Thursday 21 November 2024
Sidee baan u fahmi karnaa cunfiga bahalnimada ah ee si aan kala soocnayn taliska Israa’iil kula kacayo reer Falastiin, hadday yihiin carruur, hooyooyin, aabbayaal, dugsiyo, cusbitaalo iyo goobaha cibaadada? Sidee baana uu xasuuqani ula xidhiidhsan yahay taariikhda cunfiga siyaasiga ah ee Afrika iyo Yugaandha?
Horta Yugaandha iyo Israa’iil ba waa laba dawladdood oo qawmi ah. taas oo ka dhigan labadan dawladdood ba waxa ay ku jiraan magaca qawmiyado isu sawira in ay wadaagaan isir, dhaqan ama diin. Dawladda Israa’iil waa dawlad ku jirta magaca Yuhuudda, xataa hadday jiraan Yuhuud dhan isaga riixay dawladdan magacooda lagu sameeyay iyo siyaasadaheeda midabtakoorka iyo cunfiga xasuuqa ah ee ay geysatay ilaa haddana wado. Sidoo kale Yugaandhi waxa ay ku jirtaa magaca qawmiyadaha asalka ah ee lagu qeexay jadwalka saddexaad ee dastuurkii 1995-kii.
In lagu asaaso dawladdaha magaca bulshooyin gaar ah, had iyo jeer waxa ay khilaafaad tiro badan ka dhex abuurtaa bulshada qaranka magacooda lagu asaasay iyo bulshooyinka siyaasad ahaan laga tirobadan yahay (bulshooyinka laga tirobadan yahay waxa aynu ka wadnaa bulshooyinka aan qaybta ka ahayn bulshada qaranka, iyadoon loo eegayn tiradooda iyo taagtooda). Haddaba, si ay u yareeyaan khilaafaadkan, dawlad-qarameedyada qawmiyadaha ku salaysani saddex qaab ayay ula dhaqmaan bulshooyinka siyaasad ahaan laga tirobadan yahay.
Kow, in laga takhaluso bulshooyinka laga tirobadan yahay, iyadoo la xasuuqayo oo laga caydhinayo dhulkooda. Reer Yurub falalkan ayay ka geysteen meel kasta oo ay degeen, hadday Yurub lafteeda tahay, Waqooyiga Ameerika, Ustaraaliya iyo ilaa Niyuu Siilaan. Laba, in bulshooyinka laga tirobadan yahay la la beegsado faquuq qorshaysan oo mararka qaar u dhurta midabtakoor (Apartheid), sida ka dhacday Koonfur Afrika, iyo sida ka jirta ee ay ilaa hadda ku foogan tahay Israa’iil. Saddex, in dulqaad loo yeesho bulshooyinka laga tirobadan yahay (oo tusaale ahaan la siiyo xaqa muwaadinimada) iyadoon loo aqoonsanayn in ay ka mid yihiin bulshada qaranka. Israa’iil ma qaadin dhabbaha dulqaadka. Dawladda Israa’iil waa mid loo asaasay in ay noqoto dhulka hooyo ee u gaarka ah Yuhuudda. Si haddaba ay u noqoto dhulka hooyo ee ay Yuhuudu gaarka u leeyihiin waxa ay ka dhignayd in laga takhaluso bulshoweynta Falastiiniyiinta ee dhulkan hore ugu sii dhaqnaa. Sidaas baa seeska iyo fiditaanka Israa’iil ugu tiirsanaa xasuuqa iyo caydhinta bulshoweynta Falastiiniyiinta.
Waxaa mudan in la caddeeyo kaliya in Yuhuudu Falastiin u soo guuraan aannay ahayn sabab kaligeed keenaysa colaado aan dhammaad lahayn oo dhex mara Yuhuudda iyo Falastiinida. Balse, cunfigan aan dhammaadka lahayn waa mid ku xididaysan Sahyuuniyada, oo ah mid u taagan waddaniyada xagjirka ah ee dawladnimada casriga ah ee qawmiyadnimada ku dhisan. Sahyuuniyadu waa aydhiyoolajiyad ku adkaysanaysa in ay Yuhuuddu ka samaystaan Falastiin dal iyaga u gaar ah, oo aan dadka aan Yuhuudda ahayn meel ku lahayn. tani, waxa ay ka dhigan tahay in laga takhaluso Falastiinida, iyadoo la xasuuqayo ama ugu yaraan lagu muquuninayo midabtakoor.
