Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Aragti

Geeska - Hir Cusub

15 March, 2024
Image
geeska
Share

Geeska markii aan asaasnay horraantii 2023, wajigiisii tijaabada ahaa, waxa aan ku soo beegannay marxalad ay mandiqadda Geeska Afriki ku jirtay wareerkii ugu badnaa. Waxa markaa uun bilaabmatay colaaddii Laascaanood; waxay ahayd mid lagu halaagsamay oo aan la is dhegaysanayn, waxa ay ahayd mid kooxo loo kala fadhiyo oo aan bar dhexe oo lagu wada hadli karaa jirin. Waxa isaguna laba kacleeyay dagaalkii lagula jiray al-Shabaab ee Soomaaliya. Muranno doorasho ayaa ka taagnaa Soomaalilaan iyo Buntlaanba, murannadan oo isu muujiyay isu soo baxyo silmi ah iyo gacan ka hadalba. Waxaa xoogaystay fadhi ku dirirka baraha bulshada oo ah mid afxumo iyo kooxaysi ku salaysan. Wareerkan oo ay ugu wacan tahay Soomaalidu in aanay hore lahayn dhaqanka saxaafadda qoran iyo lafagurka arrimaha doodda u baahan. Sida uu Casmi Bishaara u yidhi; “Bulshooyinka la kowsada marxaladda baraha bulsada iyaga oo aan marin marxaladda saxaafadda qorani, waa sida bulsho reer baadiye ah oo is heshay iyadoo dhex joogta heerka dhammaadka iyada oo aan marxaladda ilbaxnimada ku hakanin.”

Geeska Afrika guud ahaan wareer ayaa ka taagnaa. Itoobiya waxa ay ka soo baxday dagaal sokeeye. Suudaan mudaharaaddadii dimuqraaddiyad doonka ahaa ayaa la afduubay oo xukun kala maroorsi dalkaba baabi’iyay ayaa ka bilaabmay. Geeska, oo rabay in uu noqdo madal isu xilsaarta la-socodka isbeddellada siyaasadeed, dhaqameed, dhaqaale iyo amni ee mandiqadda Geeska Afrika waxa harqiyay arrimahaa culus ee taagnaa, waxa uu ku qasbanaaday in uu mawduucyada dhaqanka u bato, si ugu yaraan dadka ka daalay buuqa madhalayska ahi u helaan wax kale oo ay indhaha ku jeediyaan, nacaybkana ka mashquuliya.

Sannad ka dib, mar kale ayaa aan Geeska dib u baahinaynaa isagoo intii hore ka ballaadhan, ka xirfad sarreeya, oo u diyaarsan in uu noqdo cod ay iska leeyihiin dadyawga ku abtirsada mandiqadda, oo ay gacan ka geysato qaabaynta suuradda warbaahinta qoran ee Geeska Afrika.

Geeska hadda waxa uu leeyahay websayd casri ah oo ku baxaya Soomaali, Carabi iyo Ingiriisiba. Waxa jira hawlwadeenno tifatir oo khibrad leh.

Geeska wajigiisan cusub waxa uu la kowsaday isbeddello waaweyn oo mandiqadda ka dhacay, sida is’afgradkii Soomaalilaan iyo Itoobiya, iyo muranka ballaadhan ee siyaasiga ah ee ka dhashay. Balse, hadda waa uu u diyaarsan yahay qodobbadan in uu wax ku darsado.

Is’afgaradka Soomaalilaan iyo Itoobiya, oo aan ka soo eegnay dhinacyada iyo waxa ay ka naawilayaan, iyo sidoo kale dagaalka adag ee Soomaaliya ay ku qaadday is’afgaradka iyo halka uu ka imanayo, sidoo kale waxa aannu qeexnay in ay dhinacyada, gaar ahaan Soomaalilaan iyo Soomaliya, waajib ku tahay in ay is dhegaystaan oo wax isla gartaan ee aan meel uun lagu dhegganaan.

Waxa aannu wax ka nidhi xeerkii doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada ee Soomaalilaan, siduu muhiimka u yahay in heshiis laga gaadho iyo sida ay lamahuraanka u tahay in shacabku gutaan waajibkooda dimuqraaddiga ah.

Heshiiska cusub ee Turkiga iyo Soomaaliya wada galeen ayaannu sidoo kale ka soo turjunnay Prof. Donelli oo ah khabiir deraaseeya oo wax ka qora arrimaha Badda Cas iyo mandiqadda. Nooca falanqayneed ee aannu rabno in aannu horseedka u noqonno ayay tani tusaale u tahay.

Dagaalka sokeeye ee Suudaan ee qarxay muddadaa aannu jirnay xil gaar ah baannu iska saarnay. Sida dagaalku dhiigbax ugu yahay umadda reer Suudaan, iyo gacmaha badan ee ku lugta leh. 

