Skip to main content

Monday 16 September 2024

Buug

Soo Koobidda iyo Faallada Buugga Ciil iyo Cafis

3 September, 2024
Image
ciil iyo cafis
Share
Waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa gorfayn gaaban oo ku saabsan buugga “Ciil Iyo Cafis” oo ah buug xasuus qor ah oo uu qoraa Maxamed Cabdi Caynab ku soo koobay sooyaalkiisa nololeed. Laba hormo ayaa aynu qoraalka u kala dhanbali doonaa; hormada koowaad waxay noqon doontaa soo koobid guud oo buugga ah iyo hormada labaad oo ah qiimaynta shakhsiyadeed ee buugga ku aadan iyo talooyin guud. 
 
Hormada Koowaad, guudmar

Buugga “Ciil Iyo Cafis” waxa aad ugu tegi doontaa nolosha qoraha Mudane Maxamed Cabdi Caynab, gaar ahaan sannado badan oo uu qoruhu u xidhnaa taliskii Maxamed Siyaad. Waxa uu qoraagu akhristaha dhex geynayaa nolol midabo badan; dalal kala fog, magaalooyin kale gedisan iyo mararka qaar oo akhristuhu dareemayo jugta jidhka qoraaga ku dhacaysa. Maxamed, taariikh qayaxan ma taxayo ee runtii waxa uu akhristaha u sawirayaa marba xaaladda uu ku sugnaa. Waxa aan aad ula dhacay sida farshaxannimada leh ee qoraagu afartan sanno ka hor ii dhex geeyay; mar qoraagu timuhu ku baxeen oo uu beri danbe iska xiiray, ayuu ka sheekaynayaa ilaa aan gaadhay inaan laydha nus qarni ka hor madixiisa maraysay aniguna dareemo. 

Buuggu, waxa uu ka kooban yahay siddeed qaybood. Qaybta Koowaad waxa uu qoraagu kaga hadlayaa noloshiisa ciyaalnimo (dhammaadka1950-dii) iyo qoyskiisa. Magaalada Qardho oo uu ku dhashay, Xamar iyo Hargeysa oo uu dugsiga Hoose ka bilaabay. Waxa uu sawir fiican ka bixinayaa noloshii markaa ee Soomaalida iyo sida dadku u wada noolaa iyaga oo ka badqaba xanuunada maanta hagardaameeyay sida qoqob iyo qabyaalad. 

Qaybta Labaad, waxa ay ku saabsan tahay taariikhda aabbaha qoraaga oo ah Cabdi Caynab. qoraaga aabbihii waxa uu ka mid ahaa hawlwadeenadii ururka SYL, laantaa Qardho. Cabdi Caynab iyo Xirsi Magan waxa ay sannadkii 1969-kii ka mid ahaayeen xildhibaanadii iska sharaxay xisbiga Libaax. Qaybtan labaad waxa ku jirta, qoraaga aabbihii oo siyaasadda ka dheeraaday oo dhanka ganacsiga u jeestay iyo waxa isaga iyo rag ay shuraako ahaayeen oo reer Hargeysa ah kala qabsaday. Ugu danbayn; Alle ha u naxariisto’e Cabdi Caynab waxa uu ku geeriyooday Xabsiga dhexe qaybta cisbitaalka Martiini ee Muqdisho.

Qaybta saddexaad, waxa uu qoraagu kaga sheekaynayaa, sida uu ku galay gacanta  Hay'ada Nabadsugida Qaranka NSS, 1980-kii. Qoraaga oo kulliyadii macalimiinta farsamada gacante ee POLYTECHNICO, xiisad Thermodynamics ah ku jira ayaa askar fasalka kala baxayaan. Qaybtan waxa uu kaga sheekaynayaa jidh dilkii la mariyey, si uu u qirto wax aanu galabsan iyo inuu rag aanu weligii magacooda maqlin, markhaati been ah ku furo. Nolosha xabsigii Laanta Buur oo uu qoraagu ku sifeeyay “Xabsi maskaxda u daran” ayaad kaga bogon doontaan.

Qaybta afraad, waxa aad ugu tagaysaa Maxkamadii Badbaadada Qaranka iyo waxa kala qabsaday qoraaga iyo Gudoomiyihii maxkamad ku sheegta; Maxamuud Geelle. Waxa la yaab ah in raggii xabsiga ku jidh dilayey ay haddana maxkamadda kaga daba yimaadeen, iyaga oo markan markhaati ah! Go’aankii maxkamadda ayay qaybtani ku soo gunaanadmaysaa.

