Friday 8 November 2024
Wax ka barashada noocyada kala duwan ee dagaalladu waa tallaabo garaad sare ku lammaanyahay, dunidana hadda waxa soo foodsaaray dagaal saddexaad oo caalami ah, ama dagaal qabaw oo labaad amaba dagaal nukliyeer oo kii koowaad noqon doona. Gaar ahaan, Bariga Dhexe nabad xooggani kama jirin ka hor hawlgalkii Duufaan al-Aqsaa. Kacdoonkii Gu’ga Carabta waxa ka dambeeyey mawjado is xigxigay oo xidhiidh wanaagsan dalal Carbeed la samaysteen Israa’iil oo keenay in hawlgalkani dhaco. Sidaas darteed, maqaalkani waxa uu isku deyayaa in uu gorfeeyo buugga “Siday Dagaallada Sokeeye u Bilawdaan iyo sida loo Joojin Karo” ee ay qortay Barbara Walter.
Marka uu diraaysanayo dagaallada sokeeye, cilmibaadhaha waxa u caddaanaya in aanay dagaalladaasi kala duwanayn, si ka duwan sida dadka dagaalladaas kiciya iyo dadka dabkoodu gaadhayo u maleeyaan. Dagaallada sokeeye waxa ay wadaagaan dhinacyo badan oo suuragalinaya in hal jid la wada mariyo. Shaacbaxa dagaallada sokeeye waxa ay la bilaabmeen koritaankii nidaamyada dimuqraaddiga ah qarnigii 20-aad. Sidaas darteed, guudmar aan qotodheerayn qofka wax ku eegaa waxa uu kala soo dhexbaxayaa in dimuqraadiyadda iyo dagaallada sokeeye wada socdeen, oo ah fikrad ka duwan fikradda odhanaysa dagaallada sokeeye waxa ay ka dhashaan xadgudubka talisyada kelitalisyada ahi ku kacaan, hase ahaatee xaqiiqadu waxa ay dhextaallaa labadan fikradood.
Sida qoraagu ku doodayso, tusayaasha ugu muhiimsan ee tilmaamaya suuragalnimada dhicitaanka dagaallo sokeeye waa shaacbaxa nidaamka yacyacoodka ah ee u dhexeeya dimuqraadiyadda iyo kelitalisnimada amaba nidaamka loo yaqaanno anooqaraadiyadda. Waa isku xidhka anooqaraadiyadda iyo dagaallada sokeeye, sida Haayadda Sirdoonka Maraykanku soo bandhigtay sannadkii 1994-kii. Cilmibaadhistani …
… waa ereybixin guud oo loo fahmi karo dimuqraaddiyad aan dhammaystirnayn; muwaaddinku waxa uu helaa qaar ka mid ah xuquuqda dimuqraadiyaddu u oggoshahay, dhinaca kalena waxa uu ku hoos jiraa talis kelitalis ah oo aan daahfurnaan iyo isla xisaabtan lahayn. Hindisahani meesha ka saari maayo in kelitalisnimada xadhkaha goosataa dagaallo sokeeye keento, hase ahaatee, waxa uu ka soo horjeedaa fikradda aaminsan in hoos-u-dhaca duruufaha dhaqaale sabab u noqon karto dagaallada sokeeye. Fikraddan waxa uu tixgalin heli lahaa haddii cilmibaadhistani kusoo beegmi lahayd bilawga qarnigii labaatanaad, xilligaas oo kala sarraynta dabaqaduhu kaalin ku lahaayeen kacdoonnadii Shiinaha iyo Ruushka, meelo kalena aydhiyoolajiyado siyaasadeed dagaallo sokeeye ka rideen. Hase ahaatee, sababaha dagaalladu waxa ay yeesheen jid kale badhtamihii qarnigii 20-aad, kolkaas oo xidhiidhka ay la leeyihiin dabaqadaha iyo aydhiyoolajiyaduhu hoos u dhacay. Arrinkan ayaa keensanaya in la cusboonaysiiyo fikirka laga haysto dagaallada sokeeye. U kuurgalka xogaha la hayo waxa uu kordhiyaa awoodda abla’ablaynta ee cilmibaadhista.
