Friday 22 November 2024
Maqaalkan waxa Af Soomaali u turjumay Maxamed Yuusuf.
Luula Cali Ismaaciil, oo ah filin soo saare reer Jabuuti ah, dhalatay sannadkii 1978-kii, waxa ay sannadkii 2014-kii bilowday soo saarista filim magaciisu yahay: “Dhallinyaro” Kadib, markii ay muddoo samaynaysay filimo gaagaban. Sannadkan ayaa filimka Dhallinyaro lagu soo bandhigay Faranasiiska, Jabuuti iyo tiro kale oo ka mid ah waddamada dunida. Wax-Soo saarka filimkan waxa gacan ka geystay Ururka Caalamiga ah ee ku hadla Afka Faransiiska, waxaana Filimka gebi ahaantii lagu duubay dalka Jabuuti
Luula Ismaaciil, waxa ay filimkeeda ku salaysay saddex hablood, oo kasoo kala jeeda bulsho iyo dabaqado kala geddisan. Iyaga–Saddexda hablood– waxa aad awooda in aad bulshada Jabuuti soo bandhigato adigoo isticmaallayaa muraayad ku tusaysaa, oo kugu dhoweynaysaa, xaaladda bulshada ee dabaqadeed, xidhiidhka aabbayaasha, heerarka dhallinyarada, dumarka, noloshada magaalooyinka iyo dhaqdhaqaaqa bulsheed ee dalka.. Filimkani waxa uu soo bandhigayaa tijaabooyin nololleed, oo jaadgooni ah kuwaas oo bar bilow uu ah is beddelo ku dhacay noloshooda.
Daawadaha filimku daqiiqadaha ugu horreeya ee filimka ogaanaya in uu ku saabsanyahay, oo filimka dhammaantii uu ku wareegayo soo bandhigista tafaasiisha heerarka bulshada, iyadoo dhacdooyinka ku geynayaan faqriga dadku ku noolyihiin adigoon waxba uu magac bixin. Sawirku waa mid hadlayaa, oo ku leh iyadoo laga dheehanayoo xasuus-qorka maalinlaha ah ee saddexda hablood: Asma, gabadh dhalinyaro ah, oo waxbarashadeeda guul ka gaadhay, kuna hamminaysaa in ay gasho kuliyada cafimaadka, oo kasoo jeeda qoys sabool ah. Hibo, waa gabadh qoys furfursan ka soo jeedh, oo la koolkooliyey kana soo jeeda qoys qani ah. Iyo Deeqa, oo isu aragata mid uu kala qaaraan xaqiijinta hamiga hooyadeed ee ah in ay waxbarasho uu tagto Faransiiska iyo in ay hesho nolol dhaanta ta ay ku nooshahay iyo rabitaankeeda ah in ay wax ku barato, oo guulo ka gaadho dalkeeda.
Saddexda gabdhood waxa leeyihiin, oo kulmiya saaxiibtinimmo qotodheer, oo ka gudubta wakhtiga iyo kala duwanaatooda dabaqadaha bulsheed ee ay kasoo kala jeedaan. Xidhiidhka mid ba midka kale kala dhexeeyaa waa albaabka ay ka galaan fahmida xidhiidhka ay la leeyihiin nafahooda, iyagoo leh is diidooyin dhexyaal, kala tagsaanaan iyo weliba sidoo kale jahwareerro. Mid kasta oo saddexdooda ka mid ah waxay leedahay riyooyin iyo yididilooyin nololleed, oo ay rabaan in ay guulo ka gaadhan. Markii uu soo dhowaaday wakhtigii qalinjebintooda dugsiga sare waxa la kulmeen cadaadis ku saabsan doorashada kulliyadii ay ku biiri lahayeen iyo sidii ay wax ogaan lahayeen nolosha dhallinyaranimo ee leh xidhiidho iyo jacayl.
Magaalada Filimka lagu jilayaa waxa ay uu muuqata mid cidlo ah, murugo badan iyo nolol qalafsani jirto. Magaalo dadka aan aqbalin hab-nololeedka looga noolyahay aan wax naxariis ah uu hayn, oo banaanka uu tuuraysa ayey ku noolyihiin balse iyagoo way la qabsadeen. Xasuus-qorrada Asma iyo Deeqa waxa buux dhaafshay walaac, walbahaar, cabsi, jacayl dhalanteed ah iyo rabitaano, waxa ay isku dayayaan jidkii ay kaga badbaadi lahayeen noloshan qaxarka ah, iyagoo ka raadinayaa, oo dedaal ku bixinayaa damacyo guracan jacaylo mugdi ah, oo dhalanteed dabada ka riixayo.
Asma dhibaatooyinka haysta ee lasoo bandhigay waxa ay ina tusinayaan in ay yihiin dhibaatooyin la taaban karo, oo ka dhashay saboolnimada. Dhibaatooyin ay ugu horreeyaan: koronto la’aan iyo biyo la’aan ka jirta gurigooda. Halka dhibaatooyinka haysta Deeqa ay ka duwanyihiin kuwa Asma haysta, oo ay ka bilowdaan xidhiidh ay la leedahay nin da’ ahaan ka weyn, oo qaba naag kale. Arrinkaasi waxa uu ku keenay in ay wejahdo doorashooyin adag, oo kala ah: dhib ka haysta sidee loo imtixamaa ama la isaga tijaabiya lammaanaha kugu habboon, sidii loo dooran lahaa hoy sax ah iyo dhibatooyin la xidhiidha maqnaanshaha aabbaheed ka maqanyahay nolosheeda iyo xumaanta ku hareeraysan iyada iyo qoyskeeda iyo magaalada, oo marba marka ka dambeysa albabeedu kusoo xidhmayaan.
