Wednesday 13 November 2024
Reer Afrika iyo duniduba waxay bisha Meey 25 xusaan Maalinta Afrika oo ku began dharaartii la asaasay Ururkii Midnimada Afrika. Waa xus sannadle ah oo la isku xasuusiyo guulihii ay madaxdii Afriki ku xaqiijisay in ay abuurto urur-goboleed dalalka isu keena oo is dhex geliya. Waddanka Itoobbiya ayaa nasiib u helay in uu noqdo meeshii sida rasmiga ah lagaga dhawaaqay sannaddii 1963, dabadeed geeddigaasi sidaas buu ku bilaabmay, jiilalkii ku xigaynay hayaankii bay sii wadeen iyaga oo, dhanka kale, mustaqbalkana isha ku haya.
Xuska sannaddani wuxuu mudan yahay, maaddaama lixdan sannadood oo hore sidaa inagu dhaafeen, in aan la dabbaaldegin uun e, sidoo kale la is qiimeeyo. Waa xilligii la garawsan lahaa muhiimadda uu leeyahay fal midaysan oo Afriki ku wajahdo caqabadaha soo foodsaara dalalkeeda. Waxay sidoo kale fursad u tahay in guul iyo guuldarraba la is taabsiiyo, isla markaana inta la hakado bal dib la isu wayddiiyo su’aalaha iyo masalooyinka waaweyn ee u yaalla Afrika.
Gumaysi-ka-bixiddii ilaa Ficil Afrikaan
Kolkii sannadihii 1950nadii xoroobiddu badatay, in dalalkaa xoroobaya ee Afrika la mideeyaa waxay noqotay fekrad soo xoogaysanaysa, si inta ay bahoobaan ay u wada hiiliyaan walaalahooda weli gobannimada u halgamaya, isla markaana ay dhisaan dawlad-qarameed Afrikaan oo caqabadaha xilligaasna u babacdhigta. Shirweynayaal iyo kulanno ayaa la qabtay, waxana la isku raacay muhiimadda iyo mudnaanta fekraddaas, sidaas ayuuna higsigaasi magaalada Addis Ababa ugu dhaboobay Meey 25, 1963, oo madaxda soddon dal oo xor ahi inta ay isugu yimaaddeen ay ku guddoonsadeen asaasidda Ururkii Midnimada Afrika.
Ururkani wuxuu ku bilaabmay falsafad guud oo higsanaysay in gumaysiga la soo afjaro, isla markaana la kobciyo midnimada, isgarabsiga, isdhexgalka iyo iskaashiga Afrika. Wuxuu ururkani yimi xilli xamaasadda gobannimaddoonku cirka ku shareernayd, oo Qarammada Midoobay ay qaraar ku taageertay in la isticmaarka la soo afjaro, oo si wadar ah ay reer Afriki uga fekerayeen Falka Afriki waxa uu noqon doono.
Himilada udubdhexaadka u ahi waxay ahayd in dalalka isticmaarka ku hadhsanna la xoreeyo, hasayeeshee taasi marna ma ay horseedin iskaashi wadareed. Sidaa awgeed, ururkan waxa axdigiisa lagu jideeyay falka Afrika iyo hababka lagu xoojin karo, waxana lagu soo dhaweeyay waddamada cusub ee xoroobayay, si loo bilaabo geeddigii iskaashiga iyo dhismaha. Laakiin falkii wadajirka ahaa wuxuu cadaadis la kulmay intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa, oo barta la isku farasaarayba ay qaaradda iyo mandiqaddeeda ahayd. Taasina waxay abuurtay afgenbiyo isdabajoog ah oo caqabaddii kowaadba ku noqday yoolkii la higsanayay. Markii labo garab loo kala saftayna, fursaddii la isku kaashan lahaa ayaa yaraatay.
Kolkii Dagaalkii Qaboobaa gamashiyay, waxa bilaabmay Nidaamsan Adduun oo cusub, wax se uu ugu fillaa Afrika la ma arko. Khataro amni ayaa durbadiiba qarxay oo dagaallo sokeeye ayaa qaaradda meelo badan oo ka mid ah ka dillaacay, caqabadahaashan dalalkii qaaradda iyo Qarammada Midoobayba way u taag waayeen. Xaaladdaas ayaa cid kasta ku fekersiisay in loo baahan yahay in dhiig cusub lagu shubo ururka, aakhirkiina ururkii midnimada Afrika waa laga takhallusay waxana lagu beddelay Midawga Afrika.
