Skip to main content

Friday 20 September 2024

Sheeko

Filanwaa jacayl

9 May, 2024
Image
Han iyo Hagardaamo
Share

Garooc ka mid ah, Buugga "HAN IYO HAGARDAAMO" (2022), oo uu qoraa Maxamuud Ibaraahim "Xaaji" la wadaagay Geeska.

 

...Dalmar iyo Donna, saq dhexe ayay ka soo dhammaadeen Westsate Mall. Waxaana loo soo kacay dhankii Chester House. Sidii habeen-hore oo kale, ayaa fadhigii lagu negaaday. Cabitaanno kala jaadjaad ah, iyo cuntooyin khafiif ah ayaa miiska la soo dhigtay. Filimmadii caawa iyo xalay la galay, ayaa marba mid la faaqiday. Marna xilligii Koonfur Afrika ay wada joogeen iyo waxyaalihii xiisaha lahaa ee ay soo wada mareen – baa dib loogu noqdaa. Mar buugaag la akhriyey ayaa la wadaagaa. Marmarka qaarkoodna, waxaa si aad ah loogu dheeraadaa, siyaasadda adduunka iyo caddaallad-darrada lagu hayo dadyoowga laga awoodda iyo dhaqaalaha badan yahay. 

Donna, weligeed cag ma aanay dhigin geyi Soomaaliyeed. Hase yeeshee, Nayroobi, London iyo Koonfur Afrikaba waa ay ku aragtay dad Soomaaliyeed oo jooga. Dalmar hortiis, iyada iyo qof Soomaali ah sheeko ma ay dhex marin. Inkasta oo uu Dalmar dhib badan kala soo kulmay dadkiisa Soomaaliyeed, haddana mar qudha wax aan wanaag ahayn ugama sheegin Donna. Berrito subax waa Axad. Donna waxa ay galabnimada ku qoran tahay diyaaradda Kigali u baxaysa. Subaxnimada Isniinta ee soo aaddanna, Dalmar iyo Donna mid walba waxaa laga rabaa shaqadiisii. 

Subixii Axadda markii la soo toosay, waxa laga quraacday meeshii ay degganaayeen. Maalinnimadiina waxaa loo qado tegey makhaayad Soomaaliyeed oo badhtamaha magaalada Nayroobi ku taalla. Donna waxa ay aad iyo aad uga heshay dhadhankii cuntada Soomaalida. Ammaan badan ayay ku miistay. “Waa aan jeclaan lahaa, in cuntadan oo kale, aan samayn kari lahaa,” ayay tiri. Waxa ayna sii raacisay, iyada oo Dalmar eegaysa oo dhoollacadaynaysa, “laakiin, mar haddii aan Dalmar haysto, danba waan u baran.” Dalmar, oo isagu is ogaa in aanu cunto karinta ku fiicnayn, ayaa ugu jawaabay, “ma waxaad u malaynaysaa, in aan kugu dhaamo cunto karinta.” “Dhib ma leh, dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalatay, ayaa labaneennaba ina tabobaraya,” ayay haddana tiri.

Dib ayaa loogu laabtay Chester House, waxaana ay biloowday in ay alaabteedii xidhxidhato, una diyaar garoowdo safarkeedii Kigali. Maalinnimadii Sabtida ee la soo dhaafay waxa ay la hadashay labo qof oo ay taqaanney, kana mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Nayroobi. Dalmar in ay soo dhoweeyaan, gacanna siiyaan muddada uu cusubyahay sidii uu meesha ula qabsan lahaa ayay kala ballantay.

