Friday 22 November 2024
Waa arrin aad u adag xulashada barbilawga qoraalkan gaaban, ee aan uga gol leeyahay inaan la wadaago da’yarta garaad badnaanta iyo maanfurnaanta ku sifoobay. Ma aqaani xidhiidh ereyeedka ku habboon, weedha munaasibka ah, ama mawduuca mudan in wada-sheekaysigan lagu furfuro. Wada-sheekaysigan oo ka dhex aloosan naftayda iyo cid aan filayo inay akhrisan doonto qoraalkan oo ay carruurtaydu ku jirto. Waxaan ku furi doonaa inaan faalleeyo goobahaan ku soo barbaaray, iyo xaaladihii iyo dhacdooyinkii markaa taagnaa, si gaar ah bilawgaygii waxbarashada, ka dibna waxaan uga gudbi doonaa inaan ka sheekaysanno arrimaha guud ee taagnaa markaa.
Waxaan ku dhashay oo ku barbaaray dal uu ka talinayay gumeysigii Talyaanigu muddo dheer, waqti ka horreeyay xornimadii 1960. Haddana, ma dhalan isagoo gumeysigu talada toos u hayo e, waxaan dhashay bilashadii madaxbannaanida qaran. Waxaan dugsiga ka bilaabay dhammaadkii 1960-nadii, dugsi gaar loo leeyahay oo Talyaani ah. Dugsiga Kaatooligga ee Beledweyne, kaas oo goob kula yaalay xarunta guud ee milatariga, xaruntaas oo sidoo kalena loo yaqaanay Lama-galaay, goobtii ay galisteedu reebbanayd. Goobtan oo ahayd meeshii ay magaaladu ka bilaabmatay, dadka magaalada u dhashayna waxay u ahayd goob qiime qaddaasadeed leh. Albaabka ganjeelka ee dugsiga hortiisa ayaan joogay, oo ku barbar yaallay ganjeelka xarun goboleedka guud ee milatariga, markaan markii koowaad ku war helay afgembiga milatari ee dalka ka dhacay: 21-kii Oktoobar 1969, ayay ahayd goortaan ku baraarugay in Soomaaliya ay tahay dal kadeedan. Waxaan jiray markaas kow iyo toban sanno oo kaliya. Toddobaad ka hor markii madaxweynaha Jamhuuriyadda shirqoolka lagu dilay, in kastoo aan carruur ahaa, haddana, waxaan bilaabayay inaan garawsado waqtiga adag ee lagu jiro. Maalintaa milatarigu xukunka xoogga kula wareegay, dugsiga waa la xidhay. Gurigaan ku laabannay, oo carruuraha jaarka ayaan iskala ciyaarnay.
Laga soo bilaabo waqtigaa uu curtay Kacaanka Oktoobar, waxaan bilaabay inaan hanto fekrad ballaadhan oo ku aaddan dalkayga, oo aan kaliya ku koobnayn Beledweyne iyo Muqdisho, balse waxaan sidoo kale bartay magaalooyinka taxan jidka imbiiriyaalka ee taga caasimadda, sida Beer-Caano, Garaasiyaani, Buulo-Berde, Jowhar iyo Balcad. Jidka imbiiriyaalka waxaa la dhisay xilligii isticmaarka, yoolka laga lahaana wuxuu ahaa inuu isku xidho Muqdisho oo ahayd caasimaddii koonfurtii uu Talyaanigu haystay, iyo Addiis Ababa, caasimadda Itoobiya. Xukuumaddii faashistaha ee Talyaaniga ayaa qabsatay Abisiiniya (magac qadiimi ah oo loo yaqaannay Itoobiyadii imbiriyaaliyadda ahayd) horraantii 1935, waxayna sii haysatay ilaa jabkii Talyaaniga ku soo gaadhay gacanta Biritishka 1941. Talyaanigu waxay hanteen imbaaraadooriyaddoodii cimriga gaabatay ee Afrika (Orientale Italiana), taas oo ka koobnayd Soomaaliya, Ereteriya iyo Abasiiniyada (Itoobiya) ay dhawaanahaa qabsatay.
