Thursday 21 November 2024
Dumarka codkooda iyo waxkubiirintooda masraxa halgan ay ka soo billaabeen guriga kuna kaabayeen dulqaadrooni ay ilbaxnimada iyo jaanroganka dunida garbinayaan ayay ku timid halkay maantay masraxyada bulsho ka joogaan. Masraxa bar billowgiisii waxa uu ka soo dhex iftiimay ilbaxnimada iyo isbaddeldoonnimada aadanaha bal se codka dumar iyo waxku'oolnimadooda waxaa garbaduubayay billowgii cabbudhis bulsho iyo u jajabnaanta dhaqannada, diimuhuna waxay koobayeen nolosha iyo go'aannada dumarka. Soo ifbixidyadii u horreeyay ee masraxiyadeed qarnigii shanaad iyo intii u dhaxaysay midkii lixaad ayay ka soo ifbaxeen Giriigga, oo isusoobaxyada bulshada ayaa lagu soo bandhigayay sheekomasraxiyeedyo lagu maadsado ama la isu madadaaliyo. Goorahaan dumarku cod iyo matalaad ku ma lahayn masraxyada iyo bandhigyada, Ben Power oo ah riwaayadqore u dhashay Ingiriiska una warramayay masraxa qaranka (National Theater) ee Landhan saldhiggiisu yahay waliba barnaamish ay kaga warramayeen dumarka Giriigga iyo masraxyadii bulshadaas (Women in Greek theater) ayaa toosh ku ifinaayo cabbudhiskii codka dumar haystay isaga oo leh: "masraxiyaadkaas waxaa qorayay oo jilayay isla markaana fiirsanayay rag." Dumarku guriga ayay ku xabbisnaayeen oo xitaa kansho u ma ay helin inay ka indhobuuxsadaan waxqabadka masraxeed ee uu raggu soo bandhigayay. Sheekojilista kolka la joogo waxaa doorka gabadha jilayay rag illayn masraxiyaadku waa: 'nolosha oo la jilaayo e' sida uu yidhi Aristootal. Taasina waxay u muuqatay xal lagu meel gaadhayay inta codka dumarku cabbudhinayeen diimaha iyo dhaqannada.
Isla sidaas oo kale marka dib loo jalleeco waayaha masraxiyaadka Yurub gaar ahaan Ingiriisiga, Talyaaniga, Faransiiska iyo waliba Isbaanishka waxaa iyana la helayaa codka dumar ee ceegsan misan dhaqannadu iyo diimuhu isku mareegeen qoorta dumarka kuna xabbiseen guriga. Waayihii Ilisibayd (Elizabeth I) ayuu masraxa Ingiriisku gaadhay heer ilbaxnimo iyo nolol laga dhadhansan karo. Shekisbiirna waxa uu ahaa webiga laga masraxiyaad-dhaansanayay oo goorahaas waxa uu soo bandhigay waxqabadyadiisa masraxeed kuwii ugu mucda weynaa. Si kasta oo uu arrinku u qummanaa haddana dumarku cod ku ma ay lahayn sheekomasraxeedkaas, oo doorkooda waxaa ka soo dhalaalayay ragga. Shekisbiir daraamooyinkiisa waxay dumarku billowgii ku lahaayeen codka daaha gadaashiisa ka imaanayay bal se jilista markay timaaddo waxaa doorkooda qaadanayay ragga. Taliska boqortooyada intii ay haysay Illisibayddii koowaad, waxaa cirka isku shareeray waxqabadyada masraxa Ingiriiska, daraamooyinka roomaansiga ahina waxay noqdeen kuwo helay shacbiyad xooggan. Waxaa dhismay masraxa Illisibayd (Elizabethan Theater) halkaasi oo ay ka heleen haween badan fursado. Dumarka qoyaysaska aristokraatigga ka soo jeedo waxay heleen fursado daawasho, waxaa sidoo kale fursado xoogsi iyo shaqo helay dumarka dabaqadda hoose u badan oo qalabyada iyo ururinta tikidhyada ku shaqaysanayay. Ingiriiska gabadhii ugu horraysay ee masraxa ka soo muuqato waxay ahayd Margaret Hughes (1645 – 1719). Faransiiska, Isabaanishka iyo Talyaanigu iyaguna billowgii hore waayahooda masrax haddii dib loo raadraaco kala mid ayay ahaayeen Ingiriiska cabudhiska codka dumar, masraxuna waxa uu ku ekaa waxqabadka ragga.
