Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Feker

Gurigeennii Aaway? (1): Hordhac

4 April, 2024
Image
Beledweyne
An aerial view of Beledweyne city, ©Cawaale Koronto
Share

Magacaygu waa Cali Muumin Axad. Waxaan ku dhashay Beledweyne. Halkaas ayaan ka galay dugsigii hoose ee Kaatooligga (Catholic mission). Dabadeed, waxaan u soo wareegay magaalada Muqdisho oo aan koolajkii jiifka ee Talyaaniga (Collegio Nouva Somalia) ayaan ka bilaabay qaybtiisa dugsiga dhexe ee Mons. Filibiini oo markii danbe loogu magac daray Cabdiqaadir Sakhaawaddiin. Dugsigii sare waxaan 1978 ku dhammaystay Mac’hadka Farsamada ee Xisaabiyayaasha iyo Sahanka (Instituto Technico per Ragionieri e Geometri) waxaanan qaatay barashada xisaabiyanimada. Markaan barenimo ku qaatay sannadkaygii shaqo qaran oo aan Muqdisho bare ka ahaa, waxaan galay Jaamacadda Umadda, oo aan shahaadada koowaad ku qaatay barashada dhaqaalaha, waxaanan 1984ku qalinjabiyay derjada maamuuska (honors). Waxay tani ii saamaxday in la iiga shaqaalaysiiyo Jaamacadda Umadda kaaliye bare ahaan. Sannado yar kadib waxaan noqday baraha dhaqaalaha caalamiga ah. Kadib, waxaan u ambabaxay Talyaaniga si aan ugu soo qaato tababbarro anigoo ah bare-are oo marti ah, jaamacadda Rooma ee “La Sapienza”. Markuu dagaalkii sokeeye ka qarxay Soomaaliya, waxaan ku sii nagaaday Talyaaniga, oo aan ku diyaariyay shahaadada labaad ee jaamacadda (MS degree), waxaanan ku takhasusay ganacsiga beeraha (Agrobusiness). Dabadeed, waxaan bilaabay inaan aragti naqdineed ku baadho taariikhda Soomaalida: 1993 waxaan daabacay maqaalkaygii akaademig ee dood’abuur ah ee u horreeyay, mawduucuna ahaa: “Gefafka taariikheed ee gumaysigu ka galay Soomaaliya.” Laga soo bilaabo waqtigaa waxaa igu abuurmay xiise ballaadhan oo aan u qaaday baadhista iyo wax ka qorka taariikhda Soomaaliya.

Sannadkii 2006 aniga iyo qoyskaygu  waxaan u wareegnay Ustaraaliya oo aannu degnay. Waxaan sii joogteeyay waxabarashada sare oo shahaadada saddexaad ee jaamacadda ka xereeyay jaamacadda La Trobe. Ammintan oo aan daabacay saddex waxqabad oo muhim ah: kow waxaan daabacay waax buug (Decolonizzare l’Italia, 2007) iyo laba maqaal oo akaademig ah (“Maansadu ma qeexi kartaa ummadnimada? Tusaalaha maanso-afeedda Soomaalida iyo Ummadnimada,” 2007 iyo “u kala dhanbalnaanta Soomaali/Sab iyo qeexitaanka haybta ummadnimo ee Soomaalida,” 2008). Waxaan ka qaatay shahaadada saddexaad ee PhD jaamacadda La Trobe 2010, cilmibaadhistayduna waxay daarranayd qaraxa dagaalka sokeeye ee Soomaaliya.

Yoolkaygu wuxuu yahay inaan u bidhaamiyo facyada soo koraya ee ka soo jeeda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, taariikhda, dhaqanka iyo nolol maalmeedyada goobihii iyo bulshadii waalidkood ku soo ababay.