Tagsi ayaa la qabsaday, waxana la isu raacay, dhankii gegida diyaaraha ee Jomo Kenyatta. Donna, markii ay ku xerootay halkii ay ka dhoofi lahayd, ayay Dalmar u dhiibtay, kartoon yar oo ubax widhwidhayaa dhexda kaga meersan yahay. Isaga oo dhinacna ka faraxsan, dhanka kalena ka yara yaabban waxa kaga soo bixi doona, ayuu ka guddoomay. Si kal iyo laab ah ayuu ugu mahadceliyey. Markaas ayay inta laabta, laabta u saartay, ay labada dhaban ka dhunkatay! Dabadeedna iyada oo indhaheeda ilmo ka da’ayso ayay ka dhaqaaqday. Labo tallaabo markii ay qaadday, ayay inta gacanta u soo taagtay, oo calaacasheeda dhunkatay, iyada oo qummaati u soo eegaysa ku tiri “I LOVE YOU,” dabadeedna, isaga oo meeshiisii taagan oo weli sii qooraansanaya, wax hadal ahina aanu ka soo bixin, bay irridkii diyaaraddeedu ka baxeysey ay gashay. 

Dhawr daqiiqo ayuu meeshii taagnaa, oo dhanna u dhaqaaqi kari waayey. Waxa aad mooddaa sida ruux uu ku dhacay nabar gaadmo ah oo aanu filanayn. Waxa uu is weyddiiyey, “maxay kuugu sheegi weydey, in ay ku jeceshahay intii aad wada joogteen.” Mar waxa uu is yiri, “malaha waa ay kugu ciyaaraysaa.” Mar kalena waxa uu isugu jawaabay, “wixii ilmada ka keenay, ciyaar waa ay ka weyneyd.”

Isaga oo weli halkiisii taagan oo maahsan ayaa kartoonkii farihiisa ka siibtay, oo dhulka ku dhacay. Halhaleel ayuu uga daba booday, isaga oo naxsan oo is leh, armaaba wixii meesha ku jirey adiga oo aan arkin ay kaa burbureen! Isaga oo dhawraya ayuu afarta gees iyo dhexdaba ka taabtay. Waxa uu isku qanciyey, in wixii ku jirey ay weli bedqabaan. Kolkaas buu isaga oo sida ukunta u ilaalinaya, oo labada gacmood ku wata, uu bannaanka u soo baxay

Tagaasi bannaanka tubnayd, ayuu mid-mid isha u la raacay. Isaga oo ka dhex eegayaa, in uu ka xusho kan uu is yiraahdo – Allaylehe kan ayaa la isku aammini karayaa. Waxa uu u baqayaa ma aha naftiisa, ee waa kartoonka uu labadiisa gacmood ku hayo, oo uu ‘dhul iyo cirba u diiddan yahay’. Waxa uu ku hammiyayaa, nasiib badnaan lahaydaa, haddii adiga oo nabad qaba, aad kartoonkan caawa qolkaagi la tagtid. Maskaxdiisii oo dhanba waxa qabsaday – kartoonkan iyo waxa ku jira. “Toloow maxaa kaaga soo bixi doona,” ayay ahayd su’aasha ku taagani. Marba wax ayuu sawirtaa. Haddana, isla isagii ayaa is asaraara, oo beeniya, hummaag kalena isa soo hordhiga. 

Ugu danbayn, waxa uu isha ku dhuftay, nin oday ah oo da’ weyn – oo tagsigiisa ku dhex jira. “Allaylehe, odaygan ayaa la isku aammini karaa,” ayuu ku tallamay. Tagsigii ayuu qaatay. Dhankii magaalada ayuu u jihaystay. Muddadii uu jidka kusii jirey, waxa ay u qaybsanayd; mar uu saacadda eegayo; mar uu kartoonka dhabtiisa saaran ee uu labadiisa gacmood isu geeyey –hubinayo in uu bedqabo; iyo mar uu jidka iyo baabuurta yaacaysa ee isdabamaraysa uu hiifayo. Dhulkiiba waxa uu ula ekoonaaday in la kala durkiyey! Meesha baasi fogaa. Waxa uu jeclaystay, in gaariga uu saaran yahay oo keliya uu noqon lahaa kan laamiga saaran. Diyaarad hawada maraysa in uu gaarigi isu beddelona – kol buu ku hamiyaa! 

