Skip to main content

Thursday 7 November 2024

Buug

“Dagaal” Buugga Woodward iyo Xogaha Sirdoonka ee ka soo Baxay Falasdiin iyo Yukrayn

4 November, 2024
Image
Dagaal
Share

Buugga “War”, oo ay dhawaan daabacday madbacadda Simon & Schuster, boggiisa boqol iyo shan iyo kontanaad oo gebagebada buugga 21 bog ka horreeya, weriyaha iyo qoraaga buuggan, Bob Woodward, waxa uu innoogu sheegayaa in Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa xustay in “hawlgallada millatari ee Israa’iil Qasa ka waddaa sahaydeen ku dhawaad sagaal iyo soddon kun oo qof, inta badan dadkii degganaa marinkaas, oo ahaa laba milyan iyo saddex boqol oo kunna ay qaxeen”. Qaybta uu buuggiisa u gaar yeelay ka sheekaynta dagaalka iyo xasuuqa ka socda Falasdiin, boqol iyo lixdan bog ka dib ayaa uu xasuustay in dad dhibbane ka ah dagaalkani jiraan, isaga oo intaas ka hor cutub kastaba kusoo celcelinayay tilmaanta “xasuuqa Xamaas”, “carruurta la gubay”, “dumarka la kufsaday”, iyo kun iyo boqol Israa’iil laga dilay. 

Ma aha wax la yaab leh dhexdhexaadnimo la’aanta weriyahan hore uga tirsanaa wargeyska “Washington Post”, marka uu soo tebinayo arrimaha Israa’iil, iskana dhegamarinayo sheekada dhinaca kale ee reer Falasdiin. Dhammaan ilaha xogtiisu waa ilo uu ka xiganayo Maraykan iyo Israa’iil, ka dib tobannaan sano oo uu warbaahinta kaga shaqaynayay Washington. Tan iyo markii Woodward soo bandhigay in Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Richard Nixon, ay basaaseen mucaarid gudaha ah oo kaga soo horjeeday qaddiyadii Watergate, Woodward waxa u furmay albaabo ka xidhan weriyayaasha kale, waxaanu fursad u helay ogaanshaha xogo sirdoon oo badan.

Inkasta oo weriyahan da’da siddeetanka ku jiraa aanu soo bandhigayn cidda u sheegtay wararka iyo xogaha sirdoon ee ku jira buugga, haddana waxa uu xusayaa kulanno uu la sameeyey siyaasiyiin ah Maraykan iyo Israa’iil (sida dad gacanyarayaal u ahaa Netanyahu iyo taliyayaal hore), iyo kulanno uu la yeeshay dad ka shaqeeya Washington iyo Telaabiib, oo miiska go’aankana ka agdhawaa. 

Sida ay u badantahay, akhristayaashu waa ay garanayaan wax badan oo buugga ku jira, sababtoo ah qaybo ka mid ah ayaa wargeyska Washington Post lagu soo saaray, soo saaridda buuggan toddobaadyo ka hor. Sheekooyinka sii faafay waxa ka mid ah in Trump shaybaadho Karoonaha ah u diray Putin intii xanuunku faafayay, kulana heshiiyey in aan arrinkaas la shaacin, Shiinaha iyo Ruushkana arrinkaas marar dhawr ah ku adkeeyey. Waxa kale oo ka mid ah gefaf uu galay Biden xilli uu kulan la qaadanayay dad xisbigiisa taakuleeya, sida weyn ee uu Biden uga cadhooday warbixintii caafimaadkiisa iyo maskaxdiisa iyo dhibaatada inankiisa Hunter ka marayo maxkamadaynta ku socota. 

Buuggan, qaybta koowaad (qiyaastii boqol iyo lixdan bog) waxa uu qoraagu u gaaryeelay dagaalka Yukrayn. Waxa uu soo bandhigayaa sida Maraykanku ugu kuurgalayay xaaladihii ka jiray xuduudda Yukrayn la leedahay Ruushka sannad ka hor intaan Ruushku Yukrayn gelin, waxa kale oo uu ka sheekaynayaa xogo faahfaahsan oo ku saabsan diyaarinta kulankii Biden iyo Putin ee sannadkii 2021-kii. Qaybta labaad ee buugga waxa uu kaga hadlayaa dagaalka Qasa, gaar ahaan wixii ka danbeeyey bishii Ogos. Waxa uu soo tebinayaa wadasheekaysi badan oo dhexmaray masuuliyiin Maraykan iyo Yahuud ah, isku daygii Madaxweynaha Maraykanka iyo Xoghayihiisa Arrimaha Dibaddu Antony Blinken ku  rabeen in ay Raysalwasaaraha Israa’iil ku qanciyaan in aanu dagaal berriga ah gelin iyo xabbadjoojin marar badan lagu baaqay oo baaqsatay. 

