Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Aragti

Carabta & Afriki siday u kala wajaheen midabtakoorkii K. Afrika & Israa’iil

2 June, 2024
Image
Yasser Arafat and Mandela
Madaxweyne Mandala oo Cape Town ku soo dhaweeyay Yaasir Carafaad, 1998 (Sawirka: AP Photo)
Share

Farqiga ugu weyn ee ka duway halgankii gobonnimodoonka Koonfur Afrika kan reer Falastiin waa taakuladii mugga lahayd ee uu dhaqdhaqaaqa Koonfur Afrika ka heli jiray Carabta iyo bulshoweynta Afrika. 

Iyada oo ay Koonfur Afrika u dabbaaldegtay  bishii Abril soddonguuradii ka soo wareegtay dhammaadkii midabtakoorka, ayaa Israa’iil oo laga soo jeexay nidaamkaa arxanka darani ay si bilaa jixinjixin ah wali ugu heellan tahay tirtiridda shacabka Falastiin. Dad badan ayaa burburka Qasa barbardhigay wixii uu Jarmalku gaystay Dagaalkii Labaad ee Adduunka. 

Sidaas oo ay tahay arrinta ilaa xad anfariirka lihi waa in maamullada Carabtu ay ka cagojiideen inay si dhab ah culays u saaraan Maraykanka, awoodda kaliya ee Golaha Ammaanka dhexdiisa mar kasta codka diidmada qayaxan ku hor istaagaysey dedaal kasta oo xabbadjoojin lagaga dhaqangalin lahaa Qasa. 

Halxidhaaluhu wuxuu yahay, maxay hoggaamiyayaasha Afriki ugu dhiirradeen inay hor istaagaan canjarafayntii reer Galbeedka, isla markaana u takooreen nidaamkii haybsooca Koonfur Afrika ee waagaas, halka maanta maamullada Carabtu ay u riyaaqsan yihiin Israa’iisha haybsooca ah iyo Galbeedka!

Midabtakoorka waxa si rasmi ah u barbaariyay dabadeedna dhaqangaliyay xisbigii Waddaniga ee Koonfur Afrika (National Party), ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii dhacday shantii bishii Luulyo 1948-kii, taas oo caddaanka oo kaliyi codeeyeen. Waa isla sannadkii uu Ingiriisku soo gabagabeeyay haysashadiisii dhulka Falastiin, intaa ka dibna ay Yuhuuddu shaaciyeen yagleelidda Israa’iil, isla markaasna ay hore ka bilaabantay isirsifaynta reer Falastiin.

Dedaalka ay xagjirka Yuhuuddu u galeen inay qabsadaan dhulka Falastiin waa mid intan ka dun dheer. Rashiid Khaalidi —bare jaamacadda Kolombiya ka tirsan—ayaa buuggiisa “The Hundred Years’ War on Palestine” waxa uu ku tilmaamayaa in barakicinta reer Falastiin iyo unkidda nidaamkan haybsooca ahi uu muddo intan ka fog soo bilaabmay. 

Qorshe midaysan oo ka dhan ah Koonfur Afrika

Marka laga tago iskusargo’naanta labada haybsooc [ka Israa’iil iyo kii Koobfur Afrika], waxa jira kala duwanaansho u dhexeeya sooyaalka gobonimodoonka labada halgan. Qodobka ugu weyn ee ka soocaya halgankii Koonfur Afrika kan reer Falastiin waa taageeradii mugga lahayd ee uu dhaqdhaqaaqii Koonfur Afrika ka heli jiray Carabta iyo bulshoweynta Afrika. 

Afrikadii gumayataha ka xorowday, oo ay ku jiraan Waqooyiga Afriki, taageero laxaad leh ayay u fidiyeen halgankii reer Koonfur Afrika, iyadoo waddamada badankoodu sabool ahaayeen. Masar waxay cod dhiirrigalin ah siisay in badan oo Afrika ka mid ah, iyadoo u dhex marinaysay barnaamijkii Codka Afrika “Voice of Africa” ee idaacadda Qaahira ka soo maaxi jiray. 

