Skip to main content

Thursday 7 November 2024

Feker

Ina'ayada Dhijitaalka ah: Wejiga Cusub ee Hurinta Colaadaha Sokeeye

5 November, 2024
Image
Tiktok
Sawir: Astaanta Tiktok. (Beata Zawrzel/NurPhoto via Getty Images)
Share

Dhaqankii abkasoogaadhka ahaa ee is haybsiga,  waxa uu heeryihiisi u la soo wareegay  dunida dhijitaalka ah.   Muddadiiba, deegaannada Soomaaliyeed, waxa ka dhaca dagaallo sokeeye. Dagaalladaas sokeeye waxa ay naafeeyaan wax kasta oo kaabe nololeed ahaa, noqonna karayay. Waxaana la galaa xilligooreed cuqdadeed, oo intii isu gu dhawayd ay u ka la irdhoowaan dhedada ka soo askunta naxligaas huursan ee colaadda. 

Sidii soojireenka ahayd, cuqdadda ka dhalata ina’ayada gacankurimiska ah ee horseedka u ah dagaallada sokeeye—cunfi kasta oo la geystay tebintiisa iyo ka warrankiisaba waxa ay ku huursami jireen oo ku kaydsami jireen siiqo gabay ama hab kale oo suugaaneed; haddii ay tahay aflaagaddo, sidii la isu dilay, sidii ay maydadku u tuurnaayeen.  Iminka se waxa beddelay mareegaha dhijitalka ah, oo si toos ah loo gu soo gudbiyo wixii la isu geestay iyo calafkii la ka la qaaday. Guubaabo iyo baroor. Baaq iyo nabadayn. 

Sannaddadii u dambeeyay ee sida weyn colaadaha sokeeye u soo rogaalceliyeen, xuduudihii iyo seerihii loo garan-ogaa mareegaha dhijitalka ah, ee loo adeegsan jiray waa la is la dhaafay. Iminka, keliya ma ahan in mareegaha dhijitalka ahi ay u jiraan isgaarsiin.  Wax kasta oo ka dhex suuroobi kara mareegaha dhijitalka ah sida oo kalena waa ay ka suuroobi karaan waaqica.  Marxaladdan cusub iyo xoogaysiga mareegaha dhijitalka ah, barafaseer iyo sooshiyoolojist Saynab Tawfiiji waxa ay ku qeexday buuggeeda Twitter and Tear Gas

Hadda baraha bulshadu ma aha keliya agab aannu u adeegsanno xidhiidh. Mareegaha bulshada waxaa ka dhisma isahaansho qofeed, waxaa la ga abaabulaa dhaqdhaqaaqyo bulsheed, waxaana la ga shidaaliyaa khilaaf ummadeed; oo xaaladaha aannu wajahno nolosheenna dhabta ah iyo saamaynta intarneetku ku lee yahay xaaladahaas aannu wajahaynno, ma aha casrigan wax ka la dhambalma oo la ka la qaadi karo.

Dhawr bilood ka hor waxaa aalaadda Tiktok la gu baahiyay muuqaal dil aano qabiil ah. Sida muuqaalku tusayay, waa dhawr nin oo u dabbaaldegaya  in ay u soo aareen nin ina’ayadooda ah. Waxa ay u ga aareen wiil yar. Madaxii inta ay ka gooyeen ayaa ay u saareen dhabarkiisa, gacanna waa ay ka go’nayd, mudh iyo gacanna waa ahaa, iyagun waa ay ku dul dhaantaynayeen. 

Sidaas si la mid ah, sannadkii tegay illaa nuskii hore ee sannadkan, barta Facebook waxa si abhalnimo iyo dadqalnimo ah la gu soo wadaagayay meydad tirabeel ah oo si naxariisdaran u naf go’ay. Sida la ga arkayay muuqaallada iyo sawirrada la ga soo gudbinayay colaadahaas waxaa aad loo gu arkayay: barbaar qoryo wadata oo si toos ah dhaawacyo u dhammaystiraysa. Barbaar kale oo meydad ku dultaagan. Bahdilaad loo geysanayo dad deegaanka colaaddu ka taagan tahay degganaa oo ka soo qaxay.   

Falalkaas bahalnimada ah in la gu eego oo loo ga falceliyo fiiro ka soo maaxanaysa maan caafimaad qaba wax la filan karo ma aha. Sababta oo ah falku waxa uu ku dhacay sabab ina’ayo. Ina’ayaduna ma aha wax bulshada ugub ku ah ama ku noqon karta, maaddaama oo carruur iyo cirroole ba la gu wada addimayo: Qabiilku waa abtirsi, ee qabyaaladda weeye eelku—sidii oo ay ka la qaadeen laba maf’huum oo aan is ku macne ahayn.

