Skip to main content

Thursday 7 November 2024

Buug

Dal walba iyo taagtii: Guulaystayaal iyo guul darraystayaal

7 November, 2024
Image
buug
Share

Inta ay naan dhallada uga bixin soo koobidda buugga uu qoray buuniga reer maraykan ee culluunta siyaasadda ku takhasusay Ian Bremer aan in yar idinka daba geeyo, sooyaalka buunigga. Ian Bremmer oo ah qoraaga buuggu, waa buuni Ameerikaan ah oo ku takhasusay culluunta siyaasadda waana qoraa caan ah, ahna aasaasaha ‘euraisia group’- waa kob lagu shiilo looguna dhabo -galo khataraha siyasadeed ee adduunka. Waxa uu aad ugu ololeeyaa qariskatuurka siyaasiga ah, iyo isbiimayanta siyaasadeed ee waddannada, gaar ahaan qaramada tunka weyn, waxa uu aqoonta sare ee PhD-da ka diyaariyay jaamacadda Stanford.  Ian Bremmer, waxa uu aad ugu caanbaxay barnaamishyo lagu lafaguro is diidooyinka iyo salkacsanaanta degel-siyaasadeed ee dunnida maanta ka taagan.  Dhiganayaal door ah ayuu buunigu qoray oo uu kamid yahay kan aan halkan ku fallanqayn doono, buugtiisa kale waxa ugu caansan; Us vs Them, the power of crisis, the end of free market, the fat tail iyo qaar kale oo badan.

Buuggan qoraagu waxa uu si qotadheer ugu lafo gurayaa xaaladda wakhti xaadirkan ka taagan siyaasadda carro-edeg, halkaas  oo uu na jirin ayuu buunigu ina leeyahay waddan qudha oo majaraha u qabta adduunkan qasan ee ay dhibaatooyinka is barkani ay dishoodeen. Buuggani waxa uu sidoo kale inoo iftiiminayaa arragtida’ g-zero’ oo ah aragti sheegaysa in uusan jiri doonin waddan qudha oo uu qooqiisa iyo qiilkiisa dunnida laga ixtiraami doono, maxaa wacay wadan kastaba waxa ku furan arrimo madddani ah.

Dhiganahan uu buuni sare Ian Bremmer falkiyay waa halbeeg lagu cabbari karo waxa haddeer carro-edeg ka taagan, taas waxa marag ma doon u ah shiddooyinka ka taagan maanta adduunka sida cimilo-geddoonka, salkacsanaanta dhaqaalaha adduunka iyo weliba amni darrada caalamiga ah ee ay tahay in gacmaha si wadajir ah loogu qabto si majaraha iyo miidankaba cid hagta loo helo, sidoo kale waxa uu qoraagu sii saadaaliyay ififaale iman kara timaaddada dhaw ifafaalkayaashaas na waxa ka mid ah kuwan hoose:

Qaran kasta tiisa u qoollan ‘G-zero world’

