Skip to main content

Monday 16 September 2024

Waraysi

Isbaarooyinku Maxay inaga Barayaan Xidhiidhka ka Dhexeeya Qabiillada Soomaalida iyo Dhulka?

26 August, 2024
Image
isbaaro
Share
Warqad ay dhawaan daabaceen, koox cilmibaadhayaal ah ayaa waxa ay ku dooddeen in isbaarooyinka Soomaaliya ay ina siinayaan fursad aan ugu kuurgalno ugana fekerno sida iyo sababta ay beelaha Soomaalidu dhul u sheegtaan, waa lafagur cusub oo muhiim ah, taas oo dib u eegaysa sida aan uga fekerno dawlad dhiska Soomaaliya.

Horaantii Ogos ayaa Norman iyo laba cilmibaadhe oo ay wadashaqeeyaan, Cabdiraxmaan Iidle iyo Peer Schouten (Mr Roadblock), waxa ay baahiyeen warqad cilmibaadhis ay wadaan ka warbixinaysa, taas oo ay ku baadheen hawlgalada isbaarooyinka Soomaaliya. Cid kasta oo dalka ku dhex safartaa waa wax ay arki karto, beryahan danbena waa ba ay sii bateen. 

Jidgooyooyinkan waxa badanaa gaadhka ka haya wiilal dhallinyaro ah oo ku hubaysan AK47. Agabka loo adeegsanayo jidgooyadu waa ay kala duwan yihiin; haddii ay tahay dhagaxaan waaweyn oo jidka badhtankiisa la dhigo iyo silsilad weyn oo laba geed lagu kala xidho. Qofka isbaarada ilaalinayaa badanaa waxa uu hadhsadaa jidka dhinaciisa isagoo shaahiisa iska fiiqsanaya, qaad iyo baakidh sigaar ah oo uu waqtiga isku dhaafiyana haysta. Kolka aad isbaarada soo gaadho, waad joogsanaysaa, haddii aanay ka jajabnayn ninka ilaalinaya gaadhka salaan iyo waraysi guud ayaa aad isweydaarsanaysaan, ka hor inta aanad bixin mushqaayadda lagaaga baahan yahay. Isbaarooyinku waxa ay badanaa ku baahsan yihiin dalalka dawladdu daciifka tahay, balse, Norman, Cabdiraxmaan iyo Peer waxa ay ku dooddeen in ay cilmibaadhistooda ku ogaadeen in aan waxa dabada ka riixaya isbaarooyinka Soomaaliya ahayn dawlad la’aanta, oo ayna isbaarooyinku caqabad ku ahayn dawlad dhiska, balse arrintani ku xididdaysan tahay sida beelaha Soomaalidu u la xidhiidhaan dhulka, iyo sida ay isbaarooyinku u noqdeen il dakhli laga soo saaro.

Warqada oo dhamaystiran halkan ayaa aad ka akhrisan kartaa. Hadda ba Jethro Norman oo ka mid ah qoraayada warqadan ayaa aan ka waraysannay cilmibaadhista, Jethro waxa uu cilmibaadhe ka yahay Mac’hadka cilmibaadhista caalamiga ah ee Danish Institute for International Studies, waana cilmibaadhe darsa qawmiyadaha (Ethnographer) kaas oo takhasuskiisu yahay Soomaaliya.

Faysal Cali: Maxaa idinku riixay adiga iyo cilmibaadhayaasha kale ee kula shaqaynayey in aad uga fekertaan isbaarooyinku in ay yihiin dhan muhiim ah oo wax badan ka iftiiminaysa waayaha Soomaalida, oo mudan in si qotodheer loogu kuurgalo?

Jethro Norman: Si gaar ah ayaa aan u danaynaynay isbaarooyinka, waayo, waxa ay khilaafsan yihiin sida loo qaybiyo awoodda, ee kala ah mid dawli ah iyo mid aan dawli ahayn. In kastoo ay ka turjumaan xuduudaha maamulada iyo istaraatiijiyada dakhli ururinta ee xukuumada, haddana sidoo kale waa kuwo muujinaya sida qabiilooyinku u kala sheegtaan maamulka jidadka iyo gaadhista khayraadka. Waxa aan ku bilawnay, in aan u eegno isbaarooyinku sidii oo ay yihiin waax yar oo sawir ka bixinaysa bulshada Soomaalida guud ahaan, taas oo ina siinaysa daaqad aan ka dhugan karno, sidoo kalena aan ugu kuurgali karno qodobbada isku qoofalan ee qaabaynaya nolosha Soomaalida. Aragtidayadu waxa ay ahayd in aan lafagurno waxa ka socda isbaarooyinka, halkii aan kaliya u arki lahayn caqabad ku gudban dawlad dhiska ama aan u arki lahayn calaamad muujinaysa fashilka dawladda – sidan ayaa ay uga warramaan daraasadaha ku saabsan isbaarooyinku – dabadeed, waxa aan hindisi karnaa fahan xeeldheer oo ku saabsan siyaasadda Soomaalida iyo sida ay isula falgalaan bulshadu (Social dynamic).

