Skip to main content

Friday 17 May 2024

Siyaasad

Maxay doorashooyinkii Buntlaan ka sheegayaan suurtagalnimada doorasho qof & cod ah

21 March, 2024
Image
deni
GAROOWE, PUNTLAND STATE OF SOMALIA - JANUARY 25: President of Puntland, Said Abdullahi Deni (L) attend a ceremony held after his re-election as the president in Garoowe, Puntland on January 25, 2024. President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud (R) also at
Share

Waxa uu Cumar Maxamuud ka digayaa in ay hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ku toleen hirgalinta doorashooyinka qof iyo codka damacooga shaqsiga ah ee ah in ay awoodda sii haystaan. 

Horraantii Jannaayo 2024, Siciid Deni waxa uu noqday madaxweynihii u horreeyay ee taariikhda Buntlaan dib loo doorto, isagoo ku guuleystay natiijo taariikhi ah. 25-kii Jannaayo ayaa mar labaad xilka madaxweynanimo loo caleemo saaray, taas oo ahayd bilawga muddo xileeddiisa labaad ee shanta sanno ah, kuna eeg 2029.

Doorashadani se waxa ay ahayd mid aan toos ahayn oo ku dhacday hannaanka dadban, in kastoo Deni rabay in doorasho toos ah la galo. Mucaaradku waxa ay ku eedeeyeen in ay tahay xeelad uu ku rabo in uu ku xaqiijiyo dib u soo noqoshadiisa, halka uu isaguna ku adkaystay in ay tahay arrin horseedaysa dimuqraadiyaynta Buntlaan.

Cumar Maxamuud oo ah falanqeeye sare oo jooga International Crisis Group, kaas oo darsayay madiqaddan Geeska Afrika in ka badan toban sanno, ayaa bayaaminaya doorashooyinkii dhawaa ee Buntlaan iyo saamaynta ay ku yeelanayaan dimuraadiyaynta Buntlaan iyo guud ahaan Soomaaliya. Warbixintiisii u danbaysay halkan ka eeg.

 

Hannaanka go’aan qaadashada Buntlaan waa mid aan bulshadu qayb ka ahayn. Sidee bay tani u saamaynaysaa aragtida bulshada ee sharcinimada xukuumadda, tallaabo caynkee ah baana la qaadi karaa si loo sugo sharciyadda xukuumadda?

Arrintani ma aha mid Buntlaan ku kooban. Waa mid ka taagan guud ahaan Soomaaliya, taas oo ay sababayaan hannaannada xulashada hoggaanka oo ah mid aad u kooban. Xukuumaduhuna way ka gaabiyeen in ay muujiyaan in ay yihiin kuwo ay leeyihiin bulshadu oo iyaga u adeegaya. In kastoo xukuumadda Buntlaan ay guul ka gaadhay heer degmooyin, doorashooyin toos ahina ay ka qabsoomeen badanka degmooyinka maamulka. Taas oo kor u qaadday sharciyadda xukuumadda ee heer degmo. Balse, halka caqabaddu ka jirtaa waa heer gobol – Buntlaan waxa ay haysataa waqti badan oo ay si habboon ugu sii diyaargaroobi karto in doorashada 2029 lagu qabto hannaanka qof iyo cod.

Tallaabooyin caynkee ah ayay Buntlaan qaadi kartaa si ay u dhisto hay’ado dimuqraaddi ah oo kor u qaada wada lahaanshiyaha iyo daahfurnaanta, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo caqabadaha uu keenay hannaanka qabiilka ku salaysan iyo caabbiska ka iman kara hoggaamiyayaasha qaar?

Beddelidda hannaanka doorashooyinka waxa ka dhasha isbeddel ku yimaadda dheellitirnaanta awoodda. Qodobkani waa mid xasaasi ah oo waqti iyo wada hadalba u baahan. Hannaanka furan ee uu ku lammaan yahay la tashiga qaybaha bulshadu ayaa ah sida ugu munaasibsan ee isbeddel caynka ah lagu hirgalin karo. Ku ma suurogal aha xidhxidhnaan, degdeg iyo muquunin. Buntlaan waxa ay u baahan tahay in dib loo eego sababihii uu u dhicisoobay hannaankii qof iyo cod ee xukuumaddu dabada ka riixaysay 2023-kii, iyo sidii caqabadahaa loo maarayn lahaa si hore loogu socdo. Tani waa mid u baahan in lala xaajoodo daneeyayaasha siyaasadda si loo gaadho isbeddel la isku raacsan yahay – waa hawl adag balse suurogal ah. Hadda waqti baa la haystaa oo waxa munaasib ah in si xikmad leh loo adeegsado hadda, halka wax walba la dadejin lahaa goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

