Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Maxaa Hortaagan Heshiiskii Iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga?

24 May, 2024
Image
Soomaaliya iyo Turkiga
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxa soo dhaweeyay dhiggiisa Turkiga (Sawirka: Anadolu Images)
Share

Horraantii bishii Febraayo 2024, waxaa magaalada Ankara ee Turkiga ku kala saxiixday heshiis difaac iyo mid iskaashi dhaqaale ah, Wasiirrada Difaaca ee dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga, Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Yasar Guler.

In kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qodobbada uu ka kooban yahay heshiiskaani, haddana wax ka mid ah heshiiska oo ay warbaahintu heshay ayaa waxay Turkiga u oggolaanayaan inuu xeebaha iyo badda Soomaaliya ilaaliyo muddo ku siman 10 sano oo xiriir ah iyo in uu tababar iyo qalabayn siiyo ciidanka badda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta xeebaha iyo badda Soomaaliya, marka ay dhammaato muddadaasi.

Sidoo kale, heshiiskaani wuxuu Turkiga u oggolaanayaa inuu la dagaallami karo dhammaan ficillada la xiriira argagixisada, burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, sunta lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya iyo handadaad kasto oo ka dhan ah badda Soomaaliya taas oo uga imaan karta dibadda. Sidoo kale, heshiiskaan difaaca ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ku lammaan mid iskaashi dhaqaale kaas oo ah dheef-wadaag ay laba waddan ka wada faa’iidaysanayaan.

Heshiiskaan ayaa wuxuu ku soo aaday waqti uusan wanaagsanayn xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii bilawgii sannadkaan ay Dawladda Itoobiya heshiis is’afgarad ah la gashay Maamulka Somaliland, heshiiskaas is’afgaradkaa ayaa Itoobiya waxay dekad iyo saldhig militari kaga helaysay Badda Cas ee Soomaaliya, halka ay Somaliland heshiiskaan dhaafsiisatay aqoonsi ay ka hesho dhanka Itoobiya iyo saami laga siiyo shirkada Isgaarsiinta Itoobiya.

Tillaabadaas ay qaadday Itoobiya waxa ay aad uga caraysiisay Soomaaliya, waxayna is’afgaradkaas ku tilmaantay inuu yahay “fal gardarro ah iyo mid loogu gafay madax-bannaanideeda.” Sidoo kale, waxay is’afgaradkaas ku tilmaantay sharci-darro. Labadii bishii Jannaayo, kulan wada-jir ah oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaraar ay soo saareen waxay waxba kama jiraan ka dhigeen iyo mid aan sharciyad haysan heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Maamulka Somaliland. 

Qaraarka wadajirka ah ee ay soo saareen Xildhibaannada labada aqal ee DFS, waxay is’afgaradka ku sheegeen inuu yahay “mid ka hor imaanaya Dastuurka dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu asaasay Urur-goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye ee Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.”

Soomaaliya iyada oo ka hortagaysa damaca qaawan ee Itoobiya waxay heshiis difaac iyo dhaqaale la gashay dhiggeeda Turkiga si uu muddo 10 sano ah u dammaanad qaado ilaalinta badda iyo xeebaha Soomaaliya, iyo inuu Soomaaliya ka caawiyo tababaridda iyo qalabaynta ciidamada badda Soomaaliya si ay ula wareegaan amniga xeebaha Soomaaliya marka uu dhammaado heshiiska diifaaca ee Turkigu.

Haddaba, qormadaan waxaan ku lafaguridoonaa caqabadaha diidaya in uu waqti hore dhaqangal noqdo heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkigu.

𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐥𝐞𝐞𝐧 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐚𝐲 𝐮 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐥𝐞𝐞𝐧 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝d𝐚 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚.

Toddobadii bishii Febraayo, kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada DFS ayay ku ansixiyeen heshiis ay wada galeen Dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana labada waddan heshiiska u kala saxiixay Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada Dawladood. Heshiiskaan ayaa daarranaa sidii labada waddan ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ciidamada, amniga iyo ladagaallanka argagixisada, sida ay qortay laanta afka Soomaaliga BBC.

In kasta oo Golaha Wasiirrada DFS ay ansixiyeen heshiiska amniga ee ay wada galeen Dawlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, wali lama horgayn Baarlamaanka Soomaaliya, walaw ay dareen xooggan oo diidmo ah ka muujiyeen Baarlamaanka Soomaaliya iyaga oo heshiiska ku tilmaamay in uu xadgudub ku yahay “madaxbannaanida Soomaaliya,” sida ay qortay Middle East Eye.

Tan iyo markii dib loo doortay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud 15 bishii May 2022, waxaa soo wanaagsanaanayay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna Imaaraadku dadaal xooggan galinayay sidii ay heshiis amni ula gali lahaayeen Dawladda Soomaaliya. Balse dadaalkaasi waxa uu niyadjab ku soo dhammaaday markii ay Dawladda Soomaaliya heshiis difaac iyo dhaqaale la gashay dhiggeeda Turkiga.

Imaaraadka Carabta waxa uu aad uga sii xumaaday markii ay soo baxeen wararka sheegaya in heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga ay saamayn ku leedahay Dawladda Qadar oo ay ku loollamayaan Imaaraadka arrimaha gudaha Soomaaliya, sida ay qortay Middle East Eye.

