Thursday 21 November 2024
Waxaan aaminsanahay wax ku qoriddayda afka Kikuuyada, af Kiiniyaan ah, af Afrikaan ah, in uu qayb iyo gobol ka yahay halgannada imbiriyaaliyaddiidka ah ee dadka Kiiniyaanka iyo Afrikaanka.
—Guugi wa Tiyaango
Buugga "Decolonising the Mind", waxa qoray akadeemiga, noofalistaha iyo naaqidka suugaaneed ee reer Kiinya ee Guugi wa Tiyaango. Guugi waxa uu buuggan ku faaqiday doodda uu ku shaacbaxay ee "gumaysi-ka-bixinta luuqadaha." Guugi, waxa uu lafaguray jirrooyinka haysta suugaanta Afrika, taas oo ay ugu weyn tahay in suugaantaasi ku dhigan tahay luuqadaha gumaystaha. Guugi, waxa uu waxbarashada dugsiga bilaabay waagii uu KiinIya haystay isticmaarkii Ingiriisku. Waxa uu ka warramay waayo'aragnimadii uu la soo maray luuqadda Ingiriisiga iyo sida ay dalka Kiinya hal mar oo keli ah isugu rogtay luuqad waxbarasho. Guugi waxa uu tibaaxay waagii uu waxbarashada dhiganayey in luuqadda Kikuuyada wax lagu baran jiray, se mar danbe oo ku beegan gu'gii 1952 ayaa Ingiriisida laga dhigay in ay noqoto luuqadda waxbarashada ee rasmiga ah. Guugi waxa uu sheegay in ay danbi ahayd in la arko arday dugsiga agagaarkiisa ku hadlaya afka Kikuuyada. Haddii la arko waxa uu la kulmi jiray ciqaab darran. Markii Ingiriisidu noqotay luuqad waxbarasho, waxa kale oo ay noqotay luuqad qiime korran joogta. Waxay noqotay cabbirka caqli badnaanta iyo awoodda fanka, cilmiga iyo dhammaan qaybaha kale ee aqoonta (bogga 12). Luuqadda Ingiriisida waxa laga sarreysiiyey maaddooyinkii kale oo waxa la gaadhsiiyey heer la qiimo tiro ardayga dhibco hoose keena imtixaanka Ingiriisida, si kasta oo uu ugu fiican yahay maaddooyinka kale. Guugi oo arrinkan ka warramaya waxa uu qoray, "dabshidkii 1954 waxaan xasuustaa wiil aan isku fasal ahayn, kaas oo maaddooyinka kale oo dhan derajo fiican keenay, marka laga reebo Ingiriisiga oo uu dhacay. Waxa laga dhigay in uu dhacay imtixaankii oo idil (bogga 12).
Tallaabooyinkan uu isticmaarku samaynayey waxa ay ahaayeen hannaan lagu xoojinayo luuqadda Ingiriisida, taa lidkeedana lagu qiimo tirayo luuqadaha dhaladka ah ee shucuubta Afrika. Waxa ay ahayd xeelad uu gumaystuhu ku caanamaalay, taas oo u sahashay in uu afaf badan ka takhaluso oo uu loxodka ku hubsado. Curiskiisa "Stages of Colonialism in Africa: From Occupation of Land to Occupation of Being", Xuseen Cabdillaahi Bulxan waxa uu ku sheegay in gumaystuhu xididdada u rujiyey dhaqankii iyo soojireennadii Afrika. Waxa uu faaqiday lodkii uu gumaystuhu barbaariyey sida ay nacayb, haaraamid iyo hiifid ugu qaadeen afkoodii iyo ahaanshahoodii. Waxa uu tibaaxay in taasi ahayd gumaysiga afka iyo aqoonsiga. Mudane Bulxan waxa uu qabaa in gumaysigii dhulku isugu biyashubtay mid ahaanshaha abbaaraya. Guugi waxa uu tilmaamay facii wax ku bartay tacliintii gumaystaha in ay ku dhacday wax uu u bixiyey, is waayid gumeysi (colonial alienation/الاغتراب الكولونيالي). Nuxur ahaan waa qof is la' oo ka go'an naftiisa, ahaanshihiisa, dhaxalkiisa iyo afkiisa. Si kale haddii aynu u dhigno oo aynu adeegsanno fahanbixinta aqoonyahanka reer Jabbuuti ee Cabdiraxmaan Good waa in gumaystuhu soosaaray qof aan is qeexi karin, oo haddii uu rabo in uu waayaha nololeed ka xaal warramo u baahan in uu isku qeexo luuqado gumaysi. Sidaa darteed ayuu Good u yidhi, "dhammaanteen waxa aynu nahay natiijo isticmaar."