Aydhiyoolajiyadani waa isla tii horseedday xasuuqii Yuhuudda ee Naasiyiintu ugu geysteen Yurub. Naasiyiintu waxa ay ku dooddeen in Yurub ay leeyihiin dadka cad ee “saafiga ah”, iyo in aan dadka kale meel ku lahayn. Naasiyada iyo Sahyuuniyadu waxa ay ku xididaysan yihiin hal mandiq oo ah; mandiqa dawladnimada casriga ah ee qawmiyadnimada ku salaysan, taas oo xidhiidhka siyaasadeed ku salaysa oo saraysiisa suureysasho dib dhacsan oo cidhib ku leh diin, ama isir, ama dhaqan.
Awooddihii reer Yurub, waxa ay taageereen mandiqan Naasiga ah, ka dib kolkii ay ku garab galeen Sahyuuniyiinta in dal u gaar ah loo sameeyo Yuhuudda. Awooddaha reer Yurub waa ay awooddeen in ay hor istaagaan mandiqan Naasiga ah – iyagoon kaliya beegsanayn shaqsiyaadka haldoorka ka ahaa caqliyaddan Naasiga ah – ee se raadinaya hab ay dadka kala isirka iyo dhaqanka duwan ugu wada noolaan karaan Yurub gudaheeda. Taa ma ay samayn ee waxa ay abaalmariyeen mandiqii Naasiga ahaa oo waxa ay taageereen dal hooyo oo u gaar ah in loo sameeyo kooxihii lagu ugaadhsaday Yurub dhexdeeda. Tani ma ay xallin mushkiladii cunfiga; kaliya waxa ay horseedday in isla cunfigii la dhansiiyo Falastiinida.
Yugaandhi dhankeeda, waxa ay afar jeer tarxiishay oo dalka ka eriday bulshooyin tirobadan oo ah bulshooyinka aan lagu darin bulshooyinka asalka ah ee dastuurka ku xusan, bulshooyinkaa la caydhiyay waxaa ka tirsan Luwaha Kiiniya, Hindida iyo bulshooyinka Ruwaanda ka soo jeeda ee loo yaqaan Baanyawaanda.Mandiqa keenay in Falastiiniyiinta dhulkooda laga caydhiyo, waa isla ka keenay in Yugaandha laga saaro bulshooyinka aan asalka ahayn. Waa mandiqa kala qaybinta ee dawladnimada casriga ah ee ku salaysan qawmiyadaha, kaas oo Sahyuuniyadu u tahay tusaale xagjir ah oo aan ka soocnayn.
Mandiqa haybta ku salaysan ee loo samaysanayo midow siyaasi ah ee loo yaqaan dawlad-qarameedka waxa uu madaxa isku galiyaa bulshooyinka, marka koowaad waxa uu isku diraa bulshada qaranka iyo bulshada laga tirobadan yahay, sida aan hore u soo xusnay. Marka labaad, waxa uu mararka qaar kala qaybiyaa bulshada qaranka oo uu haybo hoose u sii kala guraa.
