Skip to main content

Friday 20 September 2024

Feker

Ceebtiridda Oohinta

22 March, 2024
Image
Oohin
Rag badan ayaa lagu soo koriyay fekradda ah wiilashu ma ooyaan, oo laga dhaadhacsiiyay in ay calool-adaygaan. (Sawirka: Pranavsinh suratia/Pexels)
Share

Qoraalkan oo lagu faafshay Psychology Today waxa soo turjumay Cabdicasiis Guudcadde.

 

“Qof aan ooyini waxba ma arko.” — Victor Hugo, Les Miserables

 

Inta aynaan baahiyaheenna ku cabbirin luuqad, waxaynu magangalnaa oohinta, si aynu u soo samatabaxno. Kolka aynu nolosha ku sii soconno, siyaabo kale ayaynu baahiyaheenna u daboolannaa — in kasta oo ilmayntu ay weli kaalin muhiim ah ka sii qaadato xakamaynta shucuurteenna,

Falcelisyada jidhka ee dirir, duul ama dabran (fight, flight or freeze) waa habab dabiici ah oo aynu kaga gaashaamanno kuna moodno diiqad-beerayaasha nolosha inagu soo foodsaara. Kolka dareenno tandhaaf ahi ina qarqiyaan, waxa dhici karta in aynu is deminno ama aynu u baxsanno caaddifadaha heerka labaad ee ay ka mid tahay cadhadu si aynu u qarinno uurkutaallada, damaqa ama murugada ina haysta. Laakiin haddii aanay ilmadu dhabannada inaga qoyn, waxa laga yaabaa in aynaan helin nefisaaddii aynu u baahnayn, dabadeed aynu laasinno xaaladdaa murugada, itaaldarrida, xannibnaanta ama dansanaanta ah. Barashada sida loola tacaalo ee loogu dulqaato nuglaantu aad bay muhiim ugu tahay caafimaadka dhimirka, waxayna inoo saamaxdaa in aynu hello dhiirranaantii aynu ku noolaan lahayn nolosha aynu rabno ee aynu mudannahay.

 

Maxaa loo ceebeeyaa oohinta?

Kolka aynu korno ee aynu caadooyinka bulshada u sii hoggaansanno, waxaynu barannaa in ilmaynta loo yaqaan astaan ducufnimo. Badi dhaqannada dunida, dadka, gaar ahaan ragga aad baa loo nacsiiyaa in ay murugoodaan, waxana labada lagu boorriyaa in ay cadhoodaan. Rag badan ayaa lagu soo koriyay fekradda ah wiilashu ma ooyaan, oo laga dhaadhacsiiyay in ay calool-adaygaan.

Iyadoo nuglaanta iyo beerjileecu ay yihiin qodobbo asaasi u ah xidhiidhka iyo kalgacalka insaanka, haddana bulshooyin badan ayaa oohinta looga yaqaan fal ay tahay in si gaar ah qarsoodi loogu sameeyo, sida adeegsiga suuliga.

Isla unugyada dareenwadka ee canjilaadda (mirror neurons) ee inagu sababa in aynu hamaansanno marka aynu aragno qof hamaansanaya, ayaa sidoo kale sababa in ay ilmo indhaheenna ku soo istaagto kolka aynu dhuganno qof ilmaynaya. Sidaa awgeed, oohintu waxay dhaqaajin kartaa dareenka arxanka iyo beernugaylka ee dadka kale, taas oo inoo sahlaysa in aynu dareenno xidhiidhsanaan iyo isdaryeel. Dhanka kale se waxay qofka kale gelin kartaa fadqalallo dareen iyo xasillionidarro ku qasba in uu ka durko. Eelka ay oohintu shucuurta dadka kale kaga tagtaa waxa uu u ekaysiin karaa khatar.

Qodobbada kale ee keena in oohinta ceeb loo arko waxa ka mid ah in aynu iska jecel nahay in aynu ilmaynta ku shaanbadaynno in ay tahay kabadbadin, beenbeen ama isyeelyeel. Maaddaama oohintu awood u leedahay in ay hub-ka-dhigis ku samayso caaddifadaha cadhada iyo ciilka, waxa iska jira xeerar bulshada ku xididaystay oo oohinta u arka hab wax lagu marinhabaabinayo.

