Skip to main content

Friday 20 September 2024

Masrax

Falanqaynta filinka Xaaska Xabaal Qodaha

27 July, 2024
Image
Xaaska Xabaal qodaha
Share

Xaaska Xabaal Qodaha The Grave Digger's Wife,  waa filin dheer kii u horreeyey ee uu soo saaro Khadar Caydaruus sannadkii 2021, waxa uu ku guulaystay in ka badan 20 abaalmarin, ta u waynina tahay: Africa Movie Academy Awards isaga oo ku guulaystay afar ka mid ah, oo ay u muhiimsan yihiin Filinkii u wacnaa sannadka iyo Jilaagii u wacnaa sannadka, oo Cumar ku guulaystay.  
 
Filinku waxa uu ka warramayaa Guuleed (Cumar) oo ah xabaal qode ku nool duruuf adag; xaaskiisa Nasra (Yaasmiin) ayaa bugta, wiilkiisa yar ee Mahad waxbarasho ayuu ku jiraa. Nasra waa in hore qalliin loogu sameeyo, haddii kale way u dhimanaysaa xanuunka kelyaha ka haya. Waa in uu xaaskiisa dhimashada qarka u saarran bedbaadiyaa, xeelad walba oo uu ku heli karo lacagta qalliinkana raadiyaa. Guuleed iyo ragga ay wada shaqeeyaan maalin walba waxa ay hor tubanyihiin dhakhtarada oo wakhti badan ku qaataan, shaxdana ku hor ciyaaraan, fadhiyaan, kuna sugaan risiqooda meesha darran ka galay. Waa kuwaa halmar sida haadda ku degaya bukaan la soo galiyey, naawilayana in mayd la sido, kolka ay rajadoodu dhigto ee loo caddeeyo qof nool in la sido, mid ka mid ahi ku cataabayo: "Maanta oo dhan baan joognay wax dhimanayana ma aragnee ,waan iska hoyanayaa anigu." Siday u eegtahay maalmahan suuqa dhimashadu waa busaarad. Guuleedna wuu laabanayaa isaga oo tunka ku sita majarafaddiisii, rejobeel ah, rejo ka horaysaana ma jirto, Nasra oo kaarka xannuunka la galgalanaysa ayaa kaga horraysa. Talo way ku caddahay, dantu waxa ay badaysaa in uu ku kallaho subaxa hore tuuladii iyo xoolihii uu ka cararray barigii uu la baxsaday Nasra, isku dayana in uu soo ceshado xoolihiisii kadibna iibiyo.  
 
Sawirkaa mugdiga ah ee ay bixinayso sheekadu in badan oo ka mid ah soosaaraha waayaragnimadiisa ayey khusaysaa, sida uu sheegayna sheekadu waxa ay ku dhalatay sawir ku xardhanaa maankiisa illaa yaraantiisii; xafaariin hor tuban dhakhtarka Kaaramardha ee Jigjiga ku yaalla, oo ka sugaya quudka yoomiyahooda geerida, iyagoo ugaadhsanayana maydka. Waxa xasuustaa taageeray saamayn kale oo caaddifadeed, waa markii loo xil saaray aasidda ilmo yar oo ka saqiiray qoyskooda.  
 
Khadar waxa uu ku dhashay Jigjiga 1981, isla halkaas ayuu ku barbaaray, isaga oo qoxoonti ku galay markii danbe dalka Finland. Waxa uu soosaaray filimaan gaagaaban ka hor filinkan, qaar kale oo uu qorayna way jiraan. Xirafadda filin samayntana isaga ayaa si iskii ah isku baray, jacayl iyo xiiso badan oo uu u qabay aawadeed.  
 
Qaybta aan sida gaarka ah u xiiseeyey, waa marka ay Nasra arooska u kaxaynayso Guuleed, wajiga Guuleed quus baad ka akhrisanaysaa, quustaasi waa ta go'aanno adag oo jar iska tuur ah u hor seedaysa, dhamaadkana xanuujinaysa. Xagga wajiga Nasra ay ka muuqato yididiillo badan.  
 
Habka uu adeegsanayo filinku waa hab debacsan, mug culus oo caadifad iyo tabin qurux badan, si aan kala go' lahayn buu kuugu soconayaa. Dhamaantii waxa lagu duubay filinka Jabuuti, iyada oo goobtu u saamaxday in ay duubaan qaybo la is odhan karo si geesinimo leh bay u sameeyeen, Khadar waxa uu ku sifeeyey Jabuuti in ay ku noolyihiin "dad ilbax ah" taas oo ayna la qabin deegaamada kale ee Soomaalida qaar, xidhxidhnaanta dhaqan awgeed.  
 
Qaab duubistu door muhiim ah ayey ka ciyaartay tayada filinka, adeegsiga dhanka laga duubayo, iftiinka weyn, goobaha lagu duubay, jabaqda, muusigga ku dhex ciyaaraya labada dareen; cabsida iyo murugada. Miisaaniyadda filinku waxa ay ku kacday (1,500,000€) isaga oo lagu duubay 21 maalmood oo kali ah.  
 
Si guud dhacdooyinku gabi way u adeegayaan sheekada, sidaas oo ay tahay waxa ceeb loo arki karaa habdhaca degdegga ah, wakhti ku filan oo shakhsiyadaha qaar lagula fal galo lama siin. Wada sheekaysiguna ma itaal badnayn, Kaknaan baa jirta dhanka jilliinka, tan waa la iska indho tiri karaa, waayo; jilayaasha gebigood marka laga reebo Cumar waa markoodii u horraysay ee ay wax jilaan, amaba kamarad hor joogsadaan. Intaasina waxba u dhimimayso farshaxanka faneed ee filinku soo gudbiyey, iyo sheekada ashqaraarka leh.
 
Waxa la dareemayaa dardar badan iyo koboc xagga filin samaynta ah, kacdoon ayaa socda, se, wali waa billow, billow hoose. Nasiib darrada u weynina waa in aanay jirin shaneemo filimaanta lagu daawado, iyada oo sidaas ah haddana qaabilaad bulsho oo ballaadhan ayaa jirta.  

Qoraallada kale ee qoraaga

Masrax

The Hunt, qarracanka danbi-la’aawaha

Masrax

Shaneemo ku dhex nool baabuurka