Laba heer ayaa fahanbixin lagaga qaadan karaa bulshada siyaasadeed ee Yugaandha sida ay u taal. Heerka koowaad waa bulshada qaranka, taas oo ah isku taga bulshada asalka ah ee lagu qeexay dastuurka, kuwaas oo ah muwaadiniin Yugaandhiis ah oo buuxa, kuwaas oo leh xaq muwaadinnimo oo abadi ah, si uu qofku qayb uga noqdana waa in uu caddeeyaa in uu ka soo jeedo mid ka mid ah bulshooyinka asalka ah ee dastuurka lagu xusay. Muwaadiniinta aan asalka ahayn, xaalado gaar ah ayaa lagaga xayuubin karaa xaqa muwaadinnimadooda. Heerka labaad, waa bulsho goboleed, kuwaas oo ka kooban qawmiyadaha ku tirobadan gobol ama degmo gaar ah oo Yugaandha ku taal. Qawmiyadaha asalka ah ee Yugaandhi waxa ay leeyihiin deegaanno asal ahaan ay kasoo jeedaan oo Yugaandha dhaca. Kooxaha iyo shaqsiyaadka ku dhaqan meel ka baxsan degmada qabiilkoodu waxa ay khatar ugu jiraan in ay waayaan xuquuqaha qaar sida lahaanshiyaha dhulka, in laga shaqaalaysiiyo shaqooyinka degmada ee dawladda, kootada degmooyinka ee deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha, iwm. Tusaale ahaan, colaadda joogtada ah ee ka taagan degmada Ruweensoori, waa mid ku salaysan loollan ay beelaha halkaa isku leynaya ka dhex jira oo daarran kooda ah kooxda asalka ah ee degmada iska leh. Muranada caynkan ah ee haybta hoose ka dhex jiraa waa mid sidoo kale Israa’iil ka taagan, taas oo u dhaxaysa Yuhuuda Ashkanaasida iyo kuwa Misraahiga ah.
Wax cusub ma aha faquuqa ku salaysan kala duwanaanshaha isir, dhaqan ama diineed. Balse, dhibaato dhalan ku ah ayaa jirta faquuqa dawladnimada casriga ah ee qawmiga ku salaysan. Faquuqa casriga ahi waa mid ku xididaysan qaab dhismeedka iyo mandiqa dawladnimada, sababtoo ah dawladnimada casriga ahi waa mid hayb ku salaysan.
Qadiimka waxaan ka wadnaa waqtigii ka horreeyay samaysanka qaababka awoodda dhexe ee dawladnimada casriga ah ee loo yaqaan dawlad qarameed. Waqtigan waayaha awoodda siyaasiga ah qaybaha dunida way ku kala duwanaayeen. Afrika iyo Bariga Dhexe Dawlad-Qarameedku waxa ay samaysantay xilligii gumeystaha oo waa arrin ku cusub.
Intaan awoodda dhexe ka hirgalin meelahan, waxaa jiray qaabab kala duwan oo awoodda siyaasaddu uga dhex jirto bulshada. Dadka taliyaanna, boqor ama Suldaan kii loogu yeedhaba waxa ay gacanta ku hayeen hal nooc oo ka mid awoodda siyaasadda, oo aynu halkan ugu yeedhi doonno awoodda boqortooyada. Meelaha la midka ah Bugaanda, awooddan waxaa loo sii kala qaybin karaa awoodda boqorka (Kabaka), awoodda hooyada boqortooyada (Namasole), awoodda walaasha boqortooyada (Lubuga) iyo qaybo kale.
Waxaa sidoo kale jiray awoodda siyaasaddeed ee ku salaysan bulshada, ee ay gadhawadeenka ka yihiin qabiiladu, macaabidu, kiniisada, iwm. Dhulalka muslimka qaar muftiga ayaa fasira xeerarka islaamka (shariicada), kuwaas oo ka garab jira sharciyada uu sameeyo xaakimku. Aragtiyaha sharciga ah ee muftigu, in kastoon lagu khasbanayn, haddana maxkamaduhu way ku go’aan qaataan marar badan. Sidaa daraaddeed, muftigu waxa uu ahaa awood siyaasaddeed oo muhim ah, xataa isaga oo aan hayn wax xil dawladdeed ah. Kiniisaduhuna sidaas oo kale ayay u dejin jireen sharciyadooda u gaarka ah, kuwaas oo ka barbar jiray sharciyada boqorka.
Habkan siyaasaddeed ee awooddu baahsan tahay, waxa uu keenayaa in ayna jirin hal awood siyaasaddeed oo kaligeed go’aaminaysa cidda qayb ka noqonaysa ama aan ka noqonayn bulshada siyaasaddeed. Waxaa laga yaabaa in qof ajnabi ah oo qabiilkiisu caydhiyeen, in uu helo qabiil kale oo aqbala. Sindiiq tuulo lagu dhibaateeyay in uu nabad ka helo tuulada ku xigta. Qof dhaqan dadka kooda ka duwan leh in berri la aqbalo. Shuruudaha qayb ka noqoshada iyo reebistu waxa ay ahaayeen kuwo laga wada gorgortami karo, kuwo debecsan oo aan qeexnayn. Ma jirin ruux si joogto ah ama adduunka oo dhan u ah ajnabi.