Mid ka mid ah falkinta uu qoraagu ku bandhigay buugga waxa ugu abdo-weyn in dalal badan oo ay xataa ku jiraan dalalka tunka weyn sida Maraynkanka iyo Jabbaan ay la daalo dhacayaan xaaladdo iyo isdiidooyin madani ah oo iyaga dalalkooda gudihiisa ka taagan oo ay tahay in la samato bixiyo, arrinkana waa ka sababaya in doorka hoggaamintu ay ku soo ururto ‘dal kastow kugu tammartaa iyo tacabkaa.’ Tusaale ahaan,  Maraykanku, waxa uu la mijo murxay sida uu buunigu sheegay, hoos u dhac dhaqaale oo aad u baaxad ballaadhan oo waxa qasab iyo qiil la’aan noqonaysa in uu soo ergisto lacag dhan afar bilyan oo doolar si uu xaliyo arrimaha haysta dalka guddihiisa,( wakhtiga uu buugga qoray oo ahayd 2012kii) intaas waxa dheer, boqollay dhan 40% in badhitaar looga dhigo gunnooyinka dadka hawlgabka ah iyo kabka hawlaha caafimaadka, sidoo kale dalalka qaar waxa  dishooday duulkoodii oo uu gabawgu biyodhigay iyo dhaqaalahoodii oo gaddaal u jiiraynaya. Dalalka Baraasiil, Ruushka, Hindiya iyo Shiinaha oo ah quwado madaxa la soo kacaya waxa ay u muuqdaan in ay maareeyeen arrimahooda guddaha, tusaale ahaan dalka Shiinuhu waxa uu itaalkiisii iyo tafihiisii ku waayay in uu soo kiciyo dhaqaale ahaan shacabkiisa dabaqada dhexe iyo amniga qawmiga ah si uu u samato bixiyo  dadkiisa oo kor u dhaafay 1.34 bilyan . Caqabbadahan sida caabuqa safmarka noqday waxay sababeen in uuna waddana dan iyo dooc midna ka lahaan wax dhaafsiisan culayska dul hogganaya dalkiisa iyo dantiisa. Shirkii ka dhacay Koobanhaygan ee lagaga tashanayay cimilo doorsoonka ee sannadii 2009kii waxa uu ina siinaya tusaale cad oo  tilmaan iyo tuse u ah, sida dalalka adduunku uga caagan yihiin arrimaha caalamiga ah maxaa yeelay dal kastaaba waxa uu ka caga jiiday in la dhimo qiica tirabeelka ah ee cirka cuggay.

Dhibaatada ay leedahay haddii adduunku waayo awood kor joogtaysa

 Haddii adduunku waayo dal awood leh oo hoggaanka arrimaha gudihiisa iyo dhibaatooyinka caalamiga ah ba tafaha u xayta, waxa hubbanti ah in adduunka ay soo foodsaarayso isdiiddooyin iyo caqabado isbarkan sida khalkhal amni , amniga cuntada aduunka iyo ilaalinta deeggaanka, sida uu buunigu sheegay adduunka hadda waxa dhibaato aad u baaxad weyn ku haya isbeddelka cimilada adduunka taas oo galaafan doonta wax soosaarka quudka caalamiga ah. Buuggu, waxa uu sharraxayaa sida sicirka quudka adduunku cirka u maray iyo dhibaatada ay leedahay wax uu ugu yeedhay ‘food protectionism’ oo ah in dal xajisto wixii uu dibadda u dhoofin lahaa si uu u kabo dhaqaalihiisa, dhanka kale, sida uu ku dooday qoraagu tan qudheedu dhibaato ayay iyo mar danbe keenaysaa, dhibaatooyinkaas isbarkan waxay u baahan yihiin is-xulafaysi iyo midaw caalami ah oo lagu yareeyo culayska uu adduunku maanta waajahayo. Dalalka adduunka hadda waxay ku shaqeeyaan ‘dalkastow kugu taagtaa’ taas oo caadiyaysay ‘food protectionism’ xajinta quudka dal soosaaro, tan waxaa tusaale cad u ah ka soo bilaw 2007-2008 waxaa cirka maray quudka firilayda adduunka sida gallayda, qamaddida iyo bariiska, ka dib markii dalalka Ruushka iyo Arjantiin ay joojiyeen dhoofinta wax soo saarkooda si sicirka dalalkan guddohoodu u fadhiisto, waana sancada xannibaadda ama qabashada qulqulka dhoofinta wax-soosaarka.

Ian Bremmer waxa uu tusaale u soo qaatay, “E. coli outbreak” oo ahaa sumaysan ku dhacay cuntooyinka iyo waxsoosaarka Jarmalka, taas oo khalkhal galisay isu gooshidda cuntada adduunka.

