Friday 22 November 2024
Hordhaca Turjubaanka
Faa'is Axmed Faa'is (1911–1984) wuxuu ka mid yahay, haddaanuba ugu mudnayn, abwaannada casriga ee Af Urduuga ku maansooda ama wax ku qora kuwoodii ugu tayada sarreeyay. Wuxuu astaan u ahaa fanka iyo suugaanta dulmiga iyo qooqa, nooc uu yahayba, la dagaallanta; taas darteed ayuu ula kulmay cabbudhis iyo collaysi baahsan oo dawladdiisa Baakistaan ay u muujisay iyo, dhanka kale, kalsooni iyo haybad ay dadweynaha xorriyad-jecesha ahi ku muuneeyeen.
Curiskan oo uu Faa'is ku hogatusaalaynayo fannaanka dalalka soo koraya, waxa lagu faafiyay majaladdii Lotus, tirsigeedii soo baxay Luulyo 1973 (cinwaankiisa Af Ingiriisiguna wuxuu ahaa The Artist’s Role in a Developing Country, waxana Ingiriisi u turjuntay Finna Glagoleva). Majaladda Lotus oo saddex af (Ingiriisi, Carabi, Faransiis) ku soo bixi jirtay sannadihii 1968 ilaa 1991 waxa tifaftirayaal ka ahaa rag uu Faa'is Axmed ka mid yahay (qoraagii weynaa ee reer Masar ee Yuusuf Sibaaci baa ahaa tifaftirihii lagu asaasay jariiradda; kolkii Sibaaci shirqoolka lagu dilay 1978, ayuu Faa’is xilkaa la wareegay, ilaa uu 1984 geeriyoodayna isaga ayaa ahaa tifaftiraha guud). Bishii Maarso 1968 ayaa la ballaysimay iyadoo wadata magaca Afro-Asian Writings; kolkii danbe, dabayaaqadii 1970 ayaa magaca laga beddelay oo loo bixiyay Lotus. Waxay daarranayd naqdiska suugaanta isticmaarka ka danbaysa iyo ra'yiga ku lidka ah Yurubaynta aqoonta. Waxa laga soo saari jiray dalalka Masar, Lubnaan, Tuunis, iyo Jarmalka Bari.
Curiskani wuxuu la hadlayaa, kana hadlayaa, fannaanka. Haddaba, fannaanku ku ma koobna kan heesa. Waa qof kasta oo qabta, ku shuqlan, soona saara hawl faneed; waxaba ugu weyn qofka wax qora. Kaas buu Faa'is ina barayaa kaalintiisa. Kolka dhanka laga fiiriyana, fannaan wuxuuba ka arkaa indheegarad (xasuuso sheekadii James Joyce ee A Portrait of the Artist as a Young Man). Maxaa laga rabaa fannaanka (hadduu yahay qoraa, abwaan, heesaa, laxameeye, farshaxameeye, iyo intii la halmaashaba) ka soo jeeda dunida lagu magacaabo Dalalka soo Koraya? Qarada uu leeyahay darteed baan u goostay in aan soo faqo curiskan oo Af Soomaali u soo turjumo.
— turjubaanka, Cabdicasiis Guudcadde
***
Kaalinta Fannaanka Dalalka soo Koraya
Ugu horrayn aynu isla qirno in fannaanku aanu ahayn dibusocod, qalinshubato, labawajiile, ama fulay. Aynu sidoo kale isla qirno in fannaanku xaqiiqada uu ogaaday — heer kasta oo ogaalkeedaasi uu ku yahay — aanu siisanayn jabacad boorash ah, ama aanu cabsi darteed u dayrinayn. Xaqiiqadu waa tayada ugu sarraysa ee uu dhaato, fankiisuna wuxuu ka turjumayaa xaqiiqadaas. Halkan u ma jeedo akhlaaqda fannaanka, in kasta oo tan lafteedu ay muhiim tahay, ee waxaan u jeedaa dareenka anshaxnimo ee haga fankiisa, dareenka anshaxnimo ee seeska dabiiciga ah u ah si’araggiisa ku aaddan habboonida.
