Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Xidhiidhka Gobolka Geeska iyo Khaliijka Carabta 

17 October, 2024
Image
COVER
Share

Muddo soddon sanno ka badan ka hor, mufakirka reer Kiiniya, Cali Masruuci waxa uu soo jeediyey mafhuumka Afro-carabi, oo uu sees uga dhigay xidhiidhada Carabta iyo Afrika, sidoo kalena labadooda deegaan ka dhigay deegaanno isku xidhan istiraatiiji ahaan. Waxa uu naawilay iskaashi xaddaaradeed oo Jasiiradda Carabta iyo Bariga Afrika yeeshaan, isaga oo ka eegaya juquraafiga, sooyaalka dhaqan iyo xaddaaradda ay wadaagaan, si ay u wajahaan nidaamka caalamiga ah oo xilligaas abuurmayey.  

Cali Masruuci, waxa uu ka duulayay aragtidiisa Hantiwadaag ee Leniniga ahayd, si ka duwan soohdimaha aydhiyoolajiyadeed ee gumaysigii Yurub dajiyey, kaas oo Afrika u sawira deegaan israacsan oo juquraafi ahaan mid ah. Masruuci, waxa uu su’aal galiyay qeexitaanka juquraafi ee qaaradda lagu qeexo ee ah in qaaraddu dhererantahay laga soo bilaabo Badweynta Atlaantiga dhinaca galbeed ilaa Badweynta Hindiya dhinaca bari, dhinaca kalena, dhererantahay laga soo bilaabo Badweynta Atlaantiga oo koonfur ah ilaa Badda Mediterranean-ka oo waqooyi ah, soona raacaan jasiiradaha ku yaalla badaha ku hareeraysan qaaradda, bari iyo galbeedba. Waxa uu ku dooday in aan Jasiiradda Carbeed laga sooci karin Afrika, xidhiidho sooyaal iyo dhaqanna leeyihiin. Waxa uu arkaa jeexitaankii kanaalka Suways fal u adeegayay danaha Yurub oo rabtay in ay xidhiidho ganacsi la yeelato dunida ka baxsan, jeexitaankaasina Badda Cas u kala qaybiyey koonfur iyo waqooyi. Waxa kale oo jira mufakiriin kale oo ka soo jeeda galbeedka qaaradda, sida Faylasuufka reer Kaamiroon ee Ashiil Bembe (Achille Mbembe), oo wax iska weydiiyey qeexidda midaysa Afrika, waxaanu soo jeediyey in aan Afrika keliya lagu fahmi karin juquraafi, isir ama midabka madaw, balse ay tahay hayb furan.  

Waxa baraarujin mudan, in fikirka siyaasadeed ee Masruuci Afrika ka qabay, Bariga Afrika uu xuddun u ahaa, kana soo horjeeday in danaha Afrika laga dhigo kuwo mid ah. Mafhuumkiisa Afro-Carabi waxa uu u sameeyey afar xaglood; marka koowaad, dhaqanka Islaamka ee Bariga Afrika, waana mid koobsanaya bulshooyinka ku hadla Xawsaha, Sawaaxiliga iyo Soomaaliga, xagasha labaad waa xidhiidhka qotodadheer ee Waqooyiga Afrika iyo bariga ka dhexeeya, xagasha saddexaadna waa juquraafiga iyo ka mid ahaanshaha xubnaha Jaamacadda Carabta, xagasha afaraadna waa xidhiidhka aydhiyoolajiyadeed ee dhaqdhaqaaqyada bidixda (Hantiwadaagga) ee bilowday  madaxbannaanidii Afrika ka dib.  

Soddon sanno ka dib soo jeedintan, waxbadan baa isbeddeley. ma rumoobin riyadii uu Masruuci ku baaqay, si nidaamka caalamiga ah ee abuurmayey looga hortago. Balse Jasiiradda Carabta iyo Khaliijka oo dhinac ah iyo Geeska Afrika oo dhinac kale ah, waxa ay soo jiiteen indhaha dunida oo idil, walaw laba qaab oo aad u kala duwan ay u soo jiiteen. Khaliijku, waxa uu noqday meel ay dunidu isha ku hayso khayraadkiisa badan awgii, Geeska Afrikana waxa uu noqday meel isha lagu hayo, dagaallada gudeed ee ka aloosan iyo loollanka caalamiga ah ee ka jira awgood, loollaankaas Geeska ka jira oo sannadihii dambe Khaliijka laftiisu kaalin ku yeeshay.  

waayadan danbe, waxa jira isku dayo dib la isugu dayayo fahanka xidhiidhka ka dhexeeya labadan gobol, lana jaangooyo. Buugga “Geeska Afrika: Bed Istiraatiiji oo Khaliijka ah”, oo uu 2021-kii soo saaray Midwakh Cajmi al-Cutaybi, waxa uu qayb ka yahay dedaallada isku dayaya fahanka xidhiidhkan. Qoraagu, waxa uu u banbaxayaa fahanka xidhiidhka Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo taxliilintiisa, isaga oo ku eegaya in uu Geesku yahay bed istiraatiiji u ah Khaliijka, maankana ku haya in deegaanka Istiraatiijiga u ah siyaasadda caalamiga ah ku salaysanyahay xidhiidh is dhammaystiraya, oo metelaya danaha la wadaago, lana wajaho halista siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgalyo ee la wadaago.  

