Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Feker

Milan Kundera: Kaftanka iyo Lagaaddada

26 June, 2024
Image
Kundera
Sawirka: Francois Lochon/Gamma-Rapho/Getty Images
Share

Bishii Diseenbar 1968, qoraa dhallinyaro ah oo reer Czech ah ayaa goob-qubays (sauna) ku taalla dacalka Webiga Vltava kula kulmay saddex qoraa oo reer Laatiin Ameerika ah.: Gabriel García Márquez, Julio Cortázar iyo Carlos Fuentes, kuwaas oo Prague u yimi casuumaad ay ka heleen midowga qoraayada reer Czech. Waxay u yimaaddeen si ay indhahooda ugu arkaan wixii halkaa ka dhacayey, ka dib cabbudhintii Sofiyeetka ee gugii hore. Qoraaga dhiggooda ah ee reer Czech waa Milan Kundera. Kundera, dhawr bilood ka hor ayuu Fuentes wuxuu kula kulmay Baariis, wuxuuna u sheegay in sida keliya ee reer Czech lagu taageeri karaa ay tahay in loo soo booqdo sidii oo aanay Raashiyaanku joogin. Hasayeeshee wuxuu ka codsaday in kulanku ka dhaco goob-qubays, taas oo markii danbe uu Fuentes ku sharraxay “in ay ka mid ahayd meelaha farakutiriska ah ee gidaarradu aanay dhego lahayn”—sababta oo ah Raashiyaanka iyo basaasiintooduba meel walba way joogeen.

Waxaa jirta dhacdo si banyaal ah uga muuqata sheekada The Joke, oo ah sheeko qurux badan oo Kundera ku lafaguray mawduuca noloshiisa oo dhan werwerka ku hayn doona: halganka uu insaanku kaga soo horjeedo awoodda, nooc kasta oo ay tahay, oo ujeeddadeedu tahay in xoriyadda lagaga xayuubiyo insaanka. Dhawr bilood ka dib, García Márquez wuxuu ka warhelay in noofalkiisa One Hundred Years of Solitude uu buug kale oo Kundera qoray kula tartamayey billadda la siiyo buugaagta ajaaniibta ah ee Faransiiska ugu wanaagsan. Wuxuu jeclaan lahaa in qoraaga reer Czech la guddoonsiiyo: “Keenadiid mayaladag oo markii hore dhibaatooyinka dalkiisa noogu sharraxay goob heerkulkeedu, 120 darajo ka sarreeyo heerka eberka [120°C], markii danbana eber ka hoosaysa 20 derajo [-20°C].” Maxaa yeelay, gidaarradu dhego ayay leeyihiin!

Sheekada Joke waxay ka sheekaynaysaa wiil yar oo dagaalyahan ah oo shuuci ah, oo warqad ku qoraya kaftan, dabadeed weedhahaas kooban ee golakafuulka ahi ay galaafanayaan noloshiisa oo dhan. Kundera wuxuu had iyo jeeraale ka werwersanaa sifada maskaxeed ee kelitaliska: duullaanka iyo burburinta nolosha gaarka ah ee dadka—haa, derbiyada wax dhegaysanaya—walaacaasna wuxuu ku muujiyey fahankiisa ashqaraarka ah ee Kafka, balse marka waxaas oo dhan laga soo tago, wuxuu aad uga welwelsanaa xidhiidhka aynu la leennahay kaftanka iyo lagaaddada. Fagaarayaasha aan laga oggolayn kaftanka ee lagu xajiimoodo lagaaddada, keliya uma arkayn kuwo aan loo baahnayn e, waxay la ahaayeen meelo aad u halis badan. Mid ka mid ah erayada ugu xun ee qaamuuskiisa shakhsiga ah ku jiraa waa eray tilmaame ah oo uu sameeyey Rabelais, “agélaste”, kaas oo micnihiisu yahay “qofka aan aqoon sida loo qoslo.” Waxa ugu weyn ee aragagaxa ku ridi jirayna wuxuu ahaa akhrinta kaftan la’aanta ah ee noofalladiisa, mar kastana wuxuu rumaysnaa aragtidii Octavio Paz ee ahayd in kaftanku, ama ugu yaraan kaftankii uu horumariyey Miguel de Cervantes, uu yahay halabuurka ugu weyn ee xilligan casriga ah la hindisay.

Kundera wuxuu qoray noofeello badan oo aan akhriskooda wado, waxaanna ku raaxaystaa garashadiisa toolmoon iyo kaftankiisa debecsan (taas oo, dabcan ah, shaqo indheergarad), balse waxqabadyadiisa mala’awaalka ah oo dhami uma dhigmi karaan curisyadiisa saddexlayda ah: The Art of the Novel, Testaments Betrayed iyo The Curtain. Waa baadhitaan noofaliiste oo ka hadlaya halka sheekadu kaga jirto adduunkeenna, oo waxaan ka badnayn saddex magac ayaan ka xasuusan karaa gebi ahaanba sooyaalka fankan la khalad fahmay, kuwaas oo igu reebay feker hagaagsan iyo aqoon wanaagsanba, marka laga tago Milan Kundera.

Sannado badan uu ku noolaa dareen gaar ah oo ka baxsan adduunka, dabcan, kana qarsoonaa. Iminka waa geeriyooday, inaga oo buugaagtiisa ka barannay, si kale oo wax loo akhriyana waxaa laga yaabaa inaynu xasuusanno, sida uu u jeclaa weedhii Gustave Flaubert ee ahayd “halabuurku waa inuu ku guulaystaa in jiilasha danbe aaminaan in aanu gebi ahaanba noolayn.” Ma garanayo inuu si dhab ah isugu dayayey inuu halkudhiggaa dabbaqo iyo in kale, balse waa innagan, akhristayaashiisii, oo geeridiisa ka murugaysani. 

***

Waxa soo turjumay Saxardiid Axmed