Thursday 21 November 2024
Hadal uu qoraagu maalmo ka hor qoray ayaa baraha bulshada ka dhex dhaliyey dood, biyadhaceeduna ahaa marka garabsiinta xadgudubku ka dhalato anshax darro, ee aanay ka iman jahli ama ismaandhaaf, markaas oo kale, in qofka xadgudubka garabka siinaya lagula doodo caddaymo caqli waxba ma soo kordhinayso, sababtoo ah waa dood madhalays ah oo qofka wakhtiga ka ridaysa. Mid ka mid ah asxaabta ayaa hadalkan kaga jawaabay, in badanka murannada iyo dooduhu ka dhashaan ku kala duwanaanta qeexitaanka xadgudubka, oo ay tahay masalo aqooneed ee aanay ahayn masalo anshax la xidhiidha. Runtii hadalkani isagaa is burinaya, dhinacyadanna waxba kama uu eegin.
Qaar ka mid ah doodaha laga galo xadgudubku waa wax aqoon la xidhiidha, balse si ay suuragal u noqoto in natiijo laga gaadho ka dooditaankeeda, waxa lagama maarnaam ah in uu jiro sees qiyam iyo anshax ah oo la wadaago. Tusaale haddii aynnu isku khilaafno masalada caddaaladda ee labada nidaam ee kelitaliska iyo dimuqraaddiga, doodda qodobkan waxa ay faa’ido uun ka dhalanaysaa marka aynnu laba wax isla qirsannahay: qiimaha caddaaladda iyo qeexitaanka cadliga. Cadligu ma waxa uu ku koobanyahay in bulshada si siman loogu taliyo, mise waa u sinnaanta qaanuunka, oo qaanuunka laga ilaaliyo dhacdhaca qofka talinaya, mise waa in laga caddaalad sameeyo qaybinta hantida? Cadligu ma koobsanayaa qiimaha xorriyadda? Waa suuragal in caddaaladu waxan oo dhan marba heer koobsanaysay sooyaal ahaan. Marka aynnu waxyaabahan isla meel dhigno ayaa ay suurogal tahay in aynnu ka doodno nidaamkee ayaa xadgudub samayanaya, nidaamkee ayaa se caddaalad wada? Markaas ayaanay suuragal tahay in aynnu caddaymo isku qabanno, oo ku kala duwanaanno heerka caddaymaha.
Waa wax dabiici ah in dadku qaar ka mid ah qiyamka isku waafaqaan, oo aanay doodo ka keenin, haddii aan sidan la isula qaadan waxyaabo gundhig ahna, bulshana ma samaysan karto waxyaabo u taxan oo la isla oggolyahay, sida runta, ballan oofinta, ammaanada, diiditaanka khiyaanada iyo tuugnimada. Inta badanna waxyaabahan la isla oggolyahay, waa arrimo dhaqan, anshax ama diin dhigayso, ka hor intaan qaanuunku waajibinin. Kacdoon kasta oo sooyaalka soo maray waxa uu watay qiyam cusub, ka qaybqaadashada qiyamkaasina waxa ay abuuraysay shakhsiyadda bulshadaas ee xaddaaradeed. Tusaale ahaan, dadka cusboonaysiinta iyo horumarka raba ee bulshadaas ka mid ah ayaa ku dedaalaya in ay bulshada baraan qiyam, sida weyneynta shaqada, hal-abuurka, ka digtoonida wahsiga, ilaalinta ballamaha, qiimaynta hal-abuurka qofka kale, ilaalinta arrimaha gaarka ah ee qofka kale iyo ku dedaalidda danta guud, dhinaca kale waxa faafa dhaqannada liita ee bulshada hoos u dhigaya.