Waddan kolka uu ku jiro xaalad qulub iyo ka la ququbnaan; waxa caadi ah in dadka badankiis duruufo ahaan siman yihiin. Durufahaas la is la qabona waxaa ka dhasha caqliyad ama shaacsane-bulsheed la is la qaato caadinnimadeeda—muhiimna aanay ahayn u fiirsashada saxnimadeeda iyo gurracanaanteeda. Shaacsanayaashaas cawaaqibkooda la eeday waxa ka mid  ah in barbaarinta carruurtu tahay hadba sida waalidku u garaaco ubadkiisa, hadba sida uu sanka u ga talo in uu u rumeeyo hanka ku dhexdhintay, hadba sida uu u gu garbajebiyo mas’uuliyado uu gabay iyo ta u gu muhiimsan oo ah ku ababinta taariikh iyo cunfi ay lee dahay haybta uu is ku qeexayo ee uu ku sooci karo ahaanshihiisa qofnimo. Waa shaacsane ay is la qaateen fac ku dhashay ka la yaac iyo burbur. Fac aan u soo joogin cunfi wax aan ahayn. Asalkaba fac deegaanku aanu siin fursad aan ahayn tacasubnimo. 

Facaasi waxa uu koriyay barbaar quudkoodu ahaa waalli hayb. Barbaar weyddiinta hortaalla mustaqbalkoodu tahay ‘ina’ayo’. Barbaar u tababaran in ay fahmaan in mushkilad kasta oo haysata ay ku aroorto kan ku la koray sakadda ka soo ag jeedda. Jahwareerka siyaasadeed iyo haybwareerkaas segagaran ee barbaarta waxa shidaaliyay oo caqiido qawmi ah u ga dhigan fahan ah: ‘cid kasta oo aan ku gu ina’ayo ahayn waa cadowgaaga’.  

Caadiyaynta dhiilladaasi waxa ay garadsiisay bulshadii intooda saamaynta ku leh baraha bulshada in ay caadi tahay in waxan loo soo gudbiyo sida loo soo gudbiyo mawaadiicda caadiga ah ee bulshada la dhex keeni karo—sida cunta karinta ama barbaarinta ubadka! Qabiil kasta waxa uu lee yahay qabqable u ga soo taliya mareeg ka mid ah baraha bulshada, oo kolka ay colaadda tahay ka soo guubaabiya. Kolka taariikhaynta ay tahay soo butaaca wixii dil, dhac iyo dhiig ka la gaadhay reeraha kale iyo ciddii ku gacansarraysay dhiig-daadinta. 

Waxa ay lee dahay Dr. Jennifer Golbeck, barefaseerad takhasuskeedu yahay IS\Daraasaadka Macluumaadka khabiirna ku ah daraasaynta saamaynta ay baraha bulshadu ku lee yihiin dabciga insaanka: 

“Marka khilaafaadku noqdaan mawaadiic iyo xogo aasaasi u ah baraha bulshada, waxaa luma qaayasoorradii ka la hagayay waxa saxda ah iyo waxa adiyadda ah. Markaasna waxa caadiyooba dhiilladii, oo noqota joogto iyo caado la qaayibo.”

Maaddaama oo ay sidaas tahay, ma yara dadka aadka u la dhacsan foolxumooyinkaas, una arkaya in ay tahay guul, oo u tahay cidda male’awaalka ah ee ay ku sullan tahay.  

Barbaartu waxa ay u soo wadaagayaan foolxumooyinkaas waa maaddaama oo ay ku qanacsan yihiin in uu la jiro dadkiisa qudha oo uu u dagaallamayo asalkiisa iyo sinjiyaddiisa. Dadkan uu la dagaalayaana, ay cadow ku yihiin jiraalkiisa; oo gooraha colaaddu socoto waxaa ku badan hadaltirooyinka qabqablayaasha ay barbaartu u afduuban tahay weedho ah: “innaga walaalaha ah iyo iyaga aan inna la ahayn,” oo malab u la dhadhan ah maaddaama oo waxa loo halgamayaa yahay maleawaal isahaansho aysan diidi karin, oo ay u diidi karin maaddaama oo aysan ku noolayn deegaan iyo xaalad u suuragelin karta baraarrug iyo garwaaqsi ah in wax kasta ka hor uu yahay insaan iskiiba milgo u leh; waxa uuna sidaas u yeelayaa si aanu u gu muuqan garac iyo wax aan asal lahayn oo bilaa dhiig ah.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Waa Maxay Indheergaradnimadu?