Friday 8 November 2024
Curis-maqaaleedkan, waxaa qalinka u qaatay Ustaad Afyare Cilmi iyo mudane Yuusuf Xasan. Majallada New York Times, ayuu August 26 ku soo baxay. Qorayaashu waxa ay maqaalkan kaga faaloonayaa xaaladda Bariga Afrika ka aloosan, sababta keentay khilaafkan, saameynta uu ku yeelan karo dagaalkan Bariga Afrika iyo dunida inteeda kale iyo talo-soo-jeedinta looga bixi karo xasarada taagan.
“Balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto ma leh”
Maahmaahdani Soomaaliyeed, waxa ay tilmaameysaa in musiibada ama dagaalka laga hortagi karo laakiin aan si sahal ah loo xakameyn karin. Waxa ay u muuqataa mid ku habboon bariga Afrika waqti xaadirkan. Dhibaato ayaa hadda soo caga dhigatay mandiqadda Bariga Afrika. Sababo la xariira cir-weynida iyo qorshaha is ballaarineed ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Geeska Afrika waxa uu qarka u saaran yahay dagaal gallaafan doona nabadda gobolka iyo dunida inteeda kale. Waa in la joojiyaa inta ay goori goor tahay ee xididka colaaddu qoyan yahay.
Sababta hurisey dhimbiishan colaaddeed, ayaa ah damaca Abiy Axmed ee uu ku doonayo in uu dalkiisa ka dhigo dal leh xeeb. Sannadkii hore, waxa uu ku dhawaaqay in Itoobiya aysan sii ahaan karin dal aan bad lahayn, oo waxaa waajib ah in ay hesho marin badeed, wadaxaajood ama xoog kay rabtee. Soomaaliya, oo ah dalka ugu itaalka yar shanta waddan ee xeebaha leh, Itoobiya na dariska la ah ayaa noqotay ugaarta Itoobiya. Horraantii sannadkan 2024, ayuu Abiy waxa uu heshiis is afgarad ah la saxiixay dhiggiisa Soomaalind taas oo ah jamhuuriyad gooni-isku-taag ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Soomaaliya.
Heshiiskani, ayaa ahaa mid ku dhisan wax-is-dhaafsi, taas oo ay Soomaaliland ku doonaysay aqoonsi calami ah, halka uu Abiy na ku doonayay in uu helo saldhig miltari oo 12 mayl ah oo ku yaalla gacanka cadmeed. Tani, waxa ay ahayd xadgudub cad oo loo geysanayo madaxbanaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda. Ficilkan ay Itoobiya ku dhaqaaqday waxa uu dib inoo xasuusinayaa taariikhda madow ee faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya. Soomaaliya, waxa ay si degdeg ah u diidday heshiiskaas aan sharciga ahayn ee Itoobiya la gashay Soomaalilaan, waxa ayna billowday olole diblomaasiyeed iyada oo u sharraxaysa dawladaha gobolka iyo beesha caalamka in Itoobiya ay dooneyso in si sharci darro ah u qabsato dhul Soomaaliyeed.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Mareykanka, iyo Midowga Yurub dhammaantood waxay taageereen mowqifka Soomaaliya, iyaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo oo aan lagu xadgudbin xuduudaha la dejiyay iyo madaxbannaanida qaran. In kastoo uu jiro cadaadis kaga imaanaya beesha caalamka, gaar ahaan xukuumadda mudane Biden, haddana mudane Abiy waxa uu ku adkeystay mawqifkiisa. Waxa uu u muuqdaa mid si dhab ah u rumeysan in waqtigan uu yahay midkii ku habboonaa hirgelinta damaciisa qaawan, iyada oo Soomaaliya la daalaa-dhacaysa la dagaallanka argagaxisada, Mareykankuna uu ku mashquulsan yahay doorashooyinka iyo khilaafaadka ka socda Bariga Dhexe (Israa’iil iyo Falastiin) iyo kan Yurub (Ruushka iyo Yukreen).
Mudane Abiy waxa uu muuqdaa mid rejo ka leh Donald Trump haddii uu ku guuleysto doorashada ka dhici doonta Mareykanka, in uu taageeri doono ama ugu yaraan uu iska indho-tiri doono ficilladiisan cir-weynida ah. Xiisaddan colaadeed ee xasaasiga leh, ee isa soo tarayay sannadkan oo dhan, ayaa kor u kacday toddobaadyadii u dambeeyay. Iyada oo ay awooddeeda muujineysa Itoobiya, ayaa labo jeer ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya bishii la soo dhaafay ee Juun, taas oo keentay in ay Soomaaliya cabasho u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Bishii luulyo, maleeshiyo beeleedyo ayaa dhacay gaari ay ka buuxeen saanad hub oo laga soo direy Itoobiya, taasoo muujinaysa in hubka u soo galay gudaha Soomaaliya. Falkan ay Itoobiya ku kacday, ayaa lagu tilmaami karaa mid qalalaase kicin ah, oo ay ku doonayso in ay fawdo ka kiciso gudaha Soomaaliya. Soomaaliya, dhinaceeda, waxa ay khatar ku soo rogtay in ay ciidamada Itoobiya ka saarto ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxa ayna tallaabo geesinnimo leh, ku ansixisay heshiis difaac oo ay Masar la gashay bisha luulyo- iyada oo horrey u saxiixday heshiis kan la mid ah oo ay Turkiga la gashay.