Ururkii Midnimada ilaa Midawga Afrika
Kolkii Midawgii Soofiyeed burburay, reer galbeedkiia gacan sarreeyay ayaa qaabeeyay nidaamka caalamiga ah iyo waayaha heer gobol. Dabadeed jewigaa is beddelay ayaa dood iyo muran ka dhaliyay gudaha qaaradda. Halkaana waxa ku dhashay Baaqii magaalada Sirta (Liibiya) oo jawaab u ahaa jahawareerkii dhacay, isla markaana la isku wada waafaqay in ururkii jiray ee Ururkii Midnimada Afrika meesha laga saaro oo magac iyo hayb cusub loo yeelo. Sannaddii 2001 ayaa la dejiyay, markaa, Axdiga Midawga Afrika, sannad ka dibna dhaqangal buu noqday, sidaas ayuuna ku beddelay kii ka horreeyay, isaga oo astaan ka dhigtay in hayaankii Afrika iyo higsigii la sii wado oo laga niibkeeno in wax laga qabto caqabadaha taagan, isdhexgalka qaaraddana la majiiro.
Falsafaddii ururku way is beddeshay, waxana yimi su’aalo kale oo la xiriira isdhexgalka gudaha, koruqaadista horumarka waara, iyo tiirarka nabadda, amniga iyo xasilloonida, iyo abuuridda duruufaha u roon in qaaraddu kaalinteeda isbeddel ka ciyaarto saaxadda caalamka. In qaaraddu dareen ka lahaato arrimaha siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqameed, oo ay ugu adeegto dadkeeda reer Afrika, si weliba sugaysa in qaaraddu ka gudubto xuduudaha dhuleed ee ay ku eg tahay.
Falsafaddii ururku maaddaama ay is beddeshay, waxa sidoo kale ballaadhay qaabdhismeedkiisii, waxana soo kordhay habab hor leh, sida Shirweynaha Madaxda Dawladaha iyo Xukuumadaha oo noqday jaangooyaha jahada uu ururku u kacayo, isaga oo isla markaa xoojinaya udubdhexaadnimada Guddoonka Midawga oo beddelay Xoghayntii Guud. Waxa sidoo kale la asaasay Barlamaanka Midawga Afrika, iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka oo loogu talagalay in dadku ay si buuxda uga qaybqaataan horumarka iyo isdhexgalka. Waxa sidoo kale soo kordhay haayado cusub iyo kuwo shaqo gaar ah loo igmo, sida Maxkamadda Caddaaladda ee Midawga, haayado maaliyadeed iyo wakaalado latalineed.
Heer hawlgelineed marka laga eego, isdhexgalka dhaqaale ayaa dabar asaasi ah u ah iskaashiga Afrika, si loo xaqiijyo iskaashi iyo isgarabsi, walow horumarka laga sameeyay uu gaabis yahay taasina ay su’aal gelinayso Ficilkii Afrika laga sugayay. Si ficil loogu rogo, waxa la isla qaatay asaasidda Aagga Ganacsi ee Cashuurta ka Caaggan ee Heer Qaaradeed, oo ay ku lammaan yihiin in la samaysto kastamyo mid ah, suuq keli ah, bangi dhexe, iyo lacag la wadaago.
Amniga iyo xasilloonida, oo meesha ficilku ka bilaabmo ah, ku ma xidhna uun hawsha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika oo laga soo dheegtay Golaha Ammaanka ee QM, ee sidoo kale waa falsafad guud oo hawlgal oo Midawgu ku shaqeeyo si xasillooni iyo iskaashi loo suurageliyo waxna looga wada qabto caqabadaha amni, oo khilaafyada loo wada maareeyo, isla markaana loo farageliyo meeshii qaaradda ay dhiillo ka soo yeedho. Waxa ka mid ah Hawlgalkii Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo lagu beddelay mid kumeelgaar ah (ATMIS), oo xoogga saaraya in uu dawladda Soomaaliyeed ka caawiyo ciidankeedana ugu tababbarro si nabadda iyo xasilloonida ay u hanato, hawlgallada dadnimo ee soconaya ay gacan siiso. Waxa kale oo ka mid ahaa Hawlgalkii Wadajirka ahaa ee Midawga Afrika iyo Qarammada Midoobay ee Daarfuur (oo loo yaqaan UNAMID), oo ay labada dhinac isugu tageen sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa degaanka Daarfuur.
Waxay u muuqataa in caqabadaha sii adkaanayaa ay qasab ka dhigeen in qaababkan la sameeyo, taas oo keentay in baaqyo la soo saaro oo lagu baaqo in wax laga beddelo haayadaha Midawga. Guddi ballaadhan baa la diray, si ay wax uga beddesho, waxana faaqidaad dheer ka dib la isla qaatay in dib loo eego qaabaysanka oo hore loo dhigo isdhexgalka. Dabadeed Madaxweynaha Ruwaanda, Baawl Kagaame, ayaa loo saaray in uu horkaco qorshaha dibuhabaynta. Qorshaha waxa xataa ku jiray in dib loo eego haayadaha iyo wakaaladaha jira shaqadooda si looga adkaado in ay fadhiid noqdaan, loona kobciyo madaxbannaanidooda maaliyadeed. Balse dedaalladan waxa wiiqay caqabado badan, taas oo keentay in hoggaankii la beddelo oo Madaxweynaha Kiiniya, Wilyam Ruuto ayaa kala wareegay xilkaas Madaxweyne Kagaame.