Liibiya waxay u istaagtay inay agab ku taakulayso halganka xornimodoonka, halka dalalka kale ee Carabta Bariga Dhexe ay u codeeyeen in la cunaqabateeyo Koonfur Afrika, Qaramada Miboobay dhexdeeda. Kuwo kale, sida Aljeeriya oo markaas uun xorriyadda qaadatay (1962-kii), ayaa ku taageeray taakulo milatari, tu diblamaasiyadeed iyo mid niyad ahaaneedba. Laakiin, dalalka kharashka ugu badan ku bixiyay horjoogsiga Biritooriya [Nidaamkii midabtakoorka Afrika] waxay ahaayeen dalalka safka hore [jaarka ah] sida: Simbaabwi, Saambiya, Angoola iyo Moosaanbiig. 

Sidoo kale, hoggaamiyayaasha dalalka Saxaraha ka hooseeyaa oo dhami dhanka togan sooyaalka kaga ma wada xardhana.

Maamulkii Hastingis Baanda ee dalka Malaawi waxa uu u aqoonsaday rajiimkii midabtakoorku inuu yahay mid sharci ah, iyadoo ay fadeexad ku ahayd inuu ahaa waddanka kaliya ee Afrikada madaxa bannaan xidhiidh diblamaasiyadeed la yeesha, waqti ay dhimbiilaha halganku cirka ku shareernaayeen. 

Qaar kale, sido Ayfori Kost waxay la lahaayeen Biritooriya xidhiidh kaa hore ka yara meeqaam hooseeya.

Laakiin sidii Nayjeeriya uga falcelisay 1975-kii dedaalladii uu Maraykanku ku xodxodanaayay dawladaha Afrika si ay ula shaqeeyaan Koonfur Afrika, waxay si dareen leh u muujisay sida ay Afrika uga go’an tahay gobonnimodoonku. Xoghayihii arrimaha dibadda ee Maraykanka Henry Kissinger oo Nayjeeriya ku soo aaddan ayaa martiqaadkiisii la baajiyay, iyadoo loo aanaynayo siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan Koonfur Afrika. 

Marxaladdii kowaad: Midnimadii Carabtu Israa’iil kala hor timi

Sidaas oo kale ayay uga go’nayd dawladaha Carabta xoraynta Falastiin, laakiin hammuuntaasi way ka go’day rajiimyada Carabta wixii ka dambeeyay dagaalkii 1973-kii. 

Is-fara-saarkii kowaad ee Carabta iyo Israa’iil wuxuu ahaa waagii fadqalalada marinka Suweys 1956-kii, markaas oo Faransiiska, Ingiriiska iyo Israa’ll oo isku dhan ahi ay Masar weerar ku soo ekeeyeen, si ay marinka Suweys dib uga qabsadaan Kacaankii Jamaal Cabdi Naasir.

Madaxweynahii Maraykanka ee Dwight Eisenhower ayaa soo faragaliyay isagoo ku qasbay huwantii soo duushay inay iskaga baxaan dhulka Masar. 

11 sanno ka dib ayuu dhacay iska-horimaadkii labaad ee Israa’iil iyo Carabta u dhexeeyay, kolkaasoo Israa’iil weerar gacan-kaga-horreyn ah qaadday, ka dib markii Masar ay xidhay biyomareenka Tiiraan ee Badda Cas 1967-kii. Urdun iyo Suuriya ayaa isla judhiiba dagaalka ku soo biiray. Laakiin, lix cisho gudahood ayay Israa’iil cagta ku marisay ciidankii Carabta, iyadoo qabsatay Daanta Galbeed ee wabiga Urdun iyo Qasa oo ahaa intii ugu dambaysay dhulka Falastiin, iyagoo sii raacsaday Siinaayda Masar iyo buuralayda Suuriya ee Goollan. 