Maalin malmaha ka mid ah waxa si lama filaan ah uu dhacay arrin aanay xisaabta ku darsan, oo waxa ay si kama’ ah ugu aragtay huteel afaafkiisa hore gacaliyaheedii iyo gabadhu qabay oo ku sugan. Isla wakhtigaas ba waxa ay go’aansatay in ay ka baxdoxidhiidhkii kala dhexeeyey isaga. Si gaar ah filimka qaybtan waxa ku lammaan, oo la shidayaa muusig door ka qaadanayaa muqaalka murugada ah ee ay ku sugantahay iyo sida wakhtigu dhabarka ugu jeediyey.
Marka laga yimaado fursada ay uu haystoo in ay uu aado dalka Faransiiska guulaheeda waxbarasho awgeed iyo ku adkaysashada hooyadeed ku rabto in ay Faransiiska wax kusoo barato waxa ay Deeqi ugu dambeyn go’aansanaysa in ay wax ka barato Jaamacadda Jabuuti. Waxa ay iska diidaysa in ay ka tagto waddankeeda, oo waxa ay uu halgamaysa nolol iyo badbaado, taasi oo lidi ku ah fikradda ka baxsashada iyo ka muuqurashada degdegga ah, ee nolosha waddankeeda. Waa mid ku dheggen nolosha waddankeeda dhibaato kasta ha ka jirtee.
Sheekada Deeqa, waxa ay lidi ku tahay sheekada labada gabdhood ee kale. Waxa ka maqan Deeqa doorkii aabbaha, hooyadeed ugama warranto ninkeedi ay kala tageen kamana hadasho isaga. Runtii filimka waxa aynu ku arkayna muuqaal ay ku basaasayso isaga kusii socda marfashka uu ku qayilo. Deeqa iyo hooyadeed, labadooda midna kama warramayo taariikh-nololeedka ninka, sidaas darteed waxa uu u muuqda mid la ilaabay, oo laga saaray noloshooda, oo laga yaabo inuu ku guuldarraystay inuu ka gudbo imtixaankii bilowga noloshooda.
Filimku waxa uu soo bandhigayaa qaabab bulshadu isugu muujinaysoo is gacan-qabad iyo is tageeris ama is garabsiin, kaas oo yareeynaya culayska dabaqadaha ee bulshada ka dhexjira. Waxa aad filimka dhexdiisa ku arkaysa hablaha, oo isa siinayaa haanta gaasta wax lagu karsada ku jirto ama iyagoo cuntooyin uu qaybinayaa dadka la deriska ah munaasibada ciidda awgeed. Deeqa waxa la deris ah oday da’ ah, oo eedaanka salaadda ku suga isagoo ku tasbiixsanayaa . Markii ay ku jahwareertay arrimo safar ku saabsan bay weydiisay inuu weligii dalka ka safray. Waxa uu u sheegay ka qaybgalkiisii Dagaalkii Labaad ee Adduunka sannadihii 1940-tameeyadii, markii Faransiisku ka qortay Soomaalida ciidan safafkiisa ka dagaalama.
Filimku waa mid soo bandhigayaa sheeko ka geddisan tii hore loogaga hadli jiray Gobolka “Shaneemo ahaan”, heerkiisa faneed, heerkiisa farsamo ahaan iyo qalabka la isticmaallay, waxa ka muuqata xirfad heer sare ah. Heesaha iyo muusiga filimka ku jira, ee la isticmaallayo waa Soomaali iyo Faransiis. Waxa lagu soo bandhigay arrimo badan, oo ku saabsan nolosha Jabuuti. Inkastoo marka laga yimaado Af Faransiiska, oo uu gaar ah filimka haddana waxyaabaha filimku soo bandhigayaa waa waxyaabo khuseeyaa guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo nool sidii ay degdeg ugu gaadhi lahayeen xaqiijinta riyooyinkooda. Gaadhista yoolkooda iyo rummaynta riyooyinkooda waxa dhan walba kaga xeeran, oo kaga hareeraysan caqabado badan oo lid ku ah.
Wax-soo-saarka filimku waxa uu ku dhammaanayaa iyadoo Deeqa go’aansatay in ay wejahdo aabbaheeda maqan markii ay dhammaystay waxbarashadeedii. Waxa ay kusoo booqanaysa gurigiisa, keliya waxa ay su’aallaysa iyadoo wejigeeda xishood ka muuqdo hal su’aal, oo ah, “Halkeed joogtay intan oo dhan?”
Waa film in badan ka warramayaa nolosha, mustaqbalka, hammiyada, xidhiidhada, jacaylka, saaxiibtinimada, dumarka iyo aabbayaasha xunxun, oo dawaadaha ku kicinayaa dareeno qotodheer. Wax-soo-saarka filimkan waxa si isku mid ah ugu dabbaaldegay dadyowga reer Jabuuti iyo kuwa Soomaalida, madaama filim soo-saaruhu yahay Jabuutiyaan. Waayo, taasi waxa ay ula macno tahay in sheekada filimku soo bandhigayoo ay tahay mid maxali ah, oo ku saabsan bulshooyinkooda. Iyo mid ka duwan sidii jirtay tobannaankii sanno ee la soo dhaafay ee jidkiiHollywood-ku ku socotay Gobolka iyo mawduucyadoodii ku saabsanna nolosha bahalnimada ama xayawaanka Afrika, budhcad-badeedda, argagaxisada iyo mawduucyada sadhaynta.
Luula, soo-saaraha filimka Dhalinyaro, waxa ay ku guullaystay in ay sii xirfad leh u soo bandhigto faham iyo weji ka duwan kii bulshadeeda laga soo bandhigi jiray.