Si la mid ah dalal badan oo Afrikaan ah oo kale, Soomaaliya ma ahayn dawlad isku filan. Waxay ahayd mid taageero ugu baahan si ay u fushato mashaariicda horumarka, iyo deeqo bini’aadamtinimo si ay u quudiso shacabkeeda. Beledweyne iyo nawaaxigeeda roob la’aanta jiilaalku lamahuraan ayay ahayd. Markay gaadho xilliga soo goosashada hadhuudhka, oo ahayd baalleyda u mudan ee beeralayda deegaanku isticmaal shakhsi ah u beertaan, waxay ahayd mid aan kafaynayn baahida bulshada, roobabka gu’ga oo yar daraaddeed, dabadeed Beesha Yurub (European Community ayuu ahaa magaca loo yaqaannay intaanay noqon EU, Midawga Yurub) ayaa gargaar cunno u soo diraya Soomaaliya, oo badanka ahaa galley, salbuuko, daqiiq iyo saliid loogu talagalay in bulshada loo qaybiyo. Bulshadan oo aan kaliya ahayn kuwo magaalooyinka deggen sida Beledweyne, ee sidoo kale ay ku jiraan reer guuraaga raacatada ah ee meelaha fogfog ka yimid, ka dib markay xoolahoodu la le’deen abaaraha jira.
Caloolxumo ayay u tahay kuwa ila midka ah ee carruurnimadoodii u soo joogay safafka dhaadheer ee hooyooyinka carruurta wata iyo waayeelku ugu jiraan ee ay ku sugayaan cunnada ay ugu deeqeen dalalka Yurubiyaanka iyo Ameerika, iyadoo isla xaaladdii taagan tahay, waayo maanta Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka taageerada caynkaa ah u baahan. Waa meerto silic ah oo ayna xukuumadaha Soomaaliya soo maray midina ku guulaysan inay ka saarto dalka. Macaluushu Soomaaliya waa u joogto: waxay ka dhacday 1960-nadii, bartamihii ‘70-nadii ayay dhacday, ‘80-nadiina way joogtay, ‘90-nadiina way timid iyadoo waliba bartanka lagaga jiro dagaalladii sokeeye iyo cimilagaddoonkii El Nino. Waa meerto soo noqnoqonaysa macaluushu, oo haddadan taagan. Sababtuna kaliya ma aha cimilagaddoonka, keenaya abaaraha isdabajoogga ah ee quutal daruuriga bulshada dalka halakaynaya. Waxay sidoo kale jira siyaasadaha dibudhacsanaanta ee ku dhisan caddaaladdarrada bulsheed, ismaandhaafka siyaasadeed iyo aydhiyoolajiyadeed ee dalka xasilloonidii u diiday, sidoo kalana joojiyay waxsoosaarkii bulshada, ee bulshada beeraleyda ahayd iyo tii xooladhaqata ka eryaday deegaannadoodii iyagoo isugu soo ururiyay oo halgan nololeed ku jira, kaamamka barakacayaasha gudaha ee caasimadda Muqdisho ku hareeraysan. Carruurtooduna ay korayaan iyagoon haysan fursad ay waxbarasho ku aadaan.
Waagii isticmaarka ka hor, madarasad quraanka ayaa ahayd waxbarashada kaliya ee rasmiga ah ee ka jirta bulshada Soomaalida dhexdeeda. Waxay ahayd qayb muhim ah oo ka mid ah dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Dadka leh waxbarasho diini ah iyo barayaasha dugsi dhaqameedkan ayaa ahaa waxgaradka iyo haldoorka waddankan aan lahayn af qoran. Isla jeerkaas, oo aanay jirin Soomaaliya hay’ado dawladeed, isticmaarka ka hor, wadaaddada iyo oday dhaqameedka beelaha ayaa ahaa hoggaanka beelaha ay u qaybsan yihiin bulshada Soomaaliyeed.