Halkaa laga bilaabo, Israa’iil waxay bilawday inay si qorshaysay deegaamayn sharcidarro ah ugu samayso Yuhuudda, isla jeerkaasna ay bariga Qudus iyo dhulka ay markaa qabsadeenba ka barakiciyaan Falastiiniyiintii u dhashay. In ka badan 700,000 oo Yuhuud ah ayaa lagu deegaameeyay Daanta Galbeed, taasoo sababtay in dhulka Falastiin uu noqdo “Xabsiga duniga ugu weyn”, sida uu ku tilmaamay aqoonyahanka caanka ah ee reer Israa’iil Ilan Pape. 

Sannadihii ugu horreeyay ee madaxbannaanida ilaa laga soo gaadhayay dagaalkii 1967-kii ee Carabta iyo Israa’iil, waddamada Afrika aqlabiyaddoodu xidhiidh diblamaasiyadeed ayay la samaysteen Israa’iil, laakiin si kastaba ha ahaatee arrintaasi waxay is beddeshay wixii ka dambeeyay dagaalkaas 1967-kii, markaas oo Carabtu ugu baaqday saaxiibbadooda Afriki inay faquuqaan Israa’iil.

Bishii Aktoobbar 1973-kii, lix sanno ka dib guuldarradii wajigabaxa ahayd, Masar iyo Suuriya ayaa weerar ku ekeeyay Israa’iil. Masar waxay horumar ka samaysay dhanka Siinaay, halka Suuriya ay ku hungowday buuralaydii Goollan. Guusha Masaarida waxa anfariir ku noqotay in durbadiiba Maraykanku uu hub baaxad leh ($2.2 bilyan) u daabbulay Israa’iil. 

Dalalka Carabta ee saliidda soo saara, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka oo si aad ah uga welwelsanaa kacdoon dadweyne oo qasriyadooda gilgila, ayaa si aarsi ah markii koowaad Maraykanka uga mamnuucay in ay saliiddooda ka iibiyaan.

Wacadfurkii Carabta

Kontonkii sanno ee u dambeeyay badi boqortooyooyinka hodanka ah ee Carabtu dhabarkay u jeediyeen gobonimada reer Falastiin. Masar ayaa iyaduna caadiyaysay xidhiidhka Israa’iil, ka dib heshiishkii Kaam Dheefidh (Camp David Accord) ee Israa’iil ay ku wareejisay Masar jasiirad-la-moodda Siinaay. Intaa ka dib, Masar waxay noqotay dalka labaad ee hela taakulada ugu badan ee Maraykanka. Ugu dambayna tan iyo 2007–dii, Masar waxay ku garabsiinaysay Israa’iil go’doominta Qasa. 

Suuriya oo uu naafeeyay nidaamka dhaxaltooyada kalitaliska ah iyo dagaalka sokeeye ayaa halisteedii iyadana la badhxay. 

Boqor Cabdallaha Urdun wuxuu in badan ahaa hoggaamiyaha Carbeed ee sida ugu ba’an diidmadiisa Iraa’iil uga badheedhi jiray. Sidaas oo ay tahay, haddana hadalkiisa naqdinta ahi waa maxsuul ka dhashay laba xaqiiqo oo boqortooyadiisa dhexdeeda ka jira. Waa ta koowaade, Urdun waxa ku nool Falastiinida ugu badan gobolka, marka Falastiin laga yimaaddo. Laba, boqortooyadu waxay si aad ah ugu tiirsan tahay kaalmada Maraykanka, si ay dhaqaaleheeda u dheelitirto. 

Taasina waxay dhashay in boqortooyadu hadal ahaan Israa’iil u naqdido, si ay u raalligaliso shacabkeeda Falastiinida ah, iyada oo aan didinayn Maraykanka ay ku tiirsan tahay. 

Ka dib duullaankii Maraykanka labaatan sanno ka hor, Ciraaq ilkaha ayaa laga saaray. 