Si kastaba ha ahaatee, isagii oo nabadqaba, kartoonkiisana wata ayuu kaga degey halkii uu degganaa. Lacagtiisii ayuu u dedejiyey. Isaga oo hareeraha iska eegaya, sidii qof la baacsanayey oo kale, ayuu qolkiisii daf yiri. Albaabkii ayuu degdeg u xidhay, qab. Kartoonkii ayuu miis sariirta dhinaceeda ah ku hubsaday. Dib ayuu albaabkii ugu soo noqday –si uu u hubiyo, in uu xidhan yahay. Daaqada ayuu eegay. In ay si fiican u xidhantahay buu xaqiijiyey. Daaha ayuu ku hagaajiyey, si aan cidina wax uga arag. Sal muggii ayuu u fadhiistay. Markaas ayuu si qummaati ah u fiiriyey kartoonkii. Halkee ka biloowdaa furistiisa, ayuu isku qabtay. Marba gees ayuu u rogey. Si taxaddar leh, buu u ruxruxay. Haddana sanka inta uu u soo dhoweeyey buu ursaday. Indhaha ayuu isku qabsaday. Kolkaas ayuu si mug leh neef u qaatay. Haddana neeftii ayuu sii daayey. Bisinka ayuu cuskaday. Isaga oo aad mooddid in uu ka baqayo, oo gacmuhu gargariirayaan ayuu gees ka soo bilaabay.

Markii uu furay, mise gudaha waxa kaga sii dahaadhan, warqadaha dhalaala ee hadyadaha lagu duubo (gift wrapping paper). Warqaddii ayuu ka feydey. Mise haddana waxa ka sii hooseeya, isla iyadii oo kale, oo saddex wax oo is dhinacyaalla mid walba gaarkeeda ugu duuban! Si xanaaq ku jiro buu u yiri, “bal waxa ay dhibaato noo geysanayso gabadhaasi daya!” Warqadaha jilicsan ee wejiga la iskaga masaxo (soft tissue) oo miiska saarnaa ayuu soo qabsaday. Wejiga iyo qoorta oo dhidid qooyey buu iskaga tirtiray. Kolkaas, ayuu dhanka talaagadda dhugtay. Dhalo Kookekoole ah oo qaboow ayuu kala soo baxay, oo qudhqudhiyey.

Saddexdii wax ee warqaduhu ku duubnaayeen, ayuu fiiriyey. Mid uu ka bilaabo buu garan waayey. Waxa uu go’aan ku gaadhay, in uu si bakhtiyaa-nasiib ah u kala doorto. Hortiisa ayaa kortoonku yaallaye, waa uu ka sii jeestay. Indhaha isaga oo isku haysta ayuu dib u soo jeestay. Gacantiisa ayuu dhankii kartoonka u soo taagay. Shaygii ugu horreeyey ee uu taabtay ayuu dibedda u soo saaray. Isaga oo dhawraya ayuu warqaddii ku dahaadhnayd, hadba lakab soo rogey. Waxa uu gudaha ugu tegey Taay-ga luqunta lagu xidho oo midabkiisu casaan yahay. Si miyir ah ayuu miiska u saaray.

Mar labaad, ayuu falkii hore oo kale ku celiyey. Markanna waxa gacantiisu soo qabatay shaygii labaad. Waxa uu noqday, baakidh yar oo xidhan. Baakidhkan laftiisa ayaa hawl kale ku noqday – sidii loo furi lahaa – iyo weliba waxa kaga soo bixi doona. Waxa uu jeclaa, in uu markiiba arko waxa meesha ku jira. Isaga oo dhibsanaya ayuu degdeg u furay. Mise waa cadar (perfume.) Magicii ku qornaa ayuu akhriyey. Waa “Dolce and Gabbana.” Halkii taygu saarnaa ayuu dhinaciisa dhigay. 

Shaygii saddexdaad ayuu furay. Waxa kaga soo baxay koobka shaaha lagu cabbo. Koobka waxaa ku sawiran wadne weyn oo midabkiisu dhiig yahay. Waxaana ku dhinac qoran “I Love You Dalmar!” Waxa uu ku sigtay in uu dhulka kaga dhaco. Labada gacmood ayuu isugu geeyey. Hareeraha inta uu eegay, ayuu koobkii dhunkaday. Waxa uuna isaga oo koobkii la hadlaya, kor u yiri “I Love You Too, Donna,”– sidii iyada oo maqlaysa oo kale. 

