Skip to main content

Thursday 7 November 2024

Siyaasad

Millicsi: Diyaaradaha ku dhaca deegaannada ay haystaan al-Shabaab

4 November, 2024
Image
diyaarad
Diyaarad ku dhacday deegaan u dhow Beledweyn
Share

Tobankii sanno ee u dambaysay waxaa warbaahinta iyo dhegaha dadweynaha ku soo laalaabtay dhacdooyinka la xiriira dhicitaannada diyaaradaha UN-ka iyo AU-da. Diyaaradahaasi oo inta badan saanad ciidan iyo xammuul kale u wada ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa ku dhaca deegaannada ay si toos ah ama si dadban u maammulaan ururka arxankadarran ee al-Shabaab.

 Dhanka dawladda iyo ATMIS ayaa arrinkaa inta badan ku sheega shil iska dhacay iyo khalkhal diyaaradda ama cimilada ku yimid. Balse dadweynaha ayaa su’aalo badan oo mugdiya geliyay waxa soo celceliyay shilalkaasi iyo sababta ay kaliya diyaaradahaasi ugu dhacayaan deegaannada ay AS maamusho. Haddaba, waxaan dib u millicsi kooban ku sameyn doonaa diyaaradihii dhacay iyo deegaannadii ay ku dhaceen.

12 October, 2015: Goor ay fiid hore tahay waxaa hawada magaalada Muqdisho ku wareegaysay diyaarad weyn oo xammuul culus siday. Shirkadaha Diyaaradaha ee Tristar ayay ka diiwaangashanayd. Muddo saacad ku dhow markay wareegaysay ayay diyaaraddii afka saartay dhanka degmada Afgooye. Daqiiqado kadibna waxa ay ku dhacday mid kamida beeraha u dhexeeya deegaanka Carbiska iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose. Diyaaraddaasi waxay sidday saannad ciidan iyo agab kale oo ay u sidday ciidamada AMISOM qaybta YUGAANDHIISKA ah. Lix nin oo Masaari ah ayaa habeenkaas laga soo badbaadiyay goobtaas, balse xammuulkii ayaanan wax war ah laga helin. Lixda nin ee Masaarida ayaa kala ahaa; Taariq Bayonmay, Maxamed Subxi, Calaa Raflax, Saalax Cabdi, Axmed Baradaj, iyo Shaxata Shanoni.

28 October 2015: Labo isbuuc iyo labo maalin kadib dhicitaanka diyaaraddii hore, waxaa duhur uu cirku qam yahay oo cimilo roobeed uu jiro ay daf soo tiri hawada deegaanka Cismaan Durre diyaarad nooca yar yarka ah. Cismaan Durre, waa deegaan u dhow degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo Xamar u jirta 30km. Diyaaraddii waxa ay bilowday inay deegaankii ugu wareegaalaysato sida muslimiintu kacbada ugu wareegaan. In ku dhow soddon daqiiqo oo ay meeraysanaysay ayaa ay markii dambe ku dhacday duleedka deegaanka oo ahayd goob dhir badan oo xidh ah. Deegaankan waxaa gacanta ku hayay ururka al-Shabaab.

Markiiba maammulka gobolka, ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya ayaa u jihaystay goobtii ay diyaaraddu ku dhacday. Waxaa se da’ayay roobab culculus oo u suuragelin waayay gurmadkii inay gaaraan halkii ay diyaaraddu ku dhacday. Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in diyaaraddaasi aysan iyagu lahayn oo aysan ku jirin kuwa u diiwaangashan.

Dadka deegaanka ayaa se sheegay inay diyaaradda ku qornayd laba xaraf oo waaweyn oo ah; UN. Waxay intaa ku dareen in ay saarnaayeen qiyaastii sagaal illaa kow iyo toban qof oo ajaanib ah iyo noocyo kala duwan oo agabyo ah. Diyaaradda waxaa la sheegay inay ka soo kacday Nayroobi oo ay ku wajahnayd saldhigga Ballidoogle oo Muqdisho 90km u jira. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin diyaaraddii, wixii saarnaa, UN-kii, iyo AS-ba.

1 February 2018: Galab uu cirku caad ka saafi yahay ayaa diyaarad joog hoose ku socota si maqiiqan u soo gashay hawada deegaanka Warmaxan oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose. Daqiiqad kadib dhinaca kale ee deegaanka Warmaxan ayay u dhaaftay iyada oo afka saartay xeradii hore ee kumaandooska Soomaaliya ee Kaba-hereg, halkaa oo ay ku dhacday.Maammulka deegaanka iyo degmada waxa ay sheegeen inay diyaaraddu sidday xammuul. Waxay se dadka deegaanka iyo deegaannada kale sheegayeen inay diyaaraddu ka soo kacday dhinaca xerada Ballidoogle. Deegaanka ay ku dhacday diyaaraddu iyo xerada oo ahayd xero burbursan oo dawladdii kacaanku degganayd waxaa haystay AS. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin diyaaraddii, ciddii saarnayd, xammuulkii, UN-kii, iyo AS-ba.

