Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Somaliland iyo 13-ka Noofambar

9 November, 2024
Image
Somaliland
Sawirka: LUIS TATO/AFP via Getty Images
Share

Jamhuuriyaddda Somaliland waxa 13-ka Noofambar ka qabsoomi doonta doorashada madaxweynannimada iyo doorashada ururrada, doorashadan oo sannado ka dib dhacday wakhtigeedii saxda ahaa. Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha hadda, ayaa u tartamaya shan sanno oo kale in uu xilka madaxweynannimo helo, iyada oo hadda uun laga gudbayo muddo dalku galay hubanti la’aan, dadweynaha dalka ku dhaqanina quus ku dhawaadeen.

In kasta oo Somaliland weli raadinayso aqoonsi caalami ah, haddana waxa ay qaadday tallaabooyin muhiim ah, iyada oo samaysay mid ka mid ah nidaamyada dimuqraaddiyadeed ee ugu tayada sarreeya Bariga Afrika, laga soo bilaabo markii ay Somaliland madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991-kii. Doorashadani waa doorashadii afaraad ee madaxtooyo, Somaliland-na waxa ay ka heshay sumcad wanaagsan. Doorashooyinkii hore xisbiyadu si nabad ah ayaa ay ula kala wareegeen awoodda.

Doorashadan madaxtooyada iyo ururrada ee bishan Noofambar waxa saamayn ku yeelan doona doorashadii isa saarka ahayd ee baarlamaanka iyo dawladaha hoose ee sannadkii 2021-kii, kolkaas oo xibul xaakimka Kulmiye helay kuraas ka yar inta ay heleen mucaaridka Waddani iyo Ucid.

In kasta oo dedaallo badan jireen, haddana hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ma ahayn mid bilaa caqabbado ah, gaar ahaan sannadihii u dambeeyey. Muddo-xileedka Muuse Biixi waxa uu ku ekaa 2022-kii, madaxweynuhuna muddo-dhaafkan waxa uu ku sababeeyey muranka ka taagan muddaynta doorashada ururrada iyo doorashada madaxtooyada iyo ta soo horraynaysa, hase ahaatee, xisbiyada mucaaridku waxa ay ku tuhmeen in uu isku dayayo in uu muddada ku korodhsado. Kulanno dhawr ah oo la isku afgaran waayay, ugu dambayn Golaha Guurtida ayaa madaxweynaha ugu daray laba sano, iyaguna 5 sano korodhsaday.

Dibadbaxayaal ka soo horjeeday muddodhaafka doorashadii 2022-kii waxa xoog ku maquuniyey ciidamada, waxaana ku dhintay shan qof, dad badan oo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Falkani waxa uu cambaar ku noqday sumcaddii wanaagsanayd ee Somaliland iyo deggenaanshihii jiray. Soddonkii sano ee u dambeeyey, Somaliland waxa ay dhidibbada u taagtay hannaan dhibaatooyinka jira laga tashado, si hoosena loo xalliyo, habkan ayaana suurogaliyey in khilaafyo hore oo doorasho la xalliyo.

Bilawgii 2024-kii, Guurtidu waxa ay ansixisay sharci cusub oo doorashada ah, oo oggolaanaya in doorashada ururrada iyo doorashada madaxtooyada la isa saaro markii u horraysay taariikhda Somaliland, doorashadana waxa loo muddeeyey 13-ka Noofambar 2024-ka. Xisbiyada mucaaridku waa ay aqbaleen sharciga cusub, waxaanay u arkeen tallaabo hore loogu qaaday doorashada.

Dhaqankii Somaliland ka jiray ee ahaa in dhibaatooyinka iyo tabashooyinka si deggan oo nabdoon loo xalliyo waxa gilgilay gacanta kulul ee xukuumadda Muuse Biixi kala hortagtay dadkii ku dibadbaxay Laascaanood. Waxa dhacdadaas ku dhintay wax ku dhow labaatan qof oo dibadbaxayaal ahaa 20-kii Diisambar ee 2022-kii, waxaana ka dhashay in hoggaamiyayaasha dhaqanka ee gobolkaasi bishii Feebarweri ku dhawaaqaan in aanay Somaliland ka sii mid ahaan doonin, Federaalka Soomaaliyana ku biireen, oo ay samaysanayaan maamul-goboleedka SSC-Khaatumo. Dagaalka ayaa sii baahay, iska hor imaad ciidan ayaanay la galeen xukuumadda Somaliland, waana dagaal sahayday boqolaal dad ah, kuna barakaceen dad lagu qiyaasay 185 kun.

Somaliland waxa ay ku suntanayd muddo badan ka hortagga in kooxaha argagixisada ahi cago soo dhigaan dhulkeeda. Falanqeeyayaasha amnigu waxa ay walaac ka muujiyeen in kooxaha al-Shabaab iyo Dawladda Islaamku ka faa’idaysan karaan qalalaasaha ka dhacay Sool, gaar ahaan kooxda Dawladda Islaamka (Daacish) oo xarumo ku leh Puntland. Marka la eego aagga istiraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo, nabadgalyada Somaliland waxa ay saamayn ku leedahay nabadgalyada gobolka. Mudda uu Muuse Biixi joogay, weriyayaal badan ayaa cagajuglayn iyo xadhigba waajahay, iyaga oo ku mutaystay wararka ay soo gudbiyeen, waxa kale oo xukuumadda Muuse Biixi xannibtay diwaangelinta warbaahin cusub.

Isafgaradka ay Somaliland bilawgii 2024-ka la gaadhay Itoobiya, oo ah in dawladdan bilaa badda ah bad laga kireeyo, waxa uu mustaqbalka Somaliland ee siyaasadeed iyo dhaqaaleba ku yeelan karaa saamayn aad u weyn. Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaaraysay tallaabadan, oo weli ku doodaysa in Somaliland qayb ka tahay. Sidoo kale isafgaradkani waa mid saamayn ku leh doorashooyinka socda.

Somaliland oo hadda dib ugu soo dhacday jidka doorashooyinka, waxa ku waajib ah in ay sii laba jibbaarto tallaabooyinkeedii siyaasadeed iyo nabadgalyo ee soddonka sano soo wadday, si ay uga midha dhaliso dedaalladii muddadaas soo socday.

 

 

Waxa ka soo turjumay xarunta Africa Center For Strategic Studies Maxamuud Bulxan