Qaybta Shanaad ee buuggu waxa ay ku saabsan tahay, noloshii xabsiga dhexe ee Xamar oo qoraaga lagu tuuray ka dib go’aankii maxkamadda badbaadada. Siyaasiyiin caan ah, abwaanno, fannaaniin iyo dad qiimo leh oo ay ahayd inay bulshadu ku dhaadato ayuu qoraagu xabsiga kula kulmayaa. Abwaan Cali Sugulle oo dadkaa ka mid ah ayuu qoraagu xabsiga kula rafiiqayaa. Qaar ka mid ah dhallinyartii UFO oo Hargeysa laga soo beddelay ayuu Maxamed Cabdi, xabsiga dhexdiisa weel wax kula cunayaa.

Qaybta lixaad, waa qoraaga oo xorriyadiisii dib u helay iyo ku adkaantii la qabsiga nolosha caadiga ah. Ugu danbaynta qaybtan qoraagu waxa uu ku lafagurayaa tabaabushaysigii uu dalka kaga baxay iyo dhibtii uu ka maray inuu baasaboor iyo dal ku gal, gacanta ku dhigo. 

Qaybta toddobaad, waa maalmihii Maxamed Cabdi Caynab iyo Yaman. Sidii uu halganka dheer ugu galay shaqada baranimo in uu Yaman ka bilaabo. Tuulooyin buuro dhexdood ah oo soomaali iska dhaaf’e, Yamaniyiin badani joogin ayuu qaybtan qoraagu akhristaha dhex lugaysiinayaa, waxaanad ugu tegi doontaa, Maxamed Caynab oo beero jaad ah dhex fadhiya. 

Qaybta siddeedaad oo gebagebada buugga ah, waxay soo koobaysaa noloshuu qoraagu ku qaatay qaaradda Yurub; Talyaaniga, Switzerland iyo Faransiiska. Waxa kale oo aydun qaybtan ugu tegaysaan halgankii dheeraa ee uu Maxamed u galay inuu mar labaad arday noqdo; taas oo uu ku guulaystay iyo sida uu isagoo nin weyn ah oo macallin soo ahaa, ciyaal yar ula fadhiistay dugsiga farsamada gacanta. 

Hormada Labaad, falanqayn

Buugaagta tagtada ku saabsan waxa aan ku jecelahay waxa ay dumiyaan laba gidaar oo maskaxda Soomaali badan ka dhisan. Gidaaradaas oo kala ah; in bulshadeenu tahay bulsho hadal iyo gidaarka labaad oo ah in la iska indho tiro tagtada. Waxaan marar badan arkaa, dad diiddan in tagtada bulshada Soomaaliyeed la falanqeeyo iyaga oo ku sababaynaya in ay cuqdad cusub abuurayso iyo in ay boogo kicinayso. Runtii, haddii tagtada si togan loo isticmaalo waxay dawayn kartaa, nabarro badan oo maanta aynu bulsho ahaan la il daranahay. Sida magaca Buugga; CIIL IYO CAFIS ka muuqata waxa uu qoraagu horraysiiyey ciilkii la mariyey, waxaanu dib ka raaciyey in waxaas oo dhan cafiyey. Qoraagu xal wuu u arki karaa laakiin kuma raacsani in si fudud lagu cafiyo dadkii isaga iyo ummadda kaleba denbiyada ka galay. Waa lagu doodi karaa “denbiyo badan ayaa dhacay ee sidee suurogal ku noqon kartaa in dadkaas oo dhan la maxkamadeeyo?” ama “dadka denbiga gaystay badankoodu way geeriyoodeen amaba gaboobeen ee maxaa laga yeelayaa?” waxaan qabaa in qof kasta falka xun ee uu gaystay lagu maxkamadeeyo quluubta iyo dareenka bulshada, iyada oo marka ay u yar tahay qof waliba waxa uu geystay dhayda laga caddaynayo, si ugu yaraan qofkaas wiswis iyo qoomamo qalbigiisa loogu abuuro oo aanay bulshada iyaga oo magac leh amaba madaxa kor u taagaya ugu dhex jirin.

Marka uu qoraagu tilmaamayo saacadaha waxa uu adeegsanayaa oo weliba buugga dhawr mar ku soo noqnoqonaysa “abaarta” tusaale ahaan “abaarta sideedii subaxnimo” ama “abaarta labadii duhurnimo” waxa ay ila tahay inay ka habboon tahay “abbaaro” tusaale ahaan “abbaaro tobankii subaxnimo”.  Waxaan isa su’aalay ‘abaarta’ ma lahjad bulshada qayb ka mid ahi isticmaasha baa mise waa khalad daabacadeed? Haddii aanay afguri degaaamada qaar laga isticmaalo ahayn,waxa ila qumman in la saxo.

Qoraagu waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay inaanu marnaba taageersanayn jabhadii SSDF, isaga oo sababta u weyn ku tilmaamay in ay caddowga Soomaalida ee Itoobbiya fadhiisin ka dhigteen. Intaan buugga akhrinayey waxa aan is weydiiyey qoraagu sidee buu xalka u arkayey? 

Qoraallada kale ee qoraaga