Maadaama oo qoraalkaygu mar walba la xidhiidhsan yahay dhaqanka dalkaan ka soo jeedo, qoraalkan waxaan diiradda ku saarayaa dhaqamadiisa iyo kuwa dalalka ku hareeraysan, sida Jabuuti, Kiiniya, Itoobiya, Eretariya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, kuwaas oo ay mideeyaan deegaan iyo xidhiidho dhaqan iyo afba ahi. 

Anigoo ka bilaabaya naftayda, waxaan ahay shaqsi xidhiidh qoto dheer la leh dalkuu ka soo jeedo iyo dhaqankiisa. Waxaan soo gudbin doonaa qodobbo daarran sooyaalkayga carruurnimo ilaa dhallinyaranimadii, oo ahayd xilli uu jiray isbeddel weyn oo dhaqaale iyo mid aydhiyoolajiyadeed, kuwaas oo ku summadaysnaa sidoo kalena keenay dhacdooyin halaag ah sida dagaallo u dhexeeya waddamada jaarka ah.

Ujeeddada qoraalladdan gaagaabani waa inay noqdaan buundo isku xidha jiilashayada ku soo barbaaray Afrika iyo jiilasha soo kacaamaya oo aan fahan buuxa ka haysan waxa waalidkooda ka soo eryaday dhulkoodii ee keenay dhul qalaad. 

Qoraalladan gaagaabani waxay diiwaan galin doonaan dareennada nolosha qurbaha ee dadka doortay inay ku noolaadaan dalal kale kaligood, ama iyaga iyo qoyskoodu. Badanaa jiilasha cusub waxay dhibaato ka haysataa inay fahmaan waalidkood, jiilashan oo ah caruurtii ku dhalatay qurbaha ama iyagoo yar halkaa ku gaashaan qaaday. Fahandarradani kaliya ma aha mid luuqadeed, balse, tan ugu muhiimsani waa xogaha dhaqan ee ka maqan jiilasha cusub. Waxaan isku dayi doonaa inaan hoosta ka xarriiqo salka isfahanwaaga labada jiil, iyo inaan buuxiyo dhimaalka xogaha dhaqanka iyo taariikheed ee kaga jira sooyaalka waalidkood.

Cinwaanka aan siiyay qoraallada taxanaha ah ee daarran xogaha dhaqanka, juquraafiga iyo taariikhdu waa “Gurigeenni-away”, taas oo loo turjumi karo laba qaab. Gurigeenna iyo “aaway” oo u dhiganta, meeyay? ama aaway? Macnaha koowaad wuxuu u dhigmayaa qaab weydiimeed “aaway gurigeennii? Macnaha labaadna waxaa laga soo dheegayaa isku xidhka ereyga Soomaaliga ah ee Gurigeenna iyo timaamaha Ingiriisiga ah ee “away”, taas oo tilaamaysa inuu gurigeennu meel dheer jiro. Laba macne ee cinwaanka dhinac jiilasha cusub ee qurbaha ayaa waalidkood weydiinaya, aaway gurigeennii? Dhanka kalena, waalidkood ayaa gocanaya gurigooda meesha dheer jira. Labadan si wax u arag ayaa mararka qaar sii adkaynaysa xidhiidhka labadooda.

Taxanahan gaaban ee halkan lagu soo gudbin doono, waxaa laga rejaynayaa inuu jiilasha cusub u soo dhaweeyo fahanka sooyaalka waalidkood, oo ay si dadbanna jawaabo ugu helaan weydiimo ay jeclaan lahaayeen inay ka maqlaan waalidkood. Waxa taas u dheer oo loo soo gudbin doonaa (gaar ahaan kuwooda Soomaaliya ka soo jeeda) muuqaalka hadda ee dalkooda hooyo iyo xaqiiqooyinka dhaqan-dhaqaale.

Waxaan rejaynayaa in qoraalkaygu ka qayb qaato fahanka jiilasha cusub ee raba inay wax ka ogaadaan meesha asalka ah ee waalidkood ka soo jeedo.

 

 

turjumaadda Maxamed Buux

Qoraallada kale ee qoraaga