Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Fan

Iftin: Kooxdii Cirka Geysay Miyuusigga Soomaaliya

14 June, 2024
Image
Iftin Band
Koox-faneeddii Iftin waxay ka mid ahayd kuwa ugu heerka sarreeya Soomaaliya (Sawirka: MEE)
Share
Kooxda Iftin waxay u taagan tahay barisamaadkii xornimada dabadeed, iyo wacyigalintii fayoqabka guud, iyo barashada akhriskiyo qoraalka.

Ilaa waqti aad u fog oo ka soo bilaabmaya qarnigii labaatanaad, ayaa Muqdisho loo yaqaannay Jooharaddii Badweynta Hindiya (Pearl of the Indian Ocean); xeebo ugub ah, iyo magaalo dunida u furan ayay ku caan ahayd. Sumcaddaasi waa dhaxal ay ka heshay sooyaalkeeda iyo goobta ay ku taallo, oo ah barta ay iska jaraan marinnada ka kala yimaadda Afrika, Eeshiya iyo Yurub. Magaaladani qarniyo badan ayay udubdhexaad ganacsiga u ahayd.

Intii u dhexaysay lixdamaadkii ilaa siddeetamaadkii qarnigii hore, magaaladani waxay martigalin jirtay dalxiisayaal u soo dheelmaday inay ku raaxaystaan biyaheeda dhagax-baruurka ka cad, iyo sidoo kale nashqaddeeda sida bilicda leh isugu mishay raadadkii Talyaaniga, Beershiyaanka, Islaamka iyo Afrikaannimada.

“Muqdisho gabi ahaanba way is dhalanrogtay” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ciise oo ah cilmibaadhe Soomaaliyeed oo ay jaal yihiin qoraaga caanka ah ee buugga Mogadishu Memoir, Xasan Abubakar. “Muqdisho qurux badan ayaa lixdamaadkii iyo toddobaatanaadkii jirtay,” ayuu Cabdiraxmaan yidhi, isagoo sii raaciyay in wax kasta uu dooriyay dagaalkii sokeeye, sida uu u sheegay warbaahinta Middle East Eye.

Muyuusig dananaya iyo muuqaal faneed

Sannadihii dahabiga ahaa ee Muqdisho waxa udubdhexaad u ahaa muyuusigga, oo ay ku lammaan yihiin cawaysyo diirran iyo muuqaalka farshaxanka ah ee magaaladu. Waaberi, Bakaaka, iyo Durdur ayaa ka mid ahaa kooxihii bili jiray.

Dhab ahaan se, habdhicii iyo jiibtii muyuusigga ee Muqdisho qalbiga ka xaday, kii Iftin ayuu ahaa, iyadoo kooxdu raad muyuusig oo lama-illaawaan ah ku reebtay.

“Kolka aan maqlo Kooxda Iftin, waxa igu soo dhaca qalab aad u kala jaadjaad ah, saa waxa jira illeyn qaabab kala duwan oo muyuusig ahe” ayuu yidhi Fik Sohooni (Vik Sohonie), muyuusig-soosaare iyo asaasaha shirkadda Ostinato Records.

“Sidoo kale, Iftin waxay boos ku leedahay male’awaalka Soomaaliya. Dhammaan kooxaha kale heer sare ayay ahaayeen, laakiin Iftin ayaa boqor u ahayd; kuwa mudan ayay ugu mudnayd,” ayuu u sii raaciyay warbaahinta MEE.

Dedaal lagu soo faagayay laguna soo noolaynayay hibadoodii ka dib, dhawaan ayay si madaxbannaan u soo saartay shirkadda Ostinato Records, ee fadhigeedu yahay Niyuu Yoork, albankii koowaad ee Kooxda Iftin. Waa albanka 14-ka heesood ku jiraan ee loo bixiyay Xulkii Muqdisho (Mogadishu’s Finest), kaas oo ay ku jiraan qaar ka mida heesohoodii ugu hallaasisanaa, uguna debacsanaa.

Ururinta cajaladaha heesaha lumay (Lost Somali Tapes from the Horn of Africa) albankaa sare uun kuma joogsan, ee sannadkii 2017-kii waxa la soo saaray alban kale oo ku tartatamay abaalmarinta Garaami (Grammy Awards), laguna magacaabay “Sweet As Broken Dates”.

Muyuusigga marxaladdii gumaystaha ka dib

Aasaaskii Kooxda Iftin waxa ay ku beegan tahay toddobaatanaadkii, kolkaas oo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya abuurtay kooxdan noqon doonta Iftin A, 15 sanno uun ka dib kolkii dalkani gobonimada helay, sida ku cad buugyare la socday albankii cusbaa.

Si la mid ah kooxaha kale ee qaramada Afriki gacanta ku hayeen, kolkii ay heeryada gumaysiga iska kor qaadeen, ayay Iftinna u ciyaaraysay door dhaqan, waxbarasho iyo mid siyaasadeed.

