Friday 22 November 2024
Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa waraysigan Geeska ku sheegaya in dastuurka cusubi uu dalka dib u dhigayo
Dharaartii 30-kii March ayuu barlamaanka Soomaaliya yeeshay fadhi wadajir ah oo ay xildhibaannada labada aqal ku meelmariyeen hindise-sharciyeed wax-ka-beddello waaweyn ku samaynaya dastuurkii kumeelgaadhka ahaa ee Soomaaliya. Qodobbada la taabtay waxa ka mid ah kuwo madaxweynaha awood u siinaya in uu magacaabi karo ra’iisalwasaaraha marka uu rabana xilka ka qaadi karo isaga oo aan barlamaanka soo marin, isla markaana soo jeedinaya in doorashada madaxtooyadu noqoto mid toos ah oo dadweynuhu codkooda dhiibtaan, taas oo beddelaysa nidaamkii dadbanaa ee jiray.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur “Madoobe,” wuxuu qoraal uu bartiisa X/Twitter soo dhigay ku sheegay in meelmarintani “taariikhi” tahay, halka kuxigeenka aqalka sare, Cabdullaahi Cali Xirsi “Timacadde,” uu isaguna wax-ka-beddelkan ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo horseedaysa mustaqbal ifaya.”
Guud ahaan, 212 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka oo ka kooban 275 kursi, iyo 42 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Sare oo 56 xubnood ah ayaa u codeeyay wax-ka-beddelka. Hasayeeshee, wax-ka-beddelka loo ma wada bogin. Dastuurka kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya waxa la qaatay sannadkii 2012, xilligaas oo uu dhammaaday waqtigii dawladda kumeelgaadhka ahi. In kasta oo uu ahaa dastuur aan dhaliil la’ayn, haddana siyaasiyiinta Soomaaliya badankoodu way waafaqsanayd. Go’aankan wax-ka-beddellada waaweyn loogu samaynayaana mucaaradad culus ayuu kala kulmay madaxweynayaal hore, ra’iisalwasaaeayaal hore iyo ka ugu culus oo ah maamul-goboleedka Buntilaan.
Wax-ka-beddelka waxa ilaa hadda lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka oo ka hadlaya dhismaha dawladda, xuquuqaha asaasiga ah, xuquuqaha hantida iyo dhulka, iyo metelaadda siyaasadda. Wax-ka-beddellada ugu mudan ee la sameeyay waxay yihiin:
Madaxweynuhu isaga ayaa roos unsoo magacaabaya ra’iisalwasaaraha isaga oo u baahan ansixinya barlamaanka.
Madaxweynayaasha dawlad-goboleedyada waxa loogu yeedhi doonaa “hoggaamiyayaal” ee la ma odhan doono “madaxweynayaal.”
Soomaliya way ka guuraysaa nidaamka doorasho ee dadban ee qabiilladu soo xushaan wakiilladooda, oo waxa la qaadanayaa nidaamka codbixinta tooska ah.
Saddex xisbi oo keli ah ayaa laga oggolaanayaa Soomaaliya.
Madaxweynuhu awood dheeraad ah ayuu u yeelanayaa magacaabista guddiga doorashooyinka.
Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa dadka aadka uga soo horjeeday tallaabadan, oo uu ku tilmaamay “tallaabo dibusocod ah” oo wiiqaysa kaalintii uu Barlamaanku ku lahaa arrimaha guud ee dawladnimada. Mudane Samatar waa barofeesar ka tirsan Jaamacadda Minnesota ee Maraykanka iyo Jaamacada Pretoria ee Koonfur Afrika. Wuxuu qoray buugagay ka mid yihiin Africa’s First Democrats: Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen iyo Framing Somalia: Beyond Africa’s Merchants of Misery.
Wuxuu Geeska siiyay waraysi ku saabsan dastuurka cusub iyo cawaaqibta uu Soomaaliya ku yeelanayo.