Maxay tahay xaqiiqadan faneed, ilaa heerkee ayay se waxtar tahay? Waa nololaha iyo dhaqdhaqaaqyada fannaanka ee ku sargo’an saddex goobo oo isku xuddun ah oo jiraalka ka jira: goobada kowaad waa ta fankiisa, midda labaad waa ta degaanka ku hareeraysan, ta saddexaadna waa ballaadhnaanta dadnimada xilligiisa. Waxa sidoo kale jira saddex weji oo uu waqtigu leeyahay: tagto, taagan, iyo timaaddo. Goobooyinkaa jiraalka ee saddexda ah iyo saddexdaa weji ee waqtiga ayaa fannaanka, xilliga uu rabo ha joogee, u ah wadarta waaqica iyo dhammaysnaanta xaqiiqada. Heerka uu fankiisu ka turjumo xaqiiqaduna wuxuu daaha ka feydayaa heerka uu fannaanku fahansan yahay waaqica dhabta ah kolka ay isaga qudhiisa iyo degaanka ku hareeraysani isla falgalaan. Waa garashada uu fannaanku u leeyahay iskutiirsanaanta caalamka ka jirta ee u dhexaysa taariikhda iyo sababta, dhalashada iyo dhimashada, burburka iyo dhismaha, islajaanqaadka iyo islajaanqaadiwaaga. Tusaalahan garashada waxa hubaashii soo hoosgelaya qiimayn ku saabsan ashyaa’da iyo xidhiidhadu sida ay u jiraan waqti gaar ah. Heerka uu fannaanku awood u yeesho in uu soo gudbiyo waxyaabaha uu ku baraarugo ayaa jaangoynaya raadka uu ku yeelanayo waqtigiisa iyo muhiimadda uu fannaan ahaan yeelanayo. Haddii uu ku guulaysto in uu dad kale ku sababo in ay waaqica u fasiraan si ka duwan tabtii ay hore ugu haysteen, oo ay soo hoosgelayso in ay mooqif kii hore ka duwan ka qaataan xaalad bulsheed oo shaacsan, mooqifkaa is beddelay ee lagu wajahay waaqica bulsheed wuxuu mararka qaar horseedi karaaba isbeddel lagu sameeyo waaqica laftiisa. Haddii si kale loo dhigo, mar kasta oo waxqabad faneed oo wax-ku-ool ahi dhasho waxa sidoo kale abuurma caalam cusub iyo waaqic cusub. Waa taas ta fannaanka hagaagsan ka dhigaysa abuure dhab ah.
Kolka ay xaajo sidaa tahay, fannaanka dhabta ahi waa in uu, isagoo adeegsanaya fankiisa, fahmaa tagtada, taaganta iyo timaaddada dadkiisa iyo waaga uu nool yahayba si waxa uu ogaadaa uu ugu gudbismo dadyawga kale.
Maxay tahay, ama maxay bay tahay in ay noqoto, waaya’aragnimada laga rabo fannaanka maanta ka jira Afrika iyo Aasiya? Ugu horrayn, waa in ay noqoto garwaaqsiga waaya’aragnimadii tagtada laga dhaxlay. Tagtadaasna laga ma wado tii dhawayd ee ku suntanayd bahdilaaddii ay geysteen gumaystaha iyo qooqa imbiriyaaliyaddu, in kasta oo ay si dhow ugu sidkan tahay taaganta, ee waxa laga wadaa tagtada fog—dhiig iyo dahab, qaabdarro iyo qurux, foodhi iyo carrageddis, dhoobo iyo dhagax, wax ay wadatayba; waa tagtada ku suntan carrada dihin ee aan cidi u dhaqaaqin.
Dabadeed waxa ku xigaya garwaaqsiga taaganta, iyo wax alla wixii ku lammaan oo ay ka mid yihiin: yididdiilo iyo quus, guulo iyo gaabis, filasho sare iyo uurkutaallo, xorriyad dhalatay iyo talamaroorsi cusub.
Iyo, ugu danbayn, timaaddada. Waa timaaddada ku xidhan baaxadda ay leedahay aragtida fannaanku. Waxa dhici karta in uu meerahan [dhulka] yaraysto ama quudhsado haddii uu ku dhereriyo naftiisa yar, dhanka kalana uu garto in aanu xuduud lahayn oo uu ballaadhan yahay haddii uu qun u dhugto dacalladiisa ilikuwareertayda ah. Arrintani waxay, mar kale, hoos imanaysaa goobooyinkii saddexda ahaa ee isku xuddunta ahaa. Waa wax dhici karta in fannaanku uu si fudud ugu xannibmo god cidhiidhi ah oo mugdi ah oo dareennadiisu ay ka taliyaan, haddii uu naftiisa ka oggolaado in ay ku daba faysho cadaabaha gudihiisa. Haddii uu ku dhex go’doomo giraanta xidhan ee degaanka hareerihiisa ka jira, qayb dhan oo waaya’aragnimadiisa ka mid ah baa kakac noqon karta—waa haddii aanu waaya’aragnimadaas ku qiimayn halka ay ka timi, iyo sida ay ugu xidhan tahay xoogagga caalamiga ah ee gumaysiga, imbiriyaaliyadda, iyo dhiigmiiradka dabaqadaha ku salaysan. Waxa kale oo dhici karta in fannaanku uu ka gudbo dhammaan dabarrada jira oo uu sawir dhammays ah ka qaato nolosha casriga ah iyo idil ahaan isdiiddooyinka ku meersan, si uu umalka haya ula mideeyo silica ay umaddiisu ku jirto, silicaa umaddiisana uu ula mideeyo waaya’aragnimada dunida ee xilligeennan—is’addoonsiga iyo kacdoonnada, arxandarrada iyo xaqdarrada, iyo guulaha iyo guuldarrooyinka waaweyn ee lagala kulmo halganka lagula jiro isdiiddooyinkaas.