Halka dawladnimada casriga ahi laba wax uun ka adag tahay. Kow, in awoodda meel dhexe lagu soo ururiyo oo awoodda siyaasadda la kooteeyo, taas oo ay qayb ka tahay awoodda go’aaminta cidda muwaadin ah iyo cidda aan ahayn. Xataa, haddii qabiil dega waqooyiga Yugaandhi uu qof Soomaali ah xubnihiisa ku soo daro, dawladda Yugaandha ayaa leh awoodda in ay ka xayuubiso muwaadinimada xubinta cusub ee qabiilka. Laba, dawladnimada casriga ahi waxa ay go’aamisaa oo qeexdaa shuruudda lagu go’aaminayo cidda qayb ka noqonaysa iyo cidda ka reeban bulshada siyaasadda. Yugaandha kolka la joogo muwaadin buuxa waxa ah, qofkii ka soo jeeda bulshada asalka ah ee ku nooleyd gudaha xuduudaha Yugaandha tan iyo feebarwari 1, 1926-kii.
Tan waxa ay ka dhigaysaa dawlad-qarameedka qaab isku imaatin siyaasi ah oo uu faquuqu ku xididaysan yahay, oo aan taariikhda hore loogu arag heerka faquuqeeda. Yoolkeedu waxa uu yahay in gabi ahaan ba bulshada la sandduleeyo oo la maquuniyo, iyadoo bulshada qaarkeed la faquuqayo lana gumeysanayo.
Si looga hortago faquuqa kooxaha laga tirobadan yahay, libaraaliyiinta (sida Joon Lok) waxa ay soo jeediyeen aragtiyaha dulqaadka ee siyaaqa cilmaaniga ah ku dhisan. Waxa ay samaysaa dawlad-qarameeda liberaalka ahi laba saaxaddood (sphere), saaxadda guud iyo saaxadda gaarka ah. Saaxadda gaarka ah waxaa soo hoos galaya goobaha cibaadadda iyo goobaha kale ee ka turjumaya hayb dhaqan, halka saaxadda guud ay tahay saaxadda caqliga.
Si loo hubiyo in ay nabad ku wada jiraan bulshada qaranka iyo bulshada laga tirobadan yahay, libaraaliyiintu waxa ay soo jeediyeen in waxyaalaha la xidhiidha diinta, dhaqanka iyo haybtu ay noqdaan wax shaqsi ah oo ku kooban goobaha gaarka ah. iyo in mabaadi’da guud, oo ay sharciyada dawladdu qayb ka yihiin, waa in lagu salleeyaa caqliga, oo aan lagu salayn diinta ama eexo dhaqanneed. Halkan waxaa la malaynayaa in caqligu dhexdhexaad iyo mawduuci yahay, ee aannuu ahayn wax bulshada ka dhex abuurmay. Sidee bay caqliga iyo mabaadi’du u noqonayaan kuwo dhexdhexaad ah oo mawduuci ah iyadoo dawladnimadu tahay mid hayb ku dhisan? Sidee baa dawlad hayb ku dhisani u soo saari kartaa sharciyo ka madaxbanaan haybta dawladda?
Jabka kaa ka weyni waxa uu yahay, haddii ay u muuqato in dulqaadka libaraalku yahay mid hirgal ah, waxa ay taasi ka shaqaysay uun meesha bulshada laga tirobadan yahay ay tahay mid daciif ah oo aan lahayn awood ay ku gooddiso gacan sarraynta tirobadanta. Meesha ay bulshooyinka laga tirobadan yahay ay helaan awood iyo saamayn, waxaa loo arkaa khatar ay tahay in wax laga qabto. Shacbiyada sii kordaysa ee xisbiyada bidixda fog ee Yurub waxaa shidaalinaya aragtida ah in bulshooyinkii laga tiradabadnaa ay awooddoodu sii siyaadayso, bulshooyinkan oo ah muslimiinta iyo qaxoontiga kale.
