraadka waxa ka faa’idaysta dad kooban, oo isugu jira shirkado shisheeye iyo dad qoorweyn ah, halka aqlabiyadda reer Soodaan ay dibdhac iyo faramadhnaan ku sugan yihiin. Ciidammada Birmadka, oo abbaan u ah Imaaraadku, waxay dhisteen “shebakad bangiyo iyo shirkado ah” oo u saamaxay in ay, xilliga kalaguurka, gacanta ku dhigaan dhinacyada muhiimka ah ee Soodaan, sida macdanqodista, isgaadhsiinta iyo beeraha. Xameeti waa shakhsiyad udubdhexaad u ah dagaalka Soodaan ka socda iyo “meheraddan boolis-militaariyada ah ee kakan” ee uu yagleeshay. Awooddan uu isku ururinayay waxay sii ballaadhisay meertadii saboolniamda iyo xasilloonidarrada, maaddaama lagu leexsaday khayraadkii loogu danayn lahaa horumarinta qaranka.
Hawlaha Imaaraadku ku shuqlan yahay, halkii ay ka xaqiijin lahaayeen horumar iyo badhaadhe waara oo reer Soodaan helaan, waxay inta badan sii ballaadhiyaan sinnaan-la’aantii jirtay waxayna ka qaybqaataan hagrashada loo geysto bulshada.
Ismoogaysiinta Galbeedka
Maqaal ay Al Jazeera ku faafiyeen Filippo Grandi, oo ah Koomishineerka QM ee Qaxootiga, Martin Griffiths, too ah madaxa haayadda gargaarka insaannimo ee QM, Cindy McCain, oo ah agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka, iyo Catherine Russell, oo ah agaasimaha haayadda UNICEF, ayay ku qoreen: “Waqti yar ayay indhaha caalamku hayeen Soodaan oo Abriishii hore gashay dagaal sokeeye, ka dib markii uu jabay heshiiskii awood-qaybsiga ee aan markiisii horaba lugaha adag ku taagnayn ee u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidammada Birmadka. Intaa wixii ka danbeeyay se, khilaafkan darani wuxuu ajandaha caalamka uga baxay si dhanka dhakhsaha kala mid ah tabta uu waddankiiba sagxadda u geeyay.”
In shakhsiyaadkaa muhiimka ahi isu kaashadeen qoraalkan si ay farriintaas u gudbiyaan waxay ka marag kacaysaa sida xaaladdu degdeg u tahay, iyo sidoo kale sida loo dayacay. Waxay Soodaan ku qeexeen “dhiillo shisheeye sababay.” “8.5 malyuun oo qof ayaa lagu qasbay in ay barakacaan,” ayay inagu dhiidhiyeen, “qiyaastii labo malyuun oo kalana waxay ka tallaabeen xuduudka oo waxay u qaxeen dalalka Jaad, Soodaanta Koonfureed, iyo Masar, si ay uga firxadaan dhiigga daadanaya. Dadkaa magangelyada raadsanaya kalabadh ka mid ahi waa carruur.” Jariiradda Guardian waxay ku warbixisay in xero barakacayaal oo ku taal Daarfuur, uu saacaddii kasta ku saqiiro ilme yari.
Si kasta oo xaaladdu u culus tahay, reer Galbeedku inta badan way is moogaysiiyeen. Iskuddayga ay Jarmalka iyo Faransiisku ku rabaan in ay arrintan fagaahaha keenaan waa tallaabo bogaadin mudan, balse waa goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceen.
Maraykankuna sidoo kale wuxuuu cunaqabtayno saaray shirkadaha safka hore ee Imaaraadka saldhiggoodu yahay ee lala xidhiidhinayo ciidammada Birmadka. Hasayeeshee, tallaabooyinkani ku ma filla maaddaama aanay beegsanayn taliyaha ciidammada Birmadka ama garabka uu Imaaraadka ku leeyahay. Cunaqabataynahan bartilmaameedsan waxa laga fahmayaa in maleeshiyada Birmadka ee xasuuqa ku suntan aan si buuxda loo ciqaabin, waana tallaabo isha ka lalinaysa meesha sartu ka qudhuntay ee sababta runta ahi taallo.
Baadiddoonka Gobannimo Run ah
Xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta oo Soodaan ka hirgashaa waxay u baahan tahay in la taabto sababaha hoose ee khilaafka, sida dhiigmiiradka isticmaarka cusub iyo faragelinta debadeed. Dadka reer Soodaan waxay muddo dheer ku taamayeen in ay dhaliyaan gobannimo ummadeed oo run ah iyo dawlad dimuqraaddi ah oo xor ka ah quwadaha shisheeye ee u ham iyo dig leh sidii ay u masiirkooda u afduubi lahaayeen. Gobannimada runta ahi waa xaqa aaya-ka-taliska, in aad si buuxda gacanta ugu haysid khayraadkaaga ummadeed, iyo in aad awood u leedahay in aad adigu jeexatid dhabbaha nabadda iyo badhaadhaha.
Sidaas oo ay tahay, hawl fudud ma aha in gobannimo dhab ahi ka hirgasho Soodaan. Laakiin sida ku taalla qoraalka lagu xardhay taallada Kawaame Nakruuma ee barlamaanka Gaana hortiisa ka taagan: “Ismaamulid halis leh ayaannu ka doorbidaynaa addoonsi degganaansho leh.” Yoolkaasi wuxuu u baahan yahay in la wajaho danaha xididaystay oo laga hortago xaaladda taagan ee la qaayibay. Dadka reer Soodaan waxay muujiyeen adkaysi iyo dhabar-adayg ay u ku raadcaynayaan xorriyad iyo xaqsoor, waxa se hor yaalla caqabado ay ka mid yihiin faragelin debadeed iyo kalaqaybsanaan gudeed.
Ismaamulid halis leh ayaannu ka doorbidaynaa addoonsi degganaansho leh.” - Kawaame Nakruuma
Gebagebo
Khilaafka Soodaan ka oogan laga ma dhex saari karo waayaha taariikheed ee dhiigmiiradka gumaystaha, kii hore iyo ka cusubba. Kaalinta waxduminta leh ee Imaaraadku ku leeyahay hubaynta Birmadkuna wuxuu astaan u yahay waayaha isgedgeddiga leh ee faragelinta iyo dhiigmiirashada debadeed ee qaranka sadheeyay. Nabad iyo xasillooni dhab ah waxa la xaqiijin karaa uun haddii la helo gobannimo iyo xorriyad ummadeed oo run ah oo laga qaato quwadaha shisheeye ee damacsan in ay ka faa’idaystaan khayraadka Soodaan, sida ay doonaanna faraha ugu walaaqaan nolosheeda siyaasadeed. Haddii Soodaan ay noqoto wax ay ku awrkacsadaan quwadaha shisheeye oo danahooda ku gaadhaan, waxa sii kala googoosan doona khilaaf iyo xasilloonidarro. Soodaan wuxuun bay ka xoroobi kartaa meertada dhiigmiiradka, oo ay mustaqbal nabadeed iyo badhaadhe u dhisi kartaa muwaaddiniinteeda, haddii ay masiirkeeda dib ugu soo ceshato gacmaheeda gobannimadeedana ay sugto.