Skip to main content

Friday 20 September 2024

Aragti

Jiraalka Soomaalida iyo Qalalaaseha Maareysan

18 July, 2024
Image
Swiatoslaw Wojtkowiak
Sawirka: Swiatoslaw Wojtkowiak
Share

Amintii uu guurey gumeysigii haystay Somaliland, waxa la diiwaangaliyay odhaahyo badan oo shactaro leh kuwaas oo wax ka tilmaamaya fahankii dadweyne ee gobonimada. Waxa ka mid ah in dadka qaar ay la yaabeen in weli cashuur laga doonaya, iyada oo uu gumeysigu guuray. Waxa qaarkood laga qabtay odhaah ah “oo sowtii la lahaa waa la xoroobay!” In kaste oo in badan oo sheekooyinkan ka mid ah aan hab aqooneed loo xigan karin, haddana waxa ay ka turjumayaan wacyi bulsho oo ahaa, welina ah, seeska garashada Soomaalida ee la xidhiidha dawladnimada.

Gumeysteyaashii qabsaday Soomaalidu waa ay kala dhaqan iyo sharciyad duwanaayeen. Metalan, Ingiriisku waxa uu dhulka Somaliland ku yimid hab isugu dhafan xoog iyo xeer. Goortii ugu horreysay ee uu soo gaadhay xeebaha Soomaalida waxa ay ku suntan tahay iska-caabbintii uu kala kulmay reer Berbera oo ah dagaallo ay kala hortageen hordhacii gumeysiga oo aan in badan la warin marka laga hadlayo halgankii gumeysi-diidka ee Soomaalida. lama sheego in horgalladii gumeysiga qaarkood lagu laayay Berbera, maraakiib uu Ingiriisku lahaana lagu dhacay, halka uu dhaawac la baxsaday dhulmareenkii gumeysi ee caanka noqday, Rechard Burton, dibna aanu ugu soo noqon dhulka Soomaalida. Iska-caabbintaas iyo dagaalladaas ay reer Berbera kala hortageen awgeed, waxa uu Ingiriisku awood ciidan iyo cunaqabateyn dhaqaale saaray Berbera, arrintaas oo ugu dambeyn keentay in ay aqbalaan heshiisyo uu nuxurkoodu yahay in aanay carqaladeyn danaha Ingiriiska, cid kalena aanay la gali karin wax heshiis ah, iyaga oo aan ogeysiin, iyo in dhinaciisu uu ilaaliyo danahooda iyo dalkooda. Heshiiskaas ayaanu, markii dambe, la galay dhammaan qabiilladii lahaa fidsanaanta dhuleed ee xeebta. Sidaa awgeed, Ingiriisku waxa uu Somaliland ku xukumay xeer, ha se ahaato e, xeerku waxa uu ku dhisnaa laguna dhaqan-galiyay ‘gumeysi’. Sidaas oo ay tahay, qabiilladii heshiiska galay ooa ay intooda badani ku fidsanaayeen dhulka gudeha ma ay dareemin gumeysi iyo haysasho shisheeye illaa lagu soo rogay cashuur laga qaado xoolaha nool, kuna baraarugeen in dhulkii daaqsinta lagu wareejinayo Xabashida oo ay saameyn doonto guurguurkoodii, waqtigaas oo ahaa markii ay soo dhawaatay in uu guuro maamulkii gumeysigu oo uu go’aansaday in uu dardargaliyo dhisidda maamul iyo nidaam waxbarasho oo soo saara dad dawlad wadi kara. Intaa waxii ka horreeyay, waxa dhif ahayd in ay nolosha xooloraacatada Soomaalidu la kulanto wax ku saabsan maamulkii gumeysiga, sidaa awgeed waxa ay ku noolaayeen noloshii dhaqan ee Soomaalida oo ka madhan faragalin iyo saameyn dhaqan-dhaqaale oo macne leh. 

Nolosha Soomaalidu waxa ay u badnayd, welina u badan tahay, nolosha qabiillo xooloraacato ah oo ah mid, dunida oo dhan, ku qotonta qalalaase lagu noolaan karo, ama maareysan. Noloshan waxa astaan u ah in sababaha quudka iyo biyuhu aanay sugnayn, qaab-dhismeedka qabiilka iyo hannaanka tolnimana aanu joogto ahayn oo waxa u asal ah filqan, kala farcamid iyo isu-guurguur (bohoobid). Nolosha bulsho ma leh nidaam adag oo ay ku qaadi karto kuna maareyn karto ‘bulsho ballaadhan oo cufan’. Sidaa awgeed, sameysanka qabiilku waa hannaan joogto ah oo ku qotoma kala-jab iyo jifoobid u qaybinaya qabiilka qaybo kooban oo isku xejisan kara noloshaas qalalaase ee aan sugnayn. 