FA: Markaa, waxa aad ku dooddaysaan in aynnaan isbaarooyinka u arag kaliya in ay yihiin caqabad ku gudban dawlad dhiska ama caalamad muujinaysa fashil dawladdeed, balse, aynu ku eegno indho cusub. Haddaba, sidee bay tani u la xidhiidhaa soo ifbaxa maamul goboleedyada qabiilka ku dhisan?

JN: In kastoo aannaan ka bixin sharaxaad toos ah soo ifbaxa maamul goboleedyada qabiilka ku dhisan, haddana, waxa aan ku doodnay isa saamaynta ka dhaxaysa xuduudaha beelaha, haybta iyo maamulka marinnada ganacsigu (isbaarooyinka) in ay qaabeeyeen muuqaalka siyaasadda Soomaalida, waliba u qaabeeyeen hab khuseeya fahanka koboca maamul goboleedyada qabiilka ku dhisan.

Waa marka koowaad e, kolka Soomaaliya la joogo xidhiidh dheer ayaa ka dhexeeya xuduud beeleedka iyo maamulka marinnada ganacsiga. Qarnigii 19-aad, dhulka Soomaalida kama ay jirin awood dhexe oo dhulka maamushaa, taas baa keentay in beeluhu ay si buuxda u maamulaan xuduudahooda, iyagoo geeddiyada ganacsi ka qaadi jiray khidmad ay ku dhex maraan dhulkooda (abaanimo). Xeerkan taariikhiga ah ee beelaha Soomaalida u dhexeeyay ayaa u jid banneeyay in la isku xidho haybta qabiilka iyo maamulka xuduudka, gaar ahaan goobaha leh muhiimad dhaqaale.

Waxa ay arrintani dib u soo laabatay ka dib markii uu dhacay taliskii Siyaad Barre 1991, ee ay isbaarooyinkuna aad u fideen. Markii dawladdii dhexe burburtay qabiil walbaa waxa uu dib gacanta ugu dhigay xuduudihiisii, iyagoo isbaarooyin u isticmaalaya si ay dakhli uga soo saaraan, sidoo kalena ugu muujiyaan awooddooda maamul. Xilligan oo badanaa loogu yeedho waagii “dagaalka isbaarooyinka,” waa mid caddayn u ah xidhiidhka qotodadheer ee ka dhexeeya haybta qabiilka, maamulka xuduudaha iyo gaadhista khayraadka kolka la eego waaqaca Soomaalida. Maanta, isbaarooyinku waxa ay kulmiyaan shabakado xidhiidh oo aad u kala duwan, kuwaas oo kala ah maleeshiyo beeleedyada, dawladdaha hoose iyo xoogagga federaalka. Nidaam la’aanta iyo kartida la jaanqaadista xaaladaha soo cusboonaadaa ee isbaarooyinka waa mid ka turjumaysa waaqaca guud ee siyaasadda Soomaalida, halkaas oo haykalkii rasmiga ahaa ee dawladdu uu ku dhafmay oo uu sidoo kalena loollan kula jiro nidaamyada awooddeed ee qabiilka ku salaysan.

Haddaba, hannaankan ay beeluhu maamulaan xuduudaha iyo khayraadka waxa ay noqotay dhaqan joogto ah oo qayb ka ah nolosha siyaasaddeed ee Soomaalida, taas oo aan filayo in ay sida muuqata saameyn ku leedahay soo ifbaxa nidaamka federaalka ee qabiilka ku salaysan. Kolkii, la waayay xukuumad dhexe oo awood u leh in ay awooddeeda ku baahiso dalka oo dhan, federaalka ayaa xal wax lagu wadi karo loo arkay, nidaamka federaaliga ahi waxa uu xoogga saaraa awood qaybsiga iyo maamul daadejinta, waana mid ka turjumaysa haykalka awooddeed ee ku xididdaysan kuna dhisan qabiilka.

FC: Maxaa ay yihiin farqiga u dhexeeya sida qabiiladu u la xidhiidhaan dhulka iyo sida hay’adaha dawladnimada casriga ahi u la xidhiidhaan dhulka, taas oo ah qodobka aad ku dul dhisteen cilmibaadhistiina?