Waa run inuu Geeska Afriki ku yaal goob leh muhiimad degel-siyaasadeed, oo kulaasha dhinaca koonfureed ee gacanka Carabta, sidoo kale na awoodaha waaweyni ku tartamayaan sidii ay rug uga heli lahaayeen. Haddana, sida qoraaga buuggu yaqiinsaday, xidhiidhka Geeska iyo Carabtu waa mid hooseeya, oo sida caddaymaha iyo warbixinuhuba xusayaan, waxa hooseeya xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac. Waraysiyo uu qoraagu la yeeshay siyaasiyiinta waaweyn ee labada dhinac, waxa uu ku ogaaday in aanu xidhiidhkani joogin heerkii la rabay. Sidaas oo ay tahay, haddana dalalka Khaliijku tobankii sanno ee u dambeeyey waxa ay ku yeesheen galaangal siyaasadeed, dalalkaasna kaalinta u weyn waxa qaatay Imaaraadka Carabta. Imaaraadku, waxa uu gacanta ku hayaa dakadaha ganacsi ee Geeska Afrika, waxaanu ku dhaqaaqay in uu saldhigyo ciidan ka samaysto Soomaalilaan iyo Ereteriya, ka hor intaanu ka laaban fikraddan. Sacuudigu, sidoo kale, waxa uu sameeyey isbahaysi siyaasadeed oo lagu magacaabo “Isbahaysiga Badda Cas”, waana isbahaysi ka kooban siddeed dal oo badda cas ku dhereran. Qadar lafteeda ayaa kaalin dhexdhexaadineed ka qaadatay dalalka Geeska, sida dhexdhexaadinta khilaafkii Suudaan iyo Ereteriya, Heshiiskii Daarfuur, dhexdhexaadintii Jabuuti iyo Ereteriya ee khilaafka xuduudda iyo dhexdhexaadinta dhinacyadii isku hayay Jaad. Qoraagu, dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Khaliijku Geeska Afrika ka sameeyay, waxa uu ku fasirayaa in dadka taladu ka go’do ee Khaliijku fahmeen muhiimadda gobolka Geeska Afrika iyo in ay tahay goob istiraatiiji u ah. Dadaalkan oo jira, haddana dalalka Khaliijku iskumay raacsanayn qaddiyadaha gudeed ee Geeska Afrika ka taagan, arrinkanina waxa uu soo ifbaxay kolkii dhinacyadu u tartameen helitaanka isbahaysi iyo awood ay ku yeeshaan Badda Cas sida Soomaaliya.  

Arrinka kale ee muhiimka ah, buugganina tilmaamayo, waa lagama maarmaannimada in gargaarka iyo kaalmada bani’aadamnimo ee dalalka Khaliijku siiyaan dalalka Geeska Afrika loo beddelo horumar xidhiidhada ah iyo is dhaafsi ganacsi, oo labada dhinacba dan u ah. Sidoo kale waxa uu ku baaqayaa in la maalgeliyo mashaariicda horumarineed, sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, gaadiidka, biyaha iyo beeraha, lana xoojiyo  isdhaafsiga ganacsi ee labada dhinac. Waxa kale oo uu ku baaqayaa in kor loo qaado waxqabadka shirkadaha waaweyn ee Khaliijka ee ka shaqeeya fulinta mashaariicaha iyo maalgelinta. Ugu dambayntiina waxa uu ku baaqayaa u kuurgalidda nooca heshiisyada maalgalineed ee labada dhinac kala saxeexdaan oo marar badan garab siisa xukuumadaha musuqmaasuqa ku dhaqma ee Geeska ka jira.  

Qoraaga buuggani, waxa uu ku soo gabagabaynayaa; in Geeska Afrika uu u yahay dalalka Khaliijka goob istiraatiiji ah, kuna tilmaaman muhiimaddegel-siyaasadeed, sooyaal, xadaarad iyo dhaqan oo labada darafba wadaagaan. Baaqani waa soo noolaynta mafhuumkii Afro-carabi ee Masruuci oo Hargeisa soo booqday 2008, ayna tahay in sooyaalkiisa la nooleeyo lana weeleeyo.