La qabsashada adduun aan cidna keennada u hayn

Ian Bremmer, buuggiisan waxa uu ku caddeeyay in ay jiraan jirina doonaan dalal danahooda iyo afkaartooda aan ku xidhin waddan qudha ama jiho mandaqadeed qudha, balse ay ay jiraaan dalal dan guura   oo dalkasta iyo jaar kasta danihiisa uga faa’idaysta, waxa uuna qoraagutusaale u soo qaadanayaa dalka Baraaasiil, waxa jirtay jeer ay Baraasiil si weyn ugu tiirsanayd Maraykanka, Maraykankuna uu u aqoonsanaa in Baraasiil tahay rafiiq ay garbo-siman yihiin, laakiin sannadkii  2009ayay haddana Baraasiil dhinacashiinaha u digo rogatay, jeerkanna  waxay shiinaha yihiin garbo-saman oo dhoofinta iyo wax is dhaafsashadu cirkamartay, taasna waxay tusaale cad u tahay waxa uu qoraagu ugu yeedhay is-baxannaaninta la qabsiga adduun aan cidna keennada uhayn ,sidoo kale Turkigu waa dal danihiisa aan murangallin, waxa uu na turkigu ku guullaystay in midawga yurub iyo maraykankaba faa’idadiisa ka nuugo, sida oo kale waxa uu cidhiidhsaday in uu dhex ka ahaado mandaqado aad isku diidan dhaqan ahaan iyo diin ahaan ba sida israa’iil iyo dunnida muslinka ah.

Dhibaatooyinka dulhogganaya wadanada ulaha-boocda ku tukubaya

Waddanada  tammartooda iyo taagtoodu ku tiirsan tahay in  ay quudareeyaan dalalka tunka weyn leh waxa uu qoraagu yidhi waxay ku suganyihiin khataro aad u weyn marka loo fiirsho haddeer jihada uu adduunku dhabaha ugu sii jiro, waxa uu na tusaale usoo qaatay dalka jabbaan sababtoo ah jabbaan waxay si waalli ah ugu tiirsantahay kaalmada milatari iyo ta dhaqaale ee dalka maraykanka sidaas awgeed maadaama awoodda iyo qooqa shiinuhu cirka marayo waxa halis galldoonta badhi-taarka uu Maraykanku ku wado dalka jabbaan. Sido kale, qoraagu waxa uu naash-naashay in dalka migsiko uu yahay duul ula-booc ah ku tukubayo oo awtaaddooda iyo aayohoodu ku tiirsanyahay dalweynaha Maraykanka,  saas oo ay tahay caafimaadka iyo beqabka Migsiko waa Maraykanka.

Dhanka kale, Bremmer keliya kama hadal xaaladaha taaganta laga dayrinayo ee sidoo kale waxa uu odorosay ifafaalayaal afar ah oo ku soo wajahan caro-edegta mustaqbalka ; ifafaalayaashaasi waxay aad u lafo gurayaan ; kala tagga quwadaha adduunka sida Shiinaha iyo Maraykanka ama islajoogidooda iyo weliba in waddama kale sii daciifi doonaan ama soo tamarin doonaan.

Ifafaalaha koobaad: Adduun labo jiho looga talliyo

Ifafalahani waxa uu leeyahay Maraykan iyo Shiinaha ay gacmaha isqabsan doonaan iyaga oo dantooda iyo ta adduunkaba ka arriminaya sida tusaale ahaan asalanba hore uga dhaxaysay labadooda oo la wadareeyaana boqolay ahaan 40% dhaqalohoodu caro-edegta ka noqonayaan, waddamada soo tammarinayana sida Faransiis iyo Jaramalka tusaale ahaan waxay ku qasbanyihiin in ay dhinac ka raacaan awoodahan. 

Ifafaalaha labbaad: G-20

Ififaalahani waxa uu sheegayaa in shiinaha iyo maraykanku aqbalaan in xulufooyin kale ay soo badhi-taaran isutug awoodo ahna jirto, taani laakiin waxay keeni kartaa sida uu buunigu sheegay in sadbursi dhaco deeto geesaha la isla galo, tana maaha mid damaanad qaadi karta adduun aan sadbursi jirin.

Ifafaalaha saddexaad: dagaal qabow ; geeso isla galka labada awoodood , shiinaha iyo maraykanka.