Waxaan eegnay arrimo waaweyn oo qaaradda Afrika saamaynaya, waxa aannu sheegnay in Midawga Afriki shirweynihiisii 37aad, mooqif xalaal ah ka qaadatay arrinta Qasa iyo qaddiyado kale oo badan oo caalami ah. Caqabadahaas caalamiga ah se waxa ay si muuqata wax uga qaban kartaa haddii ay gudaheeda u soo jeesato oo ay dhakhso u xalliso mushkiladaha ka taagan.

Waraysi aan Ibraahiim Rasuul, oo danjire u ahaa dalkiisa Koonfur Afrika, kala yeelannay dunta Koonfur Afrika ku xidha Falastiin waxa uu ku sheegay sida ay qadiyadda Falastiin muhiimka ugu tahay Afrika iyo guud ahaan ummadaha gumaysiga soo maray, waxa uuna yidhi: “Maaddaama aynu nahay dalal lagu yaqaan in ay gumaystaha la diriraan, waa lagamamaarmaan in aynu fadhiga ka kacno oo arrimaha tan oo kale ah is barbar taagno si aynu nafaheenna awood ugu afuufno, caalamkana dib ugu qaabayno.”

Madasha Geesku waxa ay isku dayaysaa in halgankaa dib loogu qaabaynayo adduunka ay qayb ka noqoto oo aqoonyahanka mandiqadda u noqoto madal ay fikirkooda bulshadakula wadaagaan. Geesku waxa uu isku dayayaa in uu u noqdo biriish isku xidha mufakiriinta mandiqadda ee afafka kala geddisan wax ku qora, oo ay u kala dabqaaddo, sidoo kalana ay dadweynaha akhristayaasha ah ku xidho. 

Waraysi aan la yeelannay Prof. Cali Muumin Axad, oo Jaamacadda Melbourne ka tirsan, waxa aan ku waraysannay doorka indheergaradka Soomaaliyeed ee xaaladdan lagu jiro, waxa uu ku jawaabay; “Indheergaratada Soomaaliyeed, tabtii gabayaagu ka dhex ahaa reerguuraaga ayay u muuqdaan in ay la saf yihiin qabiilladooda, oo aanay kuba shuqlanayn gudashada kaalintooda indheergaradnimo oo ah in ay xil iska saaraan qaranka/umadda guud ahaan. Sababtaas ayaa indheergaratada Soomaaliyeed ka dhigaysa in ay xubno ka yihiin qabiilka ay is xigsiiyaan. Iyagu waxba ma horkacaan ee waxay ku daba faylaan siyaasiga, ama oday-dhaqameedka reerka oo ah xil abuurmay oo xoogaystay waagii isticmaarka, oo saamaynta uu qabiilka ku dhex leeyahay uu gumaystuhu u adeegsan jiray muquuninta waddanka iyo dadkiisaba.” Geesku wuxuu isku deyayaa in uu jabkaa iyo koobnidaa indheergaradka ku dhacay ka jawaabo oo uu abuuro jewi lagaga gudbi karo.

 

Arrimaha siyaasadda uun kuma koobnin ee waxa aan sidoo kale wax ka qornay dhaqanka. Sida falsafadda Afrika ee ku saabsan xidhiidhka qofka iyo bulshada ka dhexeeya, oo saynisyahanadda reer Itoobbiya ee Abeba Birhane ayaannu ka soo turjunnay qoraalkeeda ay ku naqdinayso fekraddii Diikaart. Waxaannu faafinnay gorfayn iyo bandhig ku aaddan waxqabadkii Kaaha Maxamed Aadan, oo markii kowaad wax ku saabsan Af Soomaali lagu akhrisanayo. Waxaannu soo gudbinnay qoraal lagu soo bandhigayo fanka casriga ah ee hibhobka iyo sida uu ummad walba ugu xididaysto iyo sida uu Soomaalida ku soo gaadhay iyo halka uu marayo hadda, waxa uu maqaalku soo jeedinayaa sida fankan casriga ah looga dhigi karo mid xanbaara hiddaha Soomaalinimada. Waxaan soo gudbinay maqaal ka warramaya sida aan al-Shabaab diini u celin ee ay u tahay mid wax walba u samaynaysa in ay sii waarto. Dhanka buugagga cusub ee muhiimka ah faaqidaad ku saabsan ayaannu faafinnay, sida buug cusub oo ku aaddan taariikhdii jabhadda SSDF ee Soomaalida, iyo dulmarka buugagga ay ka mid yihiin hindisaha dawladnimada casriga ah ee Casmi Bishaara.


Madashu oo ka duulaysa kala-duwanaanta dhaqannada, diimaha, caadooyinka iyo waxsoosaarka taariikheed ee dadyawga Geeska Afrika ku dhaqan, waxay isku deyaysaa in ay Soomaalida iyo ummadaha Geeska Afrika u horseeddo hir cusub, iyo madal salka ku haysa aqoon isweydaarsi iyo isfaham ballaadhan oo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, iyo dhan suugaaneedba leh. Madashu waxay ka shaqayn doontaa in ay hawl galiso qoraayada u mudan ee Geeska Afrika oo la sameeyo hal-abuur aqooneed oo dhan walba daaran, warbixino, waraysiyo iyo aagag la halmaala.