 

Waxtarka oohinta

Kolka dhan bayoolaji laga soo fiirsho, oohintu waxay iba-salaaxdaa qanjidhka soo daaya dheecaanka indorfiinka (endorphin) oo ah kaarjebiyaha dabiiciga ah ee jidhkeenna iyo hoormoonka ina geliya dareenka wanaagsan. Marka aynu dareen ahaan kacsannahay, oohintu waxay inaga caawisaa in aynu xasillooni isku soo dabbaalno oo waxay hawlgelisaa qaybta habdhiska dareenwadka ee abaabul-ka-saarista jidhka (parasympathetic nervous system), kaas oo jidhka ka gacansiiya in uu nasto waxna dheefshiito.

Aragtida nugaylku (attachment theory) waxay qabtaa in oohintu, maaddaama ay nuglaan muujiso, ay xoojin karto dabarka bulshada isku haya ayna dadka kale ee inoo dhow ku riixayso in ay inaga haqabtiraan dareennada gacalada, hiilka, iyo dugsoonka ee aynu u jeelqabno. Waa hab aan erayo u baahnayn oo jidhkeennu ugu qayshada taageero iyo gacanqabadba.

 

Halxidhaalaha ilmada

Dadku iyaga oo ooyaya ayay nolosha ku soo biiraan, inta cimrigooda ka hadhayna marba wax baa ka sii oohiya. Ujeeddooyin ay ka mid yihiin in aynu indhaha basaastirno, in aynu nefisaad ka hello, iyo in aynu shucuurta kakan ku soo gudbinno ayay oohintu inoo qabataa, waana meesha ay iska taabtaan danaynta bayoolajiga, kasmanafeedda iyo cilmibulshuhu.

“Anigu hooyooyinka ka ma ooyaynin,” ayuu si gedood ka muuqdo u yidhi. “Waxa iga oohiyay in aanan helin hoosiiskaygii aan ku cadhaburburi lahaa. Teeda kale, maba aan ooyayn!” — J.M. Barne, Peter Pan

 

Astaannimada ilmada

Sheekooyin badan ayay ilmadu u taagan tahay marin, baraarug, isdhiibis, iyo in la is raaciyo isbeddel iyo bilaw cusub. Qisooyin badan ilmadu waxay ugu jirtaa in ay tahay mid wax beddelaysa oo horseedaysa baraarug ama garwaaqsi si uun ah, waxayna astaan u tahay isbeddel iyo isqorqorid.

Sheekaxariirada Alice in Wonderland kolka ay Alice muraaradillaacdo ee uu ka tanbato dareenka ah in aanay talo gacanta ugu jirin, waxay burqanaysaa ‘berked oohin ah’ oo u horseedaysa baraarug iyo in ay ku toosto muhiimadda ay leedahay in ay dadka kale u arxanto.

Sheekaxariirada kale ee Rumpelstiltskin, inanta Miller ayaa dabin gelaysa, garan waayaysana si alla si ay u fuliso ballankii aabbaheed uu u qaaday boqorka. Inta ay baqdin gunta u gasho, ayay oohin la jeesanaysaa. Dabadeed Rumpelstiltskin baa u imanaya si uu u kaalmeeyo.

Sheekooyin badan oo caashaq ah waxay ilmadu astaan u tahay dareennada ku-gacansaydhka, dayrada iyo rejabbeelka ee jacayl la taami kari waayay oo uu qofku dareemo inta aanu u soo laaban nuglaantiisa oo aanu dabadeed badhaadhe abadi ah ka helin.