Guugi, waxa uu tibaaxay luuqad walba in ay leedahay labo dabci oo kala ah; in lagu wadaxidhiidho iyo in ay kaydiso oo xanbaarto dhaqan bulsheed. Waxa uu tusaale u soo qaatay Ingiriisida oo uu tilmaamay in ay dalalka qaar u tahay luuqad lagu wadaxidhiidho. Halka dalalka qaarna ay u tahay luuqad xidhiidh iyo mid dhaqan. Sidaa darteed waxa uu sheegay in afafka Ingiriisiga, Faransiiska, Isbaanishka iyo Burtuqiisku aanay ahayn luuqado Afrikaan. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Afriki leedahay luuqado dhalad ah, oo hal mar wada ah luuqado xidhiidh iyo mid dhaqan. Luuqaddu ma aha oo keli ah agab xidhiidh, waxa kale oo ay tahay agab kaydiya dhaqan, taariikh, xasuus, qiyam iyo falsafad ummadeed. Afka iyo suugaantu waa halka laga raadraaci karo xasuuswadareedda bulsho leedahay. Ummadda afkeeda la rujiyo, waxa la rujiyey oo iilka la dhigay ahaanshaheedii dadeed. Si kooban waxa aynu odhan karnaa waxa la gula kacay, "dadnimatiran bulsheed." Muhiimad weyn ayey leedahay in ummaddu xejisato afkeeda oo ay ku kaydiso aqoonteeda taariikheed, suugaaneed, falsafadeed iyo dhaqan. Qodobkan marka aynu joogno afkaarta Guugi waa innoo lamahuraan.
Guugi wa Tiyaango, waxa uu qabaa godobtii ugu weynayd ee imbiriyaaligu innagaga tagay in ay tahay in uu burburiyey soojireennadii Afrika iyo in uu abuuray qof is la'. Tani waxa ay ka dhigan tahay sabab ka mid ah, sababaha ay Afriki uga soo waaqsan la'dahay eelkii uu gumaystuhu kaga tagay. Sidaa darteed Guugi waxa uu ku tagay in la sameeyo gumaysi-ka-bixid, halka ugu horreysa ee uu ka bilaabanayana waxa uu u tixgeliyey in ay noqoto luuqadda. "Jidka ugu wanaagsan ee caqliga Afrikaanka looga xorrayn karo silsiladda gumaysiga waa in mudnaan la siiyo luuqadaha Afrikaanka", ayuu qorayaa. Dabayaaqadii toddobaatannadii Guugi waxa uu joojiyo in uu wax ku qoro af Ingiriisi, taa lidkeed na waxa uu doorbiday halabuurkiisa faneed iyo suugaaneed in uu ku dhigo afkiisa hooyo ee Kikuuyada. Gu'gii 1980 waxa uu soosaaray sheekafanneeddiisa Kikuuyada ku qoran ee la yidhaahdo Caitaani Mũtharabainī (Devil on the Cross). Kikuuyada waxa uu ku dhigay shaqooyin qoraalleed oo isugu jira; noofallo, masraxiyad, sheekooyin gaagaaban iyo suugaan carruureed. Guugi, in uu waxsoosaarkiisa aqooneed Kikuuyo ku qoro, waxa ay ahayd dadaalladiisii ku aaddanaa gumeysi ka bi'inta suugaanta Afrikaanka. "Suugaanta Afriki waa Yuuroofoon, wuxuun baa akhrin kara qofkii luuqadaha Yurubiyaanka wax ka garanaya", ayuu yidhi isaga oo ka waayo'warramaya halista suugaanta Afriki la daalaadhacayso.
Guugi, waxa uu naqdin kulul u jeediyey suugaanlayda Afrika ee wax ku qora luuqadda gumaystaha. Waxa uu ku waaniyey in ay afkooda aaminaan, wax ku qoraan, oo afkaartooda ku faafiyaan. "Dhammaan indheergaradka qaaraddu kuma wadaxidhiidhi karaan luuqadahooda", ayuu yidhi isaga oo canaananaya. Indheergaradka qaaradda ku abtirsada way xaqiraan luuqadaha Afrika, iyada oo ay lagamamaarmaan tahay in indheergaratadu ku hadlaan waxna ku qoraan afkooda. Idwaard Siciid oo qodobkan muhiimaddiisa innagu baraarujinaya waxa uu qoray, "indheergaradku waa in uu adeegsado isla markaana ku hadlo luuqadda dhaladka ah ee bulshadu leedahay."