Waxbarashada dugsiyadu way koobnayd, waqtiyaduu isticmaarka Talyaanigu dalka haystay inteedii badnayd, gaar ahaan labaatankii sano ee xukuumaddii faashiistaha ahayd ay Talyaaniga ka talinaysay, waxa kaliya oo jiray dugsiyadii ku koobnaa magaalooyinka waaweyn ee Kaatoolig Mishankii Talyaaniga. Waxbarista bulshada Soomaaliyeed ma ahayn mashruuc uu danaynayo isticmaarka Talyaanigu. Siday doonto ha noqotee, haddana ma aha xaqiiqo indhaha laga qarsan karo in Talyaanigu ay waddanka ka hirgaliyeen casriyeynta, qorshahooduna wuxuu ahaa inay waddanka ku beeraan shacabka Talyaaniga. Sidaa darteed, xilligii isticmaarka dugsiyadu waxay gaar u ahaayeen carruurta Talyaaniga dalka deggan, iyo midhadh kooban oo soo raaca.
Waxay waxbarashada rasmiga ahi si guud uga bilaabmatay Soomaaliya 1950, taas oo ku timid amarka iyo taageerada Qarammada Midoobay, ka dib markii xukuumaddii faashistuhu ay dhacday, ee ay Qarammada Midoobay u oggolaadeen Jamhuuriyadda Talyaaniga ah ee cusubi inay Soomaaliya u diyaariso madaxbannaanida sannadkii 1949, iyagoo kor joogtaynaya.
Ardaydii u horraysay ee dugsiga dhexe iyo ka sare dhammaystaa, waxay ahaayeen ardaydii dugsiyada gashay horraantii 1950-nadii. Waxay ahaayeen barbaar u jeel qaba waxbarashada, iyagoo wax ku baranaya xaalado adag, waxa wax barayay barayaal Talyaani ah, wayna ku guulaysteen inay dhammaystirtaan waxbarashada. Qaybo ka mid ah waxa la siinayay deeqo ay waxbarashada dalka dibaddiisa ku sii wataan. Markay soo laabtaana waxay noqonayeen shaqaale dawladeed iyo barayaal, kuwaas oo u ahaa lafdhabar dalka dhawaanta madaxbannaanida qaatay. Dhallinyaradan dalka dibaddiisa wax ku soo bartay waxay ahaayeen kuwo ku baraarugsan sida dalkoodu u dib dhacsan yahay, marka loo barbar dhigo dalalka ay wax ku soo barteen. Jiilashayadii waxbarashada bilaabay dhammaadkii ‘60-nadii iyo horraantii ‘70-nadii ayaa ahaa kuwo ugu nasiibka fiican, oo waxaan waxbarashada bilawnay dalka oo madax bannaan, waxaana aannu haysanay dugsiyo iyo barayaal wanaagsan.
Soomaaliya wey koobnaayeen tirada dugsiyada iyo cusbitaalladuba. Waddooyinka iyo gaadiidkuba waxay ahaayeen dalka guud ahaantii kuwo kooban oo aan wax kasooqaad lahayn. Haddaba, dhammaadkii ‘60-nadii degmo kastaa ugu yaraan waxay lahayd dugsi hoose (1 – 5), magaala-madaxda degmooyinka qaar ayaa lahaa dugsi dhexe (6 – 8); waxa dugsi sare lahaa kaliya caasimadda iyo dhawr magaalo oo Waqooyiga ahaa (9 – 12).
Waxa kale oo jiray dugsiyo kiniisaduhu maalgaliyaan Kaatoolig Mishanka oo Talyaani ahaa, Mennonite Mishan oo Ameerikaan ahaa, iyo dugsiyadii Carbeed ee Masaarida waagaa 1960. Dugsiyadan waxaa loo tixgalin jiray dugsiyo gaar loo leeyahay. Ilaa la soo gaadhayay bartamihii 1960-kii nidaamka waxbarasho waxaa barayaal ka ahaa ajaanib sida, Talyaani, Masaari, iyo Ameerikaankii Peace Corps-ka.
