Tuesday 19 November 2024
Waxaa laba kaclaysay xiisadda ka dhex taagan xukuumada federaalka Soomaaliya iyo Soomaalilaan, ka dib markii Muqdisho ay soo saartay go’aanno ay ku amrayso shirkadaha duulimaadyadu in ay ka saaraan magaca Soomaalilaan liiskooda oo ay ku beddelaan Soomaaliya (Hargeysa, Soomaaliya). Waxa ay sidaas oo kale ku amartay shirkadaha lacagaadka iyo xawaaladaha, iyadoo arrintan u aanaysay in ay tahay mid meel ka dhac ku ah qarannimada dalka, Muqdisho waxa ay qorshaynaysaa in ay tallaabo caynkaas oo kale ka qaaddo arrimaha la xidhiidha dekadaha.
Go’aannadan cawaaqibta ka dhalan kartaa waxa ay walaac ku abuureen bulshooyinka Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Soomaalilaan go’aanno ay aqbali karto ma aha, arrintaas oo bartanka ka gelinaysa shirkadaha duulimaadka, xawaaladaha iyo maraakiibta xamuulka muran siyaasadeed, taas oo waxyeelaynaysa shacabka labada dhinac.
Ha’yadda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa 21 Ogos, u dirtay laba waraaqood oo ay ku wargalinayso labada shirkadood ee Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines in ay iska saxaan cinwaanka madaarka Hargeysa, oo ay u qori jireen Hargeysa – Soomaalilaan, in ay ka dhigaan Hargeysa – Soomaaliya, baaqaas oo ay shirkadahani ku fuliyeen muddadii saddexda cisho ahayd ee loo qabtay. In kastoo labada waraaqadood isku fariin gudbinayeen, haddana luuqadda ayay ku kala duwanaayeen, oo warqadda Fly Dubai waxaa cinwaankeedu ahaa “Degdeg: Qaldanaanta cinwaanka bartilmaameedka.” Halka warqadda shirkada duulimaadyada ee Itoobbiya loo diray uu cinwaankeedu ahaa “Degdeg: Tallaabooyinka loo baahanyey si loo xaliyo xadgudubka qarannimo”, arrintan ayaa la xidhiidha xiisaddii dhawaanahan ka dhex aloosnayd Soomaaliya iyo Itoobbiya.
In kastoo warqadda hay’adda duulistu u qortay Fly Dubai ay ahayd mid miisaaman, haddana, waxa ay ku adkeeyeen in haddii ay kaga jawaabi waayaan baaqan saddex cisho gudahood in laga joojin doono dhammaan duulimaadyadooda Soomaaliya, dhanka kale, warqadda ay hay’addu u qortay Ethiopian Airlines waxa ay ahayd; mid kulul, taas oo ay ku xustay in ay hore arrintan uga wada hadleen 14-kii isla Ogostan. Markaa hore, shirkaddan oo kaliya ayaa ay hay’addu ku amartay in ay liiskooda ka saaraan Soomaalilaan oo ku beddelaan Soomaaliya, taas oo ay shirkaddu kaga jawaabtay in ay magacaantaba iska dayso oo ay adeegsato koodhka madaarka oo kali ah, xeeladdaas ay adeegsadeen hay’adda duulista ee Soomaaliya way ku gacan saydhay.
