Thursday 7 November 2024
Ugu yaraan muddo laga joogo afar iyo tobon sanno, kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab waxa ay argagax gelinaysay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya. Hamigoodu waxa uu ahaa sidii ay dalka oo idil uga hirgelin lahayeen kalitelisnimo macangag ah, oo cabsi iyo baqo-gelin ku dhisan. Si taas ay uga midho-dhaliyaan, oo yoolkooda u gaadhaan, waxa ay isku dayeen in ay meesha ka saaran dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda ciidamada shisheeye.
In ka badan soddon sanno, waxa aan darsayay siyaasadda dhaqaalaha Soomaaliya. Waxa aan sadaaliyey saddex iyo soddon sanno ka hor burburka dowladnimada iyo nidaam siyaasadeedka Soomaaliya. Falanqayntaasi waxa ay sii saadaalisay xaaladaha murugsan ee Soomaalidu soo martay tan iyo markaas. Masiibo siyaasadeed iyo bini’aadantimo ayaa ka horreysey kor-u-kaca kooxaha argagaxisada ah–sidaas darteed al-Shabaab waa caalamad ee ma ahaa sababta keentay nasiibdarrada Soomaaliya.
Waxa jira laba awoodood oo ka masuul ah masiibada ka jirta Soomaaliya. Awoodda kowaad waa dabaqadda ku amar-ku-taaglaysa saaxadda siyaasadda Soomaalida, taas oo ah dembiilaha ugu weyn. Ajandahoodu waxa uu ahaa sidii ay awoodda ama talada u gaadhi lahayeen iyo sidii ay u bililiqaysaan lahaayeen hantida iyo khayraadka dalka si ay danahooda gaarka ah uga fuudh yeelaan.
Awoodda labaad waa beesha caalamka, oo ah caawiyaha yar ee la shuraakada ah dabaqadda siyaasadda. Aniga oo ku salaynaya indho-indhayntayda, wakiillada metelaya reer galbeed iyo kuwa dowladaha Afrika waxa ay cabsi ka qabaan in Soomaaliya xuddun ama saldhiga u noqoto “argagixisada”, taas oo khalkhal gelin karta xasilloonida istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika. Laakiin, ma doonayaan oo diyaar uma ahaa in ay la macamiilaan Soomaalida madaxa bannaan iyo bulshada rayidka ah.
Inta badan dadka qurba-joogta ah ee aan kula kulmay cilmi-baadhistayda, ee ka qaybqaatay ama la falgalay hawlahayga madaniga ahi waxa ay qabyaaladda u arkaan in ay tahay midda qeexda dabeecadda siyaasadeed ee Soomaalida. Aragtida noocaas ahi waa mid soo bilaabantay waagii gumaystaha, markii gumaystuhu dadka Afrikaanka ah uu u kala qaybiyey qowmiyado midba xero uu u ooday si uu u xukumo iyagoo kala qaybsan.
Arrinkaasi waxa uu dhalay, oo ka soo baxay guur la yaab leh, oo ah is afgarad iyo isku danaysi u dhexeeya dabaqadda siyaasadda Soomaalida iyo qolyaha diblumasiyadda. Mid kastaa labadooda waxa uu ku andacoonaya in horumar la sameeyey. Runtu waxa ay tahay in wax yar oo horumar ah laga sameeyey sidii loo hagaajin laha qaska siyaasadeed. Waxbadan lagama qaban daboolista baahiyaha degdegga ah ee bini’aadantinimada iyo horumarka dalka.
Waxa ay u badan tahay in maalin uun laga adkaan doono kooxda argagaxisada ah. Laakiin, ma jiraan caalamado muujinaya rabitaan ay doonayaan in isbeddel ka yimaadda haldoorka siyaasadda dhankooda ama in ay yihiin kuwo awooda in ay is beddelaan, marka laga reebo isbeddel xagjir ah, oo uu keenay cadaadis caalami ah ama isbeddel bulshadu go’aamisay. Nasiibodarro, waxa laga yaabaa in masiibadani noqoto mid sii socota muddo tobonnaan sanno ah al-Shabaab iyo al-Shabaab la’aanteedba.