Imaaraadka ayaa, horraantii bishii Maarso, waxa uu dawladda Soomaaliya ku wargaliyay inuu joojin doono dhaqaale $5 milyan oo doolar ah oo uu ku taageeri jiray Ciidamada Soomaaliya, sida ay qortay Middle East Eye oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta.

In kasta oo sannadihii danbe uu wanaagsanaa xiriirka Imaaraadka iyo Turkigu, haddana waxaa suuragal ah ayay leeyihiin dadka siyaasadda falanqeeyaa in uu Imaaraadka Carabtu caqabad ku noqdo dhaqangalka heshiiskii ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo ka urinaya ku lug lahaansha Dawladda Qadar.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐜𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧-𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢 𝐝𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐥𝐞𝐞𝐧 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚?

Emirates Policy Centre oo ah hay’ad madaxbannaan oo fadhigeedu yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxay daabacday warbixin ay kaga hadashay caqabadaha ku xeeran dhaqangalka heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga. Caqabadahaas oo diidaya in uu heshiisku dhaqangal noqdo waqti hore, waxaana ka mid ah:

1. Warbixinta Emirates Policy Centre waxaa lagu sheegay in haddii Turkigu isku dayo inuu dhaqan galiyo heshiiskiiska, uu weerarro kala kulmi karo Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo diidmo xooggan kala horyimid heshiiskaan bilawgiisii. Waxaana warbixinta lagu xusay in ay Al-Shabaab beegsan karto danaha Turkiga ee Soomaaliya, sida saldhigga ciidanka ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho, safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, ganacsatada Turkida ee ku sugan gudaha dalka iyo diyaaradaha Turkiga ee yimaadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Al-Shabaab ayay diidmo xooggan kaga muujiyeen heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkigu, waxayna Turkiga ku eedeeyeen in uu heshiiskaan wakiil uga yahay Isbahaysiga NATO. Hanjabaadda Ururka Al-Shabaab ayaa ah caqabadda ugu wayn ee uu wajahayo dhaqangalka heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

2. Isku dhacyada aan dhammaadkooda la saadaalin karin ee u dhexeeya Xuutiyiinta Dalka Yaman iyo Xulafada Maraykanka iyo Ingiriiska ee ka socda Badda Cas iyo Marinka Baabul-mandab waxay saamayn ku yeelan karaan heshiiska ay wadagaleen Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay warbixinta Emirates Policy Centre.

Sidoo kale, waxaa warbixinta Emirates Policy Centre lagu yiri: “Haddii Turkigu isku dayo in uu isku fidiyo Geeska Afrika, waxaa suuragal ah inay Iiraan Xuutiyiinta ku dhiirrigaliso inay beegsadaan Ciidamada Turkiga, si looga hortago inuu saamayn ku yeesho Gobolka.” Waxaa kale oo intaa lagu sii daray in Turkigu ku qasbanaan doono inuu wajaho Xuutiyiinta haddii ay isku dayaan inay beegsadaan danaha Soomaaliya ee Marinka Baabul-mandab. 

 

3. Sidoo kale, waxaa warbixinta Emirates Policy Centre lagu yiri: “Xeebta dheer ee Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidamo xooggan si loo ilaaliyo,” mana cadda in Turkigu awood u leeyahay inuu ciidan badeed oo xooggan uu u soo diri karo Soomaaliya, si u ilaaliyo badda Soomaaliya 10 sano oo xiriir ah, ilaa ay Soomaaliya awood u yeelanayso inay sugto amniga xeebaheeda.

Dhankale kale, sargaal ka fariistay Ciidanka badda Turkiga oo ay soo xigatay Emirates Policy Centre ayaa yiri: “haddii uu Turkigu u diro maraakiibtiisa dagaalka Soomaaliya, waxay daciifinaysaa awoodda Ciidamada Badda ee Turkiga ee bariga Badda Cad ee Dhexe, halkaa oo ay sii kordhayso damaca Giriigga oo ay sii dheertay taageerada Maraykanka iyo Faranciiska siinayaan.” Waxa uu intaa ku sii daray suurtagalnimada in Ciidamada Turkigu ay la kulmi karaan weerarro argagixiso oo halis galin kara nolosha askarta Turkiga.

4. Intaa waxaa sii dheer, Somaliland oo Turkiga uga digtay inuu xeebaheeda yimaaddo. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, oo warraysi gaar ah siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in aysan iman karin xeebaha Somaliland.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana og yahay in Somaliland xeebaheeda u taliso, Soomaaliyana aysan u talin. Wax haba yaraatee aannu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo ay BBC-du wax ka waydiisay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkigu. Waana mid ka mid ah caqabadaha ugu adag ee uu wajahayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkigu.

***

Gunaanudkii, marka aan eegno dhammaan caqabadaha aan kor ku soo xusnay, way adkaynayaan dhaqangalka waqti hore heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga, waana caqabado xallintooda laga dhawrayo labada Dawladood. Waxaana suuragal ah in ay mustaqbalka dhow soo kordhaan caqabado cusub oo sii adkeeya dhaqangalka heshiiska ama ay si lamafilaan ah ku yimaaddaan fursado fududeeya dhaqalkiisa.

 

Qoraallada kale ee qoraaga