Haddaba, cawaaqibta ka dhalanaysa talaabadan waxaa ka mid ah; kow; in ay sii kordhiso khilaafaadka labada shacab ee Soomaalilaan iyo Soomaaliya, laba; kala duwanaanshaha adeegsiga cinwaanka madaarka Hargeysi waxa uu keeni karaa jahwareer, arrintuna waxa ay sii waalan doontaa haddii Muqdisho qaaddo tallaabo kale oo ay arrinta ku sii cakirayso, sida in ay soo rogto amar sheegaya in dal ku galka Soomaalilaan ay tahay in laga qaato safaaradaha Soomaaliya. Saddex; in uu khalkhal galo isku socodka bulshada Soomaalidu, gaar ahaan haddii Soomaalilaan ay ku amarto Soomaalida aan reer Soomaalilaan ahayn in ay qaataan dal ku gal ay Soomaalilaan ku yimaaddaan. Afar; in qiimaha tikidhku ku qaaliyoobo bulshada Soomaalilaan, gaar ahaan qurbajoogta fasaxyada ku qaata Soomaalilaan, taas oo uu sababi karo is beddel ku yimaadda qiimaha tikidhka, siiba haddii Muqdisho oo beryahan hoos u dhac miisaaniyadeed haysto, ay ku soo rogto shirkadaha diyaaradaha cashuuro dheeraad ah, shirkaduhuna qiimaha cashuuraha waxa ay saarayaan tigidhka ay ka iibinayaan macaamiisha.
Dhankeeda, Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Soomaalilaan baaq ay soo saartay waxa ay ku gacan saydhay waxa ay ku tilmaantay in uu yahay “hanjabaad sharci darro ah” oo ka timid Soomaaliya, waxa ayna ballan qaadday in ay la shaqayn doonto shirkadaha duulimaadyada si loo hubiyo socodka iyo ammaanka duullimaadyada, waxa ayna u qabatay shirkadaha duulimaadyada in ay 21 cisho gudahood ku saxaan qaladka ay ku riixday Soomaaliya, taas oo ka dhigan in cinwaanka madaarka Hargeysa iyo Berbera laga masaxo Soomaaliya oo lagu soo celiyo Soomaalilaan.
Baaq ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS oo cinwaankiisu ahaa “Ilaalinta Qaranimada iyo Madaxbanaannida Jamhuuriyadda Soomaaliya,” waxa ay ku amartay shirkadaha xawilaadda lacaguhu in ay joojiyaan adeegsiga magaca Soomaalilaan oo ay ku beddelaan Soomaaliya, waxa ayna uga digeen shirkaddii sidaa yeeli weydaa in ay si badheedh ah u burinayso qarannimada iyo wadajirka Soomaaliya oo tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Soomaalilaan oo uu afkeeda ku hadlayo wasiirka warfaafintu waxa ay arrintan kaga jawaabtay hanjabaad kale oo ay u jeedisay shirkadaha ka shaqeeya xawilaadda lacagaha, kaas oo ay ku sheegtay in “shirkaddii baaqan u hoggaansantaa ay denbi culus ka galayso lix milyan oo qof oo shacabka reer Soomaalilaan ah.”
Go’aannadani waxa ay culays dheeraad ah ku yihiin shacabka Soomaalilaan, waxaana kaga culus ka diyaaraddaha duulimaadyada la saaray, kan xawaaladaha, oo in ay shikadaha duulimaadku u hogaansamaan go;aannadani wax weyn ku qaadan mayso, kaliya waxa ay u baahan yihiin in ay magaca cinwaanka beddelaan. Halka, muddada loo qabtay xawaaladaha ee aan ka badanayn todobaadku ayna ahayn mid kaafisa fulinta go’aannada la amray, haddii ba ay fulinayaan, waayo Soomaalilaan ayaa Iyana dhankeeda uga digtay in ay u hoggaansamaan amaradan. Oo arrintani shirkadahan iyo malaayiinta ku xidhan ba waxa ay bartanka ka gelinaysaa xaaladdan murugsan.
Xukuumadda federaalku malaha waxa ayna xisaabta ku darsan lacagaha la soo xawilo sida ay daruuriga ugu yihiin shacabka iyo xukuumadaha Soomaaliya iyo Soomaalilaan, lacagaadkan waxaa lagu qiyaasaa in ay gaadhaan 1.3 bilyan oo doolaar, taas oo boqolkiiba 20 ka ah wax soo saarka guud ee qaranka, sida ay sheegeen qiyaasihii 2017 ee Sanduuqa Lacagta Adduunka, warbixintan waxa ay ku xuseen in ay lacagaha la soo xawilaa intaa ka badan yihiin, oo ay jiraan marinno aan rasmi ahayn oo lacagaadka la soo mariyo, si loo ogaado qiyaasaha dhabta ah na loo baahan yahay in xog ururin balaadhan in la sameeyo.