Inta badan, bulshooyinku uma baahdaan inay ka doodaan dhaqannada seeska ah, sida xaqa qofku u leeyahay nolosha iyo qofka aan dambi gaysan in aan la dilin. Inta badan bulshada xilligan nooli waxa ay isku waafaqsanyihiin in aan cid la ciqaabin, oo aan jidhdil loo gaysan, musuqmaasuqana waxa ay u arkaan tuugnimo iyo xoolaha danta guud oo la xadayo. Markaa, dood ku saabsan nidaamka kelitaliska ah iyo ka dimuqraaddiga ah, kee baa dhibaatooyinkan xallinaya, waa ay dhalan kartaa.
Balse, dooddaas dhexdeeda, haddii dhinac ka mid ahi aslanba diiddanayn jidhdilka, oo aanu ku baaqayn joojintiisa, dooddaasi waxa ay noqonaysaa mid madhalays ah oo aan natiijo laga gaadhin. Haddii ay caddaato in qaar innaga mid ahi aanay dhib u arag duqaymaha cirka ah ee lagu dilayo dadka shacabka ah, amaba lagu laayo bambooyinka qarxaya iyo qaraxyada ismiidaaminta ah, sidoo kalena, qaxinta iyo masaafurinta dagaallada dhexdooda ay u arkaan wax caadi ah, qofka siyaasad ahaan kaa soo horjeeda oo la xidho maxkamad la’aanna u arkaan sunne dawladeed, oo aanay dhib u arag xitaa in dadkaas la dabarjaro, markaas oo kale macno ma samaynayso dooddu, sababtoo ah kala aragti duwanaanta aqooneed waxa ay ansaxaysaa uun marka anshax ahaan la is waafaqsanyahay. Is waafaq la’aantaasi, dood kasta oo kale waxa ay ka dhigaysaa loollan ereyo lagu dagaallamayo, ee aan looga dan lahayn is qancin.
Bulshooyinku waa ay ku kala qaybsanyihiin loollanka loo galo danaha, danahaasina waa kuwo kala duwan oo badan, mararka qaarna iska hor imanaya. Bulshooyinku waxa kale oo ay ku kala qaybsanyihiin qaddiyadaha siyaasadeed iyo qaabka danta guud loo maamulayo, iyo xitaa mawqifka laga qaadanayo dagaalka iyo nabadda. Haddaba, si kala aragti duwanaanta qodobbadan loo maareeyo, oo looga dhigo kala duwanaan aan dadka kala kaxaynayn, dadkuna ku wada noolaan karaan, waxa lagama maarmaan ah in ay jiraan qiyam laga midaysan yahay, kana xeeldheer waxyaabaha la isku hayo. Marka qiyamkaa sees laga dhigto ayaa uu macno yeelanayaa wada hadalka iyo fikir is weydaarsashadu. Waa suuragal in qodobkani aanu koobsan dhammaan wax kasta oo lagu magacaabi karo qiyam, waxaana jiri kara qiyam lagu kala duwanaan karo, iyadoo lagu kala duwan yahayna la wada noolaan karo, waxaana jira heer aqbalaad oo ah ku kala duwanaanta qiyamka qaarkood, balse, haddana waa in ay jiraan qiyam sees ah oo bulshadu isku waafaqsantahay.
Dadka qaar kooxaysiga waxa ay u arkaan arrin la dhibsado oo taban, qaarna waxa ay u arkaan dhaqan aan habboonayn, balse waa ay aqbalayaan, tusaale haddii ay tahay nidaam maamul. Balse, haddii aanay dadku isku waafaqin in kooxaysigu yahay wax xun fikir ahaan iyo dhaqan ahaan, iyada oo laga eegayo dhinaca taban ee qof qofka ka duwan ka istaagayo (qaab takoor ah oo kale), markaas ma jirto sabab loo doodo. Markan oo kale, dooddaas ma dhalayska ah waxa ay isku beddelaysaa weerar afka ah iyo tuhun, ujeedkuna waxa uu kusoo ururayaa sumcad dil. Dalalka qaar, mawqifka takoorka laga qaadanayo waxa lagu waajibiyey qaanuunka, ka hor intaan diidmada takoorku noqon dhaqan bulsheed, balse meelo kale, diidmada takoorku waa wax si tartiib tartiib ah ku yimi, wakhtina qaatay, amaba dadkii takoorka lagu samaynayay ka halgameen in meesha laga saaro. Hase ahaatee, muranka laba cunsuri ka dhex dhacaa waa uun muran madhalays ah, oo weerar ah. Sidoo kale, doodda ka dhaxaysa qof cunsuri ah oo dafirsan xuquuqda muwaaddinka iyo qof kale oo oggol lafteedu wax badan ma soo kordhinayso, sababtoo ah ma jiro sees la wadaago, haddiiba ay qodob isla meel dhigaanna, waa uun sababo kale, ee ma aha in dooddaasi natiijadaas keentay.