 

Haddii hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ay sidaas oo dhan khatar ugu yihiin amniga, sida ka dhacday Muqdisho 2022-kii iyo Buntlaan 2023-kii, maxay hoggaamiyayaasha kala danbeeyaa u joogtaynayaan isku dayga ay ku rabaan in ay ku hirgalinayaan hannaankan, iyagoo mar walba caabbi adag la kulmaya?

Qayb mushkiladda ka mid ahi waxa ay tahay iyadoo hirgalinta hannaanka doorashooyin ee qof iyo cod ku lammaanaadeen damacyada shaqsiga ah ee hoggaanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Haddii aan si kale u dhigo, halkii ay ugu doodi lahaayeen hannaanka qof iyo cod mabda’ ahaan, iyo hab dadweynaha loogu furayo nidaamka, hoggaamiyayaasha qaar waxa ay u rabaan hirgalinta hannaankan kaliya in uu yahay dhabbada u wanaagsan ee ay dib ugu soo noqon karaan xukunka. Waxa ay sidoo kale noqotay xeelad muddo xileedda lagu dheeraysto in lagu sii dhagganaado hirgalinta hannaanka qof iyo cod, iyadoo ayna hadhin waqti ku habboon oo loogu diyaar garoobi karo doorashooyin hannaankan ku dhaca. Marka dhankan laga eego, caqabadaha u waaweyn waxa qayb ka ah isu dheellitirka himilooyinka shaqsiga ah iyo danta guud.

 

Ma kula tahay in ay arrintan sababayaan caqabado hay’adeed iyo iyadoon qoorweyntu (elite) dareemayn in ay isbeddelka qayb ku leeyihiin, mise waxa ay tahay in la raadiyo habab hal-abuur leh oo cusub oo lagu horumarinayo hay’ado isla xisaabtan leh, oo awoodsiinaya ka qaybgalka bulshada?

Sababaha u waaweyn ee uu u socon la’ yahay hannaanka qof iyo codka Soomaaliya waa xidhiidh lagala dhaxaysiiyay danaha siyaasadeed ee shaqsiyaadka qaar. Sidoo kale waxa caqabadaha ka mid ah jiritaan la’aanta hay’ado dawladeed oo horumarsan, sida nidaam garsoor oo xooggan iyo baarlamaan karti leh. Hay’adaha hadda jiraa waa kuwo si fudud loo marinhabaabin karo. Sida ugu munaasibsan ee loo hirgalin karo arrintani waa iyadoo hoos laga soo bilaabo, oo bulshada la siiyo awood ay ku dooran karaan xubnaha golaha deegaanka, oo halkaa dabadeed looga gudbo doorashada hoggaannada maamul goboleedka iyo kuwa qarankaba. Tani waa fursad uu nidaamka dimuqraadiga ahi ku hirgali karo – waxa tan tusaale u ah doorashooyinkii golaha deegaanka ee Buntlaan ka qabsoomay. Waxa sidoo kale loo baahan yahay kor u qaadidda wacyigalinta ku aaddan xaqa muwaadinka iyo nidaamka cod bixinta. Faa’ido ayaa bulshada ugu jirto in ay doortaan xubnaha ku matalaya golaha deegaanka. Si haddaba doorashooyinkani u noqdaan kuwo miro dhal u leh bulshada oo sidoo kalena awoodsiiya waa in ay noqdaan kuwo ka madax bannaan farogalin ka timaadda maamul goboleedka iyo federaalkaba. Haddii tan lagu guuldaraysto waxba la taransan maayo, oo waxaa ka dhalanaysa doorasho la musuqmaasuqay iyo bulshada oo lumisa danaynteeda.

 

Maxay yihiin casharrada ay ka baran karto ciddii danbe ee isku dayaysa dimuqraadiyaynta Soomaaliya, isku daygii dhiciisoobay ee Buntlaan ku rabtay hirgalinta doorasho qof iyo cod ah? Sheekoxariirada ka hadhaysa iskudaygaasi maxay noqon kartaa?