Waxyeeladda go’aankani kuma koobnaan doono shacabka Soomaalilaan, ee sidoo kale waxa uu saamayn doonaa maaliyiin Soomaali ah, oo gudaha iyo debadda Soomaaliya ku kala nool, kuwaas oo ay isku xidho shabakad isku socodka lacagaadka oo soo jirtay intaan la samayn Xukuumadda Federaalka lafteeda. Haddaba, sida ay doonto ha ahaatee, laba khiyaar ayaa u yaala xawaalaha lacagaha, in ay u hogaansamaan go’aannada XFS soo saartay oo ay u badheedhaan tallaabooyinka ay sheegtay in ay Soomaalilaan ka qaadi doonto hadday sidaa sameeyaan, iyo in ay u hogaansami waayaan oo u badheedhaan tallaabooyinka sharciga ah ee Muqdisho sheegtay in ay ku qaadi doonto.
Haddaba, khilaafkani waxa laga yaabaa in uu cirka isku sii shareero, oo uu meesha ka baxo is afgaradkii labada dhinac hore ugu wada gaadheen, wada hadalkii uu Turkigu martigaliyay 2013-kii, kaas oo qodobbadiisa ay ka mid ahaayeen; “in la dhiirigaliyo oo la fudaydiyo deeqaha caalamiga ah iyo horumarinta ku wajahan Soomaalilaan,” waana qodobka ay burisay Muqdisho kolka ay qaadatay go’aanka beegsanaya shacabka Soomaalilaan. Go’aankan oo ahaa mid daba socda isafgaradkii ay wada saxeexdeen Soomaalilaan iyo Itoobbiya horraantii sannadkan, kaas oo qodobbadiisa ay ka mid ahaayeen, in Itoobbiya laga kireeyo xeeb ay saldhig milatari ka dhistaan, halka Soomaalilaanna ay Itoobbiyi u aqoonsanayso dawlad madax bannaan, sidoo kalen saami laga siinayo shirkaddaha Itoobbiya ee duulimaadka ama is gaadhsiinta.
Haddaba, falcelinta Muqdisho saddex geesood weeye; kow, in ay samaysatay xullafo, si haddii ay timaado milatari ahaan looga hortagi karo hirgalinta isafgaradka, waxa soo gebagaboobay heshiiskii dhaqaalaha iyo milatariga ee ay la gaadheen Turkiga febraayadii hore, iyo heshiiskii daaranaa dhanka iskaashiga milatariga ee ay la galeen Masar Ogostan. Laba; in ay wada xaajood aan toos ahayn la galaan Itoobbiya kaas oo ay uga dan leeyihiin in ay ku qanciyaan in ay ka noqdaan isafgaradkii ay Soomaalilaan la galeen. Saddex; in ay Soomaalilaan saaraan cadaadis, oo waxa ay ka jareen deeqihii caalamiga ahaa, sidoo kalena, waxa ay qaateen go’aanadan ay shirkadaha duulimaadka iyo xawaaladaha ku cadaadinayaan in ay liiskooda Soomaalilaan ka masaxaan, muddooyinka soo socdana waxa laga yaabaa in ay go’aanno kale oo caynkan ah qaataan.