Mararka qaar waxa aynnu ogaannaa in qof aynu isla oggolayn diidmada in dadka shicibka ah la dilo, ama qaab goonni ah loo dilo, balse, aynnu qofkaas dhab ahaantii kala duwannahay, oo aynnu aragno isagii oo dilkii taageeray amaba ka aamusay, sababtuna tahay in qofka dilka loo gaysanayaa waa qof dhinaceenna ah aydhiyoolajiyad ahaan, koox ahaan ama si kale. Markan oo kale waxa inoo caddaanaya halbeegyada qiyam ee aynnu isku waafaqsannahay, qofkaas waxa ay u tirsanyihiin uun inta la dhex joogo kooxda lagu abtirsanayo, balse wixii ka baxsan aanu aaminsanayn ilaalinta qiyamkaas. Waxa aad arkaysaa qofkii oo ku doodaya in aanay dhib lahayn in la dilo dadka shicibka ah, ama la duqeeyo xaafado la degganyahay. Mararka qaar waxa uu ku dhuumanayaa in aan caddayn loo hayn in dambiyo sidaas ah la galay, ama sawirka la buunbuuniyey, dhabna kama aha ee keliya waxa uu rabaa daalinta dhinaca kale.
Waxaas hore oo dhan marka laga yimaaddo, niyadjabka u weyni waa marka aynnu ogaanno in ciidamada iyo jabhadaha isku haya dalalka Carbeed, aslanba aanay isku khilaafsanayn qiyamka aasaasiga ah, ee ay keliya isku hayaan qofka talinaya, haddana dhinac kastaaba sida uu kii hore sameeyey samaynayo marka uu talada gaadho. Marka arrinku sidan yahay, waxa aynnu ogaanaynaa in dhibaatooyinka waaweyn ee bulshadeenna haystaa aanay aslanba ahayn kuwo siyaasadeed, ee ay yihiin kuwo anshax, markan oo kalena aanu muranku waxba soo kordhinayn. Aslanba haddii qiyamka la isku hayo, muranku dabka uun buu sii holcinayaa, nacayb badanna wuu sii abuurayaa, waxaana lagu dambaynayaa jabhado hub isla hor fadhiya. Isbeddelka qiyamkuna waa wax tijaabada qofeed la hanaqaada, bulshada la abuurma ama si wakhti dheer lagu barto, waana suuragal in dhibaatooyinka dagaal iyo loollan ee bulshadu marto laga barto, waana wax ku iman kara sharci garayn, ama isbeddelka deegaan ee bulsho.
Suuragal maaha in bulshooyinka siyaasad la’aan la maamulo, dad badan ayaana baran kara xilli kasta. Balse halganka siyaasadeed, waxa bar bilow u ah diidmada xadgudubka, waana xaaladda Carbeed ee hadda taagan, oo u baahan in halganka loo jeediyo faafinta qiyam aynnu la rabno bulshadeenna, kana shaqaynno in dadka la baro oo lagu ababiyo.
Waxa turjumay Maxamuud Bulxan. Waxa laga soo turjumay wargeyska al-Carabi.