Xasuuqa sahyuunidu ku wadaan Falastiinida waxa laga yaabaa in ay uga dan leeyihiin in ay yareeyaan tirada Falastiinida oo ay ka soo reebaan tiroyar oo la maamuli karo, oo ugu danbaynta dulqaad loo yeelan karo, iyagoon markaa lahayn awood ay ugu gooddiyaan gacan sarraynta bulshada qaranka ee Yuhuuda ah. Aragtida liberaalka ee dulqaadku kaliya waxa ay u baahan tahay in tirobadanta qaranku dulqaad u yeelato kooxaha laga tirobadan yahay, balse, isma weydiinayso sababta marka hore ba keentay jiritaanka bulsho ah tirobadanta qaranka. Sidaas baan dulqaadka liberaalku xal macne leh innooga siinayn mushkiladda asaasiga ah ee ku lammaan dawlad-qarameedka, taas oo ku xididaysan kala sooca bulshada qaranka iyo kuwa laga tirobadan yahay.
Sababta ay u fashilmeen dhammaan dedaalada liberaalka ee lagu joojinayo xasuuqu waxa ay tahay liberaaliyada oo ka dhex shaqaysa waaqaca dawlad-qarameedka. Liberaaliyada sina fahanbixin ahaan uma naqdido dawlad-qarameedka, kaliya waxa ay naqdidaa siyaalaha qaar ee ay isku muujiso dawlad-qarameedku. Haddii aan si kale u dhigno, liberaaliyadu wax naqdin ah uma hayso dhibaatada lafteeda, waxa ay diiradda saartaa uun siyaalaha qaar ee ay dhibaatadu isu muujiso.
Fahanbixintan liberaaliyada ee cidhiidhiga ah ayaa ku riixday kooxaha siyaasiga ahi in ay abuuraan dawlad-qarameedyo dheeraad ah, si ay u xaliyaan cunfiga dawlad qarameedka. Markii Yuhuudda lagu cadaadinayay ee lagu xasuuqayay Yurub, awooddihii reer Yurub way ku guuldaraysteen in ay keenaan xal dhaama in Yuhuudda loo sameeyo dawlad-qarameed u gaar ah. wixii taa ka dhashayna waxa uu ahaa in la sii badiyo cunfiga dawlad-qarameedka, oo markan noqday in Sahyuunidu xasuuqaan Falastiinida. Sababtaas baanay xal macne leh ugu noqonayn dhibaatada Falastiinida in la hirgaliyo xalka labada dawladdood (two-state solution).
Haddii xal caynkaas ah la qaato, muxuu noqonayaa masiirka dadka aan Yuhuudda ahayn ee ku hoos nool dawladda Yuhuudda, maxaana ku dhacaya dadka aan Falastiinida ahayn ee ku nool Falastiin? Haddii aynu ka soo qaadna in aan Yuhuudda iyo Falastiinida toona aanay ahayn bulsho isku hal ah (Homogenous), sidee bay dawladdu ula dhaqmaysaa farqiga gudahooda ka dhex jira, hadday tahay firqooyin diineed iyo kala duwanaanshaha qawmiyadeed ee ka dhex jira bulsho qarameedka?
Nasiib darradu waxa ay tahay in aanay ilaa hadda jirin nidaam beddel u noqda dawlad-qarameeda oo uu dabci u yahay kala qaybsanaantu. Kaliya kala qaybsanaanta ayaa la yarayn karaa ama looga sii dari karaa. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa Tansaaniya iyo Yugaandha. Labadooduba Tansaaniya iyo Yugaandhi gumeystaha waxa ay ka dhaxleen dhibaatooyin isir iyo mid qawmiyadeed. Balse, labadan dal siyaalo kala duwan ayay u wajaheen dhibaatooyinkan. Tansaaniyi maanta waxa ay tahay dalalka ugu xasiloon Geeska Afrika, halka Yugaandhina tahay cagsiga.