JN: Aad bay u kala duwan yihiin qaabka qabiilooyinku u la xidhiidhaan dhulka iyo hannaanka dawladdaha casriga ahi u la xidhiidhaan. Xidhiidhka haybta qabiilka iyo maamulka xuduuduhu waa mid ku xididdaysan hab nololeedka taariikheed ee raacatada, ganacsiga iyo khilaafaadka, oo iyaga dhulku uma aha kaliya masaaxo maaddi ah, balse, waa baro leh muhiimad bulsheed iyo mid dhaqan, taas oo qaabaysa haybta, nidaamka bulsheed iyo galaangalka siyaasaddeed. Tusaale ahaan, nidaamkii abaanimada, ee beeluhu geeddiyada ganacsiga ee dhulkooda dhex maraya mushqaayadda kaga qaadi jireen, waa uu ka horreeyay dawladnimada casriga ah ee Soomaalida. Dhinac kale, tani waxa ay muujinaysaa in qabiilooyinku ay muddo dheer ku barraarugsanaayeen muhiimada dhulka, kana faa’ideysteen, iyagoo u arkayay khayraad ay tahay in la maamulo oo looga faa’ideysto si dhaqaale looga sameeyo, saameyn bulshana loogu kasbado. Iyadoo sidaa ah, haddana sheegashada dhulku waxa uu ahaa mid is bedbeddela oo aan xasilloonayn, oo sheegashada dhulku waa mid ku xidhan abtirsiinyada.

Dhanka kale, waxa aynu uga fekernaa sheegashada dawladda ee dhulka in ay tahay mid qeexan oo leh soohdimo cayiman. Muran caynkan ah, waxa aynu ku aragnaa waqooyiga, halkaas oo goboladda SSC, Soomaalilaan iyo Buntilaan ba sheegtaan. Soomaalilaan waxa ay ku sallaysaa sheegashadeeda xuduudii dawladdii gumeystaha ee Biritishka ama soohdinta dhulka Soomaalida ee Biritishku haysteen (British Somaliland), halka sheegashada Buntilaan tahay; mid ku salaysan abtirsiinyo – in qabiilada ku dhaqan dhulkan badankoodu yihiin Harti oo ay is yihiin. Farqiga u weyni waxa uu yahay in waqti marka laga soo wareego, kooxda isku abtirsiga ahi in ay ballaadhato, ama yaraato ama ay u guuraan daafaha dhulka. Halka ay xuduudaha dawladduhu ka yihiin khariirado warqad ku xardhan oo aan is beddelin.

Iyada oo sidaa ah, haddana, waxaa muhiim ah in aan hoosta ka xariiqno, in aan ka soo horjeedno kala duwanaanshaha aan sii ridnayn ee laga dhaxaysiinayo qaababka ay u wajahaan dhulka iyo awoodda nidaamka qabiilka ku salaysan iyo nidaamka dawliga ahi. Taa caksigeed, waxa aanu xoojinaynaa debecsanaanta iyo kartida la jaanqaadista xaaladaha soo cusboonaada ee isbaarooyinka Soomaaliya, waxa aanan tooshka ku ifinaynaa sida ay isku mar uga shaqayn karaan danta qabiilka iyo yoolasha dawladda.

FC: Cilmibaadhistiinu waxa ay tilmaantay in bulshooyinka la faquuqo ay yihiin kuwa dhibaatada u badan ka soo gaadho kolka beeluhu xuduudo isbaaro leh samaystaan. Maxaa ay yihiin waxyaalaha ay kala kulmaan isbaarooyinka?

JN: Bulshooyinka la faquuqo iyo bulshooyinka laga tirabadan yahay ayaa nidaamka isbaarooyinka ku qaba dhibaatooyinka ugu badan, waxa ay la kulmaan dhiigmiirasho, fursadaha ganacsiga oo laga xagliyo. Faquuqani waxa uu ka imanayaa iyaga oo aan saameyn ku lahayn gudaha nidaamka qabaliga ah oo gundhig u ah isbaarooyinka iyo maamulka gaadhista marinnada ganacsiga iyo khayraadka.

Tusaale ahaan, cilmibaadhista waxa aan ku iftiiminnay sida bulshooyinka laga tirabadan yahay ee beeraleyda ahi, sida Soomaali Baantuuga iyo Raxanweynta dega wabiyada Juba iyo Shabeelle ay yihiin kuwo si gaar ah u nugul. Marinnada gaadiidka ee bulshooyinkan waxaa dhaca shabakad isbaarooyin ah oo aad u cufan, taas oo ka dhigan in mushqaayada adeegsiga jidku noqonayo mid aad u farabadan. Arrintani waxa ay gudhinaysaa faa’idadooda, taas oo ku ridaysa meerto faqri iyo ku tiirsanaan ah. 