In siyaasad ahaan loo sii diyaariyo waa mid la muhiimad ah haddayna kaba mudnayn diyaarinta hawlaha farsamo. Beddelidda hannaanka doorasho waxaa ka dhasha isbeddel ku yimaadda saldhigyada awoodeed – helidda aqbalaadda dadweynuhu waa hab waqti u baahan. Kuwa ka soo hor jeedsada hirgalinta hannaankan waxaa loo arki karaa kuwo dimuqraadiyad diid ah marka si loo eego, balse, sidoo kale waa xil saaran xukuumadda talada haysaa in ay xakamayso isbeddelka iyadoo isla mar ahaantaana sugaysa xasilloonida. Qodobka kale ee sahli kara aqbalaadda bulshadu waa iyadoo loo arko in xukuumaddu u qabanqaabinayso hannaanka doorasho ee cusub hab caddaalad ah oo la tashiga dadweynuhu astaan u yahay.

Mar kastoo ay mucaaradku u arkaan in hannaanka cusub lagu marsiinayo hab qoorqabad ah, waa mar kasta oo ay u arkayaan in xeerarkii ciyaarta iyaga lagu foorarinayo, waxaana sii adkaanaysa diidmadooda. Hannaanku waxa uu suurogalayaa oo kali ah haddii uu dhab ahaan yahay mid furan ama in macquul ah daah furan – hirgalinta hannaanka qof iyo cod lagu hirgalinayo hab xoog ahi ma aha mid horseedaya dimuqraadiyaynta Soomaaliya. Dejinta hannaanka doorashooyinku waa arrin la muhiimad ah doorashooyinka laftooda – in la helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay waxa ay waddada u xaadhaa doorashooyin bilaa xurguf ah.

 

Siciid Deni hawlo badan ayaa u yaalla muddo xileeddiisan labaad ee hadda bilaabantay. Arrimaha u culus ee horyaallaa waxa ay yihiin xidhiidhka uu la leeyhay xukuumadda Federaalka iyo maamulka SSC-Khaatumo. Maxay yihiin filashooyinkiisa ku aaddan labadan?

Wax badan ayay tahay in uu ka fisho, waayo labada xidhiidhba waxay leeyihiin awood ay ku qeexi karaan majaraha mustaqbal ee Buntlaan. Dhabbada ay SSC-Khaatumo qaadi doontaa ma aha mid cad – xukuumadda federaalku waxa ay u aqoonsatay maamul kumeelgaadh ah, taas oo ah mid ka turjumaya rejadooda ay ku rabaan in maamul goboleed u gaar ah oo ka madax bannaan Buntlaan iyo Soomaalilaanba ay samaystaan, balse caqabado badan oo in laga gudbo u baahan ayaa hor yaal. Sida ay arrintoodaasi isu soo tarto waxa ay saamayn ku yeelanaysaa xidhiidhka ay Buntlaan la yeelanayaan, iyadoo ahayd mid taageero la garab joogta, haddana isla mar ahaantaa haddii ay ka madax bannaanaadaan Garoowe baaxad ahaan way yaraanaysaa, waxayna dhuminaysaa saamayntii ay ku dhex lahayd maamullada federaalka.

Marka ay timaaddo xidhiidhka federaalka, muddo sannad ahba ligan ayuu ku jiray, mana ay jirin wax tilmaamaya in xal soo dhawyahay. Haddana labada dhinacba xidhiidhkooda xumi caqabad ayuu ku yahay – Buntlaan hadda ma hesho taageero horumar, hadday tahay kuwo ay bixiyaan Bangiga Adduunka ama mashaariicaha kale, halka federaalku ugu xanniban yahay Buntlaan dhammaystirka dib u habaynada uu waday, sida dib u eegista dastuurka kumeelgaadhka ah. Waxa jira qodobbo lafdhabar u ah qaabka federaalku qaadanayo oo ay tahay in Muqdisho iyo Garoowe isla meel dhigaan, si nidaamka dawladeed ee Soomaaliya u noqday mid hirgala oo looga gudbo xidhiidhka aan qeexnayn ee muranka soo noqnoqnaya abuuraya. Haddaba, halkaa la gaadhi maayo oo murannadan laga bixi maayo haddii labada dhinac aanay wada hadal.