Kartoonkii weynaa ayuu dhinac isaga leexiyey. Waraaqihii alaabta korka kaga duubnaa, buu kartoonkii ku celiyey. Caagado iyo dhalooyin uu hore biyo uga cabbey oo miiska u saarnaana – wuu ku guray. Dharkii buu beddeshay. Xamaamka ayuu galay si uu biyo isugu rogo. Intii uu qubeyska ku jirey, ayaa waxa maskaxdiisa ku soo dhacay, “armaa kartoonka salkiisa wax ku sii hadhsanaayeen!” Xamaamkii ayuu dhakhso uga soo booday. Kartoonkii ayuu qashinkii ka soo qufay isaga oo degdegsan. Si aad ah ayuu u fatishay. Waxa uu salka hoose ugu tegey, boqshad xidhan. Waa uu furay.

“Gacaliye Dalmar,

In badan baan ka fekeray sidii aan kuugu sheegi lahaa, waxa naftaydu dareemaysey. Haddana waa aan ka cabsaday. Ma hubo waxa sababayey, in aan awoodi kari waayo, in aan kula wadaago dareenkayga. Warqado badan ayaan qoray, haddana dib baan u jeexjeexay. Qaar kalena iyaga oo qoran, ayaan weli hayaa. Halkii ay ahayd in aan adiga kula wadaago, aniga ayaa isla wadaagay. Marka aan dib u akhriyoba waa aan ilmeeyaa. Maanta ayaa Ilaah qaddaray, in aan warqaddan kula wadaago. Awood iga sarraysa, ayaa igu tiri, ‘waa waqtigii saxda ahaa, ee aad la wadaagi lahayd dareenkaaga.’ Safarka aan Kigali ku imid ma uu ahayn mid qorshaysnaa. Shaqo degdeg ku timid ayaa la iigu soo diray. Hadda ayaan fahmay, in qorshe iga weyn oo kor ka yimid uu jirey. Kaas oo looga dan lahaa, in aynu is aragno - oo aan warqaddan gacanta kaaga dhiibo. Aan kuu sheego dareenkaygu waxa uu ku saabsanaa. Waa dareen kalgacal. Naftayda ayaa kugu qanacday. Saddexdii sannadood ee u danbeysey, hammi aan adiga ahayn ma aan lahayn. Indhahayga iyo qalbigayguba dhankaaga ayay soo eegayeen. Arrinta aan maanta rabaa in aan kula wadaago waxa weeye, in aan jacaylkaaga la ildaranahay. Waxa aan rajaynayaa, in aad ii gargaari doontid, oo naftan aad dawadeeda tahay, aad badbaadin doontid.

                                                                    I LOVE YOU

                                                    DONNA RADCLIFFE.” 

 

Warqaddii ayuu dhowr mar dib u akhriyey. Si fiican ayuu uga bogtey. Hadyaddii oo dhinaciisa taalley ayuu eegay. Dabadeedna, kumbiyuutarkiisa ayuu shiday. Waxa uu furay khaanaddii sawirrada. Waxa uu mid-mid u daawaday wax Alla iyo wixii uu sawirro ka hayey Donna. Su’aalo badan ayaa maankiisa ku soo hoobtay. “Ma qoftaa quruxdaa Ilaahay u abuuray, ayaa maanta adiga Dalmar ah kaa soo duldhacday? Ma ka dhab baa, in ay ku jeceshahay? Armay sidii Deeqa cidla kaaga dhaqaaqdaa?” Haddana waxa uu isku qanciyaa, “Ilaahay tan ayuu nabsi-bax kaaga dhigayaa, oo wixii ku soo maray aad kaga nasan doontaa.”