Waxa aan ogaannay in beeralayda laga tiradabadan yahay aannay lahayn calaaqaadka qabiil ee loo baahan yahay si aad isbaarooyinka uga gudubto adiga oo aan khasaare ku soo gaadhin. Taas waxaa ka dhashay, in ay awooddi waayaan in ay wax soo saarkooda geeyaan suuqa, taa beddelkeedana ay ku tiirsanaadaan ganacsatada beelaha waaweyn ka soo jeeda, kuwaas oo xaalladan kaga faa’ideysta beeralayda, wax soo saarkoodana kaga iibsada qiimo rakhiis ah, iyagoo sidoo kale na xakameeya gaadhista macaamiisha magaalooyinka ku nool.

Nidaamka isbaaradu sidoo kale si dadban ayaa uu u saameeyaa bulshooyinka la faquuqo, oo waxa uu kiciyaa qiimaha alaabaha iyo adeegyada asaasiga ah, maadaama oo ay isbaarooyinku yihiin kuwo dhooban dhammaan marinnada ganacsiga ee waaweyn, qiimaha cashuuraha xamuulka waxaa la saaraa badeecadda laga iibinayo macaamiisha, sidaana waxa kharashka isbaarooyinka ku bixiya macaamiisha caadiga ah oo badeecooyinkii asaasiga ah laga siiyo qiimo qaali ah. Arrintani waxa ay si darran u sii saamaysaa bulshooyinka laga tiradabadan yahay, kuwaas oo markooda hore ba ahaa dan yar dhaqaalaha ka oodan, oo aan lahayn awood wax iibsi.

Waxa laga yaabaa in uu ka qayb qaato dabciga dhiigmiirasho ee nidaamka isbaarooyinku in bulshadu taageerto nidaamyada awooddeed ee ka gedisan, sida al-Shabaab, siiba waxaa arrintan u nugul kooxaha la faquuqo. Sida la wada og yahay, al-Shabaab lafteedu waa ay qaadataa canshuuro, sidoo kalena waa ay leedahay shabakad isbaarooyin ah, balse, badanaa waxa ay isku sawirtaa in ay tahay mid u taagan “sinnaan iyo xaqsoor,” taas oo ah mid dhaqaajin karta bulshooyinka dareemaya in la deyriyay, oo ay xaqoodii duudsiyeen beelaha waaweyn ee nidaamka qabiilka ku dhisan ka taliyaa.

Marka la soo koobo, maadaama oo ay nidaamka isbaarooyinka ugu badiso ciddii leh xidhiidh qabali ah oo awood leh, waxa uu sii xoojiyaa dheelliga awooddeed ee jira, waxaana uu takoornaanta ku sii nagaadiyaa bulshada laga tiradabadan yahay.

FC: Waxa aad adeegsatay ereyga “schismogenesis” si aad u qeexdo kala qoqobnaanta bulsheed ee ay sababeen qabiilada Soomaalidu: taas oo ka dhigan marka dadku xoojiyaan haybo hoose kolka ay ilaalinayaan xuduudahooda ee ay qeexayaan kooxaha qaybta ka ah xuduudaas iyo kuwa aan ka ahayn. Cilmibaadhistiinu miyay ka warrantay kooxahan xuduudaha kala sheeganayaa in ay ku barraarugsan yihiin iyo in kale, sida ay khatarta ugu yihiin in ay Soomaaliya ka hanaqaado awood dhexe iyo hayb qarameed? Mise dan ba kama laha?