Xakameyntu waa mid aad u dabacsan oo qalalaase ku dhisan; colaadaha iyo dagaalku ma aha kuwo la saadaalin karo, sida badan, oo waxa ay ka dhalan karaan qof cadhooday oo ficil ku go’aamiyay in qabiilkiisu uu dagaal galo. Guuritaanka iyo aag-beddelashada qofka iyo qoladu ma aha mid sugan ama ay cid iyo xeer tooni nidaamiyaan. Si guud, ma jiro maamul dhexe oo leh awood xakameyneed ama nidaamineed. Kolkaa, wax kaste waxa uu u furan yahay qalalaase iyo dhacdooyin aan la saadaalin karin, sida aan loo saadaalin karin sababaha nolosha ee xooloraacatada sida cirka, biyaha iyo baadka. 

Sidaas oo ay tahay, qalalaaseha aan ku tilmaannay nolosha xooloraacato ma aha qalalaase dhammeystiran. Waa qalalaase ku maareysan duruufta xooloraacato. Metalan, qabiilku ma sugna oo waa wax qaybsama, bohooba isla markaana aag-beddesha. Haddana, qabiilnimadu waa mid sugan oo asal ah oo aanay sina uga bixin nolosha xooloraacato. Colaadaha waxa kicin kara hal qof, waxa se damin kara hal qof waxana ay leedahay sababo lagu hurin karo iyo kuwo lagu dambin karo oo la isla garawsan yahay. Ma jiro maamul dhexe oo saameela qabiilka, haddana waxa jirta talo-wadareed bulsho oo ilaa heer leh fulin. Sidaa awgeed, waxa aan ku sifeynnay qalalaase maareysan. Hab-nololeedkani waa qalalaase marka lagu eego indhaha maamul dhexe oo taliya – dawlad. Ha se ahaato e, waa mid ah ay ku shaqeyso nolosha xooloraacatadu isla markaana ay yaqaannaan sida ay ula dhaqmaan uguna noolaadaan – qalalaase maareysan. 

Markii la joogo nolosha qabiil ee xooloraacato, qalalaaseha noocan ah waxa lagu tilmaami karaa habka ugu suuragalsan ee ay noloshoodu u qaabeysantay. Waxa lagu doodi karaa in uu yahay nidaamka ugu habboon ee taageeraya nolosha qabiillada xooloraacatada ah. Ha se ahaato e, hab-nololeedkani waxa uu dhibaato yahay markii la isku dayo in la hirgaliyo talis dhexe oo dawladeed. Maamulka dawladeed kuma noolaan karo qalalaaseha aan kor ku xusnay. Sababtaa awgeed, waa dhif in talis dhexe oo dawladeed ka hirgalo nolosha xooloraacatada qabiil, haddii uu ka hirgalana ma hanaqaado. Qaabyaalkan taariikheed waa mid ka jira dunida oo dhan oo meeshii ay ka jirto nolol xooloraacato kama dhisanto dawladi. Xaaladaha dhifta ah ee ay xooloraacato dhisto dawlad waxa ay, inta badan, ku dhisantaa ‘duullaan’ ay awood badan oo qabiil isugu geeyaan in ay deegaan kale ama dhul kale qabsadaan. Dawladda qabiil ee duullaanka ka dhalataa ma xidideysato oo waxa ay u burburtaa isla qalalaaseha gudeed ee nolosheeda qabiil. Inta badan dunida oo dhan, waxa ay xoolaraacatadu qayb ka noqdaan dawlad ay xuddunteedu tahay meel kale, waxana ay dawladdaas lafteeda ka noqdaan gobolka uu ka jiro maamulka ugu dabacsan, ugu nidaam yar uguna dib-dhacsan. 

Soomaalidu waa ay leedahay bulshooyin magaalo, beeraley, jillaabato iyo ugaadhsato, waxa se aad uga badan intaas oo noloshooda sunta waa xooloraacatada ku nool meesiyada kala duwan ee xoolaha waana tilmaanta ugu horreysa ee maanka ku soo dhacaysa kolkii laga soo hadal-qaado ‘Soomaali’. Markaa, waxa nolosha Soomaalida ku lammaan dhammaan tilmaamaha qalalaase bulsho oo ku maareysan hab-nololeedka xooloraacato, laakiin aan suuragalinayn sameysanka maamul dhexe oo macne leh. Nolosha maamul dhexe oo dawladeed waxa uu ku dhisan yahay nidaamsanaan jujuub ah oo marka ay ugu roon tahay xeereysan, nolosha bulsho xooloraacatona waxa ay ku dhisan tahay qalalaase maareysan. 

Marka sidaa loo sakaar-wadho xeerarka nololeed ee Soomaalida iyo shuruudaha jiraalkooda bulsho, waxa soo baxaysa weyddiin weyn oo ah: Soomaalidu ma dawladoobi kartaa? Haddii ay dawladowdana, si hagaagsan ma u dawladoobi kartaa? Nuxurka taxliilka sare waxa uu si cad jawaab taban uga bixinaya ugu yaraan weyddiinta danbe. Kolkaa, waxa, iyana, weyddiin aqooneed ah: sidee wax looga beddeli karaa shuruudaha jiraalka bulsho ee xooloraacato, si ay isu qaadan karaan nolosha madaniga ah ee ay u baahan tahay dawlad casri ah? Waa weyddiin ay tahay in wejiyo badan laga eego una baahan fikir iyo faallooyin kale.