Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Doorashadii Degaanka ee Turkiga: Maxaa is beddelay?

6 April, 2024
Image
Istanbul
Maayirka Istanbul loo doortay, Ekrem Imamoglu, oo taageerayaasha u khudbadaynaya markii natiijada lagu dhawaaqay, Maarso 31 2024 (Sawirka: Ozan Kose/AFP via Getty Images)
Share

Bishii Maarso 31, 2024, ku dhawaad 62 milyan oo cod-bixiye ayaa iska xaadiriyey goobaha cod-bixinta si ay u soo xushaan cidda ku  meteli lahayd goleyaasha deegaanka. Natiijada oo badankeedu cadaatay isla habeenimadii 31 Maarso, ayaa noqotay mid ka yaabisay dadka badankiisa. Yaabkani ma ahayn mid ku eg dadka caadiga ah ee waxa uu ahaa mid ay ka siman yihiin madaxda Xisbiyada mucaarid iyo muxaafidba, baadhayaasha siyaasadda iyo dad badan oo loo tuhmayey inay oddorosi karaan meesha ay codbixiyayaasha Turkidu geeddiga u hayaamin doonaan/karaan.

Waxaan shaki ku jirin in Madaxweyne Erdogan ahaa qofka ugu murugada iyo amakaagga badan saacadihii u danbeeyay bisha Maarso  iyo bilowga bisha Abriil. Sababtuna waa dhirbaaxada lamafilaanka ah ee xisbigiisa kaga timi taageerayaashii 10 bilood uun ka hor (14 May 2023) u igmaday kursiga dalka ugu sarreeya. Waxaan qoraalkaygan isku deyi doonaa inaan is dultaago natiijada doorashada guud ahaan, gaar ahaan jabka Xisbiga Madaxweyne Erdogan, guusha aanay iyagu xataa filayn ee ay gaadheen Xisbiga Shacabka Jamhuuriyadda ee CHP iyo Xisbiga dhawaan uun la unkay ee  Yeniden Refah Partisi (YRP) ee kaalinta saddexaad xisbiyada soo jireenka ah ka cidhiidhsaday.

Dhaqaalaxumada, sicirbararka iyo eedaymaha la xidhiidha dayaca 11kii magaalo ee dhulgariirku dhulka la simay sannad ka hor (6.2.2023) ayaa ugu mudan, ayaa aan odhan karaa, sababta guuldarrada xisbiga talada haya eersaday. Korodhka sarrifka lacagaha qalaad iyo hoos u dhaca goynta lacagta Liirada kadib, waxa adkaatay nolosha dadka. Dhaqaalaha hubka iyo difaaca lagu bixiyey awgii waxa ay shacabku cod dheer ku sheegeen in la illaaway nolosha maalinlaha. “Taangi iyo diyaarado iswada oo la hago (Drones) ha la sameeyo ma diiddanin, laakiin sidoo kale sicirka tamaandhada iyo basashana wax ha laga qabto” farriin ah ayay u direen madaxda dalka.

Falasdiin: Xaaladda Qasa iyo hiilka aan la arkayn (AKP waxa ay ku doodayaan in gacan-qabashadooda Falasdiiniintu ay tahay mid istuska iyo “na maqlay”ka dheer oo ay taageeradooda hoos u wataan) ee xukuumadda Erdogan ayaa iyaduna ka mid ah sababaha guuldarrada Xisbiga AKP. Waxaana maalmo uun doorashada ka hor soo baxay xidhiidhka ganacsi ee ay shirkada waaweyn oo Turki ah iyo shirkado maamulka Erdogan hoos taga. Taasina waxay ay ka xanaajisay magaalooyinka iyo xaafadaha ehlu-diinku u badan yihiin. Waxa aanay fursad siisay Xisbiga YRP oo uu asaasay Fatih Erbakan. Fatih waxa dhalay Raysalwasaarihii hore ee Turkiga, Prof. Necmettin Erbakan. Necmettin waxa uu ahaa nin ku caan baxay garab istaagga Falasdiiniyiinta iyo nacaybka Siyoonisiyiinta. Necmettin, sida oo kale, waxa uu ahaa macallin siyaasadeed; isaga ayaa garoonka siyaasadda soo geliyey siyaasiyiin badan oo Erdogan ka mid yahay, kuwaas oo markii danbe saamayn weyn ku yeeshay Turkiga iyo adduunweynahaba. Fatih Erbakan waxa uu ku guulaystay maayirnimada hal magaalo oo weyn (Şanlıurfa) iyo ku dhawaad 43 degmo. Halka, magaalooyinka aanu ku guulaysana codka uu ka helay uu laf dhuunta taagan ku noqday Xisbi-xaakimka AKP. Guusha YRP waxay hurisay dood ah ma laga yaabaa in ehlu-diinku xisbi cusub heleen?