Haddii la qaato halbeeg tiro lagu cabbirayo, nidaamka dimuqraaddiga ah ee dhammayska tiran waxa la siin karaa toban dhibcood oo togan, nidaamka kelitaliska ah ee dhammayskatiranina waxa uu helayaa toban dhibcood oo taban, se nidaamka autocracy-gu waa uu u dhexeeyaa, dhinac walbana waxa uu ka helayaa dhibco. In dal maro tajribada autocracy-gu khasbi mayso in dagaallo sokeeye dhacaan, waxaana jira dalal maray xaaladdan, balse, nabadqab kaga gudbay, sida Singapore oo kale, waxa kale oo jira dalal la baaxaadagay duufaanta autocracy-ga, balse laftoodu ka badbaaday dagaal sokeeye, sida Maksiko oo kale. Qoraaga buuggani waxa ay ku sababaynaysaa in xaaladahaas kala guurka ah ee dalalkaasi mareen aanay ahayn kuwo dhakhso u dhacay, waana sababta yaraysay walwalka mustaqbalka laga qabo, ugu dambaynna dhinacyada kala duwani si nabad ah ula kala wareegeen talada. Waxa kale oo baraarrujin mudan in halistu aanay si dhokhso ah ku bilaaban, isla marka dalku xaalad kala guur oo nidaamka maamulka ah galo. Waxa jirta muddo nidaamkaasi sii jiro karo walwal la’aan, balse halistu waxa ay cirka gashaa marka nidaamku meel dhexe marayo.
Waxa jirta sabab kale oo muhiim ah, una baahan u kuurgal, oo dhaliya dagaal sokeeye. Waa kooxaysiga. Looma jeedo xisbiyada siyaasadeed ama dhinacyada siyaasadeed ee dal ka jira, loomana jeedo kala duwanaanshaha isirrada, oo marka dagaal sokeeye la sheego maskaxda qofka ku soo dhacaya. Waxa jira dalal badan oo isirro kala duwan ku dhaqanyihiin, se aan dagaallo isireed ka dhicin. Kooxaysiga halkan waxa looga jeedaa in ay jiraan kooxo ku salaysan siyaasad, isir ama diin, una tartamaya in ay talada qabtaan. Kooxahani ma laha siyaasad cad, se waxa udubdhexaad u ah dad cayiman. Kooxaysigani waxa uu sii ballaadhaa marka kooxi dareento in taladu ka sii fogaanayso, xitaa haddii ay gacanta ugu jirto.
Kooxaysigu waxa uu leeyahay halbeeg shan heer oo loollan siyaasadeed ah, waxaana ugu hooseeya nidaam kelitalis ah oo aan oggolayn nooc kasta oo tartan ah, waxaana ugu sarreeya heerka nidaam oggolaanaya nooc kasta oo tartan ah. Kooxaysigu marka uu heerka saddexaad gaadho, dadka kooxdaas ka tirsani ma daneeyaan danaha dadka kale, kaliyana waxa ay wax khuseeya u arkaan ka dhabaynta danaha kooxdooda. Haddii nidaamka kooxaysiga uu ku darmo nidaamka autocracy-ga, waxa sii laba jibbaarma suuragalnimada dagaal sokeeye ku dhici karo.
Tusaalaha ugu mudan ee la soo qaadan karo kooxaysigu waa boqortooyadii Yugoslavia. La yaab malaha in ereyga Balkaniska laga soo dheegtay duruufihii dalkaas u kala qoqobay dawlado yaryar. Sidoo kale, farqiga u dhexeeya kooxaysiga iyo kala duwanaanta isirradu waxa uu ku caddaanayaa sida bulshada Yugoslavia aanay danayn u siin jirin kala duwanaanta isirrada dagaalka ka hor. Qoraagu waxa kale oo ay tusaale u soo qaadanaysaa dagaalkii sokeeye ee Lubnaan, oo ku dhammaaday heer ka hooseeya kii Balkiniska. Waxa kale oo tusaale loo soo qaadan karaa Suuriya, oo dhinacyadii kala duwanaa ee Kacdoonka qaybta ka ahaa aanay bedka keenin manhaj siyaasadeed oo ay wada raacaan, balse ku gaabsaday inay is garbiyaan.
