Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Muxuu Daarran yahay Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Dooxa?

26 July, 2024
Image
مؤتمر المغتربين الصوماليين في الدوحة
Share

Waxa ay muddo saddex cisho ah (22 ilaa 24 Julaay) martigalisey Caasimadda Qadar ee Dooxa, shirka qurbajoogta Soomaaliyeed, shirkan oo qabanqaabadiisa ay lahayd Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaa martigalisay dawladda Qadar, halkudhigiisuna waxa uu ahaa “Jihaynta Awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed Si Loo Gaadho Soomaaliya Bilan oo Barwaaqo ah”.

Shirkani, waxa uu lahaa muhiimado dhawr waji ah; kow, waa markii koowaad oo shir caynkan ah lagu qabto magaalo carbeed, laba, shirka waxa wadata Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Saddex, shirka waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin tiro badan oo ay ugu mudan yihiin Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qadar, afar, xilliga uu ku soo beegmay shirku iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Qadar ee dib u soo noolaaday, ugu danbeyn shirku waxa uu yimid xilli la hadal hayo in ay Qadar wadahadallo u furto Xukuumada Federaalka iyo ururka Al-Shabaab.

Taageeridda Maalgashiga

Shirka waxaa ka qaybgalay in ka badan 250 qof oo isugu jira masuuliyiin iyo shaqsiyaad matalaya qurbajoogta Soomaaliyeed ee daafaha adduunka ku kala nool, waxa uu ahaa mid lagaga arrinsanayay dhinacyo badan oo daarran Waxbarashada, aragtiyaha ganacsiyada cusub, dhaqanka iyo haybta, waxaa intaa dheer oo lagu soo hadal qaaday awooddaynta dhallinyarada iyo taageeridda maalgashiga.

Qurbajoogta Soomaalidu waxa ay door muuqda ka qaataan dhaqaalaha waddanka, iyagoo si ay u taageeraan qoysaskooda soo xawila lacago sanadkii 2018-kii lagu qiyaasay 1.3 bilyan oo doollarka Maraynkanka ah, halka markaas taageerada gargaarka bini’aadantinimo  ayna dhaafsiisneyn 800 oo malyan oo doollar, lacagaha xawilaadaha waxaa ku tiirsan 40% ka mida qoysaska Soomaaliya gudaheeda ku nool. Waxaa xawaaladaha ku hawlan xawilaadda lacagaha Soomaalida ee daafaha dunida ku yaal ka shaqeeya 50 kun oo qof, xawaaladuhu waa habka ugu weyn ee lacagaha la iskugu diro, taas oo ay keentay nidaamka bangiyada ee dalka oo liita.

Waxaa jiray shir kan ka horeeyay oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Arrimaha Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, shirkaas oo ku suntanaa “Shirka Maalgashiga Qurbajoogta” waxa looga gol lahaa in kor loo qaado maalgashiga qurbajoogta oo lagu baraarujiyo fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, shirku waxa uu ka qabsoomay 11 May 2024, magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay Aadam Sheekh Xasan, oo ka mid ahaa ka soo qabybgalayaashii shirka Dooxa, kaas oo sidoo kalena ah la taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta “Waa markii koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibaddu shir isugu yeedho qurbajoogta Soomaalida ah meel ka baxsan dalka, iyadoo sida aan ognahay shirar dhawr ah ugu qabatay Muqdisho, Wasaaraddu danta ay ka leedahay shirarkan waa in lagu guubaabiyo qurbajoogta in ay kaga qaybqaataan dib u dhiska dalka, aqoontooda iyo khibradahay ka dhaxleen muddooyinkay ka soo shaqaynayeen galbeedka.” Waxa uu intaa ku daray isagoo la hadlaya Geeska, “Shirka si daahfuran waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa mawaadiic kala duwan, Dooxana waxaa loogu doortay in shirka lagu qabto, maadaama oo ay tahay magaaladii Carbeed ee u horeysay ee fekrada shirka soo dhawaysa sidoo kalena fududaysa qabsoomida shirka.

