Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Milicsiga Colaaddii Laascaanood

27 February, 2024
Image
Garaad Jaamac
Garaad Jaamac Garaad Cali oo lagu soo dhaweeyay Laascaanood, Jan. 2023/Warbaahinta Bulshada.
Share

Taariikhdu, siyaasadda Soomaalida kolka ay timaaddo, waa hub halis badan, ayay ku doodeen David Laitin iyo Siciid Sheekh Samatar hordhaca buuggooda “Soomaaliya: qawmiyad qaran baadigoobaysa”. Taariikhayntu waa xasuus abuurid iyo xasuus adeegsi, labaduna mar walba waxay u dhacaan hab siyaasadaysan. Waxa ka dhiga in ay xasuusi noqoto mid hirgasha oo dadka dhaqaajisa, mid kalena tagtada ku abaaddaa ma aha aydhiyoolajiyadda siyaasadeed ee dabada ka riixaysa. Waxa ka dhiga mid hirgashaa waa sida xasuusta siyaasadeed u tahay mid sal ku leh bulshada iyo dhaqanka. Xasuusta Soomaalidu waa mid siyaasadaysan oo sal ku leh qabiilka. Taas oo ka dhigaysa mid aad u qabyaaladaysan oo muran badan dhalisa.

In kastoo ayna kolna habboonayn in qabiilka laga dhigto halbeegga kali ah ee lagu darsayo laguna fahmayo arimaha siyaasadda, waayo waxa ku jira fududaysi fahanka qalloocinaya. Haddana waxa aynu ogsoonnahay in qabyaaladda iyo taariikhaynta qabyaaladaysani ay tahay agab adeygsigeeda uu ka badbadiyay siyaasiga Soomaaliyeed. Colaaddii Laascaanood waxa la siiyay fasiraado dhawr ah, oo aynu u kala qaadi doonno sababta asalka ah iyo qodobbo soo dedejiyay. Gudaha maqaalkan oo aynu dib ugu eegi doonno colaaddii Laascaanood oo hadda sannad iyo dhawr bilood laga joogo, waxa aynu ku tixi doonaa sababo aan ku magacawnay asalka colaadda ka dhigayay mid suurogal ah mar walba, iyo sababo aynu ku sheegi doonno sababaha soo dedajiyay colaadda, kuwan oo isugu jiray siyaasad xumo iyo aktaro deegaanka dibadda ka ah oo uga faa’idaystay in ay maamulka Soomaalilaan iyo dadka deegaanka isku dhuftaan, iyadoo ay u saamaxayso sababtaa aynu ku sheegi doonno asalka colaadda.

          Kala duwanaashaha xasuusta siyaasadeed

Yagleelkii Soomaalilaan waxa uu ahaa mid sal ku leh xasuusta beelo gaar ah oo Soomaalilaan ka soo jeeda. Beelo kale, oo ay ka mid yihiin beelaha Laascaanood deegaanka ku ah, xasuustoodu waa mid aad uga geddisan xasuustaa Soomaalilaan lagu yagleelay. Kala duwanaantan xasuuseed ayaa ah salka colaadda Laascaanood, oo dadka degaannadaasi kolna si buuxda uma ay soo dhawayn goonigoosadka Soomaalilaan. Kala duwanaantaa xasuuseed ayaa ah asalka colaadda Laacaanood, oo markii Soomaalilaan qabsatay Laascaanood dhammaadkii 2007, dadka deegaanku waxay asaaseen jabhado ka dhan ah nidaamka Soomaalilaan. Marar kale oo dhawr ahna in ay nidaam u gaar ah samaystaan ayay¬ isku dayeen. Yagleelkii Buntlaan ee 1998 qayb ayay ka ahaayeen. Sababta Soomaalilaan u saamaxday in ay deegaanka joogto muddadaa ay joogtayna waxaa lagu sheegay kala qaybsanaanta hoggaanka deegaamadaas, ee u kala qaybsanaa hoggaanno kala duwan iyo maleeshiyaadkoodka oo hadba nidaamka iyo halka ay ugu badiso la soo safanayay.