Waxaa barayaal ii ahaa dugsigii hoose (fasalkii 1 – 5) ee Kaatoolig Mishanka Beledweyne haweenka soorooyinka ah ee kiniisadda, oo la kala odhan jiray Suora Isidora Fossat iyo Suora Adelina Londero. Kuwaas oo markay arkeen xiisaha aan u qabo akhriska ii oggolaaday inaan buug ka ergisto maktabaddooda yar ee gaarka ah. Waan jeclaa akhriska. Gurigayagu ma lahayn koronto sida badanka aqallada ku yaalla duleedka magaalada. Buugtaan soo ergisto waxaan fiidkii ku hoos akhrisan jiray feynuus. Markaan dhammaystana carruurahaan iskala soo ciyaari jiray. Ciyaartayada ugu mudani waxay ahayd baratan: jidweynaha intaan aadno, ayaannu laba kooxood isu qaybin jirnay, dabadeed habeenkii ilayska dayaxa hoostiisa baratami jirnay. Qaab dhismeed cayaartoy baannu lahayn, mid kastoo naga mid ahina wuu u tartami karayay ciyaaraha caalamiga ah. Balse, waxaanu ahayn uun ciyaalo xaafo dega duleedka magaalo magac weyn sidata: Beledweyne. Markaannu baratanno ee aanu Low-daar ciyaarno ee aannu daalno, intaanu wareeg u fadhiisanno dhulka ayaanu sheekooyin isu tebin jirnay, ilaa habeenku goor danbe noqonayo, dabadeed mid kastoo naga mid ahi gurigooda ayuu u hurda tegi jiray. Subaxa waaberiga hore ayaannu soo kici jirnay, intaan cunno canjeero ama muufo macsar iyo shaah lagu daray, ayaan dugsiga u jarmaadi jirnay.
Dugsigu masaafo ayuu u jiray aqalkayaga, subax walbana masaafadaas ayaan u kala socon jiray aqalka ilaa dugsiga, anigoo gashan dabagaab buluug ah iyo shaati cad, oo sita buuggaygii layliga iyo buugtii daabacnaa ee maaddooyinka laga daalacanayay. Guriga iyo dugsiga waxaa u dhexeeyay webiga oo lahaa buundo cageed yar, oo ahayd dhabbo yar oo alwaax yar yar laga sameeyay, oo ay taageerayaan xadhko bir ah oo ku xidhan tiirar bir ah oo ka taagan labada gebi ee webiga. Buundada Liiqliiqato waxay isku xidhaysay xaafadahayaga oo duleedka garoonka diyaaradaha ahaa (Campo d’Aviazione, wuxuu ahaa garoon yar oo Talyaanigu dhisteen markay isu diyaarinayeen qabsashada Abisiiniya) iyo bartamaha magaalada. Buundadan waxaa Liiqliiqato loogu bixiyay iyadoo ciirciiri jirtay marka lagu dul socdo si webiga looga tallaabo.
Waxa buundadan adeegsan jiray boqollaal qof oo magaalada u adeeg doonanaya. Markay dadku isku weydaaranayaan buundo cageeddan yar ee laga dul laallaadiyay biyaha webiga, si cabsi badan ayay u liiqliiqan jirtay, haddana, dadku way ku kalsoonaayeen awoodda ay u leedahay inay taageerto miisaanka dhawr ruux oo hal mar wada tallaabaya. Maalinkii laba jeer ayaan mari jiray Liiqliiqato: markaan dugsiga ku sii socdo iyo markaan ka imanayo. Maadaama oo ay Beledweyne ugu soo qoollaabneyd webiga qaab U ah, waxaa jirtay buundo kale oo ku taallay geesta kale ee webiga. Waxay ahayd buundo weyn oo Talyaanigu dhiseen, bir bay ka samaysnayd gawaadhida xamuulka ee waaweyn ayaana ku tallaabi karayay. Buundadani ilaa maanta way taagan tahay, dadka deegaankuna waxay u yaqaanaan Buundo Weyn. Waxaan u xusayaa arrintan, waxaa jiray saaxiibbo aaggaa degganaa oo labada buundo maalin walba ka tallaabi jiray si ay dugsiga u aadaan.
Subaxa hore, kolkaan dugsiga aadayno ayay ahayd goorta dadka badankoodu isticmaalaan Liiqliiqato, si ay u shaqo tagaan ama suuqa uga soo adeegtaan. Goor aan anigu gaadhayba dugsiga, ayaa saaxiibbada dhigta dugsiyada dawliga ahi sii dhex marayaan suuqa hoose oo ka tallaabayaan si ay u gaadhaan Dugsiga Hoose ee Beledweyne. Markay sidaa uga tallaabaan Liiqliiqato dhawr tallaabo uun buu u jiraa dugsigoodu. Dugsiga Masaariduna wuxuu ahaa geesta kale ee jiinka webiga.