Geeska: Xukuumaddu waxay shacabka iyo beesha caalamkaba u sheegtay in wax-ka-beddelkaninuu yahay tallaabo taariikhi ah. Adigu sidee baad u aragtaa?
Cabdi Ismaaciil Samatar (CIS): Waa run oo waa dhacdo taariikhi ah. Waa markii kowaad ee Soomaaliya iyo Afrika oo dhan uu barlamaan jiraa go’aansaday in uu si rasmi ah awooddiisii sharcidejinta ugu wareejiyo laanta fulinta iyo madaxtooyada. Kolka sidaas loo eegana, waa tallaabo taariikhi ah oo laakiin dibudhac ah.
In awooddan oo dhan lagu ururiyo gacanta madaxweyne aan ilaa hadda laga arag in uu daacad u yahay oo uu xaq iyo caddaalad la rabo dalka iyo dastuurku waxay arrintan ka dhigaysaa dhab ahaan tallaabo dibusocod ah.
GEESKA: Dadka iniba qodob bay gaar u eegaysay wax-ka-beddelka, ee adiga kuwee baa kuugu culculus?
CIS: Waxa jira qodobbo aad xasaasi u ah. Waxa ka mid ah, sida aan haddaba sheegay, hoosudhigista kaalintii barlamaanka ee ku aaddanayd maamulidda arrimaha guud ee dalka. Ta labaadi waa in aanu jirin hannaan wadar-oggol ah oo qaybaha kala duwan ee siyaasaddu isku raacsan yihiin. Qaybahaas siyaasadda qaarkood, sida dawladsa federaalku, waa fadhiid, balse ugu uaraan haddii uu jiri lahaa dedaal lagu gaadhayo dadweynaha si loo helo wax uun wadar-oggol iyo iskuduubni ahi arrintan wax bay u tari lahayd.
Ta saddexaad, xilli Soomaaliya ay wajahayso muranka Itoobbiya ee ku aaddan is’afgaradkii ay la gashay Muuse Biixi, in furin cusub la isku furaa dalka xasilloonidarro iyo jahawareer ayay u horseedi kartaa.
GEESKA: Adiga laftaadu sharcidejinta ayaad ka tirsan gahay, ee ma noo faahfaahin kartaa cawaaqibta ay arrintani ku yeelan karto xidhiidhkii sharcidejinta iyo waaxda fulinta ee xukuumadda?
CIS: Haddaba ka hor baan eray idhi, qiyaastii labo sannadood ka hor, dabadeed saaxiibbaday waxay igu dhaheen belaaya’arag baad tahay. Laakiin waxaan qabey in barlamaankani noqon karo kii ugu xumaa ee taariikhda dalka soo maray, haddiiba aanu ahayn kii ugu xumaa qaaradda oo dhan. Wixii aad shalay arkayseen wuxuun bay ka maragkacaysaa sida barlamaankani u masallafay. Sariibadda hilibka oo kale ayuu shalay ahaa.
Hoggaanka labada aqalba si cad oo qayaxan ayay u khaayimeen dhaartii ay mareen. Labada hoggaanba waxay horseedeen in xafiisyadoodu ay siyaasadda Soomaaliya asalmadoorshe ka noqdaan.
GEESKA: Buntilaan waxay sheegtay in ay yeelanayso awood dawlad dhammaystiran oo ka madax bannaan federaalka, kaas oo ah go’aan la filan karayay. Laakiin waxay intaa ku dartay in ay wadaxaajood oggoshahay haddii tallaabadaa laga soo laabto. Taasi miyay suuragal kuula muuqataa?
CIS: Waddanka marka siyaasadda aan kalsooni badan lagu qabin, go’aannada nin-toocsiga sida kan oo kale ahi wuxuun bay sii ballaadhiyaan kalsoonidarridii jirtay. Waa laga yaabaa in Xasan Sheekh uu guul u qaato arrintan, laakiin waa guul ismoodsiis ah oo madhan.