         Maxaa soo dedejiyay colaaddda?

Haddaba haddaynu ku sheegnay qodobkaasi in uu yahay qodobka ka dhigayay colaadda mid mar walba suurtagalinaya, haddana waxaa jiray qodobbo soo dadejiyay colaadda, oo ay ka mid yihiin; nidaamka Soomaalilaan oo ku guuldarraystay in uu iska iibiyo dadka deegaanka, ama ugu yaraan uu ka abuuro xasillooni deegaannada uu ka talinayay. Soomaalilaan muddadii ay joogtay ee qaybo ka mid ah dadka deegaanku u soo dhaweeyeen bal in dhanka horumarka wax laga qabto, waxa la taageeray Jaamacaddii ugu horraysay gobolka oo dadweynuhu asaasteen 2004, (1) dayactirka cusbitaalka guud ee magaalada, jidad magaalada gudaheeda ah iyo xarumaha dawladaha hoose iyo dhexe. Balse, waxa aan lagu guuleysan sugidda amniga deegaanka iyo in la abuuro jawi ay deegaanka kaga hawl gali karaan hay’adaha caalamiga ahi. Deegaannadan waxa ka jiray dilal qorshaysan oo aan la aqoon cidda ka danbaysa, dadka deegaankuna waxa ay ku eedeeyeen maamulka Soomaalilaan in ay iyadu ku lug leedahay ama aanay si waafi ah u daba galin dilalkan. 

       Doorka kooxaha argagaxisada

Waxa lagu daraa in ay qayb ka yihiin qodobbada soo dadejiyay colaaddan kooxaha argagaxisada ah oo fursad u arkay in ay isku dhuftaan dadka deegaanka iyo nidaamka Soomaalilaan oo ay uga dhex faa’idaystaan colaadda ka dhalata in ay xarumo deegaannada waqooyiga ka samaystaan, kooxahan oo dadka sidan ku doodayaa ku eedeeyeen in ay gacan ku leeyihiin dilalka qorshaysan ee ka dhacayay deegaanka. Qodobkan oo xukuumada Soomaalilaan iyo taagerayaasheedu aad u buunbuuninayeen, wax cadayn ah oo dhab ah looma keenin kolka laga tago qofaf beel ahaan dagaalka ugu jira oo kooxaha argagaxisada lala xidhiidhiyo.

         Nidaamka Muuse Biixi

Waxaa sidoo kale ka mid ah qodobbada la xusay, siyaasadda dhibir sanaan la’aanta ku dhisan ee xukuumadda Muuse Biixi, taas oo siyaasaddii isku wadka iyo tanaasulka ku dhisnayd ee nidaamka nugul ee Soomaalilaan lagu waday ka tagtay, oo xoog iyo muquunin xal bidday. Waxa sidoo kale jirta aragti sheegaysa hoggaamiye beeloodyo iyo haldoor kale oo deegaannadan ka soo jeeda ama xidhiidh beeleed la leh dadka deegaanku in ay ka soo shaqeeyeen kala geynta dadka deegaanka iyo maamulka Soomaalilaan, si ay uga xoreeyaan deegaannadooda Soomaalilaan oo taladiisu gacantooda u soo gasho, tan oo ku xidhiidhsan alkumidda maamul goboleedyada tirada badan ee Soomaaliya ka jira ee beelaha iyo deegaannada ku salka leh.

      Sannad ka dib?