Sababahaa waxa ka mid ah in ay Tansaaniyi qaadatay hab ka duwan Yugaandha oo lagu qeexayo muwaadinimada. Tansaaniya muwaadin waxaa lagu noqdaa – in aad ku dhalatay ama ka soo jeeddo – oo waxaa muwaadin Tansaaniyaana ah qofkii ku dhashay Taanganiika ama Saansibaar, xornimadii Taanganiika ka hor ama waxa lagu tilmaamo kacaankii Saansibaar ka hor. Sidaas baa ku dabaqmaysa tafiirta qofkaasna. Qeexitaankani shaqo kuma laha isir, oo Tansaaniya waxa ka jira bulshoweyn badan oo Carab iyo Eeshiyaan ah oo si nabdoon ula nool bulshoweynta madowga ah.
Balse, sida lagu qeexo muwaadinimada Yugaandha, waxa muwaadin ah qofkii ka soo jeeda qawmiyadaha asalka ah ee Yugaandha ku noolaa 1926-kii. Sharciga Yugaandhi waxa uu ku xidhay muwaadinimada qawmiyadnimo iyo asalnimo. Qofku ma heli karo kaadhka aqoonsiga qaranka iyo baasaboor toona isaga oo aan cadayn in uu ka soo jeedo qawmiyadaha asalka ah midood. Marka qofka Yugaadhiiska ahi uu tago saldhigyada bileyska ama uu xaraysto jaamacad, su’aalaha u horeeya ee la weydiinayo waa; qolomaad tahay?
Dawladda Yugaandhi waxa ay u aragtaa bulshada Yugaandhiiska kaliya in ay yihiin qabiilo isku tagay. Maxaanay qawmiyadu u noqonayn mid muran badan dhalisa, kolka laga dhigay waxa seeska u ah ka qayb noqoshada siyaasadda, ee bulshada siyaasaddeed ee Yugaandha? Ka dib markii ay kala soocday Tansaaniyi muwaadinimada iyo isirka, qawmiyada iyo asalnimada, uma ay baahan in ay tarxiisho oo saarto bulshooyinka Carabta iyo Eeshiyaanka. Balse, Yugaandhi waa ay caydhisay Kiiniyaankii, Hindidii iyo Baanyawaandiiskii dalka ku noolaa, mustaqbalkana mar kale ayay sidaa yeeli doontaa, waayo waxa ay isiraysay oo qawmiyadaysay muwaadinimadii.
Waxa ku riixay in ay Tansaaniyi ka hor timaaddo mandiqa dawlad-qarameedii gumeysi ka baxa, laba sababood ayaa lagu sheegi karaa. Tan koowaad waa saamayntii fekerkii siyaasaddeed ee hantiwadaaga ahaa ee Juuliyas Nayreeri.Nayreeri waxa uu bulshada u arkayay dabaqaddo ee uma uu arkayn isiro. Laba, xasuuqii qawmiyadeed ee ka dhashay waxa lagu tilmaamo kacaankii Sansibaar ayaa yareeyay Carabtii oo ka soo reebay tiro yar oo la maarayn karo. Sidaas bay ugu suuragashay tirobadanta madowga ah in ay dulqaad u yeeshaan oo ay si nabad ah u wada noolaadaan tiroyarta iyaga oon ka cabsi qabin in ay muquuniyaan.
Dhanka kale, Yugaandha waxaa dhaqaalaha iyo siyaasadda qabsaday Hindida oo bulsho ahaan tiro kooban ah, marka lagu eego mandiqa dawlad-qarameedka, wax loo dul qaadan karo ma aha bulsho laga tirobadan yahay oo awooddaas leh. Markaa la yaab ma laha waddaniyiintii Yugaandha ee 1960-nadii iyo hagaajiyayaashii (reformers) 1990-nadii in ay sidaa asalnimadu salka u tahay u qeexaan muwaadinimada oo ay faquuqaan oo ka reebaan Hindida iyo bulshooyinka tiroyarta ah ee kale. Wali Yugaandha Hindidu waa tiroyar laga cabsado, kuwaas oo marka labaad ee loo soo jeedsado in dalka laga eryo ay noqon doonto “mid ka argagax badan kii koowaad,” sida uu ka digay Yuusuf Serankuuma.