30 November 2023: Goor ay cadceeddu guduudatay oo godka u dhawaatay ayaa hugun culus laga maqlay duleedka degmada Marka ee gobolka shabeellaha hoose. Goortii ay dadku fiiriyeenna dhinaca ay wax ka dhaceen waa uuro iyo holac hawada isku shareertay, taas oo ahayd Helicopter iskudayaysay inay ka kacdo hawdka ku beegan duleedka magaalada oo qaraxday. UN-ka iyo hay’adaha kale ee dalka ka hawlgala ayaa sheegay inaysan jirin wax diyaarad ah oo ay leeyihiin oo shil galay. Isla maalintaas Dawladda Federaalka ayaana soo saartay warsaxaafadeed nuxurkiisu ahaa; ma jirto diyaarad shil gashay. Waxaa se weyddiimo laga keenay waxa Helicopter-taasi ay hawdka ka qabanaysay iyo waxa qaraxeeda sababay. Waxaa arrinka xiiso u sii yeelay ayaa ahaa; in deegaankaasi ay AS goorta ay doonaan imaadaan kana tagaan goorta ay doonaan. Intaa kadib, wax war ah lagama maqlin ciddii ku waxyeelowday diyaaraddii, hadday tahay al-Shabaab iyo Qaramada Midoobayba.

10 January 2024: Goor casar dheer ah ayaa dadkii deegaanku arkeen Helicopter si caadi ah ugu soo degaysa duleedka deegaanka Xiindheer ee gobolka Galgaduud oo ah deegaan ay AS haystaan. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay Beledwayne ka baxday oo Wisil u socotay oo ay si khalad ah ugu degtay deegaankaas. Waxa uuna intaa ku daray inay saarnaayeen siddeedqof oo ay toddobo ajnabi yihiin oo  isugu jira ciidan, dhakhaatiir iyo injineero, waxaana uu sheegay inay diyaaradda saarnaayeen dawooyin loo waday ciidanka hawlgalka ku jira. Waxayna dadka deegaanka sheegeen in diyaaraddii, wixii saarnaa iyo dadkiiba ay AS gacanta ku dhigeen. Dhacdadaasi waxaa ka soo wareegtay muddo, warbaahinta AS-na wax ku saabsan arrintaasina ma ay sheegin.

19 September 2024: Goor cadceeddii ay godkeeda dalaq tiri ayaa waxaa hawada deegaanka Carbiska daf soo tiri diyaarad nooca qummaatiga u kacda ee ciidanka ah. Diyaaraddu waxay ahayd mid militari oo ay ATMIS leeyihiin oo ka soo kacday Muqdisho, una socotay saldhigga Balidoogle ee Shabeellaha Hoose. Daqiiqado kadibna waxa ay ku dhacday mid kamida beeraha u dhow deegaanka Carbiska ee hoos taga degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose. Toban daqiiqo gudahoodna waxaa meeshii ay diyaaraddu ku dhacday timid mid kale oo gurmad ah, sidoo kalena ciidamo lug ah ayaa goobtii gurmad ahaan ku soo gaaray. Afar nin oo saddex kamida ay Yugaandhiis yihiin ayaa la soo badbaadiyay. Qaar ayaa dhaawacyo fudud qabay, halka kuwo kale lagu sheegay dhaawacyo culus. Waxaa se war laga hayn saanaddii ciidan iyo agabkii kale ee saarnaa diyaaraddaas. Carbiska oo ah deegaan aad ugu dhow degmada Afgooye ayaa ku taalla xero ay degenyihiin ciidamada YUGAANDHA ee qaybta ka ah hawlgalka ciidamada ATMIS ee ku eg Diisamber, 2024. Haddana, waa deegaan furan oo goorta la doono ay AS iman karto. 

Haddaba arrinka xiisaha leh ayaa ah diyaaradaha drones-ka ee aan duuliyaha lahayn goorta ay AS qabtaan inay markiiba warbaahintooda ku soo daabacaan. Aynu dhawr kamida tusaale u soo qaadanno.

3 Desember2016: Diyaarad aan duuliye lahayn ee drone-ka ayaa ku soo dhacday deegaanka Bariire ee Shabeellaha hoose. Waxaa qabtay AS oo deegaankaasi gacanta ku hayay, waxayna isla maalintiiba soo bandhigeen sawiradeeda iyo xogteeda.

3 Juun 2018: AS ayaa gacanta ku dhigtay diyaarad ay ku sheegeen kuwa wax basaasa oo aan duuliyaha lahayn oo ku soo dhacday deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose. Isla galabtii ay qabteen waxay ku soo bandhigeen warbaahintooda.

19 Sebtember 2020: Diyaarad aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ayaa ku soo dhacday xilli subax ah deegaan u dhexeeya Wanlaweyn iyo Warmaxan, waxaana gacanta ku dhigay AS, isla subixiiba waa ay soo bandhigeen.

13 Sebtember 2020: Duleedka Baarsansuuni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo dhacday diyaarad aan duuliya lahayn, waxaana qabtay AS, isla duhurkii ay qabteen ayaa ay baahiyaan xogteeda iyo sawirkeeda.

Haddaba, arrinka xiisaha leh ee meesha yaalla ayaa ah; diyaarad aan duuliye lahayn goorta ay AS qabtaan inay markiiba warbaahinta ku soo daabacaan, halka diyaarad duuliye, dad iyo agab wadda goorta ay qabtaan aysan warbaahintooda ku soo daabicin. Si kastaba, dhicitaanka diyaaradaha ee UN-ka iyo AU-da ayaa caan noqotay muddooyinkii dambe iyada oo ay su’aalo badan oo mugdiya ku gedaaman yihiin waxa arrinkaa soo celceliya.