Dabayaaqadii Diseenbar 2022 ayay ahayd kolkii ay dilkii Cabdifataax Cabdilaahi Hadraawi ka gadoodeen dadka deegaanku, ee ay isu soo baxyo silmi ah ka sameeyeen Laascaanood, kaas oo qaybaha booliiska Soomaalilaan ay kala hortageen xabbad nool, halkaas oo ay ku nafwaayeen 20 qof, oo ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo qof. Waxa taa xigay shir beeleedkii Garaaddada deegaanka iyo colaaddii horka lahayd ee ka danbaysay. Colaadahan oo kaabayaashii dhaqaale ee magaaladu ku burbureen, kuna qaxeen dad lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 150,000 ilaa 200,000. Dagaalka waxa ku naf waayay dad rayid iyo ciidanba isugu jira. In kasta oo aan tiro rasmi ah la haynin, haddana ila-xogeedyo maamulka SSC-Khaatumo ka ag dhawi waxay noo sheegeen in dhankooda ay ka geeriyoodeen qiyaastii in ka badan 600 oo qof, oo 16% ay rayid yihiin. Dhanka Somaliland oo aannu dhinacyo kala duwan la xidhiidhnay ka maannaan helin xog la xigan karo. Waxa colaadahan ka dhashay naxli qabiileed oo aad u daran, oo aan sannado hadhi doonin, ama qaabayn doono xasuusta siyaasadeed ee jiilasha ku koraya colaaddan.

Dableyda deegaanka iyo beelo kale oo bahwadaag la ahi waxa ay ku guuleysteen in ay magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ka riixaan ciidanka Soomaalilaan 25 Ogosto 2023, iska hor imaadyadii Buqdharkayn iyo deegaannada ku hareeraysan ayaa xigay. Haddaba sannad ka dib bilwogii colaadda; maxaa xigay, maxaana xigi doona?

Waxa xigay Laascaanood oo laga yagleelay maamul deegaan ku dhidibsan libaysi iyo qab; laakiin ah nidaam dhaqaale ahaan daciif ah, oo badanka deegaannada uu sheeganayo in uu matali doono ay taladiisa gacanta ku hayaan labada maamul ee ku hareeraysan ee Soomalilaan iyo Buntlaan. Waxa xiga dhinacyada colaadda oo ku kala mashquulay arrimo ka xasaasisan oo kala culus arrintan. Soomaalilaan waxa hadda ku mudan is’afgaradkii ay Itoobiya la gaadhay iyo murannada dhanka hawada ah ee ka dhashay; murankii doorashooyinka iyo maamulka xilka haya oo weli ka cagajiidaya.. 

Waxa lagu doodi karaa in aanay Soomaalilaan sideedii hore sii ahaan doonin Laascaanood ka dib. Maamulka SSC-Khaatumo ee cusubina aanu aqoonsi federaal heli doonin. Haddii awel ay Hargeysa iyo Xamar, ay iska lusheen, haatanna Hargeysa iyo Laascaanood ay iska laalaadi doonaan. Colaaddu ma dhammaan oo ilaa hadda waa la is dul fadhiyaa, mar walbana waa mid qarxi karta ilaa xal siyaasadeed oo kamadanbays ah laga gaadhayo. Madaxweynaha Soomaalilaan wuxuu xataa ku dhawaaqay in “ciidan madani ah” lagu saarayo furinta Laascaanood—eraygan oo naanays u ah “qabiil-hubayn.” Xalkuna ma aha mid muuqda oo macquulnimadiisu sahlan tahay.

Arrinta Laasacaanood laga ma dhex saari karo duruufta siyaasadda gudeed, iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo dhinac ah, iyo Soomaalilaan iyo dadka degaanka oo dhinac ah, isbeddel kasta oo labadaa qodob ku yimaaddaana wuxu beddeli doonaa xaaladda Laasacaanood, oo u eg in aanay wali dhinac u dhicin.

 

(1). SIXID: Nuqul hore oo maqaalkan ahaa waxa ku jirtay xog khaldan, oo Jaamacadda Nugaal ku sheegaysay in la dhisay intii Soomaalilaan Laascaanood joogtay, balse waxa ay sax ku tahay in 2004 ay dadweynaha degaanku dhisteen ee keliya waqtiyadii danbe la ballaadhiyay.