Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Fan

Cawaysyadii Soomaalida

6 June, 2024
Image
Kooxda Iftin
Koox-faneeddii Iftin
Share

Dukumentariga gaaban waxaa samaysay majalladda The Guardian. Wuxuu dhababbaarayaa muusikada ‘Dhiskooga’ Soomaalida, wuxuu sidoo kale dareenabbaarayaa sheekada kala'irdhoobidda saaxiibbo arwaax faneed iyo baashaal ku midaysnaa sannado badan se qiiqa baaruudda ku ka la lumay, iyo sidoo kale gaashaanti codkeeda ku caanomaalaysay dhegaha naflayaashana ugu raaxaysanaysay jaadkeeda goonida ah ee mar kaliya dhibta dalkeeda ka fooftay deedna dhul shisheeye ka noqotay 'Afrikaanad' yar. 

Bilowguba waxa uu ku bilaabanayaa dukumenterigu Cabdiqaadir-Kuuriya oo ku nool xerada qaxootiga 'Kakuma'. Wuxuu ka warramayaa bilowgii iyo asaasiddii kooxda 'Shambal' oo ay sameeyeen isaga Kuuriya ah, Xabiib Sharaabi iyo dhallinyaro kale. Sharaabi isaguna waxa uu kaligii ku nool yahay Iswiidhan, oo uu ceyr yar ku qaataa qolkiisa. Masraxyadii, muusikadii 'Rock-ga' ahayd iyo jaaskii farxadda badnaa intaba waxaa ka danbeeyay maalmo midkoodna qol yar ku xidhay, mid ka kalena dhex joojiyay xeryo qaxooti. Daqiiqadaha ay warramayaan waxay ka dhex baxayaan dhabtooda qadhaadh waxayna dib ugu noqonayaan oo maskaxdooda ku celinayaan maalmihii muusikada iyo masraxa. Hab laafiyoodkoodii xarragada badnaa, jakaatiinnadii madoobaa ee dahabiga ahaa iyo goonnooyinkii gaagaabnaa ay habluhu ku xarragoonayeen ayaysan rasaastu ka masaxin Kuuriya maskaxdiisa. Hoteelladii ugu waawaynaa - Al Curuba iyo Juba- ee ilbaxnimada, kaladuwanaanshaha, jaaska iyo masraxyadoodii uu caways walba shidayay ayuu si laga dhadhansan karo cod murugaysan ugaga warramayaa Xabiib Sharaabi. 

“Meeshaas waxaa lagu cayaarayay daansiga, annaguna muusikada ayaan tumaynay iyo heesaha. Dad Muslin iyo Kirishtaanba ah ayaa cawaynayay,” Kuuriya.

Intaan dhexe waxaa laga dhadhansanayaa ilbaxnimo, kaladuwnaansho iyo waliba arwaax fanka ku midaysan oo ku wada hadlaaya afka muusikada iyo jaaska. Kolka muusikadu daaranto dhammaan waxaa laga soo dhaqaaqaa soohdimaha, oo waxaa loo soo kacaamaa dhanka masraxa si uu qof walba jidhkiisa - ogaal iyo ogaal la'aanba - u dhaqdhaqaajiyo una ruxo.

Muusikada 'Dhiskooga' ah waxa uu isku dhex watay jaas, qalabyo ka la duwan iyo rook muusig. Bilowgii lixdameeyadii ayuu ka dillaacay hirkaan dunida, toban kaltirsi ka dib waxa uu dhex yimid masraxyada Soomaalida. Halkii ay Maraykanka kaga jireen kooxaha "the Bump", "the Hustle", "the Watergate", iyo "the Busstop" ayaa masraxa Dhiskooga Soomaalida waxaa ugu jiray "Durdur", "Iftin", "Shambal" iyo waliba kooxo kale. Sida ay kooxahaas caalamiga ah u lahaayeen hoobaallo ayay kooxihii Soomaaliduna u lahaayeen kala kiciyaal sida Xabiib, Baastow, Shimaali iyo kuwa kale oo mudnaan wayn leh. 

Dukumentarigu wuxuu inoo kaxeenayaa mar kale oo sheekadu u carraabaysaa 'Hargaysa' oo ka warramidda "Sahra-Halgan" ayay sheekadu ina dul joojinaysaa. Sahra waxay ka dareen warramaysaa masraxyadii, daraamooyinkii iyo waliba fankii ay ku indho dillaacsatay oo mar kaliya duqaymo uu kaligiitaliyuhu la doontay ku habsadeen. Hoygii ay jeclayd ayay duruuftu ka diraysaa oo u biyodhaansanaysaa dhul shisheeye. Hoygii laga yaqaannay, fadhiga looga kacaayay oo ay hoobaladda ka ahayd ayay ka hayaamaysaa oo u kicitamaysaa dhul – Faransiiska – aanay cidinna ka aqoon, fadhi in looga kaco iska daaye ay ka noqonayso miskiin yar oo maqaar madow. Bilowga hore way ka yaxyaxaysaa iswaaynimada ay dhexda uga dhacday se waxay liqaysaa wax kasta oo marka danbe waxay isku diyaarinaysaa la qabsi. Waxay shaqo ka sii dhiganaysaa fankii ay kalgacalka u haysay oo waxay dhisayaan koox 'Sahra-Halgan Trio' la yidhaahdo oo ay bandhigyo ku qabanayaan waddamo badan iyo masraxyo ka la duwan. Nin aan dhulmarin dhaayo ma leh e, Sahri waxay dhulmarkaas ka helaysaa waaya’aragnimo hor leh oo waxay arkaysaa in qof walba la yaabo 'inanta hagoogan' ee masraxa saaran oo dhaqankeedana ku faanaysa. 

Dhammaadku wuxuu ku soo hoobanayaa in wali saddexda qof ee uu barnaamishku ka warramayo aysan duruufuhu ka lumin kalgacalkoodii iyo arwaaxdoodii faneed. Si i tus oo i taabsii ah waxaad ugu dhex arkaysaa in Kuuriya uu weli ku dhex tumaayo giitaarkiisa xerada qaxooti. Dagaalladii Sokeeye ee ka dillaacay Xamar, waxay liqeen 'Al Curubo iyo Juba' oo hoy u noqday shimbiraha. Halka raggii cawaysyada ka shidi jiray ay iyaguna qaxooti ku yihiin dhulal kale. Halgan, iyaduna waxay u soo noqonaysaa Hargaysa, oo waxay irdaha u furaysaa "Hidda-dhowr". Sharaabi, isaguna waxa uu ka sii shaqaynayaa fankiisa.