Dhankeeda Soomaalilaan waxaa la filayaa in ayna cadaadisyadan isku dhiibayn ee ay si uun u la galaangalato, oo ay kaalmo weydiisato Taywaan, taas oo ay isku waayo yihiin, oo shacabka labada dhinac waxa ay halgan ugu jiraan in ay helaan madaxbannaani, iyagoo labaduba kala kulmay dalalka caalamka danayn la’aan ay keeneen sababo siyaasadeed. Waxa hubaal ah in ay go’aannadani keeni doonaan in ay ka sii fogeyn doonto shacabka iyo bulshada Soomaalilaan, Soomaaliya, oo ay ku riixi doonto in ay ku sii dhegaan gooni isu taaggooda
Dhawaan,waxa ay Muqdisho tilmaantay, iyadoo tilmaantani ku timid hadal uu yidhi Raysal wasaare Xamse Barre in ay diyaar u yihiin in wada hadal dib loo la furo Soomaalilaan, haddii doorashada soo socota ay ka dhalato xukuumad cusubi, taas oo ay dadka qaar ku sheegeen in ay tahay mid tilmaamaysa in Muqdisho ka naawilayso mawqif gedisan xibiga mucaaradka ah ee “Waddani” haddii uu awoodda yimaaaddo, waana xisbiga ugu rejada fiican doorashooyinka soo socda. Balse, tallaabooyinka Muqdisho ee xaalad abuurka ahi, waxa ay caddeeyeen in shacabka Soomaalilaan ka midaysan yihiin oo taageersan yihiin madaxbanaanida, taas oo uu Tweet uu qoray uu ku sii caddeeyay guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu yidhi; “Soomaalilaan hal ummad ayay isku tahay, hadalladii Xamse Barre ka soo yeedhayna waa kuwo kala qaybinta shacabkayaga looga dan lahaa”, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in ay aragtida xibigiisu tahay ka shaqaynta “Gooni isu taagga Soomaalilaan, iyo walaaltinimada shacabkeeda.”
Muqdisho khilaafaadkii labada dhinac, waxa ay u rartay dhan cusub oo khatar galin karta nolosha maalinlaha ah ee shacabka. Dadka sida dhaw u la socda xaaladda siyaasadeed ee gobolku waxa ay sheegayaan in aan tallaabooyinka Muqdisho qorshaynaysaa intaa ku ekayn, sida ay sheegeen ilo ka ag dhaw Maamulka Dekadaha Soomaaliya, maamulku waxa uu qorshaynayaa in uu ku soo rogo habraacyo iyo lacagaad khidmad ah shirkadaha maraakiibta ee caalamiga ah, ee ka hawlgala dekadda Berbera, si ay u sugto waxa ay Muqdisho ugu yeedhay “Qarannimadeeda”, kaas oo ay ku gaadhayso in ay khidmad ku qaadato adeegyada dekadda iyo negaanshiyaha. Talaabooyinkan in ay Muqdisho qaadayso wax la fogaysan karo ma aha, gaar ahaan hadda oo ay qorshaynayso in ay kordhiso dakhliga dekadaha iyo cashuuraha si ay u yarayso hoos u dhaca miisaaniyadda. Isaga oo arrintan xaqiijinaya waxa uu bartiisa madasha X ku qoray safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababi; in xukuumadiisu qaadi doonto talaabooyin ay ku sugayso madaxbannaanida qarameed ee dekadaha dalka, isagoo tilmaamay in dhawaan habraacyo lagu soo rogi doono shirkada maraakiibta xamuulka.
Haddaba, innaga oo arrintaas ku dul dhisayna, dhawr waji middood ayuu qalalaasuhu qaadan doonaa, go’aannada Muqdishi ka soo saartay shirkadaha duulimaadka, xawaaladaha iyo shirkadaha maraakiibta, kuwo la mid ah ayay Soomaalilaanna qaadan doontaa, iyadoo kala duwanaansho ku salaysan waxa shirkadu ka shaqayso iyo halka laga leeyahay uu jiri doono. Waa tan koowaade; xawaaladaha iyo shirkadaha maraakiibta waxaa la siin doonaa isla jawaabtii shirkadaha duulimaadka la siiyay, haddii ay ka dhego adaygaana tallaabo sharci ah ayay Soomaalilaan ka qaadi doontaa, taas oo keeni doonta in ay shirkadahani joojiyaan in ay adeegyadooda ka bixiyaan gudaha Soomaalilaan, sidaasna Soomaalilaan waxa ay ku xaqiijinaysaa in ay dhawrto madaxbanaanideeda iyo qaranimadeeda, iyada oo taa ku beddelnaysa in ay shacabkeeda ku soo rogto wax u eeg cunoqabatayn, sidaas bayna Muqdisho yoolkeedii ahaa in ay dhakada ka saarto shacabka Soomaalilaan cawaaqibta qalalaasaha ku gaadhaysaa.