Filasoofarro badan, oo uu Aristotle ka mid yahay, ayaa ilmaynta u arka hab la iskaga kala yareeyo diiqadda caaddifadeed, maankana lagaga bi'iyo dikhawga. Fahanbixintan waxa kasmanafeedda lagu yidhaahdaa nefisaad (catharsis). Filasoofkii iyo qoraagii Albert Camus mar uu u kuurgelayay macnadarrida iyo leelleelka nolosha, wuxuu is tusay in quruxda noloshu ku jirto in “la noolaado ilaa heerka ilmaynta,” isaga oo ku doodaya si kasta oo macnadarni ugu jirto in haddana nolosha oo sideeda loogu noolaado ay oohintu qayb ka tahay.

Qisooyinka beryahan danbe jira marka aynu eegno, sida filinka Frozen, ilmaynta waxa loo soo bandhigaa in ay astaan u tahay ka-xuubsiibashada gasariirka, iyo in kabuubyada nafsadeed ka dib mar labaad wax lagu dareemo. Shakhsiyadda Elsa isu may oggolaan in ay u baroordiiqdo geerida aabbaheed, taas oo uu ka dhashay jiilaal abadi ah oo ay maxbuus ugu noqonayso qalcad-barafeed ay iyadu gacmaheeda ku dhisatay. Ugu danbaysta se, kolka shucuurtu ay cirka isku shareerto, xaaladdii gasariirka ahaydna ay meelna gaadhi weydo, waxay u irkanaysaa in ay oydo oo nafteeda hanato, taas oo u horseedaysa in ay dib isu hesho oo ay xaadhxaadhato dhabbihii ay kaarka kaga bixi lahayd.

 

Tabaha habboon ee loo ooyo

Adeegso habraacyada isbaraadgelinta (mindfulness practices) sida taddaburka iyo yoogada, si aad ula xidhiidhid dareennadaada culculus. Xasuusnow in dareennadani ay cirka isku shareeri karaan ka hor inta aanay soo cagadhigan ee qaboobin.

Qalbigaaga u oggolow in uu is furo, kuna kalsoonow hababka uu jidhkaagu xiisadda dareeneed isaga saaro. Xasuusnow in oohintu aanay weligeed soconayn, kolka ay dhammaatana aad dareemi doontid degganaan iyo fudayd intii hore ka badan. 

Iska tirtir isciilkaanbiga iyo iscanbaaraynta qallafsan adiga oo isa siinaya tudhaale, isuna arxamaya.

Dhegayso muusig ama hees ku gelin kara dareen boholyow ah kaana fekersiin kara, biriish aad kaga tallawdana u noqon kara xaaladdaada dareeneed ee culus. 

Isku day in aad la hadashid qof aad ku kalsoon tahay, sida saaxiib ama dhakhtar nafsadeed, si uu markhaati uga noqdo damaqa iyo xanuunka aad maraysid. Haddii aad doorbidaysid in aad keligaa oydid, doonistaa ka dhabee kuna oy meel kuu gaar ah sida qolkaaga ama musqusha qubaysiga. 

Dareennadaada faduuli oo adeegso hababka iscabbiraadda ee halabuurka leh sida xasuusqorka ama aslidda sawirrada si aad u soo sahamisid gunta hoose ee naftaada. 

“Ilmadu waa webi meel ku geynaya. Ilmadu doontaada ayay dhagaxyada ka qaaddaa, oo inta ay qulqulka webiga kala dabbaalato ayay ku furtaa goob tii hore dhaanta.” ― Clarissa Pinkola Estés

 

Tixraacyo

  1. Barrie, J. M. (2014). Peter Pan. Puffin.

  2. Buck, C., & Lee, J. (2013). Frozen. Walt Disney Studios Motion Pictures.

  3. Burgess, L. (2023, July). Eight Benefits of Crying: Why It’s Good to Shed a Few Tears. https://www.medicalnewstoday.com/articles/319631

  4. Carroll, L. (1993). Alice’s Adventures in Wonderland. Dover Publications.

  5. Newhouse, L. (2021, March). Is Crying Good For You? https://www.health.harvard.edu/blog/is-crying-good-for-you-2021030122020

  6. Vingerhoets, A. (2013) Why Only Humans Weep: Unravelling the mysteries of tears. Oxford Academic, Oxford.

  7. Zelinsky, P. O. (1996). Rumpelstiltskin. Puffin.