Dugsiga Masaarida ayay ugu horrayntii hooyaday doonaysay inay i qorto. Mar haddii aan akhrinta iyo qorista Carabiga hore uga bartay madarasad quraanka oo aan markaa wali dhigan jiray, way ii sahlanayd inaan galo dugsiga Masaarida oo maaddooyinku Carabi ku bixi jireen. Maalinta u horraysay ee ardayda cusub la qorayay ayay hooyaday dugsiga i geysay, anigoo u diyaar ah inaan isla maalintaaba bilaabo. Anigoo sugayna tookadayada aan ku galayno xafiiska diiwaan galinta, aniguna aan u diyaarsanahay fasalkaygii u horreeyay ee dugsiga hoose, ayaa waxay hooyaday shaahid u noqotay mid ka mid ah macallimiinta Masaarida oo dhangad si arxan daran ugu garaacaya ardayda midkood. Markaas ayaa hooyaday maskaxdeeda beddashay oo go’aansatay inaanay i qorin dugsigan; kama ay helin habka tarbiyaynta ee dugsiga Masaarida.
Fikirkeeda inay beddeshay iyo inaysan u arag garaacista hab ku munaasib ah tarbiyaynta carruurta ayaa dhabbada noloshayda jeexay. Maalintii xigtayba waxay i geysay dugsiga kiniisadda Talyaanigu gacanta ku haysay, oo ay gabadh sooro ah oo Kaatoolig ahi nagu soo dhaweysay ixtiraam iyo naxariis, iyadoo nooga warrantay xeerarka iyo nidaamka waxbarasho ee dugsiga. Qodobka hooyaday ku dardaaraysay ee ay ku soo celcelinaysay wuxuu ahaa inaan ahay muslim oo aanay oggoleyn in dugsiga la igu baro diimo kale. Si cad ayaa loogu laabqaboojiyay inaan taasi dhacayn.
Halkaas ayaan dugsigii hoose ka bilaabay. Fasalku wuxuu ahaa mid qaab laydi ah u samaysan oo ballaadhan. Ardayda tiradoodu way koobnayd; waxay ahaayeen wax aan laba iyo toban gaadhayn. Haweeneyda soorooyinka kiristanka ka mid ah ee baraha ahayd, waxay ahayd duq gaaban oo leh indho baadhe oo kulul oo uu badhxayo dhoolacadayska ardaydeeda ay u muujiso. Miiska macallimadda gadaashiisa waxaa sudhan khariiradda Soomaaliya oo ay ku caddahay bulshada khiyaaliga ah ee kaliya ah hal milyan iyo laba boqol oo kun. Xarfaha higaadda oo xardhan ayaa sudhnaa darbiyada fasallada. Annagoo sawirrada xarfaha tixraacayna ayaannu buugaagtayada ugu sawirnaa hab dhigaalka xarfaha ee farshaxamaysan, siday macallimaddu na amartay. Xarfaha ka dib waxaan u gudubnay ereyada, haddana falalka. Markiiba waan bartay kicinta xarfaha higgaadda. Fasalkaa waxaan sidoo kale ku bartay akhrinta iyo qorista Talyaaniga. Subax walba waxaan hal saac ku qaadan jirnay yeedhis, haddana saacad kale oo akhris ah. Intaa ka dibna layliska xisaabta ayaa waxna fasalka kaga shaqayn jirnay, sidoo kalena shaqo guri badh na loogu diri jiray.
Sannadba sannadka ka sii danbeeya waxaan xoojiyay fahankayga Talyaaniga iyo qoraalkiisaba, waxaanan bilaabay inaan si fiican wax ugu qoro. Isla xilliyadaa waxaan ku mamay akhriska. Dugsiga Kaatooligga ee Beledweyne wuxuu ahaa deegaan wanaagsan oo ku habboon waxbarashada, oo wuxuu lahaa bustaan si fiican loo daryeelay oo xasilloon, geedaha baarka ah ee waaweyn ee hadhkoodu dul hoganayo daaradda dugsiga, waa kuwo jiriddoodu ka taagan tahay wabiga jiinkiisa oo dugsigu kula yaallay xarunta guud ee milatariga. Deyrka dugsiga waxa ku yaallay kiniisad yar oo ay ku cibaadaysan jireen dumarka macalilmiinta ah iyo wadaad kale. Dugsigu wuxuu lahaa xeer dhigaya inaan la faragalin caqiidadayada diimeed.