Codka Dumar iyo kaalintiisa go'aannada bulsho goorihii magaalowga ka horreeyay markaan eegno waxaan arkaynaa in nolosha Soomaalida kolka la joogo kakanaanta xoolaraacatada ay dumarku kakanaantaas kaga jireen waab dhisiddii, howlguri iyo haamo samayntooda. Bulshada hoggaankeeda iyo talojeedinta iyanna cod buuran ku ma ay lahayn dumarku. Garta geedka taal iyo nabadayntana door go'aan gaadhis ah codkoodu ma gaarsiisnayn oo intaasi dhaqanku u ma oggolaanaynin, haddana dumarku nabadaynta qayb weyn bay ku lahaayeen, oo dumar ayaa godobreeb ahaan la isu siin jiray. Isla sidaas oo kale marka la joogo deegaannada xeeblayda haweenku cod waxku'oolnimo leh ku ma ay lahayn oo u dhigma ama ka ag dhow go'aanka iyo kaalinta ragga. Inta badan deegaannadaas waxaa ku badan makhabiyaynta, oo gabadhu waxbadan iyo doorashooyinkeedaba koobaya. Isla dhinaca kale bulshada iin-xabaalatada marka la eego codka dumarka iyo doorkiisa xornimo waxaa la arkayaa inay cabbudhiska iyo ceegsanaanta la wadaagayeen labada qayb ee kale. Dhaqanku waxa uu isku duuduubay nolosha iyo go'aannada gabadha, taasina waxaa u sii raacay diin koobaysa dookhyada iyo jiritaanka dumarnimo misana ballaadhinayso xorriyadaha ragga iyo xoojinta dalabyadiisa masraxa iyo kaalintiisa bulsho.
Codka dumar oo sidaas ugu ceegsan deegaannada iyo masraxyada bulshada ayaa noloshii Soomaalida ku timid magaalowga, qarnigii labaatanaad soddomeeyadiisa ayuu soo ifbixii ugu horreeyay ee fanmasraxeedka Soomaaliyeed soo muuqday. Hordhac-masraxeedkaasi waxa uu ka billowday bulshada xeebaha sida uu Afrax ku xusaayo dhigaalkiisa uu ku darsayay fanmasraxeedka Soomaalida. Masraxiyadihii u horreeyay waxay u ekaayeen maadaysyo caways,dabadeed isdhexgal u dhexeeya bulshada xeebaha iyo xoolaraacatada ayaa waxaa ka dhashay dhaqaaq wanaagsan. Durbaba waxaa ka hor yimid hordhac-masraxeedkii iyo isdhexgalkii ilbaxnimo ee horusocodka ahaa waayeelka iyo wadaadka oo midkoodna u arkay dhaqanbi'is midka kalena u arkay diinxumo. Waxaa se soodhowayn u sameeyay dhallinta iyo inta casriyowga danaysa misana uu xiisogaliyo. Afrax isaga oo ka warramaayo dhaqaaqaas cusub ayuu dhigaalkiisa fanmasraxeedka Soomaalida ku lee yahay; "Ifafaalahaas cusub waxaa ka soo horjeestay dadka ku dheggan hiddaha iyo diinta oo u badan da'dii hore, se waxaa soodhoweeyay siina fidiyay dhallinyarada iyo cusayb-jecesha." Curashadaani wax cod iyo waxku'oolnimo ah ku ma aysan lahayn dumarku oo jiritaanka masrax oo dhan ayay dooddi ka taaganayd. Sheekomasraxiyeedyadii u horreeyay waxay ahaayeen kuwa maadays ah, qaabdhismeedka masraxuna waxa uu u qaabaysnaa mid ku kooban waxkubiirinta ragga iyo xor ahaanshahooda.
Sooyaal masraxeedka Soomaalidu waxa uu u ekaa qaabdhismeedkiisa kuwii Giriigga iyo Yurubiyaankaan kor kaga warrannay bar billowyadoodii kolka la joogo cabbudhinta codka dumar, waxku'oolnimadooda iyo dhaqan u jajabnaanta. Dumarkuna waxay dhibta cabbudhiska ka la sinnaayeen adduunwaynaha, bal se iyaga waxaa sii koobay wacyiga deegaanka oo aan kacdoonno sinnaandoonnimo aan martigalin karaynin. Sheekomasraxiyeedda waxaa matalayay booska dumarka rag badankooduna fanka iyo suugaanta Soomaalida magac sare ku dhex leh. Cumar Dhuulle, waxa uu matali jiray booska dumar marka la samaynaayo daraamooyinka masraxeed, dhaqanka iyo diintuna u ma aysan oggolayn codka dumar in ay ka soo iftiimaan masraxa misana dhacsadaan cadkooda. Heeska 'DHULKU WUU HADLAYAA' waxa uu Cumar Dhuulle ku luqeeyay isaga oo matalaayo gabadh, taasina waxay inna tusinaysaa cabbudhiskii codka dumar ku sugnaa. Isla sidaas oo kale masraxa Jabuuti waxaa booska dumarka metali jiray Ibraahin Gadhle.