Laba; in muddadii ay u qabatay Soomaalilaan ay shirkadaha duulimaadka kaga noqdaan tallaabadii ay magaca Soomaalilaan ku tireen, oo ay xawaaladaha iyo shirkadaha maraakiibtuna ka dhego adaygaan amaradda Muqdisho, taasna shirkadahani waxa ay ku waayayaan in ay adeegyadooda ku dhex iibiyaan Soomaaliya gudaheeda, cawaaqibta dhaqaale iyo lacageedna waxa ay dhakada ka fuulaysaa shacabka Soomaaliya, Soomaalilaana wax aqoonsi u eeg ayay ka helaysaa sharikadaha, waxaana xoogaysanaya madaxbannaanideeda.
Wajiga saddexaad, oo aan u ekayn mid suuragal ah, waa in tallaabooyinka Muqdisho qaaday ay Soomaalilaan ku riixaan in ay ka noqoto isafgaradkii ay la saxeexatay Itoobbiya, markaa wax kale uma bannaana, aan ka ahayn in ay sii waddo go’aannada ay ku cunoqabataynayso Soomaalilaan, xataa hadday gaadho in ay awood adeegsato. Sidoo kale waxa ay Muqdisho samayn kartaa in ay dacwad ku furto shirkadaha u hoggaansami waaya awaamiirteeda ee Soomaalilaan ka hawgala.
Xaalladani waxa ay la mid noqon doontaa sida arrintii ka qabsatay dawladda Ciraaq, gobolka Kurdistaan. In ay Muqdisho guul ka gaadhana waxa ay ku xidhnaan doontaa, mawqifka dawladduhu qaataan, gaar ahaan arrinta la xidhiidha shirkadaha duulimaadka ee Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines, oo mawqifkoodu waxa uu noqon doonaa mid ka turjuma ka dawladdahooda.
Tallaabooyinka ay Muqdisho qaadatay waxa uu khilafayaa yoolkii xukuumada Xasan Sheekh ee ahaa, midnimada Soomaalida, oo shacabka Soomaalilaan tallaabooyinka qoorqabadka kuma aqbalayaan in ay qayb kaga noqdaan Soomaaliya ee waa ba ay ka sii fogaynaysaa, oo waxa ay keenaysaa in ay ku sii adkaystaan madaxbannaanidooda iyo dedaalada aqoonsi raadinta. Sidoo kale, tallaabooyinkani waxa ay xaalad adag galinayaan tiroyarta reer Soomaalilaan ee taageersan midnimada, sida mudanayaasha aanay Soomaalilaan ogolayn ee shacabka Soomaalilaan ku metela baarlamaanka federalka Soomaaliya – kuwaas oo ay xukuumada Xasan Sheekh kala dooransiisay laba daran. Kow, in ay taageeraan tallaabooyinka ay qaadday xukuumada federaalku oo ay sheegtay in ay ku sugayso midnimada Soomaaliya, taas oo ka dhigan in ay ka qayb qaataan waxyeelaynta shacabkii ay rabeen in ay metelaan. Laba, in ay gooni- istaagga taageeraan, labada xaal kii dhacaba waxa ay Muqdisho uga dhignaanaysaa in ay xaqiijisay cagsiga hadafkii ay u socotay.