Friday 22 November 2024
Dhab ahaan, bulsha kastaa waxa ay leedahay sallaan iyo jaranjarrooyin u gaar ah oo kooxaha iyo dabaqadaha kala duwan ee bulshadu ku dhex filiqsanyihiin. Sallaanka quudhsiga iyo tix gelinta, koox wal iyo dabaqad wal na heerkeedu waxa uu ku xidhan yahay hadba inta kooxdaasi ka haysato hantida, awoodda ama maamulka. Halkan ayaa uu ka samaysmay ereyga “sharaf” oo sarrayn tilmaamaya. Waa qaabayn bulsho oo ka horraysay ta hantigoosadka, una xidhnayd dabaqadda sare ee hodanka ah, si ay isaga soocaan dabaqadda xoogsatada ee beeralayda iyo farsamayaqaannada ahaa, oo iyaga loo qoondeeyey jaranjarro hoose oo aan maamuus lahayn, lana sharfin. Haddii qof beeralay ahi ku dhiirrado wax ka sheegga dabaqadda sare, waxa ay ka dhignayd in uu gef galay, oo uu isku dhereriyey qof ka sarreeya dabaqad ahaan, maamuuskiisana meel kaga dhacay, sidaas darteed ay tahay in la edbiyo. Markii la soo gaadhay casriga hantigoosadka, oo isagu dabaqado gaar ah leh, waa xilli dunida oo dhammi isla qaadatay sinnaanta bulshada oo idil; rag iyo dumar, oo dastuurka loo siman yahay, kolkaas ayaa uu shiikhay fahankii maamuusku ku dhex lahaa bulshooyinka dabaqadaha ah.
Waddankeena, fahanka sharaftu ma xaddidna, balse macnihiisa meel kale ayaa laga dhex heli karaa. Waa fahanka laga haysto ceebta, gaar ahaan ceebta inantu u soo jiiddo qoyska ama tolka marka ay galmo aan sharci ahayn samayso. Macnaha gabadh sharaf lehi waxa uu ku lammaan yahay gabadh dhawrsan oo aan gogoldhaaf samayn. Si guud, bulshadu jidhka gabadha sharafta kuma xidhaan, balse waxay ku xidhaan ceebta, ceeb qof, qoys ama beelba. Haddii aynnu soo ergaysanno odhaahdii Aristotle ee ahayd: xaabadu dabkay ku awoodaysataa, jidhka gabadhuna waxa uu awood wax burburin karta ku yeeshaa ceebta, marka bulshadan fikirkeeda la eego. Jidhka gabadha ayaa noqon kara ceeb sharafta qoys ama beel dhan baabi’in karta, iyada oo ay aaminsanyihiin in gabadhu abuur ahaan aanay aqoon dhawrsanaanta, ee ay tahay in la ilaaliyo oo laga war hayo.
Ilaa iyo haddana wacyiga Bulshadeena waxa ka dhaadhacsan in galmadu tahay wax u dhigma qafaalasho, oo ah ceeb loo gaystay gabadha iyo tolkeeda, ninka sameeyeyna u ah guul. Waa guul uu ka gaadhay gabadha ogolaatay, oo uu arko qof bahdilan oo ceeb huwan. Sawirkaas dadka maskaxdooda ku jira ayaa dhalinaya dhaleecaynta dadkaasi is weydaarsanayaan, rag iyo dumarba, kuna salaysan galmo iyo jidh gabadh, isuna beddelay ceeb Muran kuma jiro in sawirkaas jidhka gabadha ceeb u arkaa ku arooro dhaqanno soojireen ah iyo diinta oo laga aaminay inay gabadha ka dhigtay ruux kala dhiman caqli iyo diin ahaanba, kol haddii maragga hal nin u dhigmo laba dumar ah iyo nusqaan diimeed sida dhiigagga ay gabadhu yeelato ee caadada iyo dhalmada, iyadoo la ogyahay in Eebbe sidaas gabadha u abuuray, oo aanay eed ku lahayn. Sidoo kale, waa sawir ka yimi marka diintu dheefta gabadhu dhaxalka ka helayso ka dhigtay kala badh inta ninku helayo. Sidoo kale waa sawir ka yimi in diintu gabadha ka dhigtay qof ninka hoos yimaadda, oo uu ku raaxaysto, taas beddelkeedana uu ku biiliyo raalligelintiisa , gabadhana ay tahay in aanay qiran doonisteeda galmo, se ta ninka ay haqabtirto. Bulshooyinkaasi kuma dhaqmaan Qur’aanka oo sinada ka dhigay gef keliya ciqaabtiisu tahay jeedalin, weliba ka dib marka afar markhaati la helo ama nacdalid, ciqaabtaasna uu fulin karo maamul sare, oo aanu shaqo ku lahayn qof ka mid ah qoysku. Xukunkan oo jira, ayaa ay haddana bulshadu, si ka duwan Qur’aanka, gabadha u dishaa ismoodsiis iyo ku-tidhi-ku-teen, qof ka mid ah qoyskuna fuliyaa, waxaana si dadban u dhiirrigelinaya qaanuunka iyo awoodaha bulshada.
Dhaqannada iyo diintu inkasta oo ay yihiin halka uu salka ku hayo sawirka bulshadu jidhka gabadha ay ka haystaan, haddana labadaasi ma fasiri karaan sababta aaminaaddaasi u tahay mid jirta oo firfircoon. Wax kasta oo hadda la sameeyaa, waa wax ka yimi dhaqanno hadda taagan oo jira, haba u muuqdaan wax ka yimi sooyaal hore e, waana wax u baahan u dhugasho. Haddii aynnu sii caddayno, bulshadu aragtida fogaynta gabadha uguma dhaqmaan sababta ah in aragtidaasi dhaqanno hore ka timi ama diintu gabadha sidaas ula dhaqantay, taas beddelkeeda waa aragti dad ku macaashaan, oo ay dan u arkaan awoodaha kala duwan ee bulshada ka dhex jiraa, waana sababta weli ay usii jirto aragtida fogaynta iyo yasidda gabadhu. Awoodda siyaasadeed waxay uga faa’idaysataa in ay bulshada u kala qaybiso laba; rag awooddaasi addoonsato iyo dumar isla raggaasi sii addoonsadaan, sidaas ayaana bulshada si fudud loo maamulaa; in badhba badhka kale sii addoonsado. Waa abuurid dagaal sokeeye oo qarsoon, oo u dhexeeya ninka iyo gabadha, halkii labadaas oo mid ahi taliska kelitaliska ah ay iskaga kor qaadi lahaayeen. Xaaladdani waxa ay dhabaynaysaa in dumarku, iyagoo khasban ama oggol, ka qayb qaataan soo laabashada is addoonsigii. Dumarkaa loo xilsaarayaa barbaarinta ubadka iyo soo saaridda jiilal cusub, laguna ammaanayaa, si siyaasaddaasi u guulaysato. Siyaasaddani waxay caddaataa marka bulshadu kacdo, oo waxa ay awood bidaan ku xadgudubka jidhka dumarka, si ay u yareeyaan ka qaybgalka dumarka ee kacdoonka, iyagoo ugu hanjabaya xadgudub galmo, si ceebi u gaadho qoyska gabadha. Waxa kale oo hoos-u-dhigidda gabadha ka macaasha awoodda diineed, inta u badan wacdigooda, casharradooda iyo TV-yadooda waxa maalgaliya awoodda siyaasadeed, waxaanay ku gunno qaataan jeedinta khudbado hoos u dhigaya gabadha, oo muujinaya in gabadhu keliya tahay warshad wax dhasha ninkuna ku raaxaysto. Waxa ay si qayaxan carrabka ugu ballaadhiyaan raaxada ninku galmada ka helo.
Dhinaca kale, awoodda dhaqaale ayaa ka macaashta hoos-u-dhigidda gabadha, sababtoo ah waxa u suurogalaya inay siiyaan mushahar aad u hooseeya. Markan, intaan la gaadhin ka faa’idaysiga galmo ee dumarka loo gaysto, gabadha waxa looga faa’idaysanayaa dhaqaale ahaan, waxaana laga hor istaagayaa xuquuqda shaqaalaha. Waxa kale oo jira awood isu xilsaartay ilaalinta dhaqanka bulshada iyo soo noolaynta hiddihii hore, awooddanina waa ka mid awoodaha ka faa’ida aragtida fogaynta ee gabadha.
Dil-sharafeedka iyo tirtiridda ceebtu waa isbahaysi awoodahaasi isku bahaysteen in duullaan lagu qaado jidhka gabadha. Ma aha xadgudub qof keligii gaysto, bulsho dhan oo awoodihii kala duwanaa wadata ayaa gala. Awoodda siyaasadeed oo marka horeba siyaasadda xoogtay, kana dhigatay awood ay bulshada ku dhacdo, awoodda diineed, awoodda dhaqaale iyo xitaa awoodda sharci oo dhan wada ah ayaa gala dambiyada gabadha laga galo jidhkeeda. Dhammaan waxa ay ka macaashaan in gabadha laga dhigo qof maangaaban, waxba qaban karin, loogu talagalay in lagu raaxaysto, una baahan ilaalinta ninka, dhinaca kalena ah qof dhabarka ku sidata sharaftii qoys ama beel, oo ah ceeb socota.
Awoodahaasi siday gabadha u bahdileen si la mid ah ayay raggana u bahdileen, oo waxa ay u xilsaareen in ceebta gabadhu soo jiiddo ay tahay in ay iyagu maydhaan, haddii aanay samayna ceebtaasi weligood dul joogayso. Qofka dil sharafeedka gaysanayaa kama duwana dambiga uu is leeyahay tir. Dadka dhabta ah ee gaysanayaa se waa bulsho dhan iyo awoodaheeda kala duwan.
waxaa laga soo turjumay madasha Alawan.