Guugi dhammaadkii lixdamaadkii waxa uu hoggaaminayey kacdoon ka dhacay jaamacadda Nayroobi, midkaas oo daaranaa in meesha laga saaro deraasaadka suugaanta Ingiriisiga, beddelkeedana la dhidbo suugaanta Afrikaanka. Buuggiisa curiska afraad ee “The Quest for Relevance" waxa uu ku sharxay sida ay muhim u tahay in hay'adaha waxbarasho ee Afrika ay muqararrada ku daraan suugaanta Afrikaanka iyo sida ay kaalin uga geysan karto suugaan dhalinta Afrika. Guugi hore cod dheer waxa uu ku yidhi, "waleecaad ayaa haysta suugaanta Afrikaanka, taasina waa in suugaantani badankeed ku qoran tayay luuqadaha Yurub."
Mudane Guugi dooddiisa ku aaddan in aan wax lagu qorin luuqadda gumeystaha, si gaar ah af Ingiriisiga, waxa ay si weyn isugu maandhaafeen Jinwaa Ajebbe oo ah aabbaha suugaanta Afrika. Ajebbe waxa uu ku dooday in Ingiriisidu tahay agab dadka caalamka ku nool lagu gaadhsiin karo dhaqanka iyo taariikhda Afrika. Geesta kale Ajebbe waxa uu qabay in luuqadda Ingiriisidu tahay qalab qorayaasha Afrikaanka ka caawinaya in ay helaan aqoonsi caalami ah. Guugi waxa uu soo bandhigay dood taas ka duwan, oo ah in luuqahada Afrikaanku ay yihiin weelka sida dhabta ah u xejin kara dhaqanka iyo ahaanshiyaha Afrika. Waxa uu rumaysnaa Ingiriisida oo mudnaan la siiyo in ay tahay waarinta dhaxalkii gumeystaha iyo in meesha laga saarayo luuqadihii dhaladka ahaa ee Afrika. Sidaa darteed ayuu muhiimad gaar ah u siiyey in uu waxsoosaarkiisa faneed ku dhigo Kikuuyada.
Guugi waxa uu ku dardaarmay in luuqadaha Afrika aqoonta lagu curiyo oo lagu faano. "Haddii aad taqaanno luuqadaha adduunka oo idil, se aadan aqoon luuqaddaada hooyo ama luuqadda dhaqankaaga, taasi waa addoonsi", ayuu yidhi. Dhawr sanno ka hor waraysi la la yeeshayna waxa uu ku yidhi hadal odhanaya, "hadda waxa aan ahay barafasoor jaamacadda Kalafoorniya ka dhiga Ingiriisida iyo is barbardhigga suugaanta, waxa laga yaabaa in aan sannadka danbe hawlgabo. Waxaan wax ku qoraa afkayga hooyo ee Kikuuyada, taasi igama hor istaagin in aan gaadho derajada sidaas u heer sarraysa ee Jaamacadda Kalafoorniya, Ifiriin. Waan ku faraxsanahay, waana ku faanaa in aan Kikuuyo wax ku qoro." Hadalkani waa mid soo ururinaya muhiimadda ay leedahay in qofku afkiisa aamino, oo wax ku qoro, afkaartiisana isaga ku faafiyo. Geesta kalena waxa uu xujo ku yahay qof walba oo aqoon iyo ilbaxnimo ka doona in laga xuubdhacsado jiritaanka ummadnimo.
Afka haddii aan aqoon iyo ilbaxnimo lagu kaydin wuu dabar go'aa. Bulshada aan afkeeda wax ku qorin waxa ay ku danbaysaa sheekada Ibraahin-Hawd falkiyey ee "Ninkii Iska Dhintay." Ninkaasi waxa uu ahaa shakhsi si segegernimo ah u godgalay, way dhici kartaa in ummadi sidaas oo kale maalin uun afkeeda xabaasha lagu hubsado, haddii aysan kobci oo korin oo aysan aqoon ku curin. Afkaarta Guugi ee afka ku saabsan waxa ay xoojinayaan is ahaashaha ummadda. Sidaa darteed waa innoo muhim in aynu daalacanno waxqabadyada suugaaneed ee Guugi.