Joogitaanka Suuriyaanka iyo ajaanibta maalinba maalinta ka danbaysa ku soo badanaya Turkiga, ayaa iyaduna saamaynteeda ku lahayd natiijada doorashadan. Waxa ay cod-bixiyaal badani sababta dhaqaalaxumida dusha ugu tuureen ajaaniibta. Waxaanay aaminsan yihiin kirada iyo maciishadda kor u kacday inay iyagu sababeen. In kasta oo xisbiga ugu cadcad siyaasadda qaxootiga ka dhanka ah, Zafer Partisi (ZP) aanu cod saamayntiisa leh ka helin codbixiyayaasha – weliba la odhan karo codka laga sugayey marka girifgiriftiisa la qiimeeyo, aad ayuu uga hoos maray. Haddana waxa cad sida ay shacabku codka dheer ugu muujiyeen aragtidooda qaxootiga ka dhanka ah, iyaga oo codka ugu shubay xisbiyada mucaaridka ah ee aan heerka xagjirnamada ZP gaadhsiisnayn laakiin eedaynta ajaanibta aaminsan. “Martigelinimadii intaas ayay nagaga eeg tahay ee guryihiina ku laabta”oo ah weedh sannadihii u danbeeyay Turki badani baraha bulshada iyo goobaha lagu sheekaysto ka lahaayeen, ayaa ay farriin ahaan codkooda ugu muujiyeen. Durtaba, qaar ka mid ah mucaaridka guulaystay ayaa bilaabay inay ruqsadda kala laabtaan dukaamo ajaanib furteen. Meelaha qaarna inay tabbeelooyinka (boodhadhka) ka masaxaan luuqadaha qalaad (Carabiga ayaa u badan e). Halka kuwo kalena si cad u sheegeen in adeegyada ay Dawlad Hoose ahaan bixiyaan (sida biyaha, baarkinada iyo lacagta qashinka) ay ajaaniibta magaalada ama degmadooda deggan ka qaadi doonaan qiimo ka sareeya ka dhaladka laga qaado.

Israafka, kibirka iyo nolosha siyaasiyiinta AKP ayaa iyaduna ahayd meelaha ay taageerashu farta ku godeen. Siyaasiyiin madaxweyne Erdogan ka ag dhow ayaa baraha bulshada lagaga dhaliilay in aanay shacabka ka war hayn, soona dhex gelin. Haddii ay soo dhex galaanna aanay shacabka la xaalad ahayn ee nolol sarraysa iyo  baabuur, suudhadh iyo saacado qaali ah ula yimaaddaan. Kibir iyo santaag aan xisbiga u caado ahayn ayaana siyaasiyiin badan lagu qoonsaday.Taas oo aan marnaba laga filanayn AKP oo loo yaqaanay xisbiga faqiirka iyo dabaqadda hoose ee dadka. Nolosha siyaasiyiintan lagu dhaliilayo waa mid ay kala siman yihiin Madaxweyne Erdogan, laakiin waxa aad mooddaa in aanay shacabku isaga ku dhicin – ama ay kala xishoonayaan – ee ay farriintooda iyaga u sii dhex marinayaan. Musuqmaasuq iyo macaarif-kiil ayaa lagu shaanbadeeyay madaxda qaar. Cabashooyin badan ayaana ka soo noqday qaabka qandaraasyada loo xulo iyo halka lacagta dawladaha hoose lagu bixiyo. 