Kooxaysigu wax habeen keli ah ku dhasha maaha, balse waa wax soo jiitama sannado, una baahan duruufo iyo isbeddello dhaca, waxaana ka mid ah khalkhalka nabadgalyada. Marar badan waxa eedda nabadgalyada la saaraa waxyaabo aan saamayn xooggan ku lahayn, iyada oo la iska indhamarinayo waxa sida dhabta ah ula xidhiidha. Waxa tusaale loo soo qaadan karaa muslimiinta Filibiin oo ay duruufuhu ku khasbeen in taladu gacantooda ka baxdo, waxaana garab socday korodhka tirada Kiristaanka, arrinkanina waxa uu keenay in koox diimeed samaysanto.
Haddii aynnu autocracy-ga ka dhigno baaruudda dagaalka sokeeye, kooxaysigana ka dhigno hawada afuufaysa in dabkaasi holco, waxa maqan dhimbiisha dabkaas dhalinaysay. Dhimbiishaasi waa quusta. Kooxda cidhiidhiga iyo xadgudubka tirsanaysaa si dhakhso ah dagaal uma gasho, se waxa ay tijaabisaa in ay si nabad ah ku hesho danaheeda iyo xuquuqdeeda. Dibadbaxyada ayaa calaamad u ah in kooxdaasi weli naawilayso in xukuumaddu codsigooda dhegaysan doonto, doorashooyinkuna waa calaamad kale oo dadku ku naawilaan in ay helaan waxa ay rabaan. Hase ahaatee, marka ay ugu dambayn yaqiinsadaan in isku daygooda nabadda ahi aanu waxba soo kordhinayn, quusna istaagaan, markaas wax aan qalalaase ahayni ma horyaallo.
Gunaanadka buugga, qoraagu waxa ay kaga jawaabaysaa weydiinta ah “sidee ayaa aynnu u joojin karnaa dagaalka sokeeye?” Tilmaamaha iyo talooyinka ay bixinaysaa waa kuwo lagama maarmaan u arka in dhinacyada is hayaa isu tanaasul sameeyaan si xaaladda kacsan loo dejiyo. Waxa kale oo ay tilmaamaysaa habab cayiman oo mudan u kuurgal, sida in dagaallada sokeeye koobanyihiin si guud, hase ahaatee ay hal dal dhawr jeer dagaallo sokeeye ka dhici karaan. Waxa ay ku doodaysaa in dalka mar hore dagaal sokeeye galay uu halis ugu jiro in uu mid kalena galo haddii aan la dawayn dhaawacyadii la kala tabanayay, meeshana laga saarin xadgudubyada dagaalkii horeba kiciyey, oo marka dambena dadka dagaalka wadaa u adeegsan karaan dhiirrigelin iyo kooxaysi.
Sida cilmibaadhisteeda ku xusan, xalka ugu habbooni waa xukuumad wax kala hagta. Macnaha waa in ku dhaqanka distuurku noqdaa mid loo simanyahay, muwaaddiniintana dhex u ah. Dhinaca kale, waa in dadku u madaxbannaanyihiin sheegidda aragtidooda iyo ka qaybgalkooda talada. Waxa waajib ah in xukuumaddu kor u qaaddo tayadeeda waxqabad, oo ay wanaajiso adeegyada dawladeed. Haddii sidan loo dhaqmo, waxa hoos u dhacaysa suuragalnimada in dagaal sokeeye soo laabto. Waxa kale oo habboon in hoos loo dhigo faragelinta shisheeyaha, hase ahaatee, qoraagu tilmaan qayaxan kamay bixin tallaabadan. Qoraagu waxa kale oo ay xusaysaa qaabka kooxaha dagaallamaya loo qaban karo, marka dagaalku bilaabmo.