Koonfur Afrika, caddaankii cunsuriga ahaa waxa ay ku cadaadiyeen bulshadii asalka ahayd talis midabtakoor ah oo arxan darran. Soodaana, bulshada Koonfurtu muddo dheer ayay ka dagaalamayeen faquuqa taliska Khartuum.Labadii dhinac ee Soodaan ku dagaalamayay, waxa ay qaateen xalka labada dawladdood, ka dib markii uu dhintay Joon Garaang oo isagu rabay in xal la gaadho iyadoo Soodaan mid tahay, sababta taa keentayna waxa ay tahay labada dhinac oo dhibaatadii ku qeexay qodobo isiraysan oo dhaqamaysan. Halkii ay ahayd in wax laga qabto mushkilada asaasiga ah ee ku lamaan dawlad-qarameeda ku salaysan isirka, qawmiyada iyo diinta ka mid noqoshada siyaasadda, markaas bay go’aansadeen in ay sameeyaan dawlad-qarameed gumeysi ka bax ah (postcolonial) oo kale, taas oo lagu asaasay isla qodobbadan haybta ku salaysan. Waxna lagama dheefin oo Soodaan iyo Koonfur Soodaan ba nabad ma ay dhamin.
Dhanka kale, Koonfur Afriki, bulshadii asalka ahayd ee la cadaadiyay iyo cadaankii cunsuriga ahaa waxa ay ku heshiiyeen in la soo afjaro midabtakoorka oo lagu wada noolaado oo la isku ahaado hal bulsho siyaasaddeed. Marka loo barbardhigo Soodaan iyo Koonfur Soodaan, Koonfur Afrika ayaa ka nabdoon. Balse, nabadda Koonfur Afriki cago adag kuma taagna. Heshiiskii lagu soo afjaray xukunkii cadaanku, waxa uu u saamaxay cadaanku in ay sii haystaan dhaqaalihii ay urursadeen ee ay ka boobeen bulshaweyntii asalka ahayd, iyagoo adeegsanaya, awooddii taliskii midabtakoorka ahaa. Oo maanta dad tiroyar ah ayaa ku raaxaysanaya dheeraad, halka dadkii hantidooda la xooggay ay yihiin tirobadan aan qanaaco haysan oo ciilqaba, haddaba, intee bay sii jiri kartaa nabadani?
Haddii xalkii labada dawladdood ee Soodaan uu yahay mid khilaaf ku ladhan yahay, cashar caynkee ah ayaa Falastiin iyo Israa’iil ka baran karaan xalka halka dawlad ee Koonfur Afrika?Maxay la macne noqon doontaa in ay Falastiinida iyo Yuhuudu ku wada noolaadaan hal bulsho siyaasaddeed? Tanaasule caynkee ah ayaa labada dhinac ba looga baahan yahay? Haddii la raacayo tusaalaha Koonfur Afrika, taasi waxa ay ka dhignaanaysaa in Yuhuudu haystaan dhulkay ka boobeen Falastiinida, reer Falastiina in lagu soo daro bulshada Siyaasaddeed iyagoo la maso ah Yuhuuda. Balse, sinaan caynkee ah ayay tani noqonaysaa? Nabad caynkee ah na way dhalaysaa?
Marka lagu eego indhaha aragtida tijaabagalka (empirical), tusaalaha Koonfur Afriki rejo sidaa u sii ridan ma laha. In kastoo xaqiiqada tijaabagalku kaligeed aanay go’aamin karin hanaanka fekerkeenna.
Waa uu ku saxsanaa kolkii Maxamuud Mamdaani uu Koonfur Afrika u qaatay goob muhim ah oo tijaabo iyo aragti ablablayn ah ka dhigtay, gaar ahaan kolka aynu baadhayno siyaalaha ay isirada iyo dhaqannada u wada noolaan karaan, iyagoon dib u abuurin kala qaybsanaanta cidhiidhiga ah ee dawlad-qarameedka.