Woodward, waxa uu meelo badan oo buuggiisa ah kusoo tebinayaa aragtida taban ee masuuliyiin Maraykan ahi ka haystaan Netanyahu iyo kooxda ku xeeran, iyaga oo aaminsan in uu been sheego, metelaad badanyahay, oo dafiraaddana yaqaan, yahayna nin afkiisa iyo uurkiisu isku mid ahayn, oo uu qarsado wax ka duwan waxa uu kamaradaha ka hor leeyahay, waxa ugu muhiimsan ee uu ka fikiraana yahay in uu kursiga sii haysto. 

Buugga, waxa ku badan cutubyada, cutubyadaas qaar ka mid ah ayaan dhaafsiisnayn bog badhkii, sidaas darteed, ninkani kuma wacna xirfadda cinwaan sameynta iyo cinwaan hoosaadyada (qofka ka soo shaqeeyey warbaahinta qoraalkuna waa uu garan karaa dedaalka iyo hibada arrinkani u baahanyahay, si qofku cinwaanno guud iyo cinwaanno hoosaadyo ugu same yn karo maqaal kastaba). Dhinaca kale, waxa uu ninkani soo bandhigayaa awooddiisa heerka sarraysa ee uu dadka ka hadashiin karo, una raadin karaan siro iyo wadahadallo sir ah. 

Qofka akhriyey buugagga Woodward ee kor u dhaafay labaatanka buug, waxa uu buuggani usii caddaynayaa xidhiidhka adag ee ninkani la leeyahay maamulladii Maraykan ee kala dambeeyey. Xidhiidhadan ayaa u fududeeyey kulanno uu la yeeshay masuuliyiin hadda xilal haya iyo kuwo hore oo wax badan uga warramay. Tusaale ahaan, Trump markii uu noqday madaxweynaha, waxa uu oggolaaday in uu dhawr kulan la qaato weriyahan, kulannadaasna waxa sannadkii 2022-kii ka soo baxay buugga: “Cajaladaha Trump: Kulannadii Labaatanka ahaa ee Bob Woodward la Qaatay Madaxweyne Trump”. Weraysiyadaasna waxa uu qayb ka mid ah adeegsaday buuggiisii 2020-kii ee “Cadho”. Kulanka keliya ee buugga “Dagaal” ku jira, si faahfaahsanna aan looga war haynin, waa kulanka Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisi la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken, sida buugga ku xusanna, kulankan “al-Siisi waxa uu dibadda u saaray shaqaalihiisa iyo kuwii Blinken-ba, waxaanu codsaday in uu wasiirka oo keli ah la kulmo”. 

Buugga, waxa ka buuxa hadallo aan ku habboonayn buug soo gudbinaya xogo sirdoon. Waxa uu xusayaa in Kamala Harris markii ay la kulantay madaxweynaha Yukrayn Volodymayr Zelenskyy, dagaalka ka hor, ay “si aad ah u eegtay indhihiisa, una soo dhawaatay oo ay weydiisay maxaad rabtaa in aan kuu sameeyo? Muddo ayaa ay kala aamusanaayeen”. Ama tusaale ahaan, in Kamala Harris, xilli ay masuuliyiin kale kula kulantay Munich, “daaqadda furan u jeedsatay, oo bannaanka ku dheygagtay, iyada oo ka fikiraysa sida ay xal ugu heli karto dhibaatada”.  Waxa kale oo tusaale ah hadalkiisa ah “Sullivan ayaa gurigiisa ku soo laabtay, waxaanu aad u eegay wejiga xaaskiisa shaqo dheer ka dib”. Waa hadallo aan ku habboonayn buug sidan ah, una ekaysiinaya sheekofaneed.

Akhristayaasha dunida Carabta [iyo Islaamku] waa ay jeclaan karaan akhriska buuggan, gaar ahaan isaga oo qaybtiisa labaad u gaar yeelaya jadwalka loo dejiyey wadahadallada dagaalka xasuuqa ah ee Qasa ka socda, waxaanu diwaangelinayaa kulannadii iyo safarradii uu xog haye Blenkin ku tagay gobolka Bariga Dhexe, isaga oo aad u faahfaahinaya kulannadaas iyo wararkii la is dhaafsaday ee aan warbaahinta loo soo bandhigin, balse sawirkii u dambeeyey uun la shaaciyey. Hase ahaatee, sardinta faahfaahsan iyo iskaga gudbid meel badan iyo ku laabashada isla halkii hore waa wax buugga lagu dhaliili karo.