Kolka laga yimaado sooyaalkaas hordhacmasraxeedka ah waxaa berrigii danbe abuurmay isbaddel, Soomaaliduna waxay doontay dowladnimo taasina waxay fursad siisay codkii cabbudhsanaa oo isbaddel hor leh ayaa abuurmay afartameeyadii ka dib. Codka dumarku waxa uu masraxa goor danbe ku yeeshay door daaha gadaashiisa ah. Ka dib dumarku waxay billaabeen inay duubaan heesaha oo ay raadiyowga cod ku yeeshaan, iyaga oo adeegsanaayo naanaysyo, sidaasna waxaa ku abuurmay hir cusub oo ay dumarku masraxa, fanka iyo suugaanta saamayn xooggan iyo cod la jeclaysto ku yeeshaan. Hirkaan cusub waxaa biyokamadhibcaan ah inay dumarku ku bulaalleen oo ay ku yeesheen magacyo sare oo saamayn xooggan ku dhex leh bulshada. Kontameeyadii ka dib masraxu waxa uu noqday hoyga ay ku dareemaan dumarku xorriyad ay ku daandaanshoodaan, neecowsi fikir iyo mid maamuus. Waxa uu masraxu dumarka u oggolaaday inay iska furfuraan xadhigga lagu ceejiyay qoortooda ee codkooda aammusiyay, waxa uu sidoo kale u noqday mikrafoon ay ku hadlaan iyo goob ay hibbooyinkooda ku soo bandhigi karaan. Marka uu ka warramaayo Afrax berisamaadkii fanmasraxeedka Soomaalida, waxa uu xusayaa inay masraxa Soomaalida kor u qaadeen dadyow badan oo iskugu jira rag iyo dumar. Door weyn ayay ku lee yihiin dumarku dadyowgaas uu tirinaayo qoraagu misana uu ku xusaayo dhigaalkiisa, waxayna ka la yihiin: Faadumo Qaasim, Hibo Maxamed, Khadra Daahir, Maryan Mursal iyo Sahra Axmed.
Masraxa siday uga heleen dumarku cod xorriyaddeed, mid magac iyo maamuus uga ma aysan helin cod iyo isbeddel waxku'oolnimo leh masraxyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo xitaa guryaha diimaha. Masraxu waxa uu noqday taagga kaliya ee ay dumarku ku soo bandhigi karaan qoobkacayaar, codad macaan iyo goob ay ku gardhigan karaan. Sidoo kale masraxu waxa uu noqday halkay gabadhu lebbiskeeda ugu bilan iyo jidhkeeda halka indhodaraandarka leh ku soo bandhigi karayso waliba iyada oo dhaqaaq xarrago leh raacinayso. Heesaha daadiska, gardhigashada, caloolyowga iyo cishqiga halkay dumarku cod baxsan misana xornimo leh ugu soo bandhigi karayaan ayuu ku suntanaaday masraxu. Heeska 'BERI BAA WAXAA JIRAY' oo ay Maryan Mursal ku luqaynayso miraha matalaayo codka dumar waxay ugu gardhiganaysaa nin hiddaraac ah iyada oo muujinayso badownimada miyiga iyo badhaadhaha magaalowga iyo ilbaxnimada. Ninka hiddaraaca ahna waxaa matalaayo oo ku luqaynaayo Maxamed Jaamac, waxa uu u dagaallamayaa misana dhaliilayaa magaalowga, ilbaxnimada lebbis ee gabadha iyo isdhexgalka bulsho. Heeskaan iyo boqollaal kale oo waxaa jiro ay ku gardhigtaan, isku naqdiyaan xoodxoodsiga ragga misana ay ku soo bandhigaan dumarku codkooda iyo hibbooyinkooda.
Waxay dumarku masraxa ku yeesheen doorar ka la jaadad duwan, mar waa hooballo cod baxsan, marna waa jilayaal doorkooda aan cidinna ka soo dhalaali karin oo ay ku soo bandhigaan gaar ahaanshahooda. Isbeddelkaas soo maray heerarka ka la duwan waxaa ka curtay ilbaxnimo dibisucuni doonto. Waxay dumarku yeesheen laxanno suugaaneed, habjilis ilbaxnimo leh iyo waliba door aan sacabbo lagu qarin karin. Kooxaha masraxa waxay dumarku ku lahaayeen kaalin ballaadhan, waliba kooxda ugu caansan Soomaalida 'Hoballada Waaberi' dumarku waxay ku lahaayeen cod waxku'oolnimo ah. Tani waxay keentay inay dumarka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan looguna jecel yahay noqdaan dumarka ka helay masraxa cod iyo waxkubiirin. Sidaas si la mid ah masraxyada dhaqan dumarka ku sii dheggan ma aysan helin xorriyad, isla sidaas oo kale masraxyada siyaasaddana way ku hungoobaan oo waxaa diinxumo loo arkaa hoggaankooda iyo hogatusaalayntooda.