Waxa uu ku talo galay, in uu farriin degdeg ah u qoro. Haddana waxa uu is yiri, ha degdegine bal waagu ha beryo. Makhaayad goobta uu degganyahay gudaheeda ku taalley ayuu u casho tegey. Ma nin cunto ka degeysaa. Waxa uu soo xusuustay hees ay qaadi jirtey (AHN) Saado Cali, ereyadeedana ay ka mid ahaayeen, “Sida roon Rabbaa oge, Wallee aniga la i raray!” Waxa isku taagtay su’aal muhiim ula muuqatay. “Ma naag gaalo ah ayaad guursan kartaa?” Waxa uu isku qanciyey, mar haddii iyadu ay ku jeceshahay, kuuna sheegtay in ay kuu dhimanayso, Alleylehe u soo bandhig adiguna in ay Diinta Islaamka qaadato. Haddana waxa uu is weyddiiyey wixii uu yeeli lahaa, haddii ay ka diiddo soo jeedintiisa. Markaas ayuu haddana isku qanciyey, in Diinta Islaamku ragga u bannaysey in ay guursan karaan ‘dumarka ehlu-kitaabka ah.’

Farriin gaaban ayuu u qoray Donna. Emailkeeda ayuu ugu diray. Inkasta oo ay safar ka timid, hadana ma aanay ahayn, qof hurdo ku soo dhacayso. Gantaalihii jacaylka ayaa gubaya oo ay ka gam’i la’dahay. Sanqadhii farriintu markii ay telefoonkeeda ku soo dhacdayba, waa ay fiirisay. Mise waa farriin Dalmar ka timid. Emailkii ayay furtay. Iyada oo aan hubin waxa kaga soo bixi doona, ayay dareen welwel leh ku akhriday. 

“Gacaliso Donna,

Waad ku mahadsantahay hadyadda qiimaha badan ee aad i guddoonsiisay. Micno weyn ayay ii samaynaysaa, mana illaawayo inta aan noolahay. Waxa kale oo aanan illaawayn sidii aad iigu wehel yeeshay - labadii maalmood ee la soo dhaafay. Ku darso oo, maalmihii wacnaa ee Koonfur Afrika aynu ku wada qaadannay waa qayb taariikhdayda ka mid ah - oo maskaxdayda ku xardhan. Waa aan akhriyey warqaddii aad sida quruxda badan u qortay. Waxa ay igu abuurtay dareen aanu noociisa oo kale hore ii soo marin. Dareen aanan qalin iyo waraaq ku suurayn karayn. 

Intaa waxaa ii dheer, qacdii iigu kaa aragti dambeysey, fallaadhii aad igu soo gantay. Fallaadhaasi halkii ay i qoontay weli waa ay i damqanaysaa. Waxa ii weheliya, in aanad fursad ii siin, in aan fallaadhaas iska jaro, iyada oo iga likaysan ayaad galbatay. 

Jacayl gaaxsanaayoo

Guyaal aad la jiiftoo

Kuu diiday gama’ aad

Guudka iga saartaye

Gantaalahii cishqiga iyo

Falaadhahaad gamaysaa

Wadnahayga goomoo

Garkaa dhiigga habayee

Caashiqii ku gubi jirey

Anna way gilgilayaa

Maanta waa gudboonnahay

Waanan kaa guddoomaye

Garabkaaga iga filo.”

                                                               I love you

                                                                Dalmar.

Iyada oo weli kala saari la, in waxani uu riyo yahay, iyo in uu dhab yahay, ayay sariirtii ka soo degtay. Kursi agteeda yaalla ayay sal-muggii ugu fadhiisatay. Hareeraha ayay eegtay. Waxa ay hubisay in ay keligeed tahay, iyo in kale! Mar kale ayay sadar-sadar u akhriday, - si ay u xaqiijiso. Laba goor markii ay akhriday, ayay ilmaysay. Telefoonkeedii gacanta, ayay soo qabsatay. Waxa “dareenkeeda lixaad” uu u sheegay, in wax kastaa ay dhici karaane, warqaddan ay kaydkeeda geliso. Sawir ayay warqaddii ku boobtay. Meel kasta oo ay wax ku kaydsan karto – koobbi danabaysan (electronic copy) bay u dirtay...

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Qoyskayaga iyo Qaxii Taleex (1920)