Haddaba, waxa is waydiin leh: maxay mucaaridku ugu guul darraysteen doorashadii madaxweynenimo ee sannad uun ka hor dalka ka dhacday? Falanqayno badan ayaa jira laakiin waxay ku soo ururayaan, Kemal kilicdaroglu—ninka Erdogan la baratamay—in aanu ahayn qof ku habboonaa inuu mucaaridka metelo. Kemal, oo doorashada madaxweynenimo ka dib laga faramaroojiyey maamulka Xisbiga CHP, ayaa ahaa ninka u badan ee Erdogan ka guulaysto. Waxaanu kursiga xisbiga CHP banneeyay isaga oo 17 doorasho—oo isugu jira aftiyo dadweyne, doorashooyin guud iyo kuwo deegaanba—oo ay Erdogan iskaga hor yimaadeen, afka ciidda loo daray. Guul weyn ayuu Xisbiga CHP soo hooyay doorashadii koowaad ee Kemal la’aantii uu galo. Waxaanu xisbigu ku guulaystay magaalooyin aanu kontomeeyo sanno—oo ah ilaa intii dalku qaatay nidaamka doorashooyinka—ka talin. Guusha xisbiga CHP, haddii ay shaqo hufan la yimaadaan, waxay meesha ka saari doontaa “calmaannimadii xagjirka” ahayd, waayo markan waxay cod ka heleen dad aydiyoolajiyado, mad’habo iyo isir ahaanba isku dhafan. Waxaanay ila tahay inay taasi hodmin doonta wadanoolaasha labada xaafadood (Muxaafidka Diinta u dhow iyo Calmaaniyiiinta Dimuqraadiyiinta ah)

Guusha CHP, waxay yididdiilo weyn ku abuurtay taageerayaal badan oo CHP ka niyadjabay , waxaanay soo laba kaclaysiisay khuraafaad dad badani ku sheekaysan jireen: “Ma laga yaabaa in Kemal ahaa waraabe u taag, Erdogan ku adeegto!” Kemal, siyaasad-xumadiisu waxay soo baxday marka shanta xisbi ee uu doorashada madaxweynenimo gaashaanbuuraystay, ay doorashadan golaha degaanka ka heleen wax aan gaadhin 6% codadka guud. Waxa cad, haddii doorashada madaxweynenimo ay u tartami lahaayeen maayirka Istanbul labadii doorasho degaan ee u danbeeyay ku guulaystay—Ekrem imamoglu—ama maayirka Ankara codka badan ku hantay—Mansur Yavas—in maanta laga yaabi laha in mucaaridku ku fadhiyi lahaa kursiga u sarreeya dalka.

Dhanka Erdogan haddii aynu milicsanno. “Waxa aynu noqon [AKP ahaan] kuwo gefafkooda saxa, haddii kale waxaynu u dhalaali doonaa sida qurub baraf ah oo qorraxda loo dhigay,” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay farriinta codbixiyayaashu soo gaadhay, isaga oo sheegay inuu xisbiga wax-ka-beddel ku samayn doono. Ma jirto ilaa iyo hadda cid iska casishay xilalka sare ee Xisbiga AKP iyo xukuumadda toona, laakiin waxa la sugayaa xil ka qaadis iyo isku shaandhayn lagu sameeyo hawlwadeennada Xisbiga iyo qaar ka mid ah golaha wasiirrada.

Waxa indhahayga aad u soo jiitay sida dhammaan shacabka Turkidu natiijada sanduuqa ugu hoggaansan yihiin iyo ixtiraamka ay u hayaan natiijo kasta oo sanduuqa ka soo baxda (haba ahaato mid ka xanaajisa e). Taasina waxay caddayn u tahay in Turkidu marnaba la wadci iyo waayo ahayn dalalka iyo dawladaha ku xeeran.

Qoraallada kale ee qoraaga