Sida magaca ka muuqata labadan quwadood ayaa geesaha isla galaya , waxayna isku qaadidoonaan weeraro qabow sida imikaba jirta waxa qasab iyo qiil la’aan noqonaysa in dalka kalena la kale saftaan labadan awoodood, sida akhriste imikaba dhacday sida oo kale uu sheegay Joon marsheimer oo isna ah buuni culluunta siyaasadda  ku takhasusay. Joon waxa uu dhahay adduunka ka soo bilaw sannadkii 2017 ilaa wakhti xaadirkan waa’ multipolar world’’ adduun jihooyin baddan looga tallin doono, akhriste buuggana waxa bremmer qoray sannadkii  2012kii. Labadan quwadoodna marka ay isku dhacaan waxay isku geysandoonaan dhirbaaxo-weyn oo dhaqaalohooda iyo hurumarkoodaba ragaadisa.

Ifafaalaha afraad: adduun afkaarta gobolaysigu ka hirgasho

Fikradani waxay tibaaxaysaa in Shiinaha iyo Maraykanku u toog haynta ka tallinta caro-edeg ku guul daraystaan deeto samaysmaan dalal ka ay suurto galtahay in ay klliya arrimaha mandaqadooda ka arrimiyaan aduunkana aan waxba iska galin tusaale ahaan ,waxa uu qoraagu soo qaatay qaaradda Yurub oo dalka Jarmalku uu awood mandaqadeed ka noqdo , Baraasiil oo iyaduna tusaale ahaan laatiinka awood mandaqadeed ka noqota diiradda iyo liishaankana keliya saarta waxa mandaqadeeda ka dhacaya. Waa adduun gobol gobol xaladihiisa u fushanayo mandaqadna ayna mandaqad kale dan iyo dooc midna ka lahayn.

Ugu danbeyn, haddii xaaladu ay sidan u dhacdo ayuu qoraagu leeyahay dalalkuna furfurnaanta ku dedaalo waxa yaraan kara khataraha dagaallada sida oo kale waxa qasab noqonaysa in dalkasta baroosinkiisa adkaysto dhabaatooyinka uu cimilada iyo deggaankaba u gaysanayo ay yaraato, si guudna markaa waxaa u yaraanaya mushkiladaha aduunka ee  maanta taagan.

GUNNAANAD

Buuggani, waxa uu taxliil aad u maangal ah ku sameeyay arrimo hadeer aduunka ka jira ahna meel adduunku goor ay noqotaba u jahaysandoono oo weli ay  banaantahay jihaddii mastaqbalka aduunka looga talinlahaa. Qoddobada muhiimka ah ee laga gunti karo buuggan Ian  bremer waxa ka mid ah: 

1. In aynuku noolnahay adduun aysan jirin hoggaan togan oo laysku hallaynkaro.

2. Adduunku haddeer waxa uu ka cannaaday danaynta dhibaatooyinka caalamiga ah sida isbeddelka cimillada iyo bedqabka quudka adduunka.

3. Waddamada ku dadaala la saaxiibidda kolba cidda ay dantoodu khusayso sida Waddamada Baraasiil iyo Turkiga waxa qasab ah in ay hurumari karaan inta adduunku sidaas yahay.

4.  Hoggaanka iyo kor ka ilaalinta caalamku waxay ku xidhantahay kolba waxa ay yeelaan Shiinaha iyo Maraykanku.

5. Laqabsiga iyo israacinta hadba sida adduunku yahay waddamada ku guulaysta ayaa sii tamarin doona .

6. Waxa qasab iyo qiil la’aan noqonaysa in awoodo adduunka gacanta ku qabtaa ay soo bixi karaan.

Buugani waxa caroog baraarug u yahay in aan loo-daymo la’aan gedgedoonka iyo salkacsanaanta juquraafi-siyaasadeedka caro-edeg.

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Waa kuma Aleksander Dugin?

Feker

Cilmibaadhis: sidee looga gudbaa dhaan-raacnimada

Feker

Falsafaddii Diogenes