Markaas oo keli ah ayuu fannaanku abaalkiisa helayaa maaddaama uu ka tallaabayo soohdimaha waqtiga, oo uu duni dhammays ah ka qaadanayo, si fiicanna u dhuuxayo xaqiiqada qarnigeenna.
Dabaqadda talisa ee ka jirta dalalka hantigoosadka ah ee Galbeedka waxa u suuragashay in ay dayriso fannaanka. Fannaankii waa madi, maxaa yeelay ma laha degaan ku hareeraysan, ma laha tagto iyo timaaddo toona, wax uu xeeriyaa ma jirto, cidda keli ah ee uu xil iska saaraana waa ciddii iibsanaysa badeecaddiisa [qoraallada uu u qoro in laga gato].
Fannaanka dalalka soo korayaana wuxuu dhawaanahanba ku suntanaa mid ka salkacsan oo laga anbiyay naftiisa iyo degaanka ku hareeraysan, waxana taas ugu wacnaa cabbudhiskii gumaystaha. Tani waxay fannaanka ugu dhacday maaddaama uu isagu leeyahay af, erayo, hab uu isku cabbiro, iyo waaya’aragnimo ururtay, oo aanay dadka kale la wadaagin. Qoqobnaantiisa ayaa naftiisa ka anbinaysa, dabadeed ku beeraysa in uu dareemo denbi iyo yaxyax, maxaa yeelay codkiisu isaga uun baanu dhaafayn. Ka dib, halkii uu ka soo saari lahaa waxqabad dhab ahaan halabuur leh, oo uu koonka hodmin lahaa, kobcin lahaana waaya’aragnimadiisa iyo ta dadka kalaba, wuxuu ku soo ururaa in uu halxidhaalayaal furfuro ama wuxuu ku nefisaa in uu xil iska saaro sida ay u dhisan yihiin erayada iyo dhawaaqyadu, ama xarriiqyada iyo sallaxyadu. Si tartiib-tartiib ah ayuu, dabadeed, u bilaabaa in uu ka yaxyaxo erayada iyo xataa in uu ka fekero waxa san iyo waxa xun, garta iyo gardarrada, quruxda iyo qaabdarrada.
Fannaanka maanta ka soo jeeda dalalka soo koraya waxa hor yaalla jid keli ah oo ah in uu hawlgalkiisa sii wado. Bulshadu xaq bay u leedahay in ay fannaanka ka dalbato in uu ku hadlo af ay fahmi karto, iyo in uu ugu yaraan fankiisa ku dagaallamo oo ku silco, ku qoslo oo ku ooyo, ku heeso oo uu bulshada la weyraxo oo kula dareen noqdo. Dalal badan oo kuwa soo koraya ka mid ahi waxay geeddi u yihiin qarniga 20aad oo ku suntan qarnigii horumarka cilmiga iyo wershadaha, laguna higsanayo in uu noqdo qarnigii habfekerka horusocodka ah ee cusub iyo xidhiidhada bulsheed ee sinnaantu ku badan tahay. Kolkaa, shaqada fannaanku waa in uu geeddigaa gacan ka geysto. Waxa looga fadhiyaa in uu bulshada ka saacido sidii ay uga xoroobi lahayd xaqdarrooyinka hadda jira iyo kuwii hore u dhacayba, sharkii shalay iyo daaquudka maanta, duudsiga soojireenka ah iyo kadeedka maanta ka jira nolosha—nolosha oo xorriyad iyo karaamo wadata. Waxa looga fadhiyaa in uu quweeyo iimaanka ay bulshadiisu ku qabto timaaddo badhaadhe leh.
Qodobka ilhaaminaya fannaanka reer Aasiya ama reer Afrika ahi maanta waa in uu kulmisto ilhaankii “aargoosiga iyo urugada” ee [gabayaa] Nekrasov iyo ilhaanka yididdiilada iyo libaysiga labadaba.