Shirku, waxa uu ku soo beegmay xilli uu dalka ku jiro kala guur dhaqaale oo dhawaan waxaa laga cafiyay daymihii dibadda badankoodii, ka dib markii uu ka gudbay shuruudihii deyn cafinta ee hindisaha dalalka fuqurada ah ee aadka u deymaysan (Heavily Indepted Poor Countries), waxaa laga cafiyey Soomaaliya deyn gaadhay 4.5 milyan oo doollar, taas oo ay ka taageerayeen Sanduuqa Lacagaadka Adduunka iyo Bangiga Adduunku, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa xubnaha Golaha Baariis, deyn bixiyayaal ka socda Ururka Iskudubaridka Deyn Bixiyayaasha Carabta iyo qaar kale. Deymaha oo 2022-kii ka ahaa GDP-ga dalka 64% waxaa hoos loogu soo celiyay 2023-kii, 6%.

 Sidaa daraadeed, xukuumada federaalku waxa ay u baahan tahay in ay soo jiidato ilaha maaliyadeed ee dibadda iyo lacagaha qalaad si ay u maalgaliso dhimaalka miisaaniyadda, oo ay u buuxiso shuruuda maalgelin ee ganacsiga dibadda. Maalgashiga dibaddu; waa ilaha ugu muhiimsan ee ay xukuumada federaalku ilo maalyadeed ka hesho sidoo kalena, shaqo abuur lagu sameyn karo, waana waax aad ugu tiirsan qurbajoogta, kuwaas oo kaga qaybqaata maalgelin toos ah iyo iyagoo taageero siyaasadeed uga soo qalqaalliya dalalka ay ku dhaqan yihiin ee reer galbeedka.

Maxaa lagu doortay Dooxa?

Mudadii shirka waxa si gaar ah u kulmay, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan al-Taani, oo ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar iyo dhigiisa Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo isla eegay xidhiidhka wadashaqayn ee labada dal iyo siyaalaha lagu horumarin karo xidhiidhkan. Ra’iisul Wasaaraha Qadar, waxa uu xaqiijiyay in ay dalkiisa ka go’an tahay isgarab taagga Soomaaliya iyo taageerada hay’adaheeda dawliga ah iyo dhammaan dedaalada loogu jiro xasillinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Shirku, waxa uu tilmaan ka bixinayaa koboca xidhiidhka labada dal, xidhiidhkan oo sannadkii koowaad ee la caleema saaray Madaxweyne Xasan Sheekh taagnaa, illaa muddo toban bilood ah ayaan Madaxweyne Xasan Sheekh ka ag wareegin Qadar oo lagu tiriyo dalalka ugu muhiimsan ee saamaynta /farogelinta ku leh Soomaaliya, gaar ahaan muddo xilleedkii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Markii koowaad ee uu tagayna waxa uu u tagay si uu uga qayb qaato shirkii shanaad ee Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya. Booqashadiisii rasmiga ahayd ee koowaad waxa uu Qadar u kicitimay maalmo ka dib markii Itoobbiya heshiis isafgarad ah la saxeexatay Soomaalilaan, horaantii sannadkan, kaas oo Muqdisho ka tirsanayso in uu yahay mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda iyo xuduudaheeda.

Booqashadaa Xasan Sheekh ka dib, way soo bateen kulanada masuuliyiinta labada dal, Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre laba jeer ayuu booqday Qadar muddo sannad ka yar, markii koowaad waxa ay ahayd Sibtembar 2023, markii labaadna waa bishan Julaay ee aan ku jirno, sidoo kale Dooxa waxa ay martigalisay Shir saddexaad oo ay u qabatay dalal la isku yidhaa “Dalalka Asxaabta la ah Soomaaliya” kuwaas oo kala ah Imaaraatka Carabta, Qadar, Turkiga, Maraykanka iyo Soomaaliya, kaas oo qabsoomay Juun 2023-kii.