Buuggan waxa ka buuxa tusaalayaal. Ka soo bilaw soddonaadkii Isbayn ilaa sagaashanaadkii Yugoslavia. Waxa ay dhex jibaaxaysaa xaaladdo isku wada eg oo ka dhacay, Indooneesiya, Ciraaq iyo Itoobiya. Xogaha buuggu ka bixinayo dagaalladu waa kuwo kala duwan, hase ahaatee waxa uu bedka keenayaa caddayn dhab ah oo bayaaminaysa ujeeddada tusaalaha laga leeyahay. Waxa kale oo uu buuggu sawir ka bixinayaa dabeecadda dagaallada iyo in aanay dhibaatadu ku koobnayn kala duwanaanshaha isirka, siyaasadda, duruufaha ama xaaladaha dhaqaale ee liita. Kala tagsanaanta heerka dakhli ee bulshooyinkaas dalalkooda dagaalladu ka dhaceen ma ahayn sababta dagaalka ridday, sidoo kalena, taliska kelitaliska ahi si dhokhso ah dalka dagaal sokeeye uguma horseedo, sida dad badan u maleeyaan. Waxa aan filayaa in buuggani muhiim u yahay dadka daneeya siyaasadda ama dadka miiska laga taliyo fadhiya. Sidaas oo ay tahay ma aha buug madaddaalo ah, mana aha buug wax kasta ku saxan, waxaana jira meelo baraarujin mudan oo qalloocin ka muuqato.
Marka koowaad, waxa cad dhexdhexaadnimo la’aanta ka muuqata qoraaga oo ay sababtay cabsida ay ka qabto in tilmaamaha ay bixisay dhammaan ku kulmeen Maraykanka. Sideedaba waa sababta qoraaga ku kalliftay soo saaridda buuggan. Gunaanadka buugga waxa ay ku dedaalaysaa in ay bedka keento hababka dagaal looga baaqsan karo ka hor intaanu bilaaban. Marka ay si gaar ah uga hadlayso suuragalnimada in dagaal sokeeye ka dhici karo Maraykanka, waxa ay dhaliisha oo dhan saaraysaa xisbiga Jamhuuriga ee muxaafidka ah. Macnaha halkii ay ahayd in ay sababaha dhabta ah ee dagaal sokeeye rida uga hadli lahayd, ayaa ay dhinac ka mid ah dhinacyada dadka u bahalogalinaysaa, eedo la burin karana dhakada ka saaraysaa. Tusaale ahaan, waxa ay ku talaxtagaysaa aragtiyaha xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan Trump, iyo sida ay ku rabaan in ay Guriga Cad ku gaadhaan, iyada oo aan xusin eedda ah in Jamhuuriga, weliba Trump, raalligelinayaan Sahyuuniyada, dibadbaxayaashii 6-dii January-na ka hor yimaaddeen.
Waxa kale oo iska hor imaad ka jiraa tusaalayaasha qoraagu soo qaadanayso. Tusaale ahaan, marka qoraagu sheegtay in Maksiko dagaalka sokeeye kaga badbaadday, sababtoo ah in ay marxaladda kala guurka ah si gaabis ah kaga gudubtay, haddana waxa ay tusaale u soo qaadanaysaa Lithuania iyo Czech oo si dhakhso ah marxaladdaas uga gudbay, dagaal sokeeyana aanu ka dhicin. Sidaas darteed, sida degdegga ah ee marxaladdan looga gudbaa ma aha sabab rasmi ah oo dagaal keenta.
Dhinaca kale waxa baraarujin mudan qoraallada gabadhan ee ku saabsan Falasdiin. Qoraagu waxa ay Xamaas u sawiraysaa sida in ay yihiin dhaqdhaqaaq xukuumaddoodii ka soo horjeeda, iyada oo meesha ka saaraysa xaqiiqada gumaysiga. Waxa ay Xamaas ku eedaynaysaa in ay bartilmaameedsadaan dad shacab ah oo noloshooda maalinlaha ah wata, Israa’iilna waxa ay ka dhigaysaa dal dagaal sokeeye iyo dibadbaxyo muwaaddiniintu wadaan ka socdo. Waa hoosaasin iyo marinhabaabin in qofka Falasdiiniga ah loo ekaysiiyo qof dawlad uu leeyahay ku dibadbaxaya ama ku kacsan, sida qofka Suuriyaanka ah ee dalkiisa dhexdiisa kacdoonka ka wada oo kale.
Waxa al-Jadaliya ka soo turjumay Maxamuud Bulxan