Hawsha Afrika: Siyaasad iyo Dhaqaale
Dibucusboonaysiinta Midawgu higsiyo iyo himilooyin hor leh ayay keentay, oo ah in dib loo dhooba-qaado seeskii isdhexgalka, iskaashiga iyo ka-wada-shaqaynta dhammaan dhinacyada jira. Mana ahayn arrin ku kooban fekerkii Mucammad Qaddaafi madaxiisa ka bixi la’aa ee uu weligii daacadda u ahaa, ee ahaa in la abuuro dawlad ay Afrika oo dhami ku midaysan tahay. Sidoo kale ma ahayn in la canjilayo Midawga Yurub. Waxa se xaalku ahaa in tallaabada la sii wado si isbeddelkaa qaabdhismeedka ku socdaa u joogtaysmi lahaa, iyadoo loo toog haynayo wixii caqabado ah ee yimaadda.
Iskaashiga siyaasadeed wuxuu horsed u ahaa wacyigashiga Midawga. “Higsiga 2063” wuxuu ku baaqayaa “Afrikada aynu rabno” oo ah mashruuc hammi sare ku dhisan. Waxa ka mid ah qorshe konton sannadood ah oo ah xaqiijinta Afrika midaysan, is dhexgashay, oo xasilloon.
Waa run in natiijada labaatameeyadaa sannadood ee u danbeeyay la soo wadey ka soo baxday ay xaddidan tahay, iyadoon looba tegin carqaladaha ku dhex naaxay nidaamka gudihiisa ee dhuuxa u galay. Hasayeeshee waxa hubaal ah in waxaas oo dhan la iska hilmaamayo marka la fiirsho geeddi-socodka iyo dhiska loogu dhabar-adaygayo caqabadaha. Waxa kale oo hubaal ah in ficilka Afriki u uku xaddidan yahay filashooyinka iyo yididdiilada dadweynaha, iyo culayska isudheellitirka qorshayaasha iyo hadafyada aan la jaanqaadayn waxa ilaa hadda waaqica ka suuroobay.
Weliba waxa intaa dheer, dalalka qaaraddu waxay ku walfeen in ay ka dhabeeyaan riyada wadajirka Afrika. Taasi waxay Midawga Afrika daruuri kaga dhigtay in uu jidkii Qarammada Midoobay ku daydo, oo uu isha ku hayo dhammaan arrimaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, isaga oo aan iskuba sii weynayn caqabadaha dhab ahaan haysta eel eh fadhiidnimada iyo fulin la’aanta go’aannada ururka. Taasna waxa ka marag kacday sida ay u kooban yihiin isbeddelladan la sheegi karo ee haayadaha ururka ku dhacay. Sannadihii u danbeeyay, waxa isa soo tarayay qaddiyadda ah “hirkii labaad ee xoroobidda dalalka Afrika,” oo ku aroorta himilada ficilka Afrika. Waxaynu gaar ahaan arkaynay afgenbiyada dhawaanahan sidii tusba furmay safka uga maray dalalka mandiqadda Saaxil. Arrimahani waxay dib u soo celiyeen masalooyinkii la xidhiidhay amar-ku-taaglaynta, baratanka, iyo isku-sandullaynta ajandayaasha shisheeyaha, iyaga oo aan soo afjarin masalooyinkii la xidhiidhay daciifnimada haayadaha Midawga iyo hoosudhaca mashruucii isdhexgalka qaaradda, taas oo mar kale ka marag kacaysa in halkudhegyada iyo niyaddu aanay keligood ku fillayn in la gaadho isdhexgal iyo ficil wadajir ah.
“Maalinta Afrika” waxay beddeshay “Maalintii Xorriyadda Afrika,” isbeddelladii gude iyo debadba ka dhacayayna waxay “Ururkii Midnimada Afrika” ku qasbay in uu u xuubsiibto “Midawga Afrika.” Laakiin rejadu weli sidii ay bay ugu takhlan tahay in la helo Afrika barwaaqawday, xasilloon, oo lagu soo hirto. Isbeddelladan hadda socda iyo xuska asaaskii ururka dartood, miyaanay waqtigeedii ahayn in aynu higsigii ficilka Afrika dib u noolaynno inaga oo neef iyo nolol cusub ku afuufanaysa?