“Dhallinyaro fannaaniin ah ayay tababareen [wasaaraddu], kuwaasoo loo qaabeeyay sidii kooxda xidhiidhka bulshada, si ay farriimaha bulshada ugu fidiyaan, isla markaana u hawlgala sidii ay dalkoo dhan bandhigyo ugu qaban lahaayeen,” ayuu yidhi Sahooni. “Sheekada Iftin waxay si aad ah xidhiidh ula leedahay sooyaalka waayihii gumaysiga ka dambeeyay iyo horumarkii ka hanaqaaday Soomaaliya iyo Muqdisho waagaas,” ayuu sii raaciyay.

Dabayaaqadii qarnigii 19aad ayay qabsadeen Soomaaliya xoogaggii Yurub, iyadoo Ingiriiska iyo Talyaanigu laba qaybood oo ka mida dhulka Soomaalida ay gumaysteen, kuwaasoo loogu yeedhi jiray magaca Somaliland. Labadaa qaybood ayaa madaxbannaanidii 1960-kii ka dib sameeyay dalkan aynu hadda u naqaanno ‘Jamhuuriyadda Soomaaliya’, iyada oo Aadan Cabdulle Cismaan Daar madaxweyne u noqday.

Toddoba sanno ayuu hayay talada dalkan curdinka ah madaxweyne Aadan, ilaa uu ka libaysanayay raysalwasaarihiisii hore, Cabdirashiid Sharmaarke, oo isna hoggaanka hayay ilaa laga shirqoolayay 1969-kii.

Iyadoo wali loo fadhiyo tacsidii Cabdirashiid, ayuu taliyihii ciidanka Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, afgambi aan dhiig ku daadan talada kula wareegay, nidaam cusubna dhaqangaliyay, kaasoo ugu dambayntii dalka ku shubay xayndaabkii Midawga Soofiyatiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa markiiba kharaabiyay rajiimkiisii sidii uu xuquuqda aadamaha ugu tuntay.

Taliska Maxamed Siyaad, oo si weyn ugu baraarugsanaa awoodda uu muyuusiggu u leeyahay faafinta barobagaandhada, ayay dhammaan kooxuhu hoos iman jireen, sida Iftin, oo muhimmaddeedu ahayd inay muyuusiggeeda wax ku xalliso, sida ololihii fayoqabka bulshada iyo kii akhriska iyo qoraalka.

Jidkii shaacbaxa

Bilawgii siddeetamaadkii ayay Kooxda Ifitin, oo loo aqoonsan doono Iftin B, go’aansatay inay ka go’do wasaaradda waxbarashada, una dhaqaaqday inay si madaxbannaan isu soo saarto.

“Dhallinyaradii ugu wacnaa tumista muyuusigga ayaa dawladda ka goostay, oo sameeyay kooxdan” ayuu tilmaamay Sahooni. “Waxay noqdeen koox muyuusigyahannada oo dhami ku soo hirtaan. Haddii aad ahaan lahayd muyuusigyahan hiboole ah, qasab Ifin inaad ku biirto ayaad rabi lahayd,” ayuu ku sii daray.

Si kastaba ha ahaatee, la’aantii taageerada dawladda awgeed, dhibaatooyin kala duwan ayay kooxdu la kulantay, mana sii noolaateen kooxdu haddii aanu Axmed Shariif—oo soosaaristii albankii cusbaana qayb ka ahaa—maalgalin u samayn lahayn.

Kooxda markiiba waxay isku xidhmeen huteelkii Curubo, mid ka mid ah huteelladii Muqdisho ugu magaca weynaa, kaas oo dhismihiisa badhtamihii toddobaatanaadkii la dhammeeyay. Huteel Curubo, oo la soo raaciyay madalihii kale ee Xamarweynaha qadiimka ah, ayaa martigaliyay cawaysyadii ugu shidnaa ee magaalada Muqdisho.

“Waxay ka dheeleen masraxyadii ugu heerka sarreeyay. Heesahan xulka waxa la yidhaahdaa bandhigyadii Curubo, waayo waxay u sameeyeen Huteel Curubo,” ayuu ku sharraxay Sahooni. Si la mid ah, waxa Iftin B martigalin jiray Tiyaatarkii Qaranka, kaas oo la furay 1967-kii. Dabadeed, sida uu Sahooni tilmaamay, “sida cadceedda ayay uga dhex muuqdeen Muqdisho waagaas.” “Haddii aad rabto inaad fahanto wixii Muqdisho ka socday, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba, waxa aad ka dhex fahmi kartaa Kooxda Iftin, waayo iyaga ayaa wax kaste ahaa” ayuu ku sii daray.