Markay laba sano ka hadhsanaayeen qalinjebintii dugsi hoose ayuu dhacay afgembigii milatari ee Soomaaliya. Sannadguuradii koowaad ee kacaankana waxaa dugsigayaga lagu soo casuumay xaflad lagu qabtay afaafka aqalka badhasaabka gobolka. Dugsigu wuxuu ii doortay inaan akhriyo qoraal yar oo aan annaga iyo macallimiintu fasalka ku soo qornay, kaas oo lagu amaanayay kacaanka. Waan akhriyay, waxaanan la suuxi gaadhay naxdin, oo ilaa maantadaa kuma fiicni fagaare ka hadalka.
Xafladdaas markay ka soo wareegtay hal sano ayaanu dugsiga hoose ka qalin jabiyay. Maadaama, oo aanuu dugsigu lahayn dugsi dhexe, fursadda noo bannaanayd waxay ahayd inaan dugsiga dhexe Muqdisho ka sii wadanno, dugsiga dhexe ee Mons Fillipini. Sannadkaas qayb yar oo naga mid ah ayaa waalidkood u oggolaadeen in ay u wareegaan Muqdisho. Dugsiga dhexe ee Mons Fillipini wuxuu ka tirsanaa dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga ah, kuwaas oo ay maamuli jireen Mishanka Kaatooligga ee Soomaaliya, waxay lahaayeen aqallo jiif oo ardaydu seexdaan, waxana degganaa wax ka badan boqol arday oo ka kala yimid Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan. Ardayda boodhinka deggani waxay ahaayeen kuwo soo dhaweyn leh oo nidaamsan, waayo mac’hadku wuxuu lahaa shuruuc adag. Jadwalka koolajku wuxuu ahaa mid qeexan oo sahlan; waqti cayiman oo ay tahay in la soo kaco oo nadaafadda shaqsiga ah lagu qaato, waqtiga quraacda, waqtiga dugsiga, waqtiga qadada oo lagu qaadanayo hoyga jiifka, waqtiga tamashlaha, waqtiga duruus daalacashada iyo wax akhriska, waqtiga ciyaaraha, amminta shaahaynta, ta cashada, akhriska mar kale, filin daawasho toddobaadkii hal habeen ah, iyo ugu danbayn waqtiga hurdada.
Muqdisho sidoo kale waxaa jiray dugsiyo dawli ah iyo qaar gaar loo leeyay oo Talyaani ah, Lyceum (dusgiga sare ee Sayniska ee Leonardo Da Vinci, dugsiga hoose ee Regina Margherita, dugsiga dhexe ee Guglielmo Marconi) dugsiyadan oo loogu talagalay carruurta bulshada Talyaaniga ah ee dalka ku nool iyo mararka qaar carruurta karraanida sare iyo siyaasiyiinta Soomaalida ah. Marka kuwaa laga tago waxa kale oo jiray dugsiga dhexe ee Mons. Fillipini oo ay maalgaliyaan Mishanka Kaatooligga ah oo u furan careuurta Soomaalida ah. Bulshooyinka kale ee Soomaaliya muddada dheer degganaa waxay lahaayeen iyaguna dugsiyadooda; sida dugsiga carruurta Hindida iyo dugsiga carruurta Bakistaanta ah.
Nolosha boodhinku waxay ahayd mid xiise leh waxayna ahayd fursad aan kula kulmay dad tiro badan, oo aan qaarkood ilaa hadda asxaab nahay. Haatan qoraalka halkaas ayaan ku soo gebagabaynayaa, akhristahana waxaan uga mahadcelinayaa danaynta iyo akhrinta xasuusaha sannaddadaydii dugsiga hoose oo qayb ka ah taxanaha “Gurigeennii Aaway?”
turjumaadda Maxamed Buux