Waxaaan qabaa in dadweynaha Buntilaan, iyo gobollada kalaba, ay xaq u leeyihiin in lala tashado oo wax la wayddiiyo si taasi cid kasta faa’ido ugu noqoto. Laakiin in Xasan Sheekh uu dhaho tareenkii wuu dhaqaaqay cidna loo joojin maayo, waxay xoojinaysaa xukuumadahaa gobollada ka dhisan oo dabadeed u sheegaya in uu tareenkiisa kaxaysto oo ku daro Badweynta Hindiya!
Sidaa awgeed, waa in uu ku dhaqmo qaangaadhnimo siyaasadeee oo dadka wax ugu filan, oo waa in uu ku dhaqmo odhaahda Soomaaliyeed ee dhahda: “dad walaalow wax uu ku dhaamo la waa.” Latashi la’aantu waa ku wejigabax xukuumadda federaalka.
GEESKA: Go’aanka kalsooni-kala-laabashada ee Buntilaan muxuu uga dhigan yahay dawladda Soomaaliya?
CIS: Haddii aad u fiirsatid tirakoobyada jira, Soomaaliya waxay la daalaadhacaysaa dibudhaca ugu xun ee dhinacyada waxbarashada, ummul-aroorka, farbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha dhanka shaqaalaysiinta; weji kasta oo nolosha dadka iyo degaankaba ah. Sidaa darteed, ama Buntilaan ha ahaato, ama Soomaalilaan, ama Jubbalaan e, midkoodna ma laha kartidii uu nolol habboon ugu abuuri lahaa dadka degaannadooda ku dhaqan.
Haddii aad u fiirsatid dunida guud ahaan, haayadaha dawladeed way ballaadhanayaan oo korayaan iyadoo uu ugu wacan yahay carra’eddagaynta (globalization), sidaa awgeed waxaad mooddaa in haayadahan jiraa ay dhanka khaldan u geeddi yihiin. Taasna waxa laga dhaxlaa halaag. Dadkeenna ayay ka go’an tahay.
Waxay macaamiil u noqonayaan Imaaraadka iyo wax la mid ah, iyagoo gacmaha u hoorsan doona talisyada qarriban ee Bariga Dhexe. Waxay laciifiyeen dadkoodii, cid kalana hadh u ma jiidayaan oo iyagoon shacabkoodaba qaddarin u hayni dad kale ma wanaajinayaan.
GEESKA: Wax-ka-beddellada la sameeyay waxa ka mid ah xisbiyada siyaasadda lagu koobo saddex keli ah. Qodobkan hore waxaynu ugu aragnay Soomaalilaan iyo Buntilaanba. Sidee u aragtaa in arrintani ka hirgasho heer qaran?
CIS: Masiibooyinka siyaasadda Soomaalida haystay kontii sannadood ee u danbeeyayba waxa ka mid ah in aanay jirin aragtiyo siyaasadeed oo tartama kuna salaysan yididdiilada umadda ee mustaqbalka. Sidaa darteed, wax micne ah ma soo kordhinayso in saddex laga dhigo, ama afar ama intii la doono. Xisbiyadu kolleyba ma samayn doonaan wixii laga rabey, oo ahaa in ay qorshe siyaasadeed u dejiyaan dalka. Wax afka baarkiisa ahi ma beddeli karo waaqica iyo i tus oo i taabsiida.
GEESKA: Dadka qaar waxay mushkilad u arkayeen in dadweynuhu aanay waxba ku darsanin. Sidoo kale ma jirto afti dadweyne. Kolka laga tago qiimaynteenna ku aaddan natiijada, ugu danbayn waxay ahayd in uu noqdo dastuur ay Soomaali leedahay. Maxaad u malaynaysaa in halkan laga sixi karayay?
CIS: Madaxda barlamaanka ee metelaya gobolladu waxay samayn kareen in ay dadkii degaannada ay metalaan ku laabtaan oo soo warsadaan sida ay u arkaan, ayna u oggolaadaan in ay sheegtaan tabashooyinkooda, dabadeed ay ugu yaraan falcelisyadaa kula soo noqdaan golaha barlamaanka.