Haddaba, isbeddelka xidhiidhkan ku yimid ma aha mid laga sooci karo isbeddelada guud ee gobolka iyo Bariga Dhexe ba ka jira, halkaas oo uu imika khafiifay loollankii dawladaha Khaliijka Carabtu, Soomaaliyana waxa ay qayb ka ahayd goobaha loollankaa dawladaha Carabtu ka taagan yahay. Ka dib markii uu guuldaraystay Madaxweynihii hore ee Farmaajo, Dooxi waxa ay dib u qaabayn ku samaysay siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya, oo halkii ay hal dhinac la safan lahayd waxa ay go’aansatay in ay isku dheelitirto dhammaan dhinacyada ku loollamaya siyaasadda Soomaaliya, waxa ayna go’aansatay in ay ku xidho danaheeda dawladda, halkii ay shaqsiyaad kaga sidki lahayd.

Waxaa intaa dheer in ay isku cag dareen masaalixda Qadar ee Geeska Afrika iyo masaaliixda Soomaaliya, oo Qadar waxa ay rabtaa in ay rug ka hesho albaabka koonfureed ee Badda Cas, halkaas oo marin u ah saliidda iyo gaasta ay u dhoofiso Yurub. Sidoo kale, halkaas waxa ay uga dhawaanaysaa oo kala soconaysaa Imaaraatka oo si firfircoon uga hawgala Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Itoobbiya.

Wadahadallada Al-Shabaab

Sannadihii u danbeeyay ka dib markii ay yaraadeen khilaafaadkii dawladaha Carabtu, Dooxi waxa ay ka shaqaysay in ay waji cusub tusto dunida, waxa ay isu dhigtay doorka dhexdhexaadiyaha khilaafaadka caalamiga ah, waana tii ku guuleystay heshiiskii Ameerika kaga baxday Afgaanistaan. Isagoo wajigan cusub hoosta ka xariiqaya, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar waa kii ka sheegay Shirkii Oslo, Juun 2024, ee ay goobjooga ka ahaayeen Raysal Wasaaraha Noorweey iyo Madaxweynaha Soomaaliya ba “Dhexdhexaadintu waa nuxurka mabaadi’da dublamaasiyada iyo iskaashiga caalamiga ah, taas oo loo marayo in muhiimadda la siiyo wadaxidhiidhka iyo xal gaadhista, taas oo ka dhigaysa agab laga maarmaan u ah xallinta khilaafaadka ee loo marayo dhabbada silmiga ah.” 

Markaa uu shirku socday, Wakaaladda wararka ee Qadar waxa ay faafisay, maqaal ay ku xustay, “Dublamaasiyada ku astaysan wadahadalka iyo bini’aadantinimadu waa mid ka go’an dawladda Qadar, taas oo gacan weyn ka geysatay xallinta khilaafaadka gobolka iyo caalamkaba, tan iyo 2008-dii waxa ay ku guulaysatay in ay dhexdhexaadiso 10 qadiyadood oo waaweyn oo isugu jira qaar goboleed iyo kuwa caalami ah, kuwaas oo ay iska taagtay dhan bini’aadantinimo, dawladda Qadar guulo badan ayay ka gaadhay dhanka dhexdhexaadinta”, maqaalku waxa uu diirada saaray muujinta doorka biniaadantinimo ee ay Qadar ka qaadatay taageerada dib u heshiisiinaha ka dhacay ama ka socda Afgaanistaan, Liibiya iyo Soomaaliya.