“Dedaalkoodii casriyaynta, iyada oo aan hiddahana laga tageyn, ayaa gaadhay meelo badan oo dalka ka mid ah,” ayay tidhi Kaaha Aadan oo uu dhalay Maxamed Aadan Sheekh, siyaasi horusocod ah oo xilal wasiirnimo soo qabtay toddobaatanaadkii, ka hor intii aanay xaadhan, Siyaadna xabsiga ku hubsan.

“Siyaasiyiinta aabbahay oo kale ah iyo kooxahani waxay iskaga mid ahaayeen: da’ yaraanta iyo dib-u-qaabaynta [casriyaynta],” ayay Kaaha Aadan ku dartay.

Haddii aad rabto inaad fahanto wixii Muqdisho ka socday, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba, waxa aad ka dhex fahmi kartaa Kooxda Iftin.

Burburkii

Sida hanaqaadkii Iftin B uu ugu xidhnaa waagaas yididdiilada lahaa, ayuu hoobashadeeduna ula socotay dhaqaale-burburkii Soomaaliya ee dabayaaqadii siddeetamaadkii. Xubnihii kooxda ayaa qalalaasaha dhaqaale iyo midka siyaasadeed awgood shaqooyin kale raadsaday, si ay nafahooda u bixiyaan.

Dabadeedna waxa bilaabantay inay midh midh dibadaha ugu hayaamaan.

Sidaas oo ay tahay, ayuu madaxweyne Siyaad Barre, oo kalitaliye bahal ah ahaa, ku sii adkaystay in uu kursiga sii xejisto, taasoo sii kordhisay is’afgaranwaagii siyaasadda, rabshaduhuna si isa soo taraysa ayay dalka ugu fidayeen.

Ugu dambayn 1991-kii ayaa xilka laga tuuray, dabadeedna uu dalka iskaga cararay, dalkiina dagaal sokeeye ayaa liqay, kaas oo ilaa maanta ka dhex holcaaya, in kasta oo ay ka go’day Somaliland, waqooyiga.

Muddo ayuu Curubo ahaa caddayn u taagan waayihii dahabiga ee marba marba ka dambeeya sii fogaanaya, laakiin waqti badan oo dagaalladu wiiqayeen ka dib, ugu dambayn 2016-kii ayuu gabi ahaanba burburay.

Dagaalku kolkii uu qarxay, malaayiintii Soomaalida ahaa ee daafaha dunida u kala firdhaday waxa laga fahmi karaa sida canjaladihii ay heesaha Iftin ku duubnaayeen ay iyaguna dunida ugu filiqsameen.

Soo-noolaynta Kooxda

Kolka aynu fiirinno naadiga Ostinato Records, arrintan soo-noolaynta kooxdu waxay ku kalliftay mashruuc safar ah oo toddoba sanno qaatay, kaas oo lagu meelaynayay, dabadeedna hab dhigital ah loogu rogayay canjalidihii ugu wacnaa ee ay ka heli karayeen meelo kala geddisan sida, Jabbuuti, Dubaay, Landhan, Muqdisho iyo Nayroobi, si albankan la isugu wada keeno.

“Soomaalidu waxay leedahay jaalliyadda Afrika ugu weyn, taasoo [dadkeedu ay] adduunkoo dhan ku filiqsan yihiin, marka laga reebo Koonfur Ameerika,” ayuu ku sharraxay Sahooni.

“Safarkani waxa uu bilaabmay kolkii aanu ka shaqaynayay mashruucayagii [kan ka horreeyay], kaasoo laga soo ururiyay kayd Somaliland ah. Laakiin waxa aanu xidhiidh fiican ka samaysannay dad daafaha dunida kala jooga,” ayuu ku daray. “Intaa ka dib waxaannu dad ku lahayn Landhan, Nayroobi, Abu Dabay, Shaariqa iyo Jabbuuti. Magaalooyinkaasi waxay ahaayeen meelaha uu kaydka canjaladaha ugu badani ceegaagay.”

“Waxa aad u xiiso leh, marka dadku ay ka fekeraan ‘halkee sooyaalka ugu badan ee muyuusigga Soomaalidu ku nool yahay’? waxay u malayn karaan Landhan ama meel kale, laakiin dhab ahaan waa Dubaay, Imaaraadka Carabta.”

Shaqadoodu inta badan waxay ku tacalluqaysay inay la xidhiidhaan fannaaniintii heesahan lahaa, si ay oggolaansho u weydiistaan.

Ostinato Records sidoo kale nuqulladii asalka ahaa may tuurin, laakiin way tarmiyeen ama dhigital ayay u rogeen, iyagoo uga tegayay asalka halka ay ka heleen.

“Hawlgalkani mid caalamiya ayuu ahaa, aadna wuu u habboonaa dhab ahaantii,” ayuu ku gabagabeeyay Sahooni.

***

Maqaalkan waxa lagu faafiyay Middle East Eye, waxana soo turjumay Xamse M. Bushaar.