Dalalka Khaliijka ee Baxrayn, Cummaan iyo Imaaraadka, marka laga tago Qadar, waxay hadda u xaydxaydanayaan inay aqoonsadaan Israa’iil. Bishii Oktoobar 2023-kii ka hor, Sucuudiga ayaa isna qarka u saarnaa inuu xidhiidh buuxa oo diblamaasiyadeed la yeesho Talaabiib, laakiin go’aankaas ayaa dib loo dhigay ilaa inta qulqulatooyinkani damayaan. 

Boqortooyada Marooko ayaa iyaduna aqoonsatay Israa’iil 2020-kii. 

Si taa ku lid ah, Aljeeriya waxay xiddig iyo hormuud u ahayd intaasba qaddiyadda reer Falastiin, inagoo maanka ku hayna sooyaalkeedii gumaysiga, halka Liibiya ay saaxaddaba ka maqan tahay filqan-siyaasadeed awgeed. 

Si kooban, dalalka soo saara saliiddu, sida Sucuudiga, Kuwayd, Imaaraadka iyo kuwa la midka ahi, waxay leeyihiin laba iimood oo ka hor istaagaya inay handhaqankan wax ka beddelaan: 

Kow: dhammaan waddamadan waxa ka arrimiya boqortooyooyin uu waardiyeeyo Maraykanku.Laba: Inta ugu badan lacagtoodu bangiyo reer Galbeed ah ayay ku jirtaa, waxaanay u nugul yihiin cunoqabataynta Maraykanka. 

Maamullada Carabta oo kaliyi may xagaldaacin halganka gobonnimodoonka reer Falastiin. Tiro badan oo ka mid ah waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa iyaguna dib xidhiih ula samastay Israa’iil. Tusaale ahaan waddanka Malaawi oo isagu sii talaxtagay, waxa uu muwaaddiniintiisa u oggolaaday inay Israa’iil u guuri karaan iyagoo ah shaqaale ajnabiya, sidaasna ay ku beddelaan Falastiinidii [la barakiciyay]. 

Dhawaan iyada oo uu hurayo dagaalka Qasa ka oogani, ayaa madaxweynaha Kiiniya, Wilyam Ruuto, uu isna shaaciyay in dadkiisu ay fursad u heli doonaan inay Israa’iil ka shaqaystaan. 

Ugu dambayn, doodda xidhiidhka Israa’iil iyo Afriki waxay si weyn uga soo muuqatay sannadkii hore Midawga Afrika gudihiisa, markaas oo Koonfur Afrika ay hor joogsatay in Israa’iil boos goobjooge laga siiyo urur-qaaradeedkan. 

Gunaanad

Maahmaah soojireen ah oo ay Soomaalidu leedahay ayaa tidhaahda “Waan baahanahay looma bahalo cuno”. Dulucda maahmaahdu waa in sharafta aadmigu ilaa xad u baahan tahay nafhurnimo si loo xaqiijiyo badbaado. 

Kolka laga tago dalal yar oo farokutiris ah, badi waddamada saxaraha ka hooseeyaa sharafta ayay ka raaceen cad-quudheedka reer Galbeedka, iyagoo si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Biritooriya ilaa gobonnimada laga dhabaynayay.

Sidaa si la mid ah, dalalka Carabta oo idil ayaa garab istaagay madaxbannaanida Falastiin ilaa laga soo gaadhayay dagaalkii 1973-kii, laakiin taasi waxay meesha ka baxday wixii ka dambeeyay 1979-kii. Qaar ka mid ah dalalka ugu hodansan uguna saamaynta badan talisyada Carabtu waxay qaddiyadda Falastiin u aaseen kaliya si ay reer Galbeedka u raalligaliyaan ama taageero uga helaan. 

Anshixii dhayda ka caddaa iyo ka-go’naantii dareentaabadka ahayd ee Carabta iyo Afrikiba ku taageereen halgankii Koonfur Afrika, ayaa, nasiibdarro, hadda ka maqan boqortooyooyinka Carabta iyo qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyaasha cusub ee lagu dhex beertay Afrika, xilli ay Falastiin si aad ah ugu baahan tahay.

 

Waxa soo turjumay Xamse M Bushaar.

Qoraallada kale ee qoraaga