JN: Cilmibaadhistan, si toos ah ugumaanaan eegin sida kooxaha ka hawlgala isbaarooyinku ay u sababeeyaan falalkooda ka dhanka ah in ay Soomaaliya ka hanaqaado awood dhexe ama hayb qarameed. Sida ay doonto ha ahaatee, waxa aan ku doodnay in isbaarooyinku yihiin kuwo ka turjumaya, sidoo kalena dabada ka riixaya kala qoqobnaanta beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ka jirta. Taas oo ka dhigan, faa’idada dhaqaale ee ku jirta isbaarooyinku in ay dhiirigelinayso in qabiilada Soomaalidu u sii kala qoqobmaan jufooyin yar yar, oo mid kastaa loollan ugu jiro in uu xukumo marinnada la cashuuri karo. Dhinacyada kala duwan ee ka hawlgala isbaarooyinka, gaar ahaan maleeshiyaadka beeluhu waxa ay ku eegaan falalkooda danta qabiilkooda iyo loollanka awooddeed ee maxaliga ah, balse, kuma eegaan danta guud ee qaranka. In ay arrintan u sameeyaan si u la kac ah iyo nacaybshiyo ay u qabaan dawladdu, waa weydiin cajiib ah, oo mudan in baadhis dheeraad ah lagu sameeyo. Waxa la qiyaasi karaa in deegaannadu arrintan ku kala duwanaanayaan. Waxa se cad, in nidaamka dhaqaale-siyaasaddeed ee hadda jiraa uu u samaysan yahay in uu sii kordhiyo qaybsanaanta maamulada iyo kala qoqobnaanta – taas oo dhibaato weyn ku ah kooxaha ku hawlan in ay Soomaaliya mar kale ka hirgaliyaan dawlad dhexe oo awood badan.

Sannadaha soo socda waxa noo qorshaysan in aan waraysiyo dheeraad ah iyo daraasado itnogaraafik ah (Ethnographic) oo diiradda saaraya dadka ka shaqeeya isbaarooyinka in aan samayno, si aan si gaar ah ugu eegno oo fahan qotodheer uga qaadanno, sida kooxahani ay u arkaan falalkooda iyo sida ay falalkoodaasi u la xidhiidhaan fahanbixinnada awood dhexe iyo hayb qarameed.

FC: Sidee baad is leedahay waa ay tahay in cilmibaadhitiinu ay u saamayso qaabka aan uga fekerno hannaanka dawlad dhiska ee hadda Muqdisho ka socda?

JN: Cilmibaadhistayadu waxa ay soo jeedinaysaa in yoolka beesha caalamku ku rabto in ay dib uga soo noolayso Soomaaliya dawlad dhexe oo midaysan, in laga yaabo, in ay tahay mid aan ku habboonayn waaqaca awooddeed iyo maamul ee Soomaaliya ka jira.  Nidaamka isbaarooyinka waa mid xididdaysan, oo xoogeynaya maamulada dhaqdhaqaaqa iyo khayraadka ee qabiilka ku salaysan, waana mid caqabad weyn ku ah hanaqaadka awoodda dhexe. In kastoo sannado badan la isku dayay in la kobciyo haybta qarameed oo la sameeyo hay’addo dawladdeed, haddana, xidhiidhada qabiileed ayaa markasta qaabaynayay sida loo qaybsanayo awoodda, gaadhista khayraadka iyo daynaamikada khilaafaadka iyo iskaashiga. Waxa ay cilmibaadhistayadu tilmaantay, waana arrin aad u baahsan ilaa hadda e, in faragalinta debadda ka imanaysaa, oo badanaa looga dan leeyahay in lagu taageero dawlad dhiska, in ay sii xoojiso isla haykalka awooddeed ee qabiilka ku dhisan ee ay ku taamayeen in laga gudbo.

Waxa laga yaabaa in ku tiirsanaanta shurakada caalamiga ahi ugu tiirsan yihiin beelaha qaar si ay uga helaan hawl fududayn loojistik (logistical) iyo sugitaanka amnigu, in ay keento in ay khayraadka beelahani qaataan, taasina sii kordhiso saameyntooda oo ay caqabad ku noqdaan samaysanka hay’ado loo dhan yahay oo la la xisaabtami karo.

Waxa aynu u baahanahay in aan dib uga fekerno hannaanka taqliidiga ah ee aan u wajahno dawlad dhiska Soomaaliya, waxa loo baahan yahay in laga dheeraado xalalka debadda ka imanaya ee aannay is qaadanayn xaqiiqooyinka maxaliga ah iyo haykalka awoodda, waxaa loo baahan yahay in loo xidhxidho dedaalada wax ku oolka ah ee waara ee dawlad dhiska. Taas oo ka dhigan, in la qiro oo la la shaqeeyo nidaamka mucaqadka ee awooddeed ee qabiilka ku salaysan, halkii la iskaga dayi lahaa in nidaam xukuumi ah dhakada in lagaga keeno. Dhan tiyari haddii laga soo eegana, waxa ay ka dhigan tahay, in la la shaqeeyo awooddaha xooggan ee qoqobka wada ee aan laga soo horjeedsan, iyada oo isla jeerkaasna xoogga la saarayo heshiisyada siyaasaddeed ee loo dhan yahay, kuwaas oo ah kuwo ka jawaabaya baahiyaha bulshooyinka la takooro, sidoo kale na hoos u dhigaya saameynta taban ee kala qoqobnaantan.