Sidaa daraadeed, waxaa jirta aaminaad ah in ay Qadar dhiirigelinayso in ay xukuumada federaalku la fadhiisato xarakada Al-Shabaab, iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro colaadaha 17-jirsaday ee labada dhinac, kaas oo ay tobannaan kun oo ruux ku nafwaayeen, kuna dhaawacmeen, oo ay ku burbureen hanti faro badan, colaadahaas oo sidoo kalena caqabad ku ah dib u soo celinta hay’adaha dawladda. Iyadoo laga duulayo tan, waxaa jira warar xidhiidh ka dhaxaysiinaya Shirka qurbajoogta iyo wadahadalka suurtagalka ah, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii uu ka soo noqday shirkii Oslo, ee uu sidoo kale qaybta ka ahaa Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qadar, beeniyay jiritaanka wax wadahadal ah oo lala galayo Al-Shabaab, waxa uu yidhi “Ma jirto wadahadal aan kula jirno Al-Shabaab, maanta wadahadal iyo wax naga dhaxeeyaa ma jiraan weli, dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa in ay walaahawgaa ka baxaan.”

Guuleed Axmed oo cilmibaadhe aan rasmi ahayn ka ah mac’hadka Bariga Dhexe (MEI) ee Waashitoon ku yaallaa, waxa uu bartiisa “X” ku soo qoray in ay xildhibaanad baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan fashilisay wadahadal si sir ah loo qabanqaabiyey oo u dhexeeya xarakada al-Shabaab iyo xukuumada federaalka, taas oo ay ahayd in ay ka qabsoonto Dooxa. Waxaa la sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Tacliintu u direen shirka Dooxa 250 qof, oo qaarkooda lagu sheegay in ay matalayaan xarakada Al-Shabaab, balse loo soo ekaysiiyay qayb ergada ka mid ah, haddana, ka dib markii la ogaaday uu dib u dhacay wadahadalku.”

Dhanka kale, madasha “African Intelligence” waxa ay faafisay warbixin ay ku sheegeen shuruudo saddex ah oo ay xukuumada Soomaaliya ku xidhay in ay ogolaadaan la hadal Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah: in ay xidhiidhka u jaraan ururada argagaxisada ee caalamiga ah, in ay u xidhxidhaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya iyo in ay aqbalaan nabaddu, in ay tahay agabka ugu habboon ee lagu gaadhi karo isbeddel iyo ka qaybgalka siyaasadda. Warbixintu, sidoo kale waxa ay soo jeedisay suurtagalnimada in ay Qadar dhexdhexaadiye ka noqon doonto wadahadalkan, marka la eego khibradda qotoda dheer ee ay u leedahay arrimaha dhexdhexaadinta ee goobaha colaaduhu ka jiraan.

Isagoo arrintan ka jawaabaya, Adaam Sheekh oo ah la taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalku waxa uu sheegay, “Eedaymahaasi waa kuwo bilaa sal ah, waayo fadhiyada shirku waa kuwo ka socda madal furan oo daahfuran, shirku waa mid lagaga hadlayo mawaadiic gaar ah, waana mid leh ujeeddo cad, taas oo ah in looga faa’idaysto kartida qurbajoogta dib u dhiska dalka”

Gunaanadkii, wararka sheegaya in shirka qurbajoogtu daah u yahay wadahadaladda xukuumada federaalka iyo Al-Shabaab waa kuwo bilaa sal ah, haddana, taasi Meesha kama saarayso suurtagalnimada wadahadal ay Qadar dhexdhexaadinayso oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo xukuumada federaalka, balse, waxa ay u eegtahay in aan xukuumada federaalku ka tanaasuli doonin saddexdaa qodob ee warbixinta sare lagu sheegay. Sidoo kale, Dooxa waxa ay uga faa’idaysatay martigelinta shirka qurbajoogta in ay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay nukhbada Soomaalida ee doorka muuqda ka qaata jahaynta siyaasadda Soomaaliya, taas oo ay u suurtagelisay sida ballaadhan ee ay qaybta uga yihiin xukuumada federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo doorka weyn ee ay ku leeyihiin xidhiidhka Soomaaliya la leedahay Ameerika iyo dalalka Yurub, taana waxa aynu ka garan karnaa kulanadii cufnaa ee ka horreeyay shirkii Muqdisho, ee uu Ambaasadoorka Qadar kula kulmay muddo kooban, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Qoraallada kale ee qoraaga