Jiridda hoose ee Al-shabaab
Intii lagu gudajiray tobonkii sanno ee u horreeyey xornimada, hoggaamiyaayasha Soomaalidu waxa ay noqdeen kuwo Afrika-da kale uu dhiga cashar ku saabsan sida dimuqraadiyadda la isugu xukumo iyo sida loo ixtiraamo, oo loogu hoggaansamo sarreynta sharciga, madabananida hay’adaha dowliga ah iyo shuruudaha doorashada. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan, waxa uu ahaa mid aad ugu walaacsan hab-dhaqanka qayb ka mid ah dabaqadaha siyaasadda. Welwelka uu arrinkaas ka qabay waxa uu ku diiwangeliyey xasuus-qorkiisa ku taariikhaysan 5-tii Julay 1964-kii:
“Ilaahayow ka badbaadi Soomaalida bahalaha dugaaga ah, ee leh muuqaalka dadeed, ee loogu yeedho wakiillada dadweynaha.”
Mashruuci dimuuqraadiyaddu waxa uu dhammaaday markii kuwii ka guulaystay madaxweyne Cismaan doorashadii dhacday sannadkii 1967-kii dalkii u beddeleen sidii waddan hal xisbi oo keliya leh. Jahwareerkii iyo fowdadii ay abuureen waxa ay horseeday in madaxweynihii dalka, Cabdirashiid Sharmarke la khaarajiyo, oo uu dilo mid ka mid ah ilaaladiisi gaarka ahaa sannadkii 1969-kii. Taladii dalka waxa si degdeg ah awood ugula wareegay milatariga, kuwaas albaabbada isugu dhuftay in dalku dib ugu noqdo dowladnimadii lahayd nidaamka wakiillada iyo nidaamka isla xisaabtaanka muddo 21 sanno ah.
Markii kelitalisku talada hayey muddo shan sanno ah, waxa kelitelisnimadu sii xoojisay qabyaalaadaynta awoodda dowladda. Mucaaridkii siyaasadeed ayaa iyaguna jidkaas qaaday. Shaqaalaha dowladda, dacalsiinta ciidamada iyo helista hantida ama khayraadka qaranku, waxa uu noqday mid ku sar go’an abtirsiinta shakhsiga ama u daacadnimadiisa taliska. Laga soo bilaabo dabayaaqadii todobatameeyadii ilaa laga soo gaadhayo 1990-kii, taliskii milatarigu waxa uu wejahay mucaaradad siyaasadeed, oo kala qaybsan, si simanna ugu kala qaybsan qabyaalaad iyo abtir, si simanna uu ah kuwo hubaysan. Dowladdu waxa ay noqotay mid wakiil uu ah argagax-gelinta ama argagaxinta. Bulshooyin dhan baa loo ciqaabay, magaalooyin baa loo burburiyey sabaabo ah haybta iyo abtirka ay kasoo jeedaan. Tani waxa ay ahayd wakhti fog ka hor soo bixista Al-shabaab.
Nidaamkii Milatarigu waxa uu dumay bishii January 1991-kii, balse kooxihii kasoo horjeeday ee mucaaraadka ahaa waxa ay ku fashilmeen in ay ku heeshiyaan qorshe bulsho oo midaysan. Kooxdii mucaaraadka ahayd ee ka hawlgalaysay Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waa USC-dii, waxa ay xoog kaga saareen Muqdisho taliskii keligitaliyaha. Cawaaqib xummada ka dhalatay iyo dhiig-daadintii dhexdooda ka dhacday markii ay kala qaybsameen iyagu[USC], ka dib bixitaankii taliska, waxa ay keentay burbur ku yimi hab-nololeedkii bulshada iyo in macaluushii ugu horreyseey dalka ka dhacdo tan iyo intii xornimada la qaatay sannadkii 1960-kii. Tani waxa ay ahayd muddo dheer ka hor intaan Al-shabaab soo
If bixin.
Hoggaamiyaal kooxeedyo iyo qabyaalad siyaasadeed baa beddelay keligitaliskii, inta badan haldoorkii waxbartay ee mutacalimiinta ahaa ayaa dalka iskaga cararay. Dalka waxa uu noqday mid ah Balkanisation— Kala qaybsanaanta dalka, qoqobka iyo qabyaaladda ee aan cidna cidna bixinayn, cidna cid la heeshiis ahayn ama ogollayn. Iyo in bulshadii isugu baxdo kuwo caydh ah marka laga reebo xoogaga yar ee gacanta birta ah wax ku maamulla iyagoo isticmaalaya hababka cunfiga ah. Waxa aad u kordhay wax akhris la’aanta, sidoo kale waxa hoos u dhacay heerka cafimaad ee dadka, taas oo caqabad uu diida dhalinyarada intooda badan mustaqbal wax soo saar leh.
