Thursday 21 November 2024
Waxay dhaheen si uu qofku wareerisooyinka uga uga gudbo waa in uu waxay dadka kale ku taliyaan (xataa hadday qalad tahay) si indhobeel ah u raacaa, sidan waxaa sameeyay siday cilmi baadhistu sheegtay badrooniyaal badan, xataa shaqsiyaad figta hore ee shaqooyinka ka xamaasha (CEO), shirkado iyo urur ganacsiyeedyo badan, haddaba haddii aad doonaysid inaad iska deyrto arrinkan, wax qor, noqo kelli-fikiraa ku tuntuunsada kasmooyinka falkinta u baahan.
Sannadii 1951-kii buuni culuunta cilmi-nafsiga dhiga oo dalka Boolaan u dhashay ayaa wuxuu u xadhko xidhay in uu war ka keeno habdhaqanka yaabka leh ee ah in ay dadku isdaadraaciyo waxa sababa? Isagoo jaamacada Swarthmore jooga wuxuu soo ururiyo sideed qof wuxuuna hor dhigay jaan tus-sawireed, oo u dhignaa sida tan:
Waxuu xertii siddeeda ahayd weydiiyay qotanka xariiqyadan idiin muuqda kee ugu dheer?
Tiraba todobo kamid ah waxay noqdeen jilayaal ku waas oo si ugu talo-gal ah ugu jawaabay warcelin qaldan.
75 boqolkiiba isdaadraacintu waxay ahayd u kas, cilmi-baadhis shareereedkani waxay qumaati u sheegaysaa sanco-nololeed jirta, oo ah ibixiyoow i bedbaadi, madaama qofku ku dawakhay buuqa iyo sida uu arrinku u socdo waxa qasab iyo qiil la’aan noqonaysa in aad xagga loo badan yahay iyo baroosinka ku dhegto,
Buunigu deeto, wuxuu ina leeyahay ififaale-shaqsiyeedkan waxa la yidhaahdaa “black sheep paradox” (dhaan-raacnimo)
Hana ku qaldin habdhaqan-bulsheedkii ahaa “black sheep effect” oo sheegaysa in dadka si tabban u qiimeeyaan dadka ay isku doon saaran yihiin marka loo fiirsho dadka ay kala kooxda yihiin. Qofku waa in uu damiciisa shaqsiga ah iyo ogaalkiisaba garba duubaa si uu hebednimo iyo dhaan-raacnimo u muujiyo isaga oo og xanafta iyo xanuunka ay leedahay.
Ganacsadaha weyn ee Bill Gross waxa laga hayaa in uu mar yidhi “mahad baan ka joogaa in aan qabo cillad nafsiyeefdka “asperger’s syndrome” oo ah cillad nafsaani ah oo qofku uu dabci ahaan u yeesho in ay ku adkaato in uu dadka kale xidhiidh la sameeyo, iyo in uu ku dhego oo uu soo celceliyo hal hab-dhaqan nololeed (astaan ka mid ah xanuunkan).
Sidoo kale ganacsadayaasha kala ah Warren Buffet iyo Bill Gates, goor ay xiraad meel baar ah ku cunayeen ayaa waxa la hoos dhigay haddal ah in qofku haddii uu doono in uu ganacsigiisu cirka tago inuu u baahan yahay diiradsaar wax ku ool ah… ka dib Warren Buffet ayaa yidhi haa waa loo baahan yahay isna Bill Gates baa yidhi haa.
Arrinkani wuxuu muujinayaa in dhaqan-qofeedkii aan sare kusoo sheegnay ee dhaan-raacnimadu ay jirto, xataa shaqsiyaadka guulaha gaadhay ay leeyihiin.
Sababta ah in shaqsiyada noocan ah jirto, maaha in laga dhex heli karo astaamaha jaad-qofeedyada jira, lakiin waxa laga yaabaa in ay la xidhiidho isle’egta nolol-kimikeed ee maskaxda.