Xukuumadda Ankara ayaa isku dayday in ay dhexdhexaadiso Soomaaliya iyo Itoobiya laakiin waa ay ku guuldarreystay dedaalkaas heshiis nabadeedka ah. Labadan dal waxa ay isku afeeysanayaan mindiyaha, gobolkuna waxa uu ku fadhiyaa miino uu waqtigeedu si xawli ah u socdo. Dagaalkan waxa uu noqon doonaa mid waxyeello leh. Kolka ay ku lug yeeshaan dagaalkan, dalal is abaabulay oo si fiican u hubeysan, kooxo diimeed xagjirka ah iyo taageerada beesha caalamka, khilaafkan waxa uu keeni doonaa dhiigbax, burbur iyo musiibo labada dhinac taabata. Soomaaliya, oo si tartiib ah uga soo kabanaysa dagaalladii sokeeye ee soddonka sanno socday, arrintan waxa ay ku noqon doontaa culeys aysan xamili karin. Itoobiya, waxa ay hore ugu howlanayd khilaaf gudaheed ka dhex aloosan (Gobollada Tigreeyga, Amxaarada iyo Oromada). Waxa ay sidoo kale wajahaysaa khilaafyo xuduudeed oo ay isku haayaan Eritareeya iyo Suudaan. Iyadu na waxa ay ku noqon doontaa culeys aysan u hayn dhabar ay ku xamisho. Dhinaca kale. Furinta dheer ee ku fadhida kumanaanka mayl (maleeshiyada hubeysan ee Tigreeyga/ TPLF) ayaa keeni karta in ay burburto Itoobiya.
Gobolka oo hore ula tiicayay xaaladda ka aloosan Suudaan, waxa uu noqon doonaa mid aan amni ahaan dagannayn. Khilaafku, waxa uu soo jiidan karaa dalalka ku teedsan Badda Cas oo ay ku jiraan Sacuudiga, Masar, Yaman, Suudaan, Jabuuti iyo Eritareeya oo dhammaantood u arka biyahaas kuwo muhiim u ah ammaankooda qaran. Mareykanka, Shiinaha, iyo dalal kale oo Yurub ah ayaa ciidamadoodu hore u joogeen Badda Cas. Dhawaan, waxaa ku soo biirey dalal ay ka mid yihiin, Turkiga, Iiraan, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Gobolka ayaa si dhaqso ah ku noqon kara saaxad siyaasadeed oo ay ku loollamaan awoodaha Beesha Caalamka iyo kuwa gobolka ka tirsan.
Dhammaan khatarahaas oo jira, Bariga Afrika waa mid muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo mid amniyeed ba. Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas waxa ay isku xiraan Aasiya, Yurub iyo Mareykanka, halka uu Geeska Afrika uu yahay albaabka ay Aasiya ka soo gasho qaaradda Afrika oo dhan. Dagaal ka dhaca gobolku, waxa uu khatar galin karaa isku-socodka ganacsiyeed ee marinka badda. Waxaa sidoo kale walaac leh, in dagaalkan uu dib u soo nooleyn karo hadafkii kooxaha xagjirka islaamiga ah oo ay al-Shabaab ku jirto, taas oo hore u sheegtay in ay soo bandhigtay kumanaan dhallinyaro Soomaali ah si ay ula dagaallamaan Itoobiya. Deganaansho la’aanta Bariga Afrika waxa uu halis ku noqonayaa adduunka oo dhan.
Waqtigu wuu yaryahay: isku day kale oo dhexdhexaadin ah ayaa fashilmay bishan. Si loo baajiyo in gobolka uu ka dhaco dagaal masiibi ah, Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayo Mareykanku, waa in uu farriin cad oo qeexan u diraa mudane Abiy in damacyadiisa is ballaarineed ee aan la aqbali doonin. Itoobiya, sida dawlad kasta oo aan badd lahayn waa in ay raadsataa marin badeed ganacsi iyada oo loo marayo iskaashi ganacsi, halkii ay noqon lahayd in ay heshiisyo la gasho gooni-isku-taagayaal. Xukuumadda Waashitoon oo si weyn u maalgalisey gobolka, waa in ay cadaadis saarto hoggaamiyeyaasha dalalka Bariga Afrika si loo dhiirrigaliyo wada-hadal iyo in ay isku daydo in ay midayso Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Ma fududaan doonto, laakiin Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waa kuwo aad muhiim u ah si ay u noqdaan aag kale oo goob dagaal ah, Bariga Afrika na waa mid aad u jilicsan oo aan ka bixi karin safarkan colaadda ah. Adduunka waa in uu hadda madaxa ka qabto dhibaatadan, maxaa yeelay mar haddii ay qaraxdo miinadan colaadeed waa ay adkaan doontaa in la helo gaanjo la qabto.