Inta badan dadka hadda ku nool dalka waxa ay dhasheen dhicistii taliskii milatariga ka dib; sidaa daradeed, inyar oo ka mid ah ayaa garanaya sida ay uu eegyihiin siyaasadda madaniga ah iyo hoggaaminta. Tani waxa ay si fudud uga dhigaysa caroog xambaar dhawaaqa haldoorka kala qaybinta iyo kala qoqobka. Waxa ay qaadatay ku dhowaad lix iyo tobon sanno in koox diimeedkii loo yaqaanay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah ka adkadaan qabqablayaashii dagaalka. Dhacdadani waxa ay rejo ku abuurtay shacabka in dib loo soo celin doono hanaan maamul, oo loo dhanyahay oo la la xisaabtami karo. Laakiin, Maraykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa ka baqay suurtagalnimada in Geeska Afrika ay saldhig ku yeeshaan islaamiyiintu. Taas oo ugu dambeyn keentay in Itoobiya weraar kusoo qaado Soomaaliya iyadoo badhi-taartay, oo Muqdisho geysay dowladii qabyaaladda lagu salleeyey ee lagu soo dhisay Nayroobi.
Ciidamadii Midowgii Maxakiimta Islaamiga ah waxa ay uu kala jabeen cutubo yaryar, waxa ayna qaateen xeelado jabhadeed, oo ku dhufo-ka-dhaqaaq ah, waxa ay si guul ah isaga caabiyeen duullaankii lagu soo qaaday.
Maraykanka iyo xulafadiisu waxa ay gar-waaqsadeen inuu fashilmay weraarkii iyo qabsashadii Itoobiya, ka dibna waxa ay hindiseen in la kala qaybiyo Midowga Maxkamadaha Islaamka. Kala qaybinta Midowga Maxkamaduhu waxa uu caalamad uu ahaa dhalashadii Al-shabaab, oo ah urur ka madaxbanaan, oo ku foogan ka aargoosiga saaxiibbadoodii hore, reer galbeedka tageera dowladaha Soomaaliya iyo cid kasta oo kasoo horjeesata.
Xulafysi Shaydaan
Al-shabaab, waa muuqaalkii ugu dambeeyay ee muujinaya cawaaqib xummada kontonkii sanno ee lasoo dhaafay, oo ay jireen fikrado siyaasadeed oo in gaar ahi isku koobtay iyo hoggaan aan hagaagsanayn.
Waxa lagu qiyaasa ciidamada difaaca Soomaaliya kuwo gaadhayaa ilaa labatan kun(20,000) oo askari. Balse dhowr qodob ayaa uu diiday in ay noqdaan caqabad is hortaagta, oo la loollanta maleeshiyaadka Al-shabaab. In aanay haysan agabka lagama-marmaanka u ah iyo haysasho la’aanta hoggaan tayo leh ayaa qayb ka ah eedda. Mushkilada kale ee jirta waa in haybta qabiilka muhiimad la siiyo, oo laga hormariyo waddaniyadda iyo kartidii loo baahna in lagu socodsiiyo hawlaha ciidamada.
Intaas waxa dheer in maamuul qabiileedyada gobolladu leeyihiin ciidamo u gaar ah, oo hubaysan sababtoo ah kuma kalsoona dowladda federaalka ah iyo maamuul qabiileedyada kale midna. Ugu dambeyn, Soomaaliya waxa saarnayd cunaqabateynta hubka tan iyo xilligii uu bilowday dagaalka sokeeye muddo laga joogo in ku dhow soddon sanno. Cunaqabatayntaasi waxa ay xadidday awoodda dowladda Soomaaliya ku joogtayn karto dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Taliska hadda hoggaanka haya ayaan wax cashar ah ka baran guul-darrooyinkii hore. Taliska ayaa Hay’ada Nabadsugidda Qaranka uu isticmaalla inuu ku ceebeeyo, oo ku canjarafeeyo bulshada ganacsatada ah iyagoo ku qarinaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab. Dagaalka waxa ay uu abaabulleen maleeshiyo beeleedyo. Falalkaasi waxa ay sii fogaynayaan kala qaybsanaanta bulshada dhexdeeda xilli la rabo in talisku bulshada uu mideeyo qadiyad midaysa. Ugu dambeyn, istiraatijayadan baan laga fili karin wanaag iyo mid abuurta nidaam madani oo shacabku uu wada dhanyahay Al-Shabaab dabadeed.