Ugu danbayn, si aad uga maagto dhaan-raacnimada waa inaad khibrad qotodheer u yeelataa mawduuca iyo meeriska haddalku daarran yahay si aanay kuugu dhicin kalsooni darro iyo kadeed kugu sababa inaad is-daadraaciso, aragtidaada iyo arartaaduna ku dhex lunto dabo-dhilifnimada duulka aad kala fekerka iyo kala foofka tihiin.
Ku xariiq qallinka wareerisada, maxaa wacay qoraalku wuxuu qofka siiyaa hubka baajiya cabsida kalsooni darrada.
Kama dambaysta, cilmi baadhistan waxa lagu soo khatimayaa meeris u dhigan sidan:
Awoodda cadaadis ee ah in aan is-daadraacino aad bay u awood badan tahay, waxayna innagu khasabtaa in aan nabno waxaan dhab ahaan u rabno, deeto u tanaasulno dhab u ansixinta waxaynaan rabin, taasna waa culayska innagu riixaya waajibna ka dhigaya in aan noqonno dhaan-raac , in la madax banaannaadaana ay u adag tahay.
Waa daab iyo birtii, waajib weeyi in kolba daabka la qoro si loo leegaysiiyo birta. Birta daabku waa bulshada, daabkuna waa qofka.
Marka laga yimaado cilmibaadhistan, waxaa jariirada caanka ah ee “psychology today” waxa ay 17-kii bishii Janaayo 2022-kii lagu soo bandhigay dhigane fooda hore ee ciwaanka ay taalo “The power of being, ‘the black sheep’ of the family” (Awoodda ay leedahay,ahaanshaha hebedka qoyska.”
Sida dhiganuhu sheegay dareen moognimadu ama hebed ahaanshuhu maaha cillad nafsi ah oo ku diiwaangashan diiwaanka xanuunnada dhimirka, xataa ma jiro hal sharaxaad oo jaad-qofeedkan ah oo meel u wada jeedaa, lakiin waa dabci ka dhex muuqda qamuuska bulsheed ee dhaqamada ummad leedahay. Ereyga ingiriisiga ah (black sheep) marka si qayaxan loo macneeyo noqonaya ‘laxda madaw” soomaali ahaan, waxa lagu sharaxay in marka hidde-sidaha khalkhal ku yimaad in xayntii adhiga ahayd ee midabka cad looga bartay, ay mar qudha lax dhashay nayl madaw, oo tuke baal cad ka dhex noqotay xayntii adhiga ahayd, deeto dhogortii iyo duwane-nimadii ay la soo dhalatay jaad-gooni yaableh ka dhigay kana qiimo badnaatay adhigii kale, iyadoo macnuhu sidaas yahay ayaa ereygu gabi ahaanba is beddelay, oo uu noqday tuke baalcad oo duwanaanta shay tabban ku mutaystay.
Weli qumaati u sharaxida ereyga khilaaaf baa ka taagan. Marka la fiiriyo eragti qoyseedka ‘Murray Bowen” ee qarnigii 20-aad waxa lagu sheegay haddii ruux lagu tilmaamo “black sheep of x waxa laga wadaa qof jiran oo jeeska ka mid ah. Marka la fiirsho culuunta kasmo-nafeedka ereyga black sheep waxay isku kab xidhanayaan sifada ah” “Orphan Archetype” astaan agoonimo ama sifada qof irdhoobay oo dhab ahaan noqonaysa ruux tuke baal cad ka noqday qoyskii ama cutub bulsheed uu la soo ceeshay lagana dheehan karo foolkiisa/keeda nafsi ahaan iyo jidh ahaan ba.
Sidoo kale qoraaga Clarissa Pinkola Esté dhigana yaasheeda waxay ku sheegtay, “In jaad -shaqsiyadeedkan lagu qaldami karo madaamo ay shareerayn badani ku jirto ( metaphorically). Waxaad jaadad -qofeedyadan ugu tagi kartaa buuga “Women who run with the wolves” ( haweenka la baratama yeyda) oo ay qortay 1992 Clarissa Pinkola oo ah qoraa Maraykan ah.