Tuesday 19 November 2024
Ilaa hadda waxa Geeska Afrika ka taagan saamaynta khilaafkii ka dhashay is afgaradkii qabsoomay bishii koowaad ee sannadkankaas oo u dhexeeyey Itoobbiya iyo Soomaalilaan . Heshiiskan, Soomaalilaan waxa ay Itoobbiya u ballanqaadday in ay siinayso dhul ay saldhig ciidan ka dhisato, oo dhinac walba u ah 20 kiiloomitir, kuna yaalla xeebta Soomaalilaan. Sida ay sheegeen masuuliyiinta xukuumadu taas beddelkeeda, Itoobbiya waxa ay ballanqaadday in ay aqoonsanayso Soomaalilaan.
Sagaal bilood ka dib, is afgaradkan waxa khilaafkiisa cirka ku sii shareeray go’aanno ay gaadheen dalal ka baxsan Geeska Afrika, sida heshiiska nabadgalyo ee ay Masar la saxeexatay Soomaaliya.. Heshiiskan ayaa dhigaya in Masar ciidamo iyo hub gayso Soomaaliya. Dufcaddii koowaad ee hubkaas waxa uu Soomaaliya soo gaadhay 27-kii Ogos. Faragelinta dalal kale oo kaalin ka qaata nabadgalyada Geeska Afrika, waxa ay tusaale cad u tahay sida siyaasadaha iyo diblumaasiyadda dalalka awoodda dhexe lehi xasarad uga abuuri karaan gobol nabdoon, iyada oo khalad yar oo dhacaa is maandhaaf weyn dhalin karo.
Sannadkii 2018-kii, Itoobbiya iyo Soomaaliya waxa u furmay bog cusub oo xidhiidho wanaagsan ah, oo qayb ka ahaa dadaallo Raysalwasaaraha Itoobbiya, Abiy Axmed, ku fulinayey in uu dalalka gobolka isbahaysi kula sameeyo. Is afgaradka cusub ee Itoobbiya iyo Soomaalilaanwaxa uu hor istaagay xidhiidhkaa wanaagsanaa, isafgaradkan oo madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay in uu meel-ka-dhac ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya. Soomaaliya habab kala duwan ayaa ay uga falcelisay is afgaradkan. Hadal uu jeediyey Xasan Sheekh Maxamuud, Itoobbiya waxa uu ku tilmaamay mid ka mid ah cadawyadaugu waaweyn ee ay Soomaaliya leedahay, isaga oo la simay xarakada al-Shabaab. Sida oo kale, madaxweynuhu waxa uu saxeexay xeer burinaya is afgaradkan. Sagaalkii bilood ee ka dambeeyey is afgaradkan, waxa cirka isku shareeray hadallada xanafta leh ee ay Soomaaliya ku hayso Soomaalilaan, madaxweynaha Soomaaliyana waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u koray burinta heshiiskan iyo in uu olole diblumaasiyadeed bilaabo, balse, is afgaradkaasi weli meesha kama bixin. Soomaalilaaniyo Itoobbiya na waxa ay bilaabeen xoojinta xidhiidhkooda, is dhaafsiga safiirro, tababar ciidan iyo kulanno hoggaamiyayaasha ah.
Muddadaas sagaalka bilood ah, dalal kale ayaa qaaday tallaabooyin raad ku sii yeeshay xaaladdii ka taagnayd gobolka. Bishii Feebarwari, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa shaaciyey iskaashiamni oo muddada dheer ah. Heshiiskanay labada dal kala saxeedeen ayaa quseeya iskaashi difaac iyo dhaqaale oo ujeedkiisu tahay in Soomaaliya loo horumariyo awooddeeda la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee laga sameeyo xuduuddeeda badeed, muranna kuma jiro in uu lid ku yahay is afgaradka Itoobbiya iyoSoomaalilaan, oo uu curyaaminayo koboca awoodda Itoobbiya ee badda. Ka dib markii dhacay heshiiskani is Soomaalilaan waxa ay Turkiga uga digtay in uu ciidamo keeno baddeeda, hase ahaatee, bishii Julaay, baarlamaanka Turkigu waxa uu ansixiyey in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya. Marka laga yimaaddo is afgaradkan, Turkigu waxa uu soo bandhigay awooddiisa siyaasadeed, waxaanu martigeliyey wadahadal Soomaaliya iyo Itoobbiya sameeyaan, oo uu codsaday Abiy Axmed. Wadahadalkaas Ankara wax guul ah lagama gaadhin.
Laga soo bilaabo bishii Jeenawari, Masar waxa ay si cad uga hor timi is afgaradka Itoobbiya iyo Soomaalilaan. Madaxweynaha Masar, Cabdifataax al-Siisi, oo hadalka u dhigaya in uu danaha Soomaaliya ilaalinayo, ayaa shaaciyey in “Masar marnaba aanay oggolaanayn wax kasta oo duullaan ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, ama saameyn ku leh nabadgalyadeeda”. Ka dib saxeexii is afgaradka ee Itoobbiya iyoSoomaalilaan , Masar waxa ay casuumad heersare ah u fidisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kulankanna waxa qayb ka ahaa masuuliyiin sare oo dawladda Masar ka tirsan iyo masuuliyiin ka socda Jaamacadda Carabta. Laga soo bilaabo xilligaas, al-Siisi waxa uu isu taagay difaacidda Soomaaliya, dedaalladaasna waxa ka mid ahaa is afgaradkii bishii Ogos ay Soomaaliya iyo Masar kala saxeexdeen.
Waxa jiri kara sababo dhawr ah oo fasir u noqon kara sababta Masar u xoojinayso xidhiidhka Soomaaliya. Tusaale ahaan wadaagga diinta Islaamka, in labada dal ka wada tirsanyihiin Jaamacadda Carabta, dedaalka Masar ugu jirto in ay Soomaaliya ka kaalmayso dagaalka ay argagixisada kula jirto iyo ilaalinta nabadgalyada Gacanka Cadmeed oo leh fursado ganacsi. Sababahan ka sokow, sababta u weyn ee ay Masar ka leedahay xoojinta xidhiidhka Soomaaliya waa in ay colaad weyn u muujiso Itoobbiya. Masar iyo Itoobbiya oo ka mid ah awoodaha millatari iyo dhaqaale ee qaaradda Afrika, khilaaf weyn ayaa ka dhex taagnaa laga soo bilaabo sannadkii 2011-kii, xilligaas oo Itoobbiya bilawday dhismaha biyo-xidheenka Niilka. Inkasta oo ay Itoobbiya ku doodayso in biyo-xidheenkani dalkeeda u noqonayo il dhaqaale iyo horumar, haddana Masar waxa ay ku adkaysanaysaa in biyo-xidheenku halis gelinayo nolosha beeralayda Masar, oo kaalin weyn ugu jira dhaqaalaha Masar, sidoo kalena yaraynayo qulqulka biyaha webiga. Walaw ay jireen wadahadallo dhawr ah oo labada dal loo qabtay, haddana wax natiijo ah lagama gaadhin, sababtan ayaa Masar ku riixday in ay raadiso hab kale oo ay Itoobiya cadaadis ku saarto. Khilaafkaas hore oo taagan, kowdii September, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu sheegay in ay Golaha Ammaan u gudbiyeen walaaca ay ka qabaan dardargalinta Itoobbiya ee biyo-xidheenka, oo ay bilawday wejigii shanaad ee dhammaystirkiisa.
Xaaladahan oo gobolka ka taagan, Xarakada al-Shabaab waa ay xoogaysatay, waxaanay halis ku tahay dhammaan dalalka gobolka Inkasta oo uu Xasan Sheekh Maxamuud 2022-kii ku dhawaaqay cidhibtirka al-Shabaab, haddana xarakadu waxa ay samaysay dib isu qaabayn, horumar badanna waa ay gaadhay wixii ka dambeeyey is afgaradkii Itoobbiya iyo Soomaalilaan. Xogaha qaar ayaa sheegaya in kooxdu lacago badan samaysay, ciidan badanna qoratay, si gaar ahna, dadka Itoobbiya neceb uga faa’idaysatay. Bishii Febarwari, kooxdu waxa ay weerartay saldhig Imaaraadku ku lahaa gobolka, bishii xigtayna waxa ay weerareen saldhigyo ciidan oo Soomaaliya ku leedahay Shabeellada Hoose. Bishii Juun, sirdoonka Maraykanku waxa ay sheegeen in ay ogaadeen wadahadal dhexmaray Xuutiyiinta Yaman iyo kooxda al-Shabaab, oo ay ka wada hadleen is dhaafsiga hubka. Bishii Ogos, kooxda al-Shabaab waxa ay 32 qof ku dishay qarax ay ka gaysatay xeebta Liido ee Muqdisho.
Xilligani waxa uu kusoo beegmay iyada oo uu hawgalkii caalamiga ahaa ee la dagaallanka al-Shabaab, oo ay mataayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee Midawga Afrika, uu dhammaadyahay, oo ay Soomaaliya ka bixi doonaan. Waxa jirta soo jeedin ah in ciidamo kale oo nabad ilaalin ah lagu beddelo, kuwaas oo Soomaaliya ka hawgali doona bisha koowaad ee 2025-kii, waxaana la sugayaa in Midawga Afrika ansixiyo bisha Noofambar. Itoobbiya waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay la dagaallanka al-Shabaab, saddex kun oo ciidan Itoobbiyaan ah ayaa qayb ka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midawga Afrika , waxa kale oo jira 5,700 ciidamo Itoobbiyaan ah oo Soomaaliya garab ka siiya arrimaha nabadgalyada. Kaalintaas Itoobbiya ka sokow, Soomaaliya waxa ay codsatay Itoobbiya in aanay ka qaybgelin Ciidamada Nabad Ilaalinta u iman doona Soomaaliya, waxaanay ballanqaadday in ay ciidamada Itoobbiya eryi doonto, haddii aanay Itoobbiya ka noqon is afgaradka ay Soomaalilaanla gaadhay. Dhinaca kale, Masar waxa ay qorshaynaysaa in ay shan kun oo ciidan kaga qayb qaadato Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya la gayn doono, waxa kale oo ay Soomaaliya u diraysaa ciidamo kale oo shan kun.
Go’aankani waxa uu dhabarjab weyn ku yahay ciidamada Itoobbiyaanka ee sannado badan nafta usoo huray ilaalinta nabadgalyada gobolka. Dhinaca kale, Masar waa u fursad ay ku xoojinayso awooddeeda gobolka iyo cadaadis ay saarto Itoobbiya. Sidoo kale, khilaafkan gobolka ka taagani waxa uu halis ku yahay Hawlgalka Nabad Ilaalin ee la qorshaynayo in Midawga Afrika la horgeeyo. Haddaba, baahida loo qabo iskaashi dhexmara Itoobbiya, Masar, Soomaaliya iyo Soomaalilaan waxa uu dardargelinaya la dagaallanka argagaxisida, iskaashigaas oo meesha ka baxaana waxa uu wiiqayaa dagaalka lagu la jiro, waxaanu al-Shabaab u suurogalinayaa in ay fursad ka hesho dhinacyada is haya oo ay dadaalladeeda khalkhal gelinta nabadgelyada Geeska Afrika dardar geliso.
Mustaqbalka dhow, xasaradda ka taagan gobolku waxa ay madmadow gelinaysaa mustaqbalka is afgaradka Itoobbiya iyo Soomaalilaan. Itoobbiya waxa ay isku biimaysay in ay heshiis la saxeexato dawlad aan la aqoonsanayn. Inkasta oo faa’idada maalgashigani dhinac walba u sarreeyo, oo ganacsiga gobolku kor u kacayo, la na adkaynayo nabadgalyada Gacanka Cadan, Itoobbiya iyo Soomaalilaan, mid walibana, ku faanayo, waxa muuqata in aanay Itoobbiya ka noqon karin go’aankeeda ah in ay bad hesho. Abiy Amxed oo dagaallo gudeed ka jira, gaar ahaan deegaanka Amxaarada, sannado ka horna si xun u maareeyey dagaalkii Tigrayga, haddana Abiy waxa ka go’an in Itoobbiya bad hesho, ciidamo badeedna uu dhiso. Kol haddii uu cadaadis badan kala kulmay dhinacyo kala duwan is afgaradka Soomaalilaan awgii, Abiy waxa uu isku dayi doonaa in uu raadiyo qaab kale oo uu ku helo higsigaas badda, sida soo jeedintii u dambaysay ee Jabuuti, oo ahayd in Jabuuti Itoobbiya siin doonto dekad cusub oo ay wax kala soo dagto iyo marin ganacsi oo cusub. Dhinaca kale, dadka taageersan is afgaradka ee dhinaca Soomaalilaan waxa ku waajib ah in ay u fikiraan si istiraatiiji ah, oo ay si qotodheer u abla’ableeyaan beddelka ay ka helayaan halista ku gadaaman in Itoobbiya bad la siiyo, waana in isha lagu hayo wadahadallada loo ballansanyahay ee Turkiga ka qabsoomi doona.
Haddii Itoobbiya, Soomaaliya iyo Masar sidan ku sii socdaan, waxa mustaqbalka dhow dhici doona in ciidamada Itoobbiya iyo kuwa Masar isku hor fadhiyi doonaan xuduudka Soomaaliya iyo Itoobbiya; Itoobbiyaanka oo gudaha ugu jira dhulkooda iyo ciidamada Masar oo qayb ka ah nabad ilaalinta Soomaaliya AUSOM. Is hor fadhiga ciidamadaasi waxa uu halis ku yahay khilaafka ugu yar ee ka dhex dhalan kara, oo sababi kara dagaal gobolka ka dhaca. Haddiiba Masar iyo Itoobbiya dagaal galaanna, waxa aynnu sawiran karnaa in Geeska Afrika hoy u noqdo dagaal wakaaladeed oo awoodaha waaweyn ee dunida kala matalaya, sida dagaalka hadda ka socda Suudaan.
Daggannaansho la’aan Geeska Afrika ka qarxaa waxa uu ballaadhin doonaa awoodda al-Shabaab ku leedahay Geeska Afrika. Kooxdani waxa ay ka faa’idaysatay sagaalkii bilood ee khilaafku taagnaa, si guudna kala wareegga hawlgallada Nabad Ilaalinta Midawga Afrika markasta waxa ay al-Shabaab u ahaayeen xilliyo ay ka faa’idaysato. Sida lagu xusay warbixinta ururka aan dawliga ahayn ee Xogaha Jabhadaha Hubaysan, sagaalkii bilood ee sannadkan waxa dhacay 127 weerar oo ay kooxda al-Shabaab dad shicib ah ku bartilmaameedsatay, waxaanay dishay 187 qof. Sannadkan waxa kale oo kordhay dedaalka kooxda ee ciidamaynta, oo sida la sheegay, al-Shabaab uga faa’idaysatay is afgaradka Soomaalilaan iyo Itoobbiya. Iyada oo uu jiro khilaafka ka dhexeeyo Itoobbiya, Masar iyo Soomaaliya, waxa adkaan doona kala wareejinta Hawgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee Midawga Afrika. Waxa intaas dheer, haddii laga reebo hawgalka soo socda Itoobbiya, oo khibrad weyn u leh la dagaallanka al-Shabaab, waxa maqnaan doonta xeelad weyn oo lagu wiiqi lahaa al-Shabaab. Al-Shabaab oo awood weyn leh, xidhiidhna la yeelata Xuutiyiinta Yaman, xilli dalalkii gobolku aanay wax heshiis ah gaadhin, waxa ay halis amni ku tahay dalalka dunida oo dhan, haddii aan si wanaagsan loomaaraynna waxa ay cawaaqib daran ku yeelan doontaa dunida oo dhan.
Inkasta oo ismaandhaafka hadda taagani aad u daran yahay, haddana in dhibaatada la sii kordhiyaa waajib maaha. Itoobbiya, Masar iyo Soomaaliyaba waa ay ka laaban karaan xasarad abuurka iyo hadalka xanafta leh, waana suuragal in wadahadallada Ankara guulaystaan. Dhinaca kalena, waa la sii wadi karaa is afgaradka Soomaalilaan iyo Itoobbiya oo faa’idooyin dhawr ah u leh dhammaan dhinacyada, balse dhinacyada maalgashiga Geeska samaynaya waxa ku waajibaya in ay fiiro dheer u lahaadaan sida wax u socdaan. Inkasta oo madaxda dalalkan wadaaga juquraafiga siyaasadeed ay dhinacyo badan isku khilaafsanyihiin, haddana waxa ay wadaagaan hal wax; dhammaantood waa madax raba in ay fursad ay ku hantiyaan gacanta sare ee dagaalka loogu jiro maamulka iyo awoodda, xilli nidaamka caalamiga ah hashkadaynayo, cadaadis weynna la kulmayo.
Ugu dambayn, iskaashi la’aanta dalalka gobolku waxa uu lumin doonaa fursado badan. In gobolka nabad lagu soo dabbaalo, lana xaddido weerrarada badan ee ay argagaxisadu wadaan, lana cidhibtiro halista ku gadaaman cuntada iyo tamarta (xilli cimiladu is beddelayso), lagana faa’idaysto fursadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee Badda Cas, dhammaan waa wax ku tiirsan iskaashi dalalka gobolka dhexmara, waana waxyaabo ku lumaya is colaadintooda.
Tobankii sanno ee u dambeeyey dunida oo dhan waxa taagnayd saamaynta siyaasadaha dawladaha awoodda dhexe leh, xaaladda Geeska Afrika ka taaganina ma aha middii u horraysay nooceeda, haddana gobolku waxa uu tusaale cad u yahay goobaha qaabkan cusubi ka shaqayn karo, dagaal lagu riiqmana ka ridi karo, waa haddii aan si wanaagsan loo